Skip to main content

Thursday 19 September 2024

Siyaasad

Doorashooyinka 2024 loo ballansan yahay Afrika

7 June, 2024
Image
Doorasho
Sawirka: Borin
Share

Sannadkan 2024 waxa meelo badan oo Afrika ah looga ballansan yahay doorashooyin heer qaran. Ugu yaraan dhawr iyo toban dawladood ayay codkooda ka dhiibanayaan in ka badan 160 milyan oo codbixiye. Haddana hayaanka dimuqraadiyadaynta qaaradda weli fari ka ma qodna.

Bishii Meey 29, 2024, Koonfur Afrika waxa ka dhacday doorasho laga yaabo in ay taariikhda cusub ee waddanka beddesho; 52 xisbi ayaa ku tartamay 400 oo kursi oo Barlamaanka yaalla oo ay kala saarayaan 15,600,000 oo cidbixiye, oo tiradii codayn kartey ka ahayd 58.6% keli ah. Waa markii kowaad ee tan iyo intii taliskii midabtakoorka laga takhallusay badhtamihii 1990nadii ee xisbiga talada intaas hayay ee ANC uu helo cod ka yar kalabadh, taas oo ku kellifaysa in uu xisbiyada soo baxay ee kale gorgortan la furo si ay xukuumad wadaag ah u soo wada dhisaan.

Qaaradda Afrika, oo sannadihii u danbeeyay ay ka dhacayeen in dalal badani u guuraan nidaamka xisbiyada badan iyo dimuqraadiyadda xorta ah, waxa dhanka kale barbar socday inqilaabyo iyo dibindaabyo siyaasadeed oo kale oo wiiqaya dedaalka dimuqraadiyoobidda. Sahan ay horraantii 2024 samaysay xarunta Afrometer ayaa lagu ogaaday haddii la isu barbardhigo dimuqraaddiyad iyo nidaam kale, ay 66% dadweynaha reer Afriki doorbidayaan dimuqraadiyadda (iyadoo 75% ka mid ahi ay waafaqsan yihiin in madaxda sanduuqa codbixinta lagu diro ama lagu doorto), balse madaxdoodu ay hagrato.

Sannadkan 2024 inta ka hadhay, waxa la rejaynayaa in ay doorashooyinku ka qabsoomaan degaannadan Afrika ku filqisan:

  1. Muritaaniya waxa Aqalka Sare ee Barlamaanka iyo Madaxtooyadaba loo codayn doonaa Juun 29 (haddii wareegga kowaad lagu kala bixi waayo, waxa wareeg labaad Madaxtooyada loo qabanayaa Julaay 14).

  2. Ruwaanda waxa Madaxtooyada iyo Barlamaankaba codbixintooda loo dareeri doonaa Julaay 15.

  3. Aljeeriya waxa talagalku yahay in madaxweynaha iyo barlamaankaba doorashadooda laga dhigo Sibteembar 7.

  4. Oktoobar sagaalkeeda waxa loo ballansan yahay doorashada Madaxtooyada, Barlamaanka, iyo Golayaasha Degaanka ee Musambiig.

  5. Isla dalka Jaad, Golaha Shacabka iyo Golayaasha Degaanka ayaa bisha Oktoobar la soo dooran doonaa.

  6. Sida oo kale, Botiswaana ayaa qorshuhu yahay in isla Oktoobar ay ka qabsoonto doorashada Golaha Shacabka iyo Golayaasha Degaanka.

  7. Waxa isla bishaa Oktoobar lagu wadaa in Tuunis looga dareero doorasho Madaxweyne.

  8. Soomaalilaan ayaa doorasho jiitantay, iyadana looga ballansan yahay Nofeenbar 13. 

  9. Isla Nofeenbar waxa Golaha Shacabka iyo Madaxtooyada dalka Namiibiyi ay gelayaan doorasho.

  10. Dalka Gini Bisaw ayaa isagana Madaxweynaha doorashadiisa loo dareeri doonaa Nofeenbar.

  11. Diseenbar dharaarta ay 7 tahay waxa loo ballansan yahay doorashada Golaha Shacabka iyo Madaxtooyada ee Gaana.

  12. Sidoo kale, Soodaanta Koonfureed oo tan iyo intii ay Soodaan ka go’day Meey 2011 aan isbeddel ku dhicin Madaxtooyadeeda ayaa lagu wadaa in bisha Diseenbar loo qabto doorasho madaxweyne. 

  13. Waxa iyaguna aan weli la cayimin, laakiin sannadkan dabayaaqadiisa lagu wadaa in ay doorashooyin ka dhacaan dalalka Kaabo Ferdi (oo Golaha Degaanka ah), iyo madaxweynannimada Maali (oo bishii Febraayo dib looga soo riixay) iyo Moorishas.

Bilihii ina soo dhaafay ee 2024 waxa doorashooyin isugu jira Madaxtooyo iyo Barlamaanba ay ka qasboomeen dalalka Komoroos, Madagaskar, Sinigaal, Jaad, iyo Koonfur Afrika. Ayaandarro se waxay tahay, doorashooyinkan qaarkoodna qabsoomeen kuwana loo ballansan yahay, kalabadh ka mid ah ayaa lagu qiyaasayaa in aanay natiijo filanwaa ahi ka soo baxayn oo la iska sii og yahay, maaddaama nadaamku u samaysan yahay in cidda mindida daabkeeda haysaa ay “ku shushubato.” Tusaale u qaado Jaad oo wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Idris Debi oo la dilay, talada xoog ku sii haystay geeridii aabbihii ka dib, uu isugu dhawaaqay in uu guulaystay; iyo Komoroos oo madaxweynaha jooga loogu dhawaaqay in markii afraad uu guulaystay, taas oo bannaanbaxyo dhalisay dadkuna ay ka gedoodeen.

Afrika waxa doorashooyinka kaga baxa qarash ka badan midka ay ku bixiyaan dalalka Yurub, Ameerikada Waqooyi iyo Ustaraaliya. Waxana taas lala xidhiidhin karaa sababta keenta in dadweynuhu ka sii niyadjabyo hannaanka doorashooyinka. Tusaale ahaan, sannadkii 2023 waxa la qiyaasay in tirada reer Afrika ee aan doonayn in ay codayso, isla markaana ka dhabaysay sidaasi, ay u korodhay 24.7%, iyadoo sannadkii 2001 ahayd 18.2%. Xogtan haddii la barbardhigo jidka dheer ee adag ee qaaraddu u soo martay hirgelinta nadaamka dimuqraadiyadaynta, waxa muuqanaya tacabkhasaar. Tusaale ahaan, sida ay diiwaangeliyeen cilmibaadhayaasha Jaimie Bleck iyo Nicolas Van de Walle, intii u dhexaysay 1990 ilaa 2015 waxa Afrika ka qabsoomay qiyaastii 400 oo doorasho oo la isu jilbadhigay si weynna loogu tartamay (saddex dal oo keli ah ayaa muddadaa aanay wax doorasho heer qaran ahi ka dhicin: Soomaaliya, Eratariya iyo Iswaasilaan), taas oo ah tiro yididdiilo leh marka la barbardhigo muddadii u dhexaysay 1985-89 oo qaaradda dhan ay ka dhaceen sagaal doorasho oo keli ahi!

Caqabadaha dDmuqraadiyadda Afrika

Haddaba, maxay yihiin caqabadaha dimuqraaddiyadda qaaradda, gaar ahaan dhanka doorashooyinka, hor gudbani? Maxadka Deraasadaha Amnigu sida uu baahiyay badhtamihii Meey 2024, 55% dadweynaha Afrika ayaa la qiyaasayaa in aanay kalsooni ku qabin guddiyada doorashooyinka, taasina waa caqabadda ugu weyn ee hor taalla geeddisocodka hagaagga siyaasadeed ee qaaradda. Warbixintaa Maxadku waxay ku talinaysaa in la ballaadhiyo fursadaha ay guddiyada hawsha codbixinta maamulkeeda qaabbilsani ku noqon karaan kuwo madax bannaan oo aan gunno iyo go’aan toona ka sugin cidda madaxnimada joogta. Si loo sugo madaxbannaanidoodana, waa in tusaale ahaan lagu daydo dalka Musambiig oo xeerka doorashooyinku jidaynayo in xisbiyadu metelaad siman ku yeeshaan xubnaha guddiga doorashooyinka. Soomaalilaan, oo ah degaanka keli ah ee Soomaaliyeed ee tan iyo 2002 ay dadweynihiisu doorasho toos ah u dareerayeen, waxa ka jira xeer u dhow kaas Mosambiiq oo saddexda xisbiba min xubin bay ku leeyihiin guddiga doorashooyinka; laakiin mushkiladdu waxay ka dhacday in qofka madaxweynaha ahi uu gaarkiisa u soo magacaabo labo xubnood oo kale, iyadoo Guuritada—oo sida Akademiga Nabadda iyo Horumarka ee Soomaalilaan uu sheegay lagu tiriyo “in ay hadba madaxweynaha jooga la saf tahay—ayaa iyaduna labada xubnood ee kale keena. Haddiiba tuhunka Guurtida loo kaadiyo, waxa dheelli ugu filan madaxweynaha oo saddex xubnood (mid xisbigiisa ah iyo labo Madaxtooyada ah) keensanaya, iyo isaga oo awood u leh in uu celin karo labada xubnood ee mucaaradka uga yimaadda.

Waxa qaaradda u dan ah in laga dhabeeyo doorashooyin dhaafsiisan qarash baxa iyo qaxar dhasha oo lagu kala calool go’o. Micnaha dimuqraadiyaddu waa in dadweynaha la awoodsiiyo oo uu isagu xaakinka noqdo, isla markaana dantiisa loogu adeego. Doorashadu ma aha hadaf iskeed loo higsado ee waa jid loo maro yoolka weyn ee ah xaqiijinta badhaadhaha ummadeed iyo dhaqdhaqidda hoggaanka dalka.

Qoraallada kale ee qoraaga