Friday 22 November 2024
“Asalkaba, dagaalka loogu ma qasbana sida nabadda loogu qasban yahay,” misana intaa wuu dhacaa. Maxaa keena, sidee baa se loola tacaali karaa? ayuu qoraalkan ku eegayaa Saxardiid Axmed.
Sida ay inoogu badan yihiin dagaalladu iyo sida baadhistoodu inoogu yar tahay isma laha. Qormadan waxaynu ku eegaynaa saddex su’aalood oo sees u ah guud ahaan falsafadda dagaalka: waa maxay dagaalku? Maxaa sababa dagaalka? Waa maxay xidhiidhka ka dhexeeya dabeecadda insaanka iyo dagaalku?
Dadku waa dagaal u joog e, waxaa la yidhi oday Soomaaliyeed oo sakaraadkii nafta la saranseersan ayaa inammadiisii damceen inay ka furaan toorridii uu isku difaaci jiray, dabadeed, odaygii inta uu iska qabtay gacantii wiilkiisa ayuu wayddiiyey: goorma ayuu ina rag nabday? Dhinaca kalana, Niccolò Machiavelli—filasoofar, taariikhyahan, gabyaa iyo siyaasigii reer Talyaani—wuxuu buuggiisa The Prince, cutubkiisa Lixaad, isku wayddiinayaa, “Sababtee ayay ku dhacday in dhammaan nebiyadii hubaysnaa ay guulaysteen, nebiyadii aan hubaysnayna u guuldarraysteen?”
Bilowgii nolosha ayuu dagaalku bilaabmay, wuxuuna ka dhex dhashay loollanka sharka iyo khayrka—kuwaas oo ah tiirarka uu kownku ku taagan yahay. Haba kala duwanaadeen asbaabaha uu u dhacaa e, waxyaalaha ugu waaweyn ee shidaaliya waxaa ka mid ah caddaaladdarrada iyo dulmiga. Badiyaana waxaa foodda isla gala dad tirsanaya tabasho iyo kuwo laga tabanayo—ama tuhun la xidhiidha in midkood maaggan yahay inuu geysto gaboodfallo, oo kuwa dagaallamaa ku sheegaan isdifaac. Sida la garan karana dagaalladu waa jirayaan inta dadku jiro oo dad la aragyaaba, dagaal la arag. Ujeedka ugu weyn ee dagaalku looga gol leeyahay waa samatabbax. Waa sababta dagaallada adduunka badankood loogu sheego “guul ama geeri.” Badiyaana goobta dagaalka waxaa libin kala hoyata cidda nafhurka ugu badan bixisa. Abbaanduulayaashu waxay dagaalyahannada ku amraan oo maskaxdooda ku beeraan in dagaalkani yahay koodii ugu danbeeyey, si ay u kelya’adaygaan oo aanay baqacararin.
Waa la isku maandhaafsan yahay qeexitaannada dagaalka oo badiyaa qeexitaankiisu kama madhna aragtida qofka qeexaya. Maadaama oo uu asalkaba yahay qaddiyad falsafadeed iyo bulsheed oo la xidhiidha cidda dagaallamaysa. Sida laga dheehan karo buugaagta ka warrama sooyaalka dagaallada, labada dhinac ee dirirayaa midna ma aammisana inuu khaldan yahay oo labaduba gar bay sheegtaan. Si kastaba ha ahaatee, taariikhyahankii iyo siyaasigii Daanishka ahaa ee Hugo Grotius (1583-1645) wuxuu ku qeexay in dagaalku yahay xaaladda u dhaxaysa laba dhinac oo loollamaya. Filasoofarkii Ingiriiska ahaa ee Thomas Hobbes (1588—1679) wuxuu ku sheegay dabeecad oo waa xaalad xitaa haddii aan hawlgallo furimaha la iskaga hor imanayaa aanay jirin taagan, marba haddii uu jiro wax lagu hirdamayaa. Sarkaalkii reer Prussia ee Karl von Clausewitz oo ka mid ahaa dadka looga danbeeyo istaraatiijiyadda meliterigu wuxuu ku dooday in dagaalku yahay, weji kale oo siyaasaddu leedahay. Aragtiyihiisa la xidhiidha dagaalka ee ugu caansan waxaa ka mid ah: uurada dagaalka (“fog of war”) oo ah jahawareerka iyo hubanti la’aanta la soo gudboonaata abbaanduulayaasha dagaalka, xilliga lagu jiro dagaalka. Aristotalna waa kii lahaa: “waa inaynu dagaallanaa si aynu nabad ugu noolaanno.” Waxaa jira dad badan oo aammisan in nabadda lagu ilaaliyo caarada qoriga iyo cudud ciidan. Mar kasta oo hubka aad haysataa batana waa mar kasta oo lagaa haybadaysto. Sidaas waxaynu ka barannay baalasha taariikhda oo adduunka ma soo marin ilbaxnimo aan cudud ciidan ku taagnayn. Sidaa lidkeedna, ilbaxnimo kasta oo dulmi iyo caddaaladdaro ku suntanayd oo aan dagaal lagu dumin ma jirto, mana jiri doonto.
Hadraawina waa kii ku maansooday:
“Inta qaran dhiskiisiyo
Dhidibkiisu taagnaa
Dheeraad nin dooniyo
Nin ku dhega xaqiisoo
Dhacsanaayey baa jiray”.
Dagaalku iskii uma xuma. Mar kastana uma taagna xumaan. Waa mid ka mid ah agabyada inaga caawiya inaynu noolaanno. Waxaynu odhan karnaaba waa dheellitiraha kownka. Waxaa lagu majaxaabiyey nin kasta oo sallaan dheer u baxay.
Guud ahaan, adduunka waxaa dagaallada ka aloosa waxyaalaha dabeeciga ah ee kownka xidhiidhka la leh: dhulka, hawada, biyaha, dabka, meerayaasha iyo xiddigaha. Si gaar ahna, dagaallada ugu badan waxaa sababa hirdanka khayraadka dabeeciga ah iyo maamulkooda oo colaadahu waxay asalkaba dabada ku hayaan dano dhaqaale oo sida la wada og yahay sinnaan la’aan badani ka jirto.
Dagaallo badan oo gilgilay dunida waxay dabada ku hayeen dano dhaqaale. Sida ay ku doodaan aqoonyahanno badani, danaha dhaqaale waa qodobka koowaad ee shidaaliya 80% dagaallada adduunka. Sidoo kale dagaallo badan oo adduunka ka aloosan oo ujeeddooyin kale lagu sheego waa kuwo dhaqaale salka ku haya. Tusaale ahaan, dagaallada la xidhiidha diimaha, isirka, iyo qaramada ee ka taagan meelo badan oo caalamka ahi waxay dabada ku hayaan dano dhaqaale oo la kala riixanayo. Had iyo jeerna waxaa laba kala ah yoolka dhabta ah ee dagaalka iyo yoolka dagaalyahannada iyo dablayaasha lagu dagaalgelinayo. Yoolka koowaad waa sir oo waxaa keliya oo og hoggaamiyayaasha iyo abbaanduulayaasha sarsare ee dagaalka. Dadka dhibbanayaasha u noqdaana waxay badiyaa ku hadaaqaan intii loo laqimay. Maadaama dagaalku la xidhiidho xaalad nafsiyadeedna, abbaanduulayaasha iyo hoggaamiyayaasha dagaalku waxay ka faa’idaystaan dareenka dadka oo judha ugu horraysaba waxay abbaaraan oo khalkhaliyaan garashada qofka. Sababahaa daraaddood ayay codad kala geddisan oo dhiillo xanbaarsan ugu kiciyaan, furimaha dagaalkana ku geeyaan. Waa sababta suugaanta gubaabada ahi ay uga saamayn badan tahay hadalka tiraabta ah, maadaama suugaantu ay si degdeg ah ula falgasho dareennada dadka.
Noocyada dagaalka waxaa loo qaybiyaa shan qaybood oo waaweyn, kuwaas oo wax badan wadaaga, wax yarna ku kala geddisan: Dagaalka Xayawaanka; Dagaalkii Badowda; Dagaallada Diimaha; Dagaallada Siyaasadda; Dagaallada Casriga ah; Dagaallada Tiknoolajiyadda.
Dabeecadaha dagaallada dadka iyo kuwa xayawaanku ay ka siman yihiin waxaa ka mid ah: caydhsashada, gabbashada, gaadidda, isqarinta, hareeraynta iyo sahaminta. Balse dadku waxay soo kordhiyeen oo dagaalladooda ku dheeraad ah isqarxinta! Dagaalka Xayawaanka: waa dagaallada dhex mara xayawaanka—marka laga reebo insaanka— ee daaran xuquuq dhulkeed, mid taran iyo mid khayraad, kuwaas oo gebi ahaanba ka madhan aydiyoojiyad iyo mabda’ba. Asalkana waa dagaal la xidhiidh jiritaanka oo yoolkiisa ugu danbeeyaa yahay samatabbax. Xeerkiisa koowaadina waa inaan waxba la xeerin. In kasta oo dagaallada insaanka ee xilligani ay ku dhisan yihiin mabda’yo kala geddisan, bilowgii waxay la mid ahaayeen xayawaannada kale oo waxay u halgami jireen si ay u badbaadaan, quudna u helaan. Dagaal waa dagaal, heer walba ha joogee. Farqiga keliya ee u dhexeeyaana waa magaca. Dagaallada ku salaysan diimuhu waa kuwa ugu halista badan adduunka. Waxaana adag si ay ku dhammaadaan, maadaama ay ka shidaalqaadanayaan aragtiyo muqaddas ah, kuwaas oo si kastaba lamataabtaan u ah! Dadkuna u arkaan cibaado lagu helayo abaalmarin qiime leh.
Maxaa dadka geliya dagaalka? Dad badani waxay qabaan in degaanka, caqiidada, abuurka—saykoolaji ahaa iyo bayoolaji ahaanba—ay dadka ku kellifaan inay dagaal galaan. Qodobbadaa aynu soo sheegnay waxaa ka dhasha dabeecadda qofka oo ah waxa dadka dagaalka geliya. Waxaana la yidhaahdaa dareenka qofka ku riixa dagaalku wuxuu ka soo unkamaa dabeecadda qofka ee la xidhiidha jacaylka xumaanta iyo axmaqnimada iyo guud ahaan jacaylka dagaalka. Waxaa laga yaabaa, laba qof oo isku degaan iyo isku duruuf ah in midi u ololeeyo dagaalka midina ka soo horjeesto. Kala fikir duwanaashahaasi wuxuu ka yimi habdhaqanka qofka. Sida loo heli karo bashar belaayadoon ah ayaa loo heli karaa bulsho beyaaladoon ah. Waxaa jira dood ku aaddan dagaalka oo qabta in qofku doorto in uu dagaal galo, balse doodahaasi cago adag kuma taagna. Sababta oo ah dadka dagaallamaa waxay mar kasta taladooda dagaalka ku dhisaan aragti, aamminaad ama dhacdo oo dadka dagaallamaa waxay badiyaa doorbidaan inay go’aamadooda u helaan marmarsiinyo maangal ah. Asalkana waxaa jira waxyaalo badan oo qofku moodo inuu doortay balse ay ku qasbeen duruufo aan markaa loo jeedin! Doodahaasi waxay la xidhiidhaan falsafadda jiraalka (“existentialism”) ee Jean–Paul Sartre. Dhinaca kale, Plato wuxuu qabaa in kolka garashada iyo caqliga laga hormariyo caaddifadda, uu dagaalku yimaaddo. Qofkana waxaa dagaalka geliya ruuxdiisa oo asalkaba qalqaali noqota. Karl Marx–na wuxuu aammisanaa in dagaalku ka dhex dhasho loollanka dabaqadaha iyo guud ahaan, sinnaan la’aanta khayraadka. Halka Plato uu ka rumaysnaa in dagaalka iyo colaadahu yihiin rabitaan jidheed oo keliya. Aristotalna wuxuu ku dooday in dagaalladu ka dhashaan ciil gadhoodhay oo dabada ku haya caddaaladdaro iyo aano isbiirsaday. Sidaa daraaddeed, dagaalku waa falcelin ka dhalatay uurkutaallooyin gaamuray oo dadka dhex maray.
Sida uu Hobbes ku sharraxay buuggiisa Leviathan, dagaalka iyo isku dhaca shakhsiyaadkaba waxaa sababa saddex dareen oo dabeeci ah: damac, cabsi iyo qab.
1: Damac oo ah dareen rabitaan oo loo qaado walax aanad lahayn ama waa doonista wax cid kale leedahay. Walaxdaas oo isugu isla jeclaado, dadka kalena u quudhi waayo. Sifadan waxaa yeelan kara shakhsi iyo dawlad. Waana sababta dadka ama dawladuhu u raadiyaan dhul ay qabsadaan, khayraad ay la wareegaan iyo waxyaalo ceeriin oo ay dhacaan.
2: Cabsida oo ka dhalata baahida amniga, isla markaana ka shidaalqaadanaysa filashada gardarro kaga timaadda cid kale. Waa difaacashada waxyaalaha uu haysto. Badiyaana qodobkani wuxuu ku qotomaa kalsoonidarrada insaanka iyo xawayaannada kaleba dhex yaalla.
3: Qodobka saddexaad waa qab ama aqoonsi–raadin. Waa dareen waalli ah oo dadka ku qaada inuu muujiyo inuu dadka kale ka sarreeyo. Si ka duwan labadaa horena, qodobkani waa barkumataal aan macne lahayn. Waa kii gabaygii ahaa “Qab qab dhaafay bay laba qabiil qaran ku weydaa.” Doonistaa xun oo asal u ah dabeecadda iinsaanka ayaa ah sababaha keena dagaalka.
Waxyaalaha kale ee dagaallada sababa ama qofka ku qaada waxaa ka mid ah dhaqanka. Dhaqanku waa u lamahuraan habnololeedka dadka. Wuxuu ka dhashaa waaya’aragnimo iyo xeerar muddooyin badan la soo kala dhaxlayey, kuwaas oo ku dhisan caadooyin. Dhaqanku waa waxa soo saara bulshada colaadda jecel iyo tan nabadda jecel. Halkan waxayntu tusaale ka dhigan karnaa dhaqanka Soomaalida iyo colaadda. Dhaqanka xoolaraacatadu waa dhaqan dhiirrigeliya colaadda, halka dhaqamada beeralaydu ay nabadda ka taageeraan. Kala geddisnaantaas waxaa loo aanayn karaa duruufaha labada bulsho ku gedaaman oo marnaba ma aha waxay iyagu doorteen. Badiyaa dirirta dhex marta xoolaraacatadu waxay ka bilaabataa biyaha, baadka—waa labada khayraad ee miyiga ugu muhiimsan e—iyo dhaca xoolaha. In kasta oo bulshooyinkaasi dhigtaan xeerar lagu xakamaynayo colaadaha, misana laguma guulaysto oo xeerarkaasi waa kala dhantaalmaan.
Waxaa xusid mudan in Soomaalida miyigu taqaanay sida ay u xallinayaan xurgufta dhex marta oo waxay halabuuri jireen xeerar ay colaadaha ku xakamaynayaan. Hasayeeshee, xilligan waxaa dhaqankaa dhabqiyey siyaasiinta iyo qurbajoogta oo shidaaliya dagaallada dhex mara Soomaalida. (Doorka ay labadaasi ku leeyihiin dagaallada xilligani waa mawduuc muhiim ah oo ay tahay in la isdultaago). Dhinaca kale, waxaa jira colaado la kala dhaxlo oo waaya badan soo taxnaa. Kuwaas oo dadka dirirayaa aanay ogayn sida uu ku bilaabmay, cidda bilowday iyo waxa lagu dagaallamayo.
Isku soo wada duub oo dagaalka waa doorasho ka timaadda, tagtada, taaganta iyo timaaddada. Aqoonyahannada u kuurgalay falsafadda dagaalku waxay qabaan in dabeecaddu sababto dagaalka. Isla markaana tahay waxa ina geliya dagaalka. Maadaama qofku belaaya-caashaq noqon karo oo cunfi yeelan karo waxaa xaqiiq ah in aan colaadaha la cidhibtiri karin. Balse la dhimi karo, lana xakamayn karo. Waana xaqiiqo aan la iska indhatiri karin oo u baahan in la maareeyo, wax kastaaba ha keeneen e. Asalkana, dagaalka loogu ma qasbana sida nabadda loogu qasban yahay.
Tixraac: Alexander Moseley (2002), A Philosophy of War.