Skip to main content

Monday 20 May 2024

Aragti

Lacagta iyo Sicirbararka

8 May, 2024
Image
Sicirbarar
Sawirka: Tumisu via Pixabay
Share

Qarnigii 17aad, Imbaraadooriyaddii Isbaanishka ayaa u duntay sicirbarar. Sannaddii 1974-kiina Madaxweynihii Maraykanka Gerald Ford, ayaa sicirbararka ku sifeeyey cadowga koowaad ee Maraykanka. Waa weedha ugu caansan dhaqaalaha iyo siyaasadda—waa mid ka mid ah weedhaha ay ku ololeeyaan madaxda u ordaysa kursiga madaxweynannimadu. Laakiin xaqiiqda biya-kama-dhibcaanka ahi waxa ay tahay, in kuwo badan siyaasadahoodu sababaan sicirbararka. Sidaa daraaddeed, waa mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee haysta qaran kasta ee badiyaa xoogga saara furdaamintiisa iyo xakamayntiisaba. Haddaba, qormadan waxaynu ku eegaynaa lacagta iyo sicirbararka oo ah mataano aan meelna ku kala hadhin, aadna isu saameeya.

Dhibaatada sicirbararku leeyahay waxay la bilaabataa qeexitaankiisa. Ma yara qeexitaankiisu, mana jiro mid la isku waafaqsan yahay. Sidaa daraaddeed, waxa aynu iska qaadan doonnaa, mid waaqiciga ku salaysan: sicirbararka waxaa lagu qeexaa “hab isdabajoog ah oo qiimuhu u kordhayo ama hab isdabajoog ah oo lacagtu u qiima dhacayso” (Laidler and Parkin, 1975, p. 741). 

Sicirbararku waxa uu la kowsaday oo isku fil yihiin lacagta, waana walaxda ugu weyn ee uu ku tiirsan yahay iyo halbeegga lagu garto. Sida uu ku dooday dhaqaaleyahan Milton Friedman, sicirbararku waa “shaacsane lacageed.” Si kalena haddii aan u idhaahdo waa mid ka mid ah xanuunnada ku dhaca lacagta. Inta aynaan sicirbararka u gelin, waxaa qasab ah in aynu isla fahamno lacagta oo iyadu fure u ah fahamka iyo furfuridda sicirbararka iyo heerarkii ay soo martay: sooyaal ahaan, shaqadeeda iyo shuruucdeeda.

Bilowgii nolosha Aadanaha, waxaa la bilaabay ikhtiraacaad ka dhashay baahidii ka jirtay degaanka ku xeeran, dabcanna ganacsigu kama fogeyn xilligaa. Dadkii hore waxa ay lacag ahaan u isticmaali jireen badeecad, badeecad kale lagu beddelay, taas oo loo yaqaanno ii-doori (barter trade). 

Nidaamkaas ku salaysan badeecadaha la is wayddaarinayo waxaa batay dhibaatadiisa. Waxaa adkayd in la helo qof doonaya waxaad hayso, isla markaana haya waxaad doonayso. Dhinaca kalena, dhaliilaha nidaamkaas waxaa ka mid ahaa, sarrif la’aan oo marar badan waxaa dhici jirtay in la is wayddaarsado laba badeecadood oo aan isu dhigmin, sida wan iyo kibriid. Taas oo dadka culays ku ahayd. Sidoo kale, kayd ma geli jirin.

Si haddaba xal loogu helo caqabadahaa faraha badan ee ku gedaaman nidaamkaa ii-dooriga ah waxaa mar kale la hindisay in shay go’an loo isticmaalo lacag ahaan, waxaana loo yaqaan “commodity money.” Tusaale ahaan, qabiilo la odhan jiray Aztecs oo degi jiray Laatiin Ameerika ayaa lacag ka dhigtay geedka qumbaha, halka dad kalena ay lacag ka dhigteen milixda, kuwo kalena ay ka adeegsan jireen hargaha. Qoloba wixii degaankeeda kula waynaa ayay lacag ahaan u isticmaashay. Nidaamkanna dhibaatadiisa ayaa batay, oo ma lahayn awood qaybsamid (divisibility). Sidoo kalena degaan kama gudbi jirin oo ma lahayn awood gudbid (transferability)—labadan oo dhaqaalayahanadu rumaysan yihiin in ay asaas u yihiin ganacsiga. 

Xilligaas ayay haddaba dadku bilaabeen inay lacag ahaan u isticmaaleen macdanaha kala duwan. Lix boqol oo sanno ka hor dhalashadii Nebi Ciise, ayaa la rumaysan yahay in boqor ka talin jiray Boqortooyadii Lydia (Turki), oo lagu magacaabi jiray King Alyattes uu sameeyey lacagtii ugu horraysay oo qadaadiic ama bir ka samaysnayd, taas oo uu dhexda kaga sawirnaa libaax qaylinayaa.  Wixii intaas ka danbeeyeyna, boqortooyooyin kale ayaa yeeshay lacago ka samaysan macdanta qaaliga ah (dahab iyo qalin iwm). Lacagahan waxaa lagu jaangooyey, culayskooda, oo hadba inta uu culayskoodu yahay ayuu qiimahooduna ahaa. Waxaa xusid mudan in lacagahan ka samaysan macdanta qaaliga ahi ay ka shaqayn jirtay meelo ka baxsan meesha laga lahaa, maadaama macdanta qiimaheeda la isla yaqaanno, dadyow kala duwanina ay aqbali karaan.

Qarnigii 13aad ayaa Boqorkii dalka Shiinaha xukumi jiray ee Ghengis Khan, wuxuu sameeyey lacagtii ugu horraysay ee waraaqo ah. Nidaamkaas maaliyadeed ee boqorkaasi dejiyey waxa ay ahayd in qof ku keensado xaddi macdan ah—dahab ama qalin—dabadeetana, qofka loogu beddelo waraaq ay ku qoran tahay culayska dahabkii ama qalinkii. Marka ay u baahdaan macdantoodiina si fudud ayay u heli jireen oo loogu beddeli jiray. Maadaama ay haystaan warqad dammaanad ah oo muujinaysa xaddiga lacag ee bangiga u yaalla. Halabuurkaa maaliyadeed wuxuu keenay dhaqdhaqaaq ganacsi oo wanaagsan iyo ammaano hantiyeed oo dhawrsan.

Sannaddii 1661-kii, ayaa bangigii ugu horreeyey adduunka waxaa laga furay dalka Iswiidhan. Sababihii bangigaa keenay waxaa lagu sheegaa sababo amni iyo mooryaan ka dillaacday dhulkaa, kuwaas oo jidgooyo u geli jiray dadka isaga gudbaya degaannadaas ee sita lacagta macdanta ah. Bangigaasi adeegyada uu qaban jiray waxaa ka mid ahaa in uu dadka u hayo lacagtaa macdanta ah, sidoo kalena siiyo waraaqo tilmaamaya xaddiga macdan ee  bangiga u yaal, taas oo ay dusha kaga qoran tahay culayska dahabkii ama qalinkii. Kolka ay u baahdaanna waa loo beddeli jiray.

Si kastaba ha ahaatee, dadkii bangiga lacagta macdanta ah dhigtay ee sitay warqadda sharciyaysan ee bangigu siiyey, ayaa bilaabay in ay warqadihii dhexdooda wax ku kala iibsadaan iyaga oo ka wahsanayey in ay hadba bangiga tagaan oo dahabkoodii soo qaataan. Xilliyadaas ayaa dalka Iswidhan daabacay lacag sharciyaysan oo lagu jaangooyey dahabka. 

Qarnigii 18aad, Ingiriiska ayaa isna samaystay lacag shilimo ah oo lagu jaangooyey dahabka. Maraykanka ayaa isna horraantii qarnigii 19aad lacagtiisa ku jaangooyey dahabka.

Wixii intaas ka danbeeyeyna, waddamo badan ayaa samaystay lacago ku sargo’an qiimaha dahabka. Ilaa laga soo gaadhayey sannaddii 1933-dii, lacagta waddan daabacanayo waxa ay ku xidhnayd inta dahab ee bangiga dhexe u taalla. Sannaddii 1933-dii, Busaaraddii Weynayd ee Maraykanka ku dhufatay, ayaa waxaa Maraykanka ku adkaatay inuu lacagihii doollarka ahaa ku beddelo dahab. Maadaama dadka doonaya dahabku ay aad u badnaayeen, qiimihii doollarkuna hoos u dhacay. Sababahaa daraaddood ayuu silfarka ugu soo daray.

Julay, 1944-kii, ayaa waxaa Maraykanka ka dhacay shir loogu magacdaray Shirkii Bretton Woods, kaas oo ay ka soo qabgaleen 45 dowladood. Shirkan waxaa gadhwadeen ka ahaa dalka Maraykanka, ujeedkiisuna waxa uu ahaa in lacagaha dowladaha adduunku lagu jaangooyo, lacagta doollarka. Qiimaha doollarkana lagu jaangooyo dahabka. Heshiiskaasna waxaa lagu saxeexay nidaam cusub oo la dhaho, “Xaddi sarrif oo go’an” (Fixed Exchange Rate), kaas oo dhigaya in Maraykanku lacag daabacan karin, ilaa ka keenayo dahab u dhigma lacagta uu daabacanayo. Waxaana la isla qaatay in 35-kii doollar u dhigmo 28 garaam oo dahab ah. Isla heshiiskaas waxaa lagu asaasay haayadaha maaliyadeed ee IMF (International Monetary Fund) iyo Bangiga Adduunka, kuwaas oo qaabbilsan in ay ilaaliyaan nidaamkaas maaliyadeed ee la isla qaatay, kana shaqeeyaan xasilloonida maaliyadeed ee adduunka iyo iskaashi dhaqaale oo dhex mara dowladaha addduunka.

Sannaddii 1971-kii, Madaxweynihii dalka Maraykanka Richard Nixon, ayaa heshiiskaas burburiyey—waa nidaamkii sarrifka go’an—una guurey sarrif heehaabaya (Flexible Exchange Rate) kaas oo xoriyad u siinaya Maraykanka in uu daabacan karo lacagta uu u baahdo, isaga oo aan haysan dahab. Dhacdadaasna waxaa loo yaqaan “Nixon Shock.” Nixon burburinta heshiiskaas waxa uu kula dagaallamayey shaqo la’aan iyo sicirbarar ka jiray suuqyada Maraykanka. Suuqyada Maraykanka waxaa saamayn ku lahaa halka doollar ee laga isticmaalo meelo ka baxsan Maraykanka. Wixii intaas ka danbeeyeyna, lacagihii kale iyana waxa ay noqdeen waraaqo aan qiime iskood ah lahayn balse qiime ku leh sharci dowladeed. 

Intaa dabadeed, lacagtu waxay asaasiyaadka insaanka ku jirtay muddo ku siman saddex kun oo sano. Lacagtii ugu danbaysey ee la ikhtiraacay waa lacagaha “cryptocurrency.” Lacag waxaa lagu qeexaa, shay kasta oo lagu heshiiyey in badeecadaha iyo adeegga lagu kala iibsado, amaahdana la isugu soo celiyo. Guud ahaan shaqada lacagtu waa saddex: in wax lagu kala iibsado, inay kayd gasho, iyo halbeegga daynta.

Sida Milton Friedman ku sharraxay curiskiisa “The Role of Monetary Policy”: sicirbararku dhinacna uma dhaafi karo lacag. Mana habboona in meelo kale laga raadiyo. Friedman wuxuu dowladaha uga digay inaanay lacago badan suuqa ku soo dayn. Kaalinta koowaad ee siyaasadda maaliyaddana wuxuu ku sheegay in si sicirbararka loo yareeyo ay tahay in la xakameeyo xaddiga lacag ee suuqa wareegaya. Tallaabadaas oo dalal badani iska indhatiraan, dabadeedna sababta in loo maaro heli waayo sicirbararka oo uu xadhkaha goosto. Friedman wuxuu sidoo kale soo jeediyey in la dejiyo xeer maaliyadeed oo si qayaxan u qeexaya xaddiga lacag ee la daabici karo. Sidoo kale Friedman wuxuu rumaysan yahay inay keentay fasir khaldan oo la saaray “Phillips Curve,” kaas oo sheegaya in xidhiidh iska soo horjeedaa ka dhexeeyo sicirbararka iyo shaqala’aantaa—haddii sicirbarar badani jiro, waxaa jirta shaqala’aan yar.

Bangiyada dhexe ayaa, haddaba, qaada tallaabo ay uga gol leeyihiin dhimista shaqal’aanta oo ah in suuqa lagu soo daayo lacago faro badan, si shaqo abuur loo helo. Tallaabadaas wuxuu Friedman ku sheegay milil dushiisa la dhayayo iyo tallaabo xalkeedu ka badan yahay dhibaatadeeda. Wuxuu u soo jeediyey siyaasad-dejiyayaashu inaanay ku degdegin siyaasadaha maaliyadda ee ku aaddan dhaqaale caafimaadqaba. Sidoo kale, wuxuu aad uga dheeraaday in tallaabooyinka la qaadayo laga dheereeyo saamaynta siyaasadda. Siyaasadaha Friedman waxaa la manaafacaadsanayey ilaa bilowgii qarnigii labaatanaad. Aragtiyo badan oo uu soo jeediyeyna waa lagu liibaanay oo waxay caalamka ka badbaadisay musiibooyin maaliyadeed oo badan. Friedman wuxuu daadafaynayaa aragtida Keynesians ee qabta in suuqu isagu isa saxayo oo aan la faragelin. Friedman wuxuu aad u adkaynayaa muhiimadda ay leedahay in bangiyada dhexe la dib dhicin tallaabooyinka maaliyadeed ee wax lagaga qabanayo sicirbararka oo aan la rejayn in si mucjiso ah wax kastaa u hagaagaan—dibudhigistaa wuxuuba gaadhsiinayaa mid ka mid ah sababaha keena sicirbararka xaddhaafka ah.

Aragtida in xidhiidh toos ahi ka dhexeeyo lacagta suuqa ku jirta iyo sicirbararka, kama bilaaban Milton Friedman iyo iskuulkiisa Monetarism–ka e, waxay dib ugu noqonaysaa dhaqaalayahannadii joogay xilligii dahabka iyo qalinka lacag ahaanta loo isticmaali jiray. Waa labada filasoofar ee Martín de Azpilcueta iyo Tomás de Mercado iyo iskuulkoodii Salamanca. Keynesians oo ah iskuulka ka soo horjeedaa waxa uu qabaa in sababaha keena sicirbararku yihiin qodobbo dhab ah, sida xaddiga shaqal’aanta. Hasayeeshee, aragtida Friedman ayaa ilaa hadda ku xooggan suuqyada dhaqaalaha, isla markaana haysata taageerada daraasadeed ee ugu badan.

Noocyada sicirbararku waa saddex:

1. Cost-push inflation (sicirbararka qarash-eriga): waa sicirbarar uu dabada ka riixayo qiimaha shaygu uu ku fadhiyo. Saddex mid uun baa keena. B) In waxyaalaha laga sameeyaa ay qaaligaroobaan; T) In kiradu kor u kacdo. Tusaale ahaan, shirkadda roodhida samaysa, haddii kiradu ku qaali tahay, waxay qiimaha ku dallacaysaa qiimihii roodhida oo culayskaa waxay si soo dhaafinaysaa macaamiisha roodhida; Iyo J) In la kordhiyo xaddiga lacagta suuqa ku jira, taas oo uu ka dhasho korukac ku yimmaadda kharashka waxsoosaarka ee gala badeecadaha, dabadeed qiimaha ku dallaca macaamiisha—taas oo ka dhigan in sicirbarar jiro.

2. Sicirbararka labaad: “Demand-Pull Inflation” (sicirbararka dalab-eryadka). Waa marka dad badani ay caydhsanayaan shay isku mid ah. Waana marka lacagta soo gasha dadka oo dhami ay korodho, taas oo sare u qaadda awoodda wax iibsiga. Noocan sicirbararka ahi waxaa kale oo uu sababa in uu dhaco filanwaa badeecadeed (supply shock) oo dhinaca taban ah. Tusaale ahaan, waxaa mar keliya yaraaday roodhidii suuqa la keeni jiray oo xadi ka yar intii hore ayaa suuqa la keenaa. Sidaa daraadeed, waxaa dhacaysa in ay dadku ku yaacaan inta yar ee suuqa taal, sidaasna ay ku korodho qiimaha roodhida la siinayo, maadaama ay dad badani doonayaan.

3. Nooca saddexaadna waa “Built-in inflation” ama “inflationary inertia” (sicirbarar neg). Wuxuu ka dhasha filashada jiritaanka ama waaritaanka sicirbararka ee muddada dheer. Wuxuu dabada ku hayaa walwalka ay dadku ka qabaan in muddada sicirbararku ay dheeraato oo dabadeedna ay saamayn ku yeelato. Sababtaa awgeed ayay shaqaalahu u dalbadaan mushahar kordhin cirka ku sii shareerta sicirka badeecadaha iyo adeegyada suuqa yaalla.

4: Sicirbararka afraad waa “profit-push inflation” (Sicirbararka macaash-eriga) oo uu dabada ka riixayo macaashdoonka shirkaduhu. Markan waxaa daruuri noqota in dowladdu faragaliso suuqa. Isla markaa qiimaha adeegyada ama badeecadaha ay jaangoyso.

Marka laga tago qodobka xaddiga lacagta ee suuqa ku jira, waxa xusid mudan in sicirbararka ay sababaan dhawr qodob oo muhiim ahi. Qodobka koowaadi waa waxsoosaarka dalka oo gamashiya ama aan jirinba. Dalkaasi wuxuu deris la noqdaa sicirbarar baahsan oo nolol-maalmeedda dadka halisgeliya. Waxaynu tusaale u soo qaadan karnaa xaaladda ka dhalata xoolaha, oo ah waxa ugu weyn ee aynu dhoofinno, lacag adagna dalka ka soo gasho. Qodobka labaad ee muhiimka ahi waa daymaha dalka lagu leeyahay. Badiyaa marka ay lacagahaasi suuqa soo galaan ama suuqa ka baxaan oo dowladdu deyntii iska guddo waxaa ka dhasha culays dhaqaale oo gaadhsiisan in maceeshaddii cidhiidhi noqoto. Qodobka saddexaad waa dagaallada. Xasilloonidarrada siyaasadeed ee ka jirta dal, waxa ay saamayn ku yeelataa waddamada kale ee xidhiidhka ganacsi ka dhexeeyey. Tusaale ahaan dagaalkii uu Maraykanku ku qaaday Ciraaq, waxaa ka dhashay in uu yaraado xaddigii saliidda ee suuqyada caalamka la keeni jiray. Xilliganna dagaallada ka oogan Yukrayn iyo hoosudhaca ku yimi adeegsiga Marinka Baabul Mandab waxay adduunka badankiis ku keeneen sicirbarar iyo in badeecadihii asaasiga ahaa ay kor u kacaan ama gebigaba la waayo. Qodobka afraad, oo malaha Soomaalidana u gaarka ahi, waa doollarka. Maadaama dhaqaalaheenna uu ku dhacay doolarow, sicirbararkeennu waa mid ku xidhan xaddiga doollar ee suuqa soo gala ama ka baxa.

Bangiga dhexe oo u xilsaaran la socodka iyo saadaalinta sicirbararka wuxuu adeegsadaa siyaasadda dulsaarka. Kolka uu sicirbarar badani jiro wuxuu kor u qaadaa xaddiga dulsaarka, si uu u xakameeyo dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha. Dhinaca kalana, marka dulsaarku yahay waxaa xoogaysta dhaqdhaqaaqyada dhaqaale, taas oo ugu danbayn keenta sicirbarar. Siyaasaddani waxay saamayn ku yeelataa koboca dhaqaalaha, heerka shaqala’aanta, maalgashiga, kharashaadka dowladda iyo qiimaha lacagta. Waa agabka ugu weyn ee la adeegsado, kolka ay timaaddo maaraynta musiibooyinka dhaqaale ee sicirbararku ka midka yahay.

Xalka sicirbararka waxaynu ka xusi karnaa lix qodob. Waxaa xusid mudan in xalka sicirbararku, hadba, ku xidhan yahay afarta nooc ee aynu kor ku soo sheegnay. Waxaana muhiim ah in xalkiisa la waafajiyo dabeecaddiisa.

1. In maamulka lacagta la hoosgeeyo bangiga dhexe, sidoo kalena aanay dowladdu iska soo daabacan lacag e, ay tashiyo kala samayso aqoonyahanka dhaqaalaha iyo haayadaha dowliga ah ee ay khusayso.

2. Waxsoosaarka gudaha oo la dhiirrigeliyo. Laguna dedaalo in waxa aad dhoofiso iyo waxa aad la soo degtaa ay bataan waxa aad dhoofiso. Sidoo kalena in la maalgeliyo beeraha, kalluunka, xoolaha, macdanta, fooxa iyo beeyada iyo ganacsiga badeecadaha iyo adeegyada.

3. In daymaha caalamiga ah la yareeyo, ama la joojiyo.

4. Siyaasadaha lagu la dagaallami karo sicirbararka ee dowladdu isticmaali karto waxaa ka mid ah siyaasadda lacagta (monetary policy) oo qusaysa lacagta iyo nidaamka maaliyadeed ee dalka, waana in uu bangiga dhexe gaadho go’aamo uu ku xallinayo dhibaatooyinka dhaqaale oo sicirbararku ka midka yahay.

5. Siyaasadda kale ee dowladdu isticmaasho waxaa ka mid ah siyaasadda cashuuraha (fiscal policy) oo ah in ay dowladdu qiimayso kharashaadkeeda iyo cashuurta soo xeroota. Haddii ay badan tahay lacagta suuqa dhex wareegaysaa, dowladdu waxa ay kordhinaysaa cashuurta, iyada oo isla markaana dhimaysa kharashaadkeeda.

6. Siyaasadda ugu danbaysa ee dowladdu kula dagaallami karto sicirbararka waa siyaasadda heerka sarrifka (exchange rate policy). Siyaasaddan waxaa looga gol leeyahay in lagu xasiliyo nidaamka maaliyadeed ee dal, isla markaana waxaa kor looqu qaadaa qiimaha lacagtiisa. Waana siyaasad ay dowladdu dhaqaalaha dalka toos ugu faragelinayso si ay u maarayso dhibaato dhaqaale oo markaa taagan.

 

Tixraacyo

Glyn, D. (1994). A History of Money: From Ancient Times to the Present Day. Economic Affairs (Vol. 23). https://doi.org/10.1111/j.1468-0270.2003.0448b.x.

Policy, M. (1978). Inflation and monetary policy 27, 10–15.

Moggridge, D. E. (2002). Money and Inflation. Harry Johnson, 333–359. https://doi.org/10.1017/CBO9780511510731.016

Parsson, J. O. (1923). Dying of Money: Lessons of the Great German and American Inflations. Taxes, 1–158.

Chown, J. (1996). A history of money from AD 800.

Henry Hazlitt (1978), The Inflation Crisis, And How to Resolve It.

Victor. C. Shih (2008), Factions and Finance in China: Elite Conflict and Inflation. Northwestern University.

UKEssays. (November 2018). Solutions to Inflation. Retrieved from https://www.ukessays.com/essays/economics/the-causes-and-possible-solutions-of-inflation-economics-essay.php?vref=1

The Economist, The inflation solution: http://www.economist.com/node/15663312.

Milton Friedman (1968), The Role of Monetary Policy 

Qoraallada kale ee qoraaga

Aragti

Maxaynu Qornaa!

Buug

Falsafadda Dagaalka

Aragti

Waan ku khaldanaa Soomaaliweyn

Aragti

Burjuwaasiyadda iyo Busaaradda