Skip to main content

Friday 22 November 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Aragti

Gumaysiga Cusub ee Afrika

30 June, 2024
Image
Sawirka: Toda Materia
Sawirka: Toda Materia
Share

Sida uu ku dooday Kwame Nkrumah, buuggiisa "Neo-Colonialism, the Last Stage of imperialism", kolkii ay Afrika hanatay "gobannimadii calanka" ayay ku dhacday nooc gumaysi oo ka halis badan kii hore. Waa gumaysi dadban oo aan loogu baraarugsanayn sida gumaysiga caadiga ah! Lixdameeyadii oo badiyaa dalalka Afrika qaateen xornimada waxaa abuurmay dalal yaryar oo taagdaran oo dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo dhaqan ahaanba ugu tiirsan dalalkii gumaystay. Nkrumah wuxuu gumaysiga cusub ku qeexay sii socoshada saamayntii gumaysiga iyo ku tiirsanaanta gumaystayaashii hore ama dal ka mid ah “dalalka horumaray”.


Afriki waxay weli ku jirtaa gumaysi dhaqaale–nooca gumaysi ee ugu xun. Waddamada Afrika waxay ku tiirsan yahiin, gargaar, dayn, iyo maalgashi shisheeye. Kuwaas oo ay bixiyaan gumaystayaashii Afrika iyo haayadaha maaliyadeed ee Bangi Adduunka iyo Haayadda Lacagta Adduunka (HLA) oo ku dhisan fikrad gumaysi iyo mid dhiigmiirasho.

In kasta oo Afrika ay la hadheen hoggaamiyayaal aan xilkas ahayn oo ku suntanaa musuqmaasuq, eex iyo ku–tagrifal awoodeed, misana dibudhaca baahsan ee qaaradda ragaadiyey waxaa loo aanayn karaa, guud ahaan, nidaamkaa gumaysi ee cusub. Hoggaamiyayaashaa ay qaaraddu eedday waa kuwa aqbalay ee badhitaaray gumaysiga cusub. Sababta oo ah, lama iman siyaasado ku lid ah damacyadii lagu socodsiiyey ee sida bilaa su'aasha ah ay u qaateen. Kama doodin, kamana gorgortamin siyaasado gumaysi oo lagu sandulleeyey. Dhinaca kalana, gumaysiga cusub waa ka dhalay ee barbaariyey hoggaamiyayaashan liita. Maadaama ay dan u ahaayeen damacyadooda ku jihaysan qaaradda dihin. Waa hoggaamiyayaal ay iyagu kursiga ku hayaan, kuna biilaan, isla markaana u hoggaansan. Ma qaadaan hal tallaabo oo aanay kala tashan dalalka shisheeye ee ay hoos joogaan, kuwaas oo u soo yeedhiya siyaasadaha ay tahay in la hirgeliyo. Waa silic-ku-nool u dheganugul dalalka shisheeye. Waxa ugu weyn ee ay u fududeeyaan waa boobka khayraadka ay qaaraddu hodanka ku tahay iyo u xidhista fursadaha dhaqaale ee macaashka badan laga helo. Waa duul laga madoobeeyey gaadhista go'aanno waxtar u leh dadkooda tabaalaysan ee saboolnimada la ildaran ee ka qatan khayraadka qaaraddooda dhex ceegaaga.

Labada haayadood ee Bangiga Adduunka iyo HLA oo qayb lixaad leh ka qaata nidaamka gumaysiga cusub waxay 1980nadii ilaa 1990nadii Afrika ku soo rogeen siyaasado cusub oo loo bixiyey "Structural Adjustment Programs (SAPs)", kuwaas oo dalalka Afrika ku qasbayey inay hirgeliyaan siyaasado dhaqaale oo furfuran. Siyaasadahaa waxaa ka mid ah: khaasaynta shirkadaha dowladuhu leeyihiin iyo in la laalo xeerarka dowladeed ee xaddidaya suuqyada ama wershadaha qaar — xeerarkaas oo wershadaha waddaniga ah ee curdinka ah ka ilaaliya tartanka caalamiga ah. Furfuridda iyo faragelin la'aanta suuqa ee ay Afrika ku qasbayaan ma aha siyaasado ku habboon dal sabool ah oo doonaya inuu horumaro. Mana aha siyaasado ay hirgeliyeen dalalka horumaray kolkii ay marayeen rakaadka koowaad ee horumarka, sida uu ku doodayo qoraaga buugga Kicking Away the Ladder, Ha-Joon Chang. Mudane Chang wuxuu naqdinayaa in waxa dalalka horumaray ula baxeen "good policies"—siyaasadaha suubban—iyo "good institutions"—haayadaha hagaagsan—ay horseed u yihiin horumarka dalalka hodanka ah. Taa beddelkeedna, ay ku dhaqmi jireen wax kasta oo lid ku ah waxan ay sheeganayaan ee dalalka Afrika uga dhigayaan shuruudaha lagu halabsado horumarka. Siyaasadahaas sumaysan, dalalkii Afrika ee fuliyey waxay ku keeneen saboolnimo baahsan iyo culaysyo dhaqaale, maadaama ay daryeelka bulshada ka doorbidayeen deynbixinta.


Sababta badiyaa dalalka Afrika ku kellifta meelmarinta siyaasadahaa caqabadda ku ah horumarka iyo badhaadhaha dhaqaale ee waddamadoodu waa cabsida ay ka qabaan shuruudaha adadag ee ay ku xidhaan—sababtu waa in qaaraddu ku jirto gumaysi cusub. Sida inay ka joojiyaan gargaarka "cadquudheedka ah" ee ay siiyaan; inay ugu hanjabaan inay kursiga dhaafiyaan oo ay ku furaan duufaanno siyaasadeed oo aanay ka dabbaalan karin. Qaybtood waxay ugu hanjabaan inay adduunka iyo dadkooda ku hor fadeexadayn doonaan. Marka la isku soo duubo, waxay qabtaan "goljilicda" ay dhammaan hoggaamiyayaasha Afrika leeyihiin. Ma waayaan goldaloolooyin ay ka faa'idaystaan oo ay ku baraqmaalaan dadka loo igmaday talada umadda oo sida xaqiiqada ah dadkii ugu liitay.


Dhammaan khayraadka dabeeciga ah ee qaaradda waxaa daldasha oo ka faa'idaysta shirkado ka soo jeeda dalalka horumaray ama dalal shisheeye. Khayraadkaa tirabbeelka ah ee dadka Afrikaanku way ka gaajoonayaan oo wax dheef ah kama helaan. Sida uu ku dooday weriyaha Financial Times ee Tom Burgis, buuggiisa The Looting Machine: "Qaaradda Afrika waxay isku mar tahay qaaradda adduunka ugu saboolsan iyo midda ugu hodansan". Haa, khayraadka Afrika waxaa ka macaasha dalalka hodanka ah ee qaybta ka ah gumaysiga cusub. Sida Tom Burgis ku doodayana waa isku mid siyaabaha uu gumaystihii hore u guran jiray khayraadka Afrika iyo xeeladaha uu gumaystaha cusubi isticmaalo. Badi gumaystayaashii hore waxay awooddii siyaasadeed iyo dhaqaale ku wareejiyeen koox ay samaysteen, dabadeed kooxdaa danleyda ah ee gumaystuhu abuuray ee maalqabeennada ka dhigay ayay la macaamileen, goortii ay qaaradda uga baxeen qaabka raadgadashada iyo magac–beddelashada ah. Berigii hore, dalalka gumaystayaasha ahi iyaga ayaa toos u qaadan jiray khayraadka dabeeciga ah ee qaaradda, xilliganna waxaa u fududeeya dad ay samaysteen, sida hoggaamiyayaasha Afrika iyo wax la mid ah. Macaashkaa xaddhaafka ah ee laga helo khayraadkaasina kuma soo noqdaan qaaradda e, waxaa ku taajira oo ay ka muuqdaan dalalka horumaray. Waxay ka muuqdaan koboca dhaqaale ee ay samaynayaan. Hoggaamiyayaasha Afrika badiyaa waxaa ka soo gaadha oo jeebabkoodu ku dhaca qayb yar. Dadkii kalena way ka gaajoonayaan oo noloshooda waxba iskama beddesho. Sida hubaasha ahna, khayraadkaasi waa uga sii daraa nolosha qofka Afrikaanka ah oo waxay ku sababaan dagaallo iyo dhibaatooyin kale. Shirkadaha ajanabiga ahi, badiyaa waxay ugu badisaa colaadaha sokeeye iyo tafaraaruqa bulshada, si ay ugu suuragasho damacooda cirweynida iyo hantigoosiga ku dhisan. Sababtaa awgeed, dagaallada sokeeye ee ugu badan ee qaaradda ka socdaa waxay ku lug leeyihiin arrimo khayraad. Badiyaana waa dalal qani ku ah khayraadka dabeeciga ah.

Tusaale ahaan, Ginida Dhulbadhaha (Equatorial Guinea) oo ah dal yar oo saliidda qani ku ahi waa dalka ugu sarreeya sedka qofka, qaaradda oo idil. Hasayeeshee, xaddiga dhimashada dhallaanka iyo gedafilashada qofka (life expectancy) ayaa aad uga hooseeya qaaradda oo dhan. Qiyaastii, kala badh dadkuna ma haystaan biyo la cabbi karo. Dhibaatada haysta dalalkan khayraadka hodanka ku ah ee haddana saboolka ah waxaa loo bixiyey Nacdasha khayraadka (Resource Curse), balse khayraadku iskii uma laha mushkilad e, Afrika waxaa ku habsatay oo la rafaadaysaa waa Nacdal hoggaamineed (Leadership Curse). Dhibaato kasta oo ka jirta Afrika waxay ku soo ururaysaa oo hooyo iyo aabbeba u ah taya xumo iyo liidasho hoggaamineed—haddii qaaradda habaar ku dhacay, kaas ayaa ku dhacay.

Lacagaha soo gaadha gacmaha Afrikaanka badankood waxay ku lumaan hab musuqmaasuq ah. Tom Burgis wuxuu tusaale u soo qaadanayaa in sannaddii 2011 khasnadda Angoola oo kala badh tacabkeeda guud (GDP) ka hesha saliidda, intii u dhaxaysey 2007 ilaa 2010, laga waayey 32 bilyan oo doollar. Dhammaan dalalka Afrika waa la mid oo lacagaha faraguudkooda ah ee lagu baqsay ma aha lacag gasha daryeelka bulshada oo kama muuqdaan heernololeedka dadka.

Waayadan danbe, wax badan ayaa iska beddelay hannaanka loo lunsado lacagaha. Shirkado shisheeye ayaa hoggaamiyayaasha talada haya ee canbaarta ku noqday qaaradda kala shaqeeya inay dalal kale oo qaaradda ka baxsan uga iibiyaan saamiyo shirkadeed ama u maalgeliyaan suuqaq kala duwan. Waxaa lacagtii xatooyada ahayd loo dhaqayaa qaab farsamaysan oo bilaa raad ah.

Khayraadku wuxuu waxdhoofinta Yurub ka yahay 11%, Aasiyana 12%, Ameerikada Waqooyina 15%, Laatiin Ameerikana 42%, Afrika oo ah qaaradda ugu badan ahna wuxuu ka yahay 66%. (The Looting Machine, Tom Burgis). Macdanta qaaliga ah, gaasta iyo saliidda ugu badan adduunka waxaa laga soo saaraa Afrika. Tom Burgis wuxuu arrinkaa ku tilmaay "xatooyo nidaamsan" oo dalalka horumaray oo dhami qayb ka yihiin. Boobkaas heshiiska lagu yahay waxaa ku tiirsan wershadaha dalalka horumaray. Wuxuuna qayb libaax ka yahay koboca dhaqaale ee dalalka horumaray ee qaybta ka ah gumaysiga cusub. Xaddiga khayraad ee qaaradda ka baxa, sidii ay doonto ha uga baxeen e, iyo lacagaha ku soo noqdaa isma laha, isumana dhawa!


Muran ka ma taagna in Afrikada maantu ay ka liidato tii 1960, dhaqaale ahaan iyo horumar ahaanba. Dibudhacaa badankiisana waxaa keenay gumaysiga cusub oo sida Nkrumah ku dooday ah, marxaladda gumaysi ee ugu xun. Walter Rodney oo 1972 daabacay buugga qiimaha leh ee How Europe Underdeveloped Africa, wuxuu aad ugu faahfaahiyey sida ay reer Yurub qaaradda u dib rideen. Dooddiisa ugu weyni waa: horumar la'aanta ka jirta qaaradda Afrika waxaa keenay oo abuuray nidaamka gumaysiga oo dabada ku haya nidaamka hantigoosiga. Dhanka kalena, horumarka dalalka reer Galbeedka waxaa qaybta ugu weyn ku leh qaaradda Afrika. Aragti taa la mid ah waxaa qabey qoraagii reer Hindiya ee Dadabhai Naoroji oo sannaddii 1901 qoray buuggiisa Poverty and the Un-British Rule in India. Fikradda buuggu waxay ku saabsan tahay sida Hindiya ay u hodmisay Biritan oo uu u bixiyey Guuritaanka Hantida (drain of wealth). Aqoonyahannada u janjeedha aragtida Maarkisiyadda ee Hobson (1902), Hilferding (1909), Luxembourg (2013), iyo Lenin (1917) iyo buugga Kohli (2020) ee cusub ee British and American Imperialisms waxay isku wada raaceen in imbiriyaaliyadda iyo hantigoosiga xidhiidh weyni ka dhexeeyo. Sababta ugu weyn ee reer Yurub u addoonsadeen adduunku waxay ahayd arrimo dhaqaale iyo in wershadahooda ay u helaan alaab ceedhin. Rodney oo ah qofkii koowaad ee tooshka ku qabtay sida gumaysiga iyo hantigoosiga isku lammaan ee reer Galbeedku u hagaasiyeen, isla markaana, cunaha iskaga duubeen, wuxuu daadefeeyey aragtida tidhaahda "reer Yurub ayaa ilbixiyey Afrika oo dibudhacsan". Wuxuu ku dooday in dhaxalka ay gumaystayaashii hantigoosiga ahaa kaga tageen Afrika ay tahay dhaqanka ku tiirsanaanta ee Afrika ka dhigay qaarad wax kasta ka sugta quwado shisheeye. Wuxuu qaaradda ku beeray caqliyadda dawarsadaha. 


Rodney wuxuu soo kordhiyey aragtiyo badan oo la xidhiidha horumarka. Wuxuu ku dooday inaan horumarka loo marin hal jid oo qolo gaar ahi jidaysay ee ay tahay masalo, marinno badan leh oo qolo kasta u gaar ah. Ma jiro hannaan halbeeg looga dhigi karo horumarka. Sababtaa awgeed ayuu aad u faahfaahinayaa in Afrika ay samaynaysey horumar u gaar ah, intii aanu gumaystuhu soo caga dhigan qaaradda. Qodobka xusidda mudani waa in Afrika ay joojisay horumarkii ay xilligaa samaynaysey oo ay fadhiid noqotay, gumaysiga ka gadaal. Wuxuu qabaa, horumarin iyo ilbixin iska daa e, inay dib u rideen. Wuxuu ku doodayaa inaan Afrika loo adeegsan karin magaca afgobaadsiga ah ee "dalalka soo koraya". Waa inay magacaa qaataan dalalka reer Galbeedka ee la yidhaahdo "dalalka horumaray". Maxaa yeelay, ma jiro meel uu horumarku ku dhammaadaa oo gebigiisaba laga kaaftoomaa. Si ka duwan dadka kale, wuxuu dunida u qaybinayaa "dalal dibudhacsan iyo dalal soo koraya". Rodney wuxuu aaminsan yahay, maadaama horumarku yahay wax la xidhiidha duruufaha iyo xaaladda dhaqan–dhaqaale ee bulsho walba u gaar ah, haddii la iskaga daydo in laga taransanayo dibudhac iyo dibusocod oo keliya. Aragtidaa waxay iskaga mid yihiin qoraaga buugga The China Wave; Rise of a Civilization State ee Zhang Weiwei, oo horumarka marla'aragga ah ee Shiinaha ku sababeeyay inay horumarka u mareen jid ay iyagu hindiseen, isla markaana ay ka leexdeen kii ay reer Galbeedku jeexeen. 

Laba siyaabood ayay Afrikaanku uga qaybqaateen horumarka reer Yurub. Kow, in xoogga lagu dhisay Yurub ay yihiin addoontii ay Afrika ka afduubteen. Laba, inay xoog ku qaateen oo ka faa'idaysteen dhulalkii Afrikaanka iyo inay boobeen khayraadkii Afrika—dhul ballaadhsi iyo dhul boob.

Qaababkaa hore ay ee qaaradda ay u qalinshubataysan jireen oo ay casriyeeyeen ayay ilaa hadda adeegsadaan. Dhammaan goobaha laga qodo macdanta iyo shidaalka waxaa haysta shirkado shisheeye oo qayb ka ah—sida aynu hore u soo sheegnay—gumaysiga cusub ee qaaradda ka jira. Sannadkii waxaa qaaradda dibadda uga baxa lacag lagu qiyaaso 203 bilyan oo doollar. Shirkadaha shisheeyana waxay sannadkii si isdabamarin ah u dhacaan lacag gaadhsa 30 bilyan oo doollar—waa xaddi lacageed oo saddex jeer ka badan xaddiga gargaar ee qaaraddu sannadkii hesho. Dhinaca kale, lacag gaadhaysa 29 bilyan ah oo doolar oo isugu jirta kalluun iyo qori ayaa qaaradda laga dhacaa. Waxaa intaa dheer, waxyeelada ay shirkadahaa iyo dalalkaa shisheeye u geystaan degaanka oo saamayn aad u daran u geysta dadka iyo duunyada, iyo dagaallada ay badiyaa shidaaliyaan. 


Marka laga tago in Afrika dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo militeri ahaanba ugu tiirsan tahay dalalkii gumaystay ama reer Galbeedkaba, waxaa weli Afrika ka jira imbiriyaaliyad maaliyeed. Waxyaalaha galbeedka Afrika curyaamiyey waxaa ka mid a  lacagta "CFA Franc". Afrika waxaa ka jirey saddex lacagood oo saddex aag u xidhan, aagga Istarliinka ee Boqortooyada Ingiriiska, aagga Escudo ee Burtiqiiska iyo aagga Faranka Faransiiska. Labadaas lacagood ee hore waxay suuqa uga baxeen siyaabo kala geddisan— waxay suuqa ka baxeen, 1970 iyo 2001 (sida ay u kala horreeyaan). CFA Franc oo 1945 lagu asaasay digreeto uu soo saaray Janaraal de Gaulle waxaa laga lahaa inuu ku xoojiyo isdhexgalka dhaqaale ee goballadii uu haystey iyo inuu ku maamulo qaab-dhismeedkiisa dhaqaale, khayraadkiisa iyo hannaankiisa siyaasadeed. Lacagtani waxay u sii qaybsan tahay laba aag oo kala hoostaga: West African Economic and Monetary Union (WAEMU) iyo Central African Economic and Monetary Community (CAEMC). Labadaa urur mid waxaa ka tirsan siddeed dal, midna kow iyo toban dal.

Labadaa lacagood iskuma beddelmaan. Dhinaca kale, labadan lacagood waxaa maamula laba bangi oo la kala yidhaahdo: the Central Bank of West African States (BCEAO) iyo the Bank of Central African States (BEAC). Labadan bangi waxaa looga baahan yahay in 50% kaydkooda lacagaha qalaad ku shubaan bangiga Faransiiska. Xaddiga dulsaarka ee lacagahan iyo xaddiga sarrif ee iyaga iyo Yuurada waxaa go'aamiya Bangiga Dhexe ee Yurub oo dabcan, go'aannadooda ku saleeya aragti maaliyadeed oo caqabad ku ah horumarka dhaqaale ee dalalkan. Qodobka ugu weyn ee dadka dhaliilaa soo qaataan waa jiritaan la'aanta xornimo maaliyadeed oo labadan bangiba waxaa codka diidmada qayaxan ku leh dad Faransiis ah. Halka guddoomiyayaashu wax cod ah ka lahayn. Sidaa daraaddeed, lacagtan waxaa loo arkaa agab loo isticmaalo gumaysiga cusub oo burburinaysa horumarka dhaqaale ee dalalka adeegsada. Waddamada Aljeeriya, Morooko iyo Tunuusiya oo iskaga baxay ayaa horumar ahaan iyo dhaqaale ahaanba ka horreeya waddamada ay lacagtani ka shaqayso oo ah dalalka ugu dibdhacsan adduunka. Sannaddii 2016 ayay bilaabantay doodda ku saabsan tirtiridda lacagtan, xilligaas oo dhaqaalayahanno isugu jira Afrikaan iyo Yurubiyaanba ay daabaceen buug cinwaankiisa turjumaaddu yahay Liberate Africa from Monetary Slavery: Who Profits from the CFA Franc? Waa qayladhaan ay aqoonyahannadaasi kaga digayaan hagardaamada ay lacagtaasi ku hayso dalalka adeegsada.

Faransiisku wuxuu gumaystayaasha kale oo dhan kaga geddisnaa inuu "gobannimadii maqaarsaarka ahayd" ku xidhay shuruud uu badiyaa ka wada saxeexay dalalkii uu haystey. Faransiisku wuxuu si badheedh ah hoggaamiyayaashii Afrika ugu yidhi, haddii aad doonaysaan xornimo waa inaad ii saxeexdaan iskaashi dhaqaale, siyaasadeed, iyo milliteri oo ina dhexmara. Iskaashigaas oo u oggolaanayey inuu dalalka Afrika ku sii negaan karo, iyo in lagu wareejiyo ilaha dhaqaale ee waaweyn. Raggii talada kala wareegayey oo isugu soo tababbaray, laguna xanto inay gumaysiga u janjeedheen, way ka oggolaadeen oo way u saxeexeen damaciisii. 

Gargaarka iyo daymaha shisheeyaba waxay ka mid yihiin waxyaalaha lagu addoonsado qaaradda. Lacagahaa faraha badan ee qaaradda lagu asqaysiiyo waa suryo lagu dabo Afrikaanka, xoolahoodana lagu daldasho. Waxyaalaha bilaa manaafacaadka ka dhigaya waxaa ka mid ah, inaan lacagahaa la gelin kaabayaasha dhaqaale ee lagamamaarmaanka ah. Kuwaas oo bulshadana wax taraya, lagana gudi karayo lacagihii amaahda ahaa. Badiyaa lacagahaasi waxay ku baxaan musuqmaasuq nidaamsan. Waxaana akoonno qaaradda dibadda ka ah ku shubta hoggaamiyayaasha Afrika oo ah rag caloosha la ciyaara. Sida uu sheegay, Madaxweynihii Burikiina Faaso, Thomas Sankara, cidda lacag ku amaahisaa waa cid u socota inay ku addoonsato. Kolka ay kugu go'do, waxaad tahay dal, dal kale u qaamaysan. Haddii aad bixisidna, waxay kugu sababi karaysaa xasilloonidarro maaliyadeed iyo in dhaqaalahaagu wiiqmo, maadaama lacag adagi dalka dibadda uga baxday. Waa laba kala daran, mid dooro!

Haayadda Lacagta Adduunka ayaa qayb ka ah qorshan cusub ee gumaysiga dadban. Dhaqaalayahankii hore ee haayaddaa, Raghuram Rajan, ayaa buuggiisa Fault Lines (2010) ku xusay in siyaasadaha haayaddu u muuqdaan "qaab cusub oo gumaysi dhaqaale ah". Dhanka kale, xubin sare oo ka tirsan haayadda oo 2016 qoray maqaal cinwaankiisu ahaa "Neoliberalism: Oversold?" wuxuu sheegay in qorsheyaasha haayadda aanay ku jirin tirtiridda deynta, hasayeeshee loo igmaday maaraynta dhibaatada ka dhalata deynta joogtada ah. Arrinkaa waxaa caddayn u ah, in waddamada lagu helo musuqmaasuqa ama deyntu ku go'do loo labalaabo deyntii la siin jiray. Sida ay Dambisa Moyo, buuggeeda Dead Aid—Cad Quudheed— kaga doodaysana, gargaarka iyo deyntuba waxay ka mid yihiin waxyaalaha lagu gumeeyey qaaradda ee horosocdimada ka hortaagan. Haddii qaaraddu horumar doonaysana waa inay labadaa ka tashataa oo iska maaraysaa.

Maraykanka iyo lacagtiisa doolarka oo qayb ka ah gumaysiga cusub, ayaa sidoo kale caqabad ku ah Afrika. In kasta oo ay taa kala siman yihiin dalalka adduunka oo dhan, misana Maraykanku wuxuu lacagtiisa, awoodda badan ee doolarka u adeegsadaa hub uu ugu amartaagleeyo Afrika, kagana fushado danaha uu ka leeyahay qaaradda. Awooddiisa dhaqaale iyo kaydka lacageed ee ugu weyn adduunka oo ah doolar ayaa keentay inuu adduunka siduu doono u addoonsado. Shirkadihiisa hantigoosiga ahi waxay qaaradda ka dhigeen garoon ay ku ciyaaraan quwadaha waaweyni. Dagaallo badan oo qaaradda ka dhacay ama ka dhacaya waxaa u sabab ah hirdan dhaqaale oo Maraykanku gadhwadeen ka yahay. In kasta oo doolarku weli dunida ku leeyey kaalin weyn, haddana waxaa socda dadaallo caalami ah oo daarran in laga maarmo, oo aan wax lagu kala iibsan, lacagtan la siyaasadeeyey. Waxaa la hillaadinayaa in dalalka ku bahoobay BRICS+ ay meesha ka saari doonaan kaalintii uu doollarki dunida ku lahaa. Mana dheera xilligii la dumin lahaa imbaradooriyaddii doollarka. Waa se haddii adduunka kale la yimaaddo caqliga iyo tamarta ay taasi u baahan tahay.


Gumaysiga cusub waxaa dhibaataynta Afrika gacan ka siiya hoggaamiyayaasha Afrika oo aan marnaba ka talin wax u dan ah aayaha qaaradda. Haddii halgan daarranaa sidii la iskaga tuuri lahaa harqoodka gumaystuhu uu qaaradda ka aloosnaa xilligaa, hadda waxba ma socdaan oo waa la is huursan yahay, qaaradduna waxay noqotay hebed, aan diiday lahayn. Halka gumaysigii hore lagaga baraarugsanaa oo waxyeelladiisa laga warhayey, kan cusub lagama war qabo. Sida runta ahna ma helin hanaddo u heellan dib u gobaynta qaaradda iyo horumarkeedaba. Qaaradduna waxay ku sugan tahay xaalad liidata oo ah fadhiidnimo dhaqaale, faragelin shisheeye iyo fashil hoggaamineed. Sida hubaasha ah wixii la helay ee Afrika badankeedu u dabaaldegaan wuxuu ahaa "xornimo maqaarsaar ah". Xornimada dhabta ah ee ay tahay in lagu dhaataa waa xornimada dhaqaale, midda siyaasadeed iyo midda dhaqan.

Gumaysigan cusub ee qaaraddu ku jirtaa wuxuu u baahan yahay halgan ka xoog badan kii lagu wajahay gumaysatayaashii hore. Ka doodistiisa iyo soo bandhigistiisa oo keliya ayaa halgan ah—in dadka lagu baraarujiyo wejiyadiisa kala geddisan. Waana halka wax kastaa ka unkamaan. Saddexda dhinac ee gumaysigu leeyahayba waa ku dhaboobayaan Afrika – gumaysiga dhaqaale, midka siyaasadeed iyo midka dhaqan. In kasta oo saddexduba ay mudan yihiin ka hadal, misana midka dhaqaale oo ah kan ugu daran ayaynu, sidii ugu koobnayd uga hadalnay. 

Qoraallada kale ee qoraaga

Aragti

Maxaynu Qornaa!

Aragti

Lacagta iyo Sicirbararka

Buug

Falsafadda Dagaalka