Skip to main content

Tuesday 22 October 2024

Feker

Fikirka Diiniga ah iyo Dunida Casriga ah

8 August, 2024
Image
Masaajid Iiraan ku yaal
Masaajid Iiraan ku yaal
Share

Isku furmidda adduunka iyo horumarka isgaadhsiinta oo la loollamaya fikirka Islaamiga ah ee soo jireenka ah.

 

Ma jirto cid diidi karta in fikirka diiniga ah ee soo jireenka ah, kuna dhex baahsan bulshooyinka Carabta iyo muslimku, uu sannadihii dambe wajahayo caqabado adag. Kacaanka isgaadhsiintu, sida internet-ku, wuxu abuuray jawi si weyn uga qaybqaatay in dhaxalkii hore lasoo faqo, doodna laga keeno. Jawigaas isgaadhsiinta iyo helitaanka xogtu ay abuureenna waa mid ku tilmaaman madaxbannaani oo ka madhan in cidi faafreebto ama korjoogtayso, haayadaha xukuumiga ah iyo kuwa diiniga ahiba. Wax badan oo ka mid ah sooyaalkeenna waxa ku filan ogaansho ama maqal, isla markaasna waxa uu kugu abuurayaa jahawareer iyo isweydiin ka dhalanaya kala duwanaanta waxa cusub ee aad ogaatay iyo sawirkii hore ee maskaxdeenna lagu abuuray, marka laga hadlayo sooyaalka diinta.

Waxyaabo badan oo ka mid ah sooyaalka waxa lagu tilmaama ‘waxyaabo aan la soo faqi karin’, macnaha xaqiiqooyin diini ah oo ku xusan buugaagta sooyaalka Islaamka, se abuuri kara dhibaato aan la wajahi karin. Waxa ka mid ah mawduuca qiraa’aatka Qur’aanka, loollankii saxaabadu u galeen talada, dumarka gaalada laga qabsado iyo addoonsiga, waxa kale oo jira khaladaad naxwe iyo saynis. Waxa jira waxyaabo ka horimanaya xuquuqda aadamaha, dadka aan Islaamka ahaynna takooraya, iyo waxyaabo kale oo badan oo tobannaan qaddiyadood gaadhaya, culimaduna jecelyihiin in buuggaagta loo daayo oo aan laga doodin, si aan shaki u gelin dadka muuminiinta ah. 

Arrinka intaasba ka darani waa in wadaaddadu waxyaabahaas aynnu soo sheegnay kaga jawaabaan warcelinno aan adkayn oo aad u itaal daran, iskana hor imanaya, qofka kaliya ee jawaabahaas ku qanci karaana yahay qof leh iimaan adag. Waa iimaan aan furfurmi karin, kuna tiirsan iska fogaynta wax kasta oo maangal ah, si maangal ahna aan wax u rogrogi karin. Wadaaddadu waxa kale oo ay qaddiyadahaas u bixiyeen ‘Shubuhaat’ oo ay uga jeedaan in qofka waxaas aaminaa yahay qof wax iskaga dhex darsameen. Haddaba, waxyaabahaas xidhxidhnaa oo dhan dunida cusub ee kacaanka isgaadhsiintu hanaqaaday baa soo afjartay, wax dambe oo la qarin karaana ma jiro. 

In inta badan, dadka muslimka ahi berigii hore qaddiyadahan aanay ogayn, waxbana iska weydiin jirin, waxa sabab u ahaa sawirka qurxoon ee dadka inta badani ka haysteen sooyaalka diinta iyo waaqiceeda, se wakhtigan la joogo, dadkaas muslimiinta ahi waxay nafahooda u hurayaan, iyada oo dunida oo dhammina la jirto, in la soo faqo sooyaalkii hore, oo wax badan la kala saaro. 

Haddii Internet-ku filanwaa iyo jahawareer ku riday bulshooyinkii qaybta weyn ka qaatay horumarka, cusboonaysiinta iyo furfurnaanta, oo bulshooyinka reer Galbeedku ugu horreeyaan, maxaad u malayn kartaa saamaynta uu ku yeelan karo bulshadeenna oo waxyaabo badan ka dib dhacsan? Muran kuma jiro in jahawareerku ka sii weynaanayo inta bulshooyinkaas kale, ka bulshadeenna ayaa na ka xeeldheeraanaya oo ka raad weynaanaya. Faafitaanka baraha bulshada iyo sida fudud ee lagu heli karo xog la hubo oo ku saabsan qaddiyadahaas ah sooyaalka iyo fikirka diinig ah, sidoo kale sida fudud ee lagu heli karo buuggag badan oo nooc walba leh, luuqad kastana ku qorani, waa arrimo furay albaab isbeddel oo qotodheer, oo sababaya in dib loogu noqdo dhammaan dhinacyada sooyaalka oo fikirka diiniga ahi ugu muhiimsan yahay. 

Haddaba, dadka fekera iyo wadaaddada diinta ee Islaamku kamay gaabsan isbeddelkan dhacay oo kamay aamusin su’aalaha ay keenayaan jiilka cusubi, su’aalaha ku saabsan diinta oo ay rabaan in laga shaafiyo, iyo isweydiimaha dhallinyaradaasi u arkaan in aanay maangalnimada waafaqayn. Wadaaddada iyo mufakiriintuba waxay diyaarsadeen jawaabo, inta badanna laba qaab uun bay uga falceliyaan: 

1) qaabka koowaad waxa adeegsada qaar ka mid ah wadaaddada iyo mufakiriinta Islaamiga ah ee asalraaca ah. Waa qaab ku gaabsada in dhaliisha oo dhan dhakada laga saaro reer Galbeedka oo colaad ku salaysan, waxaanay sheegaan in cidda su’aalahaas keenaysaa ay yihiin dad hagardaamo diinta ku wada, dagaalna kusoo qaaday bulshada muslimka ah. Dhaliishooda waxay garab wadaan jawaabo iska maad u eg oo ay su’aalaha waaweyn kaga jawaabaan. Waa jawaabo uu ku qanci karo uun qof aan iimaankiisa waxba iska weydiin oo si indhobeelnimo ah wax u rumaysan. Waxay illaaween wadaaddadaasi in duni wax la qariyo aan la joogin, qaddiyadaha muranku ka taagan yahayna jiil dhammi su’aalo ka keeno, weliba ogaalku sii korayo, oo su’aal gelintu aanay ku koobnayn imika cilmibaadhayaashii reer Galbeedka ee diinta Islaamka diraasayn jiray. 

2) qaabka labaad waxa adeegsada wadaaddada ku dedaalaya in wax la saxo oo wax la toosiyo. Walaw ay ku kala duwan yihiin, haddana waxay isku dayaan inay qiraan khaladaadka iyo su’aalaha jira iyo in sooyaalka waxyaabo badan oo la qariyey jiraan. Waxay keeneen talo ah: in qaddiyadahaas aan la huursan, ee loo arko qaddiyado khuseeya wakhtigii hore ee Islaamka iyo goobtii Islaamku ka bilaabmay. Goorta uu Islaamku bilaabmay iyo goobta uu ka bilaabmay baa qaabeeyey nusuusta diiniga ah, sooyaalka Muslimiintana aynnu ku eegno wakhtigaas ay joogeen, innagoo nool qarnigii 21aad, oo og in waxyaabaha xilligaas dhacay caqli ahaan wax la diidi karo yihiin. Markaas wadaaddadaasi waxa ay aaminsanyihiin in qayb ka mid ah sooyaalka iyo fikirka diiniga ahi aanay wakhtigeenan u qalmin, in la duro habdhaqanno muslimiintii hore lahaayeenna waa wax la fahmi karo, sababtoo ah dad isku wakhti ah ma nihin, isku goobna kuma noolin. Waxa ay aaminsanyihiin in arrinkani aanu ahayn in diinta oo dhan laga tagayo ama la tuuro oo nolosheenna laga masaxo. Diintu waa qayb ka mid ah nolosheenna iyo aqoonsigeenna bulsho, markaa xalku waa in la qaato dhaqannada wanaagsan ee diintu sheegtay oo aynnu qiyamka ka qaadanno, balse aan waxyaabaha hoose loo dhaadhicin ee dadku caqligooda go’aanka kaga gaadhi karaan. Diinta Islaamku waxay leedahay dhaqanno guud iyo qiyam sare oo nusuusteeda laga soo dheegtay, sida naxariista, caddaaladda, sinnaanta, xadgudubka oo la diido, ilaalinta, xoolaha, sharafta iyo nolosha qofka iyo dhaqanno kale oo wanaagsan. Markaa sida qolodani qabto, wixii axkaam sharci ama iimaani ah ee ay jaangoysay dabeecaddii nololeed ee bulshadii hore ee muslimka ahayd la noolayd, waa in aynnu meesha ka saarnaa, innaguna keennaa mabaadi’ iyo jidayn cusub oo waafaqsan mabaadi’da guud ee diinta Islaamka. Markaa, fikirkooda, sidaas ayaynu aqoonsigii bulsho iyo diintana ku ilaalinaynaa, oo aynaan iska hor keenayn diinta iyo noloshan cusub, dhinaca kalena aynaan horumarkeenna bulsho hakad galinayn. 

In kasta oo aan qolodan hagidda iyo hagaajinta aaminsan aan aad ula fikir ahay, haddana weli waxa yaalla su’aalo iyo caqabado waajihi kara, sida:

Kow: waa kee mad’habka diiniga ah ee Islaamiga ah ama haayadda diineed ee ay tahay in Muslimiinta oo dhammi isku raacaan si uu axkaamta gaarka ah ee xilligan taagan ugu jaangooyo mabaadi’da guud ee diinta? Ma As’har baa loo xil saarayaa? Ma Xusayniyada Shiicada ah ee Iiraan? Ma Sacuudiga? Ma waddaaddada reer Marooko ama Tuunis? Muxuu se noqonaya xaalka qurbajoogta ee Muslimiinta ahi? 

Laba: sideedaba, dhammaan muslimiintu, ama badankoodu, ma yeelayaan dib u qaabayn sidaas ah? Ma yeelayaan in axkaamta diinta dib loo qaabeeyo, si loogu jaangooyo xilligan taagan? Haddii koox ka mid ahi yeesho, waxa hubaal ah in qaybta badani diidayso, oo ay wax ka maqlayaan wadaaddada inta asalraaca ah ee aynnu kor kusoo xusnay. Dhibaatadanina fikirkayga waa ta ugu weyn. 

Saddex: haddiiba la isku raaco dib u qaabayn iyo in la dejiyo axkaam gaar ah oo waaqaca ku salaysan, kuna jaango’an mabaadi’da guud ee diinta Islaamka, sidee loo kala xadaynayaa? Sidee loo kala soocayaa waxa noqon kara xukun gaar ah oo waaqaca ah iyo xukun ama mabda’ guud oo diini ah? Ama sidee haayaddaas diineed ee qodobkaas loo xilsaaraa u kala saari kartaa mabaadi’da guud ee Islaamiga ah ee goor kasta iyo goob kasta la wadanayo iyo axkaamta gaarka ah ee ay tahay in xilligaas hore lagaga yimaaddo oo aan imika la soo qaadan? Tusaale, soo qof kuma doodi karo salaaddu ma aha wax qof kasta ku waajiba ee waajib bulsheed ha lagu koobo? Dabcanna waa wax aan cidina yeelayn. Waxa la mid ah wadaadkii masaariga ahaa ee Maxamed Cabdallah Nasr oo diiday in tuugga gacanta la jaro, fikirkaasna xabsi ku mutaystay. Waxa kale oo jira dad leh dib ha loogu noqdo shuruucda Islaamiga ah ee qofka la xidhiidha, si shuruuc, fikirkooda, qofka meel ka dhac ku ah looga saaro, sida xuquuqda dumarka. Balse waa fikir aanay dad badan oo muslimiin ahi yeelayn, sababtoo ah shuruucdaas badankooda waxa laga soo qaatay Quraanka laftiisa. Fikirkayga mawduuca ugu muhiimsani waa jihaadka iyo ereybixinaha ‘dhul dagaal’ iyo ‘dhul heshiis la yahay’. Aynnu xusno mufakirkii reer Suudaan, Maxamuud Maxamed Daaha oo kitaabkiisa ‘al-Risaala al-Saaniya’ aaminsanaa in marxaladdii Islaamka ee uu Nabigu (NNKH) uu Madiina joogay aanay metelin Islaamkii dhabta ahaa, sababtoo ah waa marxalad ay ku dheehnayd siyaasad iyo xaalado dagaal oo wakhtigaas ku jaango’naa, taasina keentay in nusuus badan oo diinta ka mid ah soo arooraan iyagoo sheegaya in dadka ka duwan muslimiinta la laayo. Maxamuud Maxamed Daaha waxa uu soo jeedinayaa in marxaladda uu Nebigu Maka joogay ay metesho Islaamka dhabta ah ee nabadda ku baaqa, waana marxaladda ay tahay in Islaamka matasho. Waa marxalad aan gacan-ka-hadal jirin, cid kalena aan dagaal lagu qaadin. Buuggiisaas aad baa loogu dhaliilay, ilaa uu buuggaasi aakhirkii noloshiisa sahayday. 

Laga soo bilaabo markii koowaad ee bulshada Muslimka ah is dhexgalaan reer Galbeedka, oo ah xilligii Naabilyoon Masar kusoo duulay, 1798-kii, ilaa waxyar ka hor bilawgii qarniga 21aad, mawduuca ah in la cusboonaysiiyo aragtida diineed waxa uu ahaa mid miiska saaran, marba heer uu joogay. Balse intii dunidu isgaadhsiin ahaan isu furantay, ee wax kasta bannaanka yimi, cusboonaysiinta fikirka diiniga ahi lagamamaarmaan bay noqotay, weliba in si degdeg ah loo sameeyo. Natiijada ka dhalata doodahaas oo la abuuro, oo lagu dhex qabto mu’assasaadka diiniga ah, waxay noqon doontaa mid muhiim ah oo waddo u jeexda sooyaalkeenna soo socda. Sidaas darteed, bulshadeennu waxay u diyaarsantahay isbeddel dhinacan ah, oo ay adagtahay in la saadaaliyo halka uu ku dhammaan doono. 

Waa aynnu xasuusannaa dooddii adkayd ee bilawgii 2020-kii dhex martay Sheekha As’har ee Axmed Dayib oo metelayay wadaaddadaas asalraaca ah iyo madaxa jaamacadda Qaahira Muxammad al-Khasht oo garabka cusboonaysiinta taageersanaa, dooddan oo ku dhex martay shirkii ‘cusboonaysiinta fikirka diiniga ah’ ee Masar ka dhacay. Dooddan kululi waxay muujisay in kalaqaybsanaan weyni bulshada muslimka ah ka dhex jirto marka mawduuca cusboonaysiinta fikirka diiniga ah la joogo. Balse kala qaybsanaantaasi maaha mid dheellitiran, oo weli dadka asalraaca ah ee taageersan in aan waxba la beddelin baa badan. 

Ugu dambayn waxa aan leeyahay, ama aynnu yeelno isbeddel iyo cusboonaysiin, ama aynnu si gaabis ah u madhanno oo aynnu meesha uga baxno, xikmad baana tidhaahda: hana jilcin si aan laguu miirin, hana adkaan si aan laguu jabin, aniguna bulshadeenna lama rabo jab.