Thursday 21 November 2024
Qoraayadu way kala jaadad duwan yihiin, wayna kala sifayn iyo saafid duwan yihiin. Sidoo kale qalin adeegsiga way ku ka la soocmaan.
Qoraaga adeegsada suugaanta tiraabta ahi, waliba marka uu yahay sheekoqore, wuxuu dhab-tilmaamidda u adeegsada jilaayo. Dhexdooda ayuu ka yeelaa dhacdooyin. Dabadeed wuxuu dhacdooyinka ku dhex gudbiyaa fan, masrixiyad, farshaxan iyo duruus ka la jaadad duwan. Wuxuu qalinkiisa ku suureeyaa dhimaallada bulsheed, dib-u-dhaca dhaqan, xaddaarad xumida, iyo tilmaamidda docda faruuran. Ibraahin-Hawd Yuusuf wuxuu ka mid yahay kuwa u adeegsado dhab tilmaamidda fanka sheekoqorista, wuxuuna ila yahay kan ugu sarreeya qoraayada Soomaaliyeed ee adeegsada suugaanta tiraabta ah waliba sheekafaneedda. Wuxuu lee yahay fan riwaayadeed aad u ballaadhan, sheekooyin gaagaaban iyo waliba curisyo kale. Waxsoosaarkiisa suugaaneed markaad akhrinaysid kagama dhargi kartid dulmar iyo mar-akhrin se waxaad u baahan tahay dhowr-mar-akhrin, falkin iyo faallayn, si aad u fahanto dhibaabaha uu qoraagu tilmaamaayo. Sheekooyinka Hawd iskooda ayey u yihiin fan. Waxay u baahan yihiin duljoogsi iyo akhrin indheergaradnimo leh. Waxsoosaarkiisa ballaadhan ma rabo inaan dhex dabbaasho se waxaan rabaa inaan diiradda saaro shakhsiyad ku dhex jirta sheekadiisa Aanadii Negeeye. Wuxuu suugaanyahanku sheekadaas ku dhex faalleeyay arrimo badan, wuxuuna jilaayo badan kudhex gudbiyay culuun kala duwan. Marka aad u fiirsato sheekooyinka Hawd, wuxuu ku dhex hadlaa jilaayada. Qaarkood wuu la hadlaa, qaar kalana wuu ka hadlaa. Shakhsiyadda aan rabo inaan abbaaro oo aan faalleeyaa waa “Kaliil.”
Kaliil wuxuu ka mid yahay shakhsiyadaha dhallaannimo ku soo galaaya sheekada, ku dhex koraaya isla jeer kalana adigoo arkay/akhriyaya dhallaannimadiisa, korriinshihiisa, iyo waxbarashadiisa ayaad haddana arkaysaa/akhrinaysaa geeridiisa. Negeeye (oo ah shakhsiyadda sheekada ay ku soconayso) isagoo joogo Baydhabo, goortuna ay tahay galab, xeradiisa ciidannimana ku dhex cayaaraayo turub ayaa loo sheegayaa in qof dumar ahi ay u taagan tahay bannaanka. Wuu la yaabayaa, oo isma uu laheyn qof dumar ah oo aad ballamisay ayaa kuu imaan doonta.
Markii uu bannaanka u soo baxay ayuu arkay qof dumar ah oo geed hoos fadhida. Kolkii uu u soo dhowaadayba waxay ku noqotay Amran oo xanbaarsan cunug yar. Waxay iska waraysanaayeen tuuladii Damalweyn. Ka dib waxay Amran uga warrsamaysaa Negeeye, wiilka yar ee ay xanbaarsan tahay. Waxayna u sheegaysaa in uu isagu aabbihiis yahay. Wuu ka biyo diidayaa bilowga hore. Kaliil in ay u bixisay ayey u sheegaysaa. Isaguna (waa Kaliil e), wuxuu sheekada ku soo galayaa lunsanaan iyo iswaayid. Negeeye wuxuu ku adkaysanayaa in cunuggaan yar uusan isagu Aabbe u ahayn, oo uu yahay cunug ka dhaxeeya odoyaashii saqda dhexe ee habeennimo u soo guurayn jiray Amran. Iyaduna waxay dusha u saaraysaa Negeeye. Shakhsiyadda Kaliil, dhallaanimadeeda ayaa noqonayso mid iswaayid badan kulansanaysa. Dood dheer ka dib, Negeeye wuu iskaga qancayaa. Diidmada hore ee Negeeye waxay cid kasta oo sheekada akhrinaysa maankeeda ku furaysaa weydiin ah: waa kuma Kaliil aabbihii? Se cidna inta aysan ka jawaab celin qofku wuxuu ku qancayaa oggolaanshaha dambe ee Negeeye.
Kaliil wuu korayaa, wuxuuna dhiganayaa dugsi. Wuxuu Kaliil noqonayaa shakhsiyad aamus badan. Laf iyo dherer ayuu yeelanayaa. Wuxuu noqonayaa mid qunyarsocod ah. Dantii-yaqaan aan cidna wax ku darsan ayuu noqonayaa. Taasi waxay noqonaysaa kala-duwnaanshaha dabci ee u dhaxeeyo isaga iyo Aabbihii lagu sheeggii Negeeye ahaa. Abidkiis Aabbhihii wuxuu ka maqlay hal talo oo uu si ruuxi ah u qaadanaayo taasoo ah: “Waligaa nin qayrkaa ahi yuu hoos kuu eegin.” Waa nin iska dantii-yaqaan ah, ogaal badan u ma lahan tuuladii uu ku uurgalay, ilmo Goodirna war iyo wacaal toona u ma haayo. Waa halkii la lahaaye, waraf iyo shimbiro war isu ma haayaan!
Goor fiid ah ayuu Negeeye imaanayaa guriga ka dibna Kaliil ayuu ku qaadayaa gaari. Wuxuu geynayaa maqaaxi yar. Wuxuu doonayaa in uu uga warramo aanada uu uga cabsi qabo; dilkii uu Negeeye u gaystay Goodir isagoo kaga aarsanaayay Goodir dilkii uu Negeeye aabbihii u gaystay. Negeeye wuxuu baqdin badan ka qabayaa ilmo Goodir. Illayn isagu waa askariye oo cidna uma soo dhowaan kartee, wuxuu u baqanayaa miskiinkaan qunyarsocodka ah inay dilaan. Negeeye wuxuu Kaliil uga warramayaa gubistii uu gubay aqalkii Goodir, iskudaygiisii dil iyo dhaartii kitaabka ee uu sida qaldan u gacan saaray. Wuxuu kaloo uga warramayaa aarsashadii dil ee uu gaystay, ka-soo-fakashadii tuulada iyo waxyaabo kale oo ku hareeraysnaa. Wuu u warramay, Kaliilna warkii wuu ka guray se dhegna jalaq uma siin. Wuxuu ku koray magaalo, dugsi iyo aqoon ayuu dugaalsaday oo maankiisa ma uusan galin fal aadan falin ayaa lagugu ciqaabi karaa. Kaliil wuu ka soo dhaqaajiyay Negeeye.
Isagoo u socdo gurigiisa, tallaabadana u qaadaaya si dhow ayuu arkayaa labo qof oo dhabarkiisa ka soo socda, si xawaare sare lehna u soo tallaabo dheeraynaaya. Magaciisa ayey ugu yeedhayaan: “Kaliil.” Inta uu tallaabada dhimo ayuu ku celinayaa: “Waa kuma?” Laakiin waxaa jawaab looga dhigayayaa toorrey. Marka hore caloosha ayey ka gelinayaan. Kan xigana wuxuu kaga dhufanayaa kelyaha. Waxaa Kaliil ku dhacaaya falkii uu Aabbihiis uga digaayay. Kuwa dilayna waxay noqonayaan ilmo Goodir.
Halkaan ayuu Hawd ka ibo furayaa weydiimo falsafi ah. Kaliil wuxuu ciqaabtiisa marayaa dambi uusan gelin. Dhulka hoose ayuu u galayaa fal aanu wax talo iyo falis ah midna ku lahayn. Isaga iyo maryihii uu xidhnaaba laba god ayaa lagu kala duugayaa. Hawd wuxuu waydiintiisa koowaad ee falsafiga ah—ee uu ku soo bandhigaayo dilka shakhsiyadda Kaliil—ku bilaabayaa mid leh: Kaliil nolosha miyuu ka hadhay mise iyada ayaa ka hadhay? Waydiintaani waxay u baahan tahay warcelin kas xasillooni uu weheliyo. Akhristaha dulmar u akhrinaaya suugaanta caynkaan oo kale ahi kama warcelin karo weydiintaan oo kale. Dabcan, Kaliil nolosha ayuu ka hadhay mar. Oo wuu dhintay. Sidaasna wuxuu kaga hadhayaa safarka nolosha, sii socodka sheekada iyo waliba hab-isku-dhiska sheekada. Mar kale iyana, nolosha ayaa ka hadhaysa oo isagaa u hoyaadaaya ciidda hoose iyo dhulka mugdiga ah.
Hawd wuxuu raacinayaa waydiin kale oo iyana leh: Miyey ka la leexdeen mise way ka la ambadeen? Eeg, halkaan, mar wey ka la leexdeen, oo isagu (Kaliil) wuxuu u leexanayaa dhanka geerida, noloshuna waxay u leexanaysaa dhanka sii socoshada. Waa la ka la leexiyay, oo isagoo nolosha hammuun u qaba, koray oo kobcay ayay jidka nolosha ka leexiyeen ilmo Goodir. Iyana mar kale way ka la ambadeen, oo Kaliil wuu ka ambaday nolosha, noloshuna Kaliil way ka ambatay. Xaglo badan haddii la ga eego iyana waxaa soo baxaaya warcelino kala jaadad duwan. Illayn ma ahan waydiimuhu ku xisaabeed ah oo leh qaacido gooni ah ee waa kuwa falsafi ah oo lagu ka la leexan karo.
Mar kale ayuu qoraagu ina hor keenayaa waydiin inagu qasbayso inaan u fakarno habab kala duwan. Wuxuu ina waydiinayaa: xaqiiqdaas yari ma waxay qayb ka tahay xaqiiqo weyn, mise waxay u taagan tahay iskeed? Marka hore xaqiiqda geerida Kaliil waxay qayb ka tahay xaqiiq weyn. Waxay ku biyo shubanaysaa dilkii uu Goodir u gaystay Negeeye Aabbihii. Negeeye isna wuxuu dil u gaysanayaa Goodir, si uu ugu aaro Aabbihii. Isla mar kale ayey ilmo Goodir Kaliil u gaysanayaan dil, si ay ugu aar gudaan Aabbahood. Tani waxay toosh ku ifinayaaa dhaqanka gurracan ee aadanaha dhexdiisa ka jira, gaar ahaan dhaqanka Soomaalida. Xaqiiqda yari waxay mar kale tahay mid iskeeda gooni u gu taagan. Kaliil in la dilo waxaa ka xaqnimo badan in la dilo ninkii dilka gaystay oo Negeeye ah. Isla mar kale waydiintaani waxay u baahan tahay ookiyaalo kale in lagu eego. Si loo fahmo cunsurka falka dhacay. Mar kalana u ma baahna in lagu eego ookiyaalo kale, sababto ah doodda oo dhani waxay ku soo uruuraysaa in Kaliil lagu ciqaabay dambi uusan falin.
Wuxuu inoo raacinayaa Hawd mid kale oo iyana ina leh: Horta xaqiiq yar iyo mid weyni ma ka la jiraan? Agah! Durba waydiimahaan falsafiga ahi kolka ay kaa hor yimaaddaan waxaad isku laabaysaa buugga, waxaad hubinaysaa doorashadaadii waliba adigoo mar kale akhrinaaya buugga jaldigiisa ciwaanka ku xusan—Aanadii Negeeye. Akhrin indheergaradnimo leh marka la gu eego waxaa inoo soo baxaysa in ay ka la jiraan xaqiiq yar iyo mid weyni. Xaqiiqda yari haddii aynnu dhahno waa falka geerida Kaliil, iyana sow xaqiiqda weyni noqon mayso dilkii uu Goodir u gaystay Negeeye Aabbihii? Xaqiiqda wayni waxay dhufsataa xaqiiqda yar.
Adigoo is leh intaan ha kuugu filnaato maanshiilnimo oo u daadeg duni aan waydiimo falsafi ah laheyn ayuu qoraagu kuugu darayaa mid kale oo iyana leh: Xabbad caleen ah oo geed ku taal xidhiidh ma la lee dahay caleemaha kale? Dabcan waa suuragal, marka aynnu eegno ilmada uu la fiqfiq leeyay Negeeye marka uu joogo duugista Kaliil, waxaad iska garanaysaa in caleenta geedka saarani marka ay go’do ay dhibayso geedka iyo caleemaha kale. Goobtii ay caleentaasi ka dhacday waxay noqonaysaa mid bannaan. Taasina waxay ku tusinaysaa xidhiidhka ka dhaxeeya geedka iyo caleemaha. Wuxuu Hawd isla waydiintii kore mid la xidhiidha inoo raacinayaa middaan kale: Marka ay go’do, geedku ma tebaa, iyadu se geedka ma tawdaa? Aynnu dhahno geedku wuu tebaa oo booskii ay ka baxday caleentu wuu haawanayaa, iyaduna geedka way tawdaa oo dhulka hoose iyo meel-xun-yaal ayey noqonaysaa.
Wuxuu Hawd isla caleenta inaga waydiinayaa mid kale isagoo ina leh; Miyay ka raysataa mise way u darsataa, mise waa ay macno beeshaa oo luntaa? Hore macno ma u lahayd? Qofna qofkii kama samro e, waa ay u hillowdaa, boos ayey ka bannaysaa sidoo ka le waa ay u darsataa. Way luntaa oo baaba’daa caleentu se geedku wuxuu sii ahaadaa baaqi, wuxuu sii joogteeyaa sii socodka nolosha iyo aqbalidda dhibaabaha jarriban ee noloshaan. Hore macno ayey u lahayd oo daaq, harsi, iyo manaafiic badan ayey yeelataa kolka ay biirsato caleemo badan.
Intaas kuma ekaan e, wuxuu inoo raacinayaa waydiimihiisa falsafiga ah mid kale: Haddii aad indho beeshid arag la’aantu miyaa ay tahay in ay dunidu mugdi noqotay? Indho-beelistu ma aha kaliya arag beelista, taasina waxay meesha ka saaraysaa in dunidu mugdi ay noqoto. Aragga oo aad wayso waxaa ka daran rejada oo aad waysid. Tani waxay ina tusinaysaa in kuwa badan oo aragga beelay ay weli la nool yihiin rejo. Laakiin isla mar ka le waxaad arkaysaa kuwa rejo beelay oo ay noloshu mugdi ku noqotay ka dibna isku dilay gacmahooda.
Inooga ma hadhin intaas e, wuxuu raacsaday: Haddii se aad dhego beeshid aamusku miyuu yahay in ay sanqadhu go’day? Dhagoole onkod ma yaqaan, indhoole se hillaac? Labadaas xaaladood ee ay mid waliba ka kale xaqiiqdiisa ka baxsan tahay ka indhaha iyo dhegaha qaba sow xaqiiqdiisa ku ma wada jiraan? Sidaas sow garashadu ku noqon mayso hirar ka la shisheeya oo marba hirka muuqdaa yahay waxa sugan, wixii kale oo dhamina male male iyo hummaag? Ma jirtaa xaqiiqo ka baxsan aragga, maqalka, dhadhanka, urinta, iyo taabashadu? Riyada, mala'awaalka, farshaxanka iyo afshaxanku, tusaale ahaan, xaqiiqda ma ku lid baa mise waa hirarkeeda fogfog oo dirqi ku muuqda?
Waydiimahaan waxaad mooddaa inaan loo ga gudbi karin mar-akhrin, ee ay mudan yihiin dul-joogsi iyo faallayn. Waxaad arkaysaa in qoraagu uu ka dhex goobaayo qeybtaan dambe waydiimaha ku dhex filiqsan jiraal. Godkii Aflaadoon ayey maskaxdaadu ku hor keenaysaa. Xaqiiq jiraalnimo in uu baadi goobaayo ayaa kaaga dhadhamayso qeybtaan dambe. Hirarka fogfog iyo kuwa dirqiga ku muuqdaa dhab jiraalnimadooda ayuu halkaan kugu waydiinayaa adiga oo akhriste ah. Geerida shakhsiyadda Kaliil waxaad moodda in qoraagu uu ku nafisaayo, akhristahana u diraayo waydiimo falkin u baahan. Nolosha Kaliil wuxuu dhallaannimadeeda ka yeelay mid lunsan, korriinshaheedana wuxuu ka yeelay mid aamusan oo gooni-u-joog badan leh. Sidoo kalana geerideeda wuxuu ka yeelay mid soo degegto, oo shakhsiyadda kaliya ee iyadoo dhallinyaro ah dhimanaysa ayey noqonaysaa ta Kaliil. Waxaad is lee dahay ma wuxuu u dedejiyay in uu ku nafiso? Mar kale waxaad ku fakaraysaa shakhsiyadda Kaliil ma wuxuu u jirsiiyay in uu ku dhex gudbiyo waydiimo falsafi ah. Maya e, wuxuu u jirsiiyay in uu farshaxannimo iyo jilaanimo kaliya ka yeelo ayey isku qancinaysaa maskaxda aan rabin in ay waydiimahaan liqdo.
Waligay inta aan akhrinaayay suugaanta tiraabta ah sidaan u la ma falgalin sheeko. Nuxur iyo dhadhan sidaas u buuran ka ma helin bogag sheekada ka mid ah. Nuuradiin Faarax ayaa la ga hayaa in uu yidhi: Suugaantu cid waliba waa siday u fahanto. Markaad akhrinayso sheekada Aanadii Negeeye waxaad arkaysaa in qoraagu kaga hadlay dhacdooyin badan. Ku dhex faalleeyay mowduucyo uu mid walba si gooni ah uga hadli karaayay. Waxaad arkaysaa in sheekadu ay ka soo bilaabanayso tuulo, una soo hayaamayso magaalo iyo ilbaxnimo. Waxaad arkaysaa in muddul ku yaalla tuulo la yidhaahdo Damalweyn ay ka soo bilaabanayso u na soo gudbayso Fillo Adduun. Waxaad arkaysaa shakhsiyadaha qaar in uu la hadlaayo qoraagu, kuwa qaarna ka hadlaayo, kuwa qaarna aad moodaysidba in ay yihiin qoraaga. Waxay sheekadu u baahan tahay dhowr-mar-akhin, la falgalid iyo faallayn.