Friday 22 November 2024
Tan iyo xilligii uu Geeska Afrika soo gaadhay gumeysiga reer Yurub, khilaafaadka xuduuddeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobbiya waxa uu dhaliyay colaaddo badan iyo halganno hubaysan, kuwaas oo ka bilaabmay dagaalkii Talyaaniga iyo Itoobbiya ka dhex dhacay. Xornimadii ka dibna waxaa dhacay iska hor imaadyo uu ka mid ahaa kii 1964-kii iyo dagaalkii Ogaadeeniya ee 1977. Ilaa haddana waxaa taagan khatar ay colaaddahani dib isugu soo cusboonaysiin karaan, gaar ahaan kolka la eego murankii ka dhashay is afgaradkii ay Soomaalilaan iyo Itoobbiya wada saxeexdeen, oo ay Soomaaliya u aragtay xadgudub ka dhan ah madaxbanaanideeda.
Khilaafaadkani waxa ay ku salaysan yihiin sawirashada taariikheed ee qaldan ee Itoobbiyaanka, oo Itoobbiya waxa ay iska dhaadhicisay in ay xaq u leedahay dhul balaadhan oo ka mid ah dhulka Soomaalidu degto oo ay u aragto in uu yahay dhul gumeystayaashu ka qaadeen, halka Soomaalidu aaminsan tahay in gumeystayaashu dhulkoodii qaybiyeen oo badh ka mid ah siiyeen Itoobbiya, gaar ahaan deegaannada Soomaali galbeed.
Dejinta xuduudka u dhaxaynaya dhulkii Soomaalida ee uu Talyaanigu haystay iyo Itoobbiya waxa ay qaaday dhabbe dheer oo muran badan, taas oo ay keentay xidhiidhka labada dhinac ee colaadda ku astaysnaa. Talyaaniga waxaa ka go’neyd in uu xoog iyo xeelad ba ku hanto Itoobbiya, horaantii waxa uu la galay heshiisyo sida kii Wujaale (Wuchale) oo ay wada saxeexdeen 1888, heshiiskan labada dhinac si caksi isku ah ayay u turjunteen: Talyaanigu waxa uu u turjuntay in uu yahay wasaayad ay Itoobbiyi ugu wakiilanayso Talyaaniga maamulka arrimaheeda dibadda. Raysal wasaarihii Talyaaniga ee waqtigaas Giyofaani Gilooti waxa uu u qaatay in heshiisku daarranaa “maamul korka sare ah in uu ku haysanayo Minilik” oo heshiiska isagoo raalli ka ah oo ku qanacsan ayuu Yurub ku wareejiyay.
Halka turjumaada Itoobbiyaanka oo Amxaarig ku qorneyd dhigaysay in maamulka arrimaha dibadda ee Itoobbiya ee Roomi yahay mid aan heshiiska qayb ka ahayn ee uu ahaa bandhig ay Itoobbiyi aqbali karto sidoo kalena diiddi karto. Warqaduu xidhiidhka ugu jarayay Rooma ee uu Minilik u qoray Boqorkii Talyaaniga ee boqor Umbeerto waxa uu ku cataabay, “boqortooyadaydii waad bahdisheen”. Heshiisyo kale oo labada dhinac galeen, sidoo kale ayay turjumaado isku cagsi ah u saarteen, taas oo ah sababta ay u bureen isku dayo lagu rabay in lagu jeexo xuduudda dhulkii Soomaalida ee uu Talyaagnigu ka talinayay iyo Itoobbiya.
Ka dib markii Talyaaniga lagu jabiyay dagaalkii Cadwa ee uu ku guuldaraystay in uu xoog ku qabsado Itoobbiya, waxa ay kala saxeexdeen Heshiiskii Addis Ababa kaas oo soo afjaray dagaalkii koowaad ee Itoobbiya iyo Talyaaniga dhex mara 1896-dii, heshiiskaas waxaa qayb ka ahaa in mar kale laga wada xaajoodo oo la isla dejiyo xuduuda dhulkii Soomaalida ee Talyaanigu haystay iyo Itoobbiya. Sannadkii xigay Maarj 1897-kii ayaa Talyaanigu Addis Ababa u soo diray Janaraal Siisaare Naarsiini (Cesare Nerazzini) si uu ula soo dejiyo Addis Ababa arrimaha xuduuda. Kulankani muhiim ayuu u ahaa sheekada abaabulan ee Itoobbiyaanku ku sheeganayeen dhul balaadhan oo dhulka Soomaalida ka mid ah. Itoobbiyaanku waxa ay qabaan in boqor Minilik II uu la galay Talyaaniga heshii lagu dejiyay xuduudka saxda ah ee Itoobbiya iyo Soomaaliyadii Talyaanigu haystay.
Sheekada Itoobbiyaanku waxa ay intaa ku daraysaa in boqorkoodu halkii nuskho ee jirtay ku wareejiyay Janaraal Naarsiini si uu ugu wareejiyo dawladda Talyaaniga, taas oo Sibteembar 3-deedii 1897 u soo dirtay Itoobbiya taar ay ku aqbalayaan xariiqa ay soo jeediyeen Itoobiyaanku. Haseyeeshee, ma jiraan wax fariimo rasmi ah oo la isweydaarsaday oo ku saabsan xuduud la jeexay, sidaas baana khilaafkii labada dhinac dib ugu soo cusboonaaday.
Xariiqa ay Itoobbiyaanku ku andacoodeen in uu boqor Minilik dejiyay waa mid dhereran xariiq loolkiisu yahay 8°N iyo dhig u dhigan 48°E, halka xuduuda ay sheegteen Talyaanigu uu ahaa xariiq ay saddexda xuduud oo ka dhulkii Soomaalida ee Ingiriisku haysteen ku jiro ku kulmayaan kaas oo gudaha ka ah xariiq loolkiisu yahay 8°N, dhigtiisuna tahay 47°E. qiyaasuhu sida ay sheegayaan, Itoobbiya waxa ay ku andacoonaysaa dhul dhereran 47,000 kiiloomitir laba jibaaran ah oo ka tirsan dhulka Soomaalida, taas oo u dhiganta dalka Jabuuti labadeed, taas oo ku salaysan xuduud beenaadka/ xuduudka ku meelgaadhka ah ee labada dal.
(An unofficial map sourced from the study by Ethiopian researcher Mesfin Meriam, illustrating the disputes over the border line)
Cilmibaadhis uu baahiyay xafiiska juquraafiga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa ayaa dib u eegis ku samaysay muranada xuduudda ee labada dal, waxayna ku faaleeyeen odhaahda Minilik: “Waxaa durbadiiba caddaatay in Itoobbiya iyo Talyaanigu ay tixraacyo kala duwan u adeegsanayeen qeexida xuduuddooda, dhulweyne saddex xagal ah oo xiga dhanka Waqooyi-bari ayaa muran galay oo ayna caddayn dhanka taladiisa leh.”
Kolkii Biritishku dejinayeen xuduudda mustacmaradoodii Kiiniya ay la yeelanayso Itoobbiya 1907-dii, waxay u fasaxeen dhulkii uu haystay Talyaanigu in ay ku durkaan Doolow iyo nawaaxigeeda. Tan waxaa xigay heshiis kale oo 1908-dii Talyaaniga iyo Itoobbiyaanku ku dejiyeen xuduuddooda kaas oo ka bilaabmayay Doolow. Siday doonto ha noqotee, heshiiskan oo ahaa mid aan sharci ahayn oo aan juquraafi ahaana caddayn dood badan ayuu dhaliyay, sababtoo ah waxa uu ku salaysnaa deegaan beeleed ee kumuu fadhin sida xuduudaha caadiga ah xariiqyada dhigaha iyo loolka. Sida uu dhigayo heshiiskii Ingiriiska iyo Talyaanigu, xuduuddaha Soomaaliya waxa ay fidsanyihiin oo ka talaabayaan wabiga Juba ilaa barta ay dhacdo xuduudda Kiiniya iyo Itoobbiya ee Doolow.
Xilligii uu socday dagaalkii Talyaaniga iyo Itoobbiya (1935 – 1936), Talyaanigu waxa uu qabsaday oo hoos keenay mustacmaradiisii Soomaaliya, gobolka Ogaadeeniya iyo dhulka kore ee ay ka soo bilaabamaan wabiyada Juba iyo Shabeele. Kolkii uu bilaabmay dagaal weynihii adduunka ee labaadi (1939 – 1945), Talyaaniga ayaa ka talinayay Waqooyi; dhulkii Soomaalida ee Biritshku haystay. Balse, 1941-dii ayaa Biritishku jabiyeen Talyaaniga, oo ay dib uga qabsadeen mustacmaradoodii Soomaalilaan, sidoo kalena waxa ay ku gacan dhigeen dhulkii Koonfur ee uu Talyaanigu haystay, Ogaadeeniya iyo qaybo Itoobbiya ka mid ah oo Talyaanigu haysan jiray. Waxa ay ahayd markii koowaad ee taariikhda Soomaalida ee shantii gobol ee Soomaali weyn afar ka mid ah hal talis u wada taliyo.
Biritishku 1948-dii ayay dib uga gurteen badanka gobolkii Ogaadeeniya. Waxaana 1948 lagu dejiyay baratakool ay wada dhigteen Ingiriiska iyo Itoobbiyaanku xuduuddo ku meelgaadh ah, kaas oo dhigayay in aan “waxba laga beddelin xuduuddii caalmiga ahayd ee u dhaxaysay Itoobbiya iyo dhulkii Soomaalida ee uu Talyaanigu hore uga talin jiray.” Haddaba, Ingiriisku isbeddel yar oo hal gees ka socda ayuu ku sameeyay xuduuddahan ku meelgaadhka ahaa 1948-dii, intaanuu 1950-kii ka bixin Koonfurtii Soomaaliya ee Talyaanigu haysan jiray, markaas oo lagu wareejiyay Wasaayada Qaramada Midoobay, iyadoo Talyaaniguna kor joogtaynayo. Itoobbiya iyo Talyaaniguba way ka gaabsadeen in ay toosiyaan xuduudihii ku meelgaadhka ahaa ka hor intaan la hirgalin. 29-kii Noofembar 1954, heshiis ay Ingiriiska iyo Itoobbiyaanku galeen ayaa waxa uu dhigayay in Ingiriisku Hawdka ka baxayo, sidoo kale se waxa uu sugayay heshiisku xaqa ay u leeyihiin Soomaalida Biritishku haysto in ay dhulkaa u daaq iyo waraabsi doonan karaan.
Arrimihii xuduuddu gacanta Talyaaniga ayay ku soo noqdeen isagoo markan haya wasaayada Soomaaliya 1950-kii ilaa 1960-kii. Muddadan ayaa Talyaanigu gorgortanno lagu rabo in lagu xaliyo muranada xuduudda la galay Itoobbiya, balse, dedaaladani guuldaro ayay ku soo idlaadeen 1957-dii. Dawladda Talyaanigu way diidday xuduud ku meelgaadh ah oo ay soo jeediyeen Itoobbiyaanku. Wadahadal ay Qaramada Midoobay dhexdhexaadinayaan oo uu fududaynayo Boqorkii Noorweey ayaa sidoo kale ku soo afjarmay guuldaro 1958-kii, oo ku fashilmay in uu muranka xal u helo. Diisembar 1959-kii wakiilo ka kala socda Talyaaniga iyo itoobbiya ayaa waxa ay heshiis ku gaadheen in lagu sii dhaqmo xuduudka ku meelgaadhka ah ee Itoobbiya iyo Soomaaliya u dhexeeya, inta heshiis kama dambays ah laga gaadhayo arrimaha xuduudda.
Warbixin ay diyaariyeen CIA-du 1948, oo la baahiyay 1999-kii, ayaa waxa ay ka warrantay khilaafka xuduuddeed ee ka dhexeeya Itoobbiya iyo Talyaaniga, waxa ay hoosta ka xariiqeen in ayna sal sharci ah lahayn doodda Itoobbiyaanku ku andacoonayaan ee ah in Talyaanigu aqbaleen xuduuddii uu jeexay boqor Minilik, waayo, aqbalaada laguma rasmiyayn waraaqo la isweydaarsaday, waxaana la hayaa uun doodda Talyaaniga oo ka gedisan waxa ay ku andacoonayaan Itoobbiyaanku. Arrintanina waxa ay la mid tahay heshiiskii labada dhinac galeen 1908-dii oo dhan kastaa sidiisa ku cagsiga ah dhanka kale u turjuntay waxa heshiisku daarran yahay.
Soomaaliya waxa ay gobanimadeedii qaadatay 1 Julaay 1960-kii, markaas oo ay diidday in ay aqoonsato xuduuddii lagu dejiyay heshiiskii Ingiriiska iyo Itoobbiya ee 1897-dii. Soomaaliya waxa ay qirtay uun xuduud ku meelgaadh ah oo Itoobbiya kala dhexeeya. Taas oo keentay in aannay xalismin khilaafka xuduuddu, balse, dhabbe kale ayuu qaaday khilaafku, waxaana soo baxday hiraalkii midaynta Soomaali weyn. Kaas oo ku taamayay in dib loo qabsado gobolkii Soomaali Galbeed oo qayb ka ahaa Itoobbiya.
Soomaaliya sidoo kale way ku gacan saydhay Baaqii Qaahira ee uu Ururka Midawga Afriki soosaaray, kaas oo dhigayay in aan waxba laga beddelin xuduudihii gumeystayaashu dejiyeen. In kastoo ay jireen isku dhacyo kooban oo ka dhex jira Soomaaliya iyo Itoobbiya, haddana waxaa lagu xakamayn jiray wadahadalada uu Ururka Midawga Afriki u qaban jiray, kaas oo kolkii danbe ku fashilmay in uu xaliyo qodobkay salka ku hayeen isku dhacyadu intii u dhaxaysay 1970-kii iyo 1971-kii.
Soomaalidu markii danbe waxa ay go’aan ku gaadheen in ay is hubeeyaan oo gacantooda ku soo dhacsadaan xaqooda. Xukuumadihii Soomaaliya ee kala danbeeyay midaynta dhulka Soomaalidu uma ahayn uun arrin kaliya daarran dhul ballaadhsi, balse, waxa uu ahaa siyaasad qeexda taas oo saamayn ku leh sida sharciyadooda shacabkoodu u arkaan. Laga soo bilaabo xukuumadii Aadan cadde, ilaa tii Sharmaake ilaa iyo Siyaad Barre gacan ku dhigista gobolkii Ogaadeeniya waxaa uu u ahaa tiirka siyaasadooda arrimaha dibadda. Siduu u dhigay Niyuuyook Taymis, “Soomaalida qabka weyn, ee xoolaraacatada ah ee saxaraha jecel dhulkaasi waxa uu u yahay dhulkii loogu baaqay (Promised Land)”
Xukuumadii Hantiwadaaga ahayd ee Soomaaliya waxa ay u iishatay xoog milatari si ay u soo afjarto khilaafka xuduudda oo waxa ay duullaan ku qaaday 1977-dii gobolkii Ogaadeeniya. isku daygani waxa uu soo gebagaboobay kolkii Soomaaliya la jabiyay ee ay dib u soo gurteen, taas oo ka dhigtay arrinta xuduudda mid aan ilaa maanta xal laga gaadhin. Intaa ka dib Soomaaliya waxa ka dhacay dagaalo sokeeye, Itoobbiya iyo Soomaaliyana markaas ayay ku heshiiyeen in ay joojiyaan falaagooyinka hubaysan ee ay isku soo taageerayaan. Arrimaha xuduuddu waa kuwo aan xalisnayn, oo aan lahayn xariiq rasmi ah oo sheegaya xuduudda labada dal. Halka dhanka Soomaalilaan xuduudda Itoobbiyi yahay mid aan muran iyo mugdi ka taaganayn.