Skip to main content

Thursday 19 September 2024

Siyaasad

Madaxweynaha Kiiniya gogol iyo golaba waa lagu sooray Maraykanka

27 May, 2024
Image
Ruto’s visit is the first official state visit to the White House
Ruto’s visit is the first official state visit to the White House by a leader from an African country since 2008. (Photo by Win McNamee/Getty Images)
Share

Safarka madaxweynaha Kiiniyi wuxuu ku soo aadayaa xilli milgihii caalamiga ahaa ee Maraykanku uu si xun dirrida ugu dhacay ka dib taageerada joogtada ah ee uu la garab taagan yahay weerarka ay Israa’iil ku waddo Qasa.

 

Maraykanku saaxaddii caalamka si tartiib-tartiib ah ayuu uga soo oodmayaa, waxana ugu wacan taageerada aan geedna loogu soo gabban ee, sida uu Baydhan laftiisu ku qeexay, “gaashaaman,” ee uu u hidiyay dagaalka bishii siddeedaa galay ee ay Israa’iil ku hayso Qasa. Quwaddan adduunka laga majeeran jiray hadda waxay u muuqataa in ay ku wacad furtay nadaamkii shuruucda ku salaysnayd ee ay had iyo goor ku dhex fidiso kuna tashkiiliso waddamada Dunida Koonfureed. Hasayeeshee, waqtigan ay Ameeriki intixaanka adag marayso, waxa ay garab la isku hallayn karo ka heshay saaxiib qadiim ah oo ay mandiqadda Harada Weyn ku lahayd—waddanka Afrikada Bari ku yaal ee Kiiniya. Socdaalkanina wuxuuba ku soo beegmayaa xidhiidhka Maraykanka iyo Kiiniya oo lixdan-jirsaday.

Madaxweyne Joo Baydhan wuxuu dhiggiisa Wilyam Ruuto ku casuumay safar qaran iyo casho bantookhsan – waana martiqaadkii u horreeyay ee hoggaamiye Afrika ahi uu ka helo tan iyo safarkii madaxweynihii Gaana, Joon Kufuur uu ku tegay 2008. Saxafiga reer Turki ee Rajib Soylu wuxuuba  sheegay in xilligii u danbeeyay ee hoggaamiye dalkiisa ah—oo garo oo gaashaanbuurta NATO ay Maraykanka ka wada tirsan yihiin— Aqalka Cad loogu casha-sameeyaa in ay ahayd 1988! Isniintii ayuu Madaxweyne Ruuto, oo dad badan oo reer Kiiniya ahi ay ku dhaliilaan maceeshadda qaaliyawday ee dalkiisa, Maraykanka ugu dhoofay diyaarad gaar ah oo uu ku joogayo afar maalmood oo lagu xoojinayo xidhiidhka labada waddan. Waa xilli Ruuto, oo dadka qaar ay ku magacaabaan madaxweynihii “cashuur-ururiyaha ahaa,” uu dadkiisa wayddiisanayay in ay gunti-giijad la yimaaddaan qasnadda dawladdana lacag badan u shubaan. Baabu Owino, oo ah siyaasi Kiiniyaan ah, ayaa cashuurahan badan ee uu Ruuto la yimi ku tilmaamay, isaga oo warbaahin ka hadlaya: “Waa cashuur digaagga ku dhacaysa, waa cashuur dalagga iyo dhirta ku dhacaysa, waa cashuur wax kasta oo dhaqaaqa ku dhacaysa; waa sidaas, oo waa cashuur wax kasta ku dhacaysa.”

Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Baarak Obaama – oo ahaa madaxweynihii kowaad ee Maraykan ah ee booqasho ku taga Kiiniya – kana tirsan “qurbajoogta Afrika” sida uu Baydhan laftiisu ku tilmaamay – ayaa kulan gaar ah Salaasadii la qaatay Ruuto. Mawangi Mayna, oo ah saxafi Kiiniyaan ah, ayaa is barbardhigay ismageydada uu Obaama ku kacay: mar wuxuu rabaa in uu Ruuto la kulmo, isaga oo toban sannadood uun ka hor uu maamulkiisu ka gaabsan jiray kolkii Ruuto ay ku socotay dacwadda Maxkamadda Denbiyada Adduunku. “Maanta u kaalay, saa waaba dawladnimadii Maraykanka oo daaha ka feydan,” ayuu ku qoraybartiisa X/Tiwiitarka. Labada nin “waxay ka wada hadleen horumarrada dimuqraaddiyadeed, iyo caqabadaha cimilada, amniga iyo nabadgelyada ee Afrika.”

Baydhan wuxuu ballanqaaday in uu Aqalka Hoose ee Barlamaanka kala shaqayn doono sidii Kiiniya looga dhigi lahaa xulafo Maraykan oo aan NATO ahayn --  taas oo ka dhigaysa dalkii kowaad ee Afrikada Saxaaraha ka Hoosaysa ah ee tilmaantaas la siiyo, summadna u ah in Kiiniyi ay ka mid noqonayso saaxiibbada ugu muhiimsan ee Maraykanku qaaradda ku leeyahay.    Faysal Rooble wuxuu sheegay in kulankani uu si rasmi ah Kiiniya ugu caleemasaaray dawlad weyn oo heer gobol ah, taas oo baradhaafinaysa Itoobbiya oo khilaafyo ka bixi la’. Madaxda Kiiniyi arrintan ugu yaraan ilaa 2023 ayay ku soo celcelinayeen oo ay ku tookhayeen. Sifadan waxa la siiyaa dalalka xidhiidhka wada-shaqayneed ee dhow muhiimkana ahi uu ka dhexeeyo Maraykanka. Rashiid Cabdi oo falanqeeya arrimaha mandiqadduna wuxuu arrintan la xidhiidhsiiyay qorshaha la sheego in Maraykanku ku damacsan yahay in uu Jabbuuti soo faarajuyi sannaddan, oo uu xoogga Badweynta Hindiya iyo Badda Cas ka soo debbero Kiiniya.

Kiiniya iyo Maraykanku waxay ka wada shaqaynayeen sidii loo wiiqi lahaa al-Shabaab oo marar badan weerarro ka geysatay gudaha Kiiniya, sida kii 2020 ay ku qaadday saldhigga Maraykanka ee magaala-xeebeedda Laamu ee bariga Kiiniya. Saldhiggan waxa adeegsada ciidammo Maraykan iyo Kiiniyaan ah oo ku jira hawlgallo argagaxisa-la-dirir ah oo ka dhan ah kooxdan.

In Maraykanka lala saaxiibo waxa inta badan ku lammaan in dagaallo abbaan ah loo galo, sida la malayn karana qorshaha dhawaan lagu wado in boolis Kiiniyaan ah loo daabbulo waddanka Hayti wuxuu ka mid ahaa waxyaabaha waaweyn ee laga wada hadlay. Aqalka Cadi wuxuu Kiiniya – oo Afrikada Bari ku yaal – ugu qayshaday in uu wax ka soo qabto qalalaasaha ka taagan gasiirad gebigeeduba 1000 km xeebtiisa u jirta. Waa hindise ay Qarammada Midoobay dabada ka riixays, Nayroobi ay horkici doonto, Maraykankuna uu taageerayo. Ruuto wuxuu waryasi uu BBC siiyay ku xaqiijiyay in booliska Kiiniya lagu wado in ay Hayti ku gaadhaan muddo saddex toddobaad gudahood ah.

Waxa xusid mudan in aanu jirin dal Afrikaan ah oo hawlgal nabad-ilaalin ah u diray meel qaaradda ka baxsan. Qorshahan ciidanka lagu daabbulayo oo muddo jiitamayay waxa sannaddii hore ansixiyay Golaha Ammaanka ee QM, kolkii uu ka codsaday raysalwasaarihii hore ee Hayti, Ariyaal Henri – oo mooryaan Haytiyaan ahi ay weerar ku qaadday – ee uu Golaha ku tirtirsiyay in ay u hiiliyaan si cunfiga mooryaanta looga joojiyo caasimadda dalkaas, Bort-oh-Birins. Saxafiga da’da yar ee Ayuub Cabdiqaadir, oo ka hawlgala Telefishan Kiinyaan ah, ayaa madaxweynaha shir jaraa’id oo uu qabaney ku wayddiiyay sababta ay Kiiniyi boolis ugu dirayso dacalka kale ee dunida iyada oo gobollada waqooyi ee waddankeeda ay budhcadnimo mashaqaysay. “Ma noo sharrixi kartaa hadafka siyaasad-degeleed ee laga yeelan karo meel 12,000 km u jirta Nayroobi?” Wuxuu intaa ugu daray, “Miyaanay ismageydo ahayn in aad dab la doonatid cid kaa fog deriskeeda, iyada oo gurigaaga laftiisu gubanayo?”

Waxaad moodday in Ruuto aanu ku soo talagelin su’aashaas oo kale. Kiiniyi, ayuu dabadeed iska yidhi, waxay ciidan u dirtay Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ee Koongo, maxaa yeelay labadaba deris bay yihiin sidaa awgeed xil baa ka saaran dalkiisa. Ka dib, wax uu ka wadeyba, wuxuu raaciyay: “Haytina ma aha in ay waxba kaga duwanaato.” Ma cadda wax alla waxa uu uga jeeday.

Booqashadan oo lagu naanaysay Higsiga Nayroobi iyo Waashintoon waxay ku soo aadaysaa xilli raadayntii Maraykanku ku lahaa Afriki uu gabbaldhac joogo, iyada oo sahan ay haayadda Gallup samaysay lagu sheegay in quwadda ugu weyn ee ay Maraykanka loollamaan – oo Shiinaha ahi – ay qaaradda ka dhex noqotay quwadda ugu weyn dunida ee raadaynta ugu badan ku leh.

Ruushka, Shiinaha, iyo Turkiguba si laxaad leh ayay ugu soo durkayaan qaaradda, waxana jira dad badan oo reer Afrika ah oo hannaanka uu Maraykanku ku wajaho Afrika u arka qaab iswaalidayn ah, taas oo Maraykanka iyo gumaystayaashii Yurub ka dhigaysa isticmaar cusub. Sumcadda uu Shiinuhu ku dhex yeeshay Afrika waxa loo aanayn karaa in uu xoogga saaro maalgelinta kaabayaasha dhaqaale ee qaaradda, balse aanu dan ka gelin faragelinta nidaamka maamulka iyo xuquuqda insaanka. Deelqaafka ka dhaca madaxda iyo saxafiyiinta reer Yurub ee yimaadda Afrika, oo inta badan aad u faafa, ayaan u hiilin. Waraysi uu dhawaan telefishan Faransiis ah siinayay ayuu Felikis Shisekedi (Madaxweynaha Koongo) ka dhigtay fursad uu ku hogatusaaleeyo weriye wayddiiyay haddii Ruushka iyo Shiinuhu ay ka wanaagsan yihiin reer galbeedka. “Alla, dabcan!” ayuu Shisekedi ku jawaabay. Wuxuu soo xigtay masuul Kiiniyaan ah oo mar ku yidhi: “Marka uu Shiinuhu noo yimaaddo, cisbitaal buu nagu soo kordhiyaa; marka se Ingiriisku noo yimaaddo, wuu noo khudbadeeyaa.”  Warbaahinta CNN ayaa gefkaas oo kale ula tagtay Wilyam Ruuto, oo wayddiisay bal maalgelinta Galbeedka iyo ta Shiinaha midda uu doorbido, taas oo uu Ruuto si jawaabtaa hore ka diblomaasiyaysan u maareeyay. Wuxuu soo daliishaday Kawaame Nakruuma oo mar yidhi: “annagu bari iyo galbeed midna ma eegno, ee hortayada ayaannu eegnaa.”

Sida galaangalkii Maraykanku isu dhimayo waxa laga arki karaa dhacdooyinkii mandiqadda Saaxil – afgenbiyo taxane ah oo is haysta min Gini oo galbeedka ah ilaa Soodaan oo bariga ah ayaa sababay in ay ka soo baxaan talisyo is xigxiga oo Ruushka taabacsan. Bishii saddexaad ayay dawladda Niijar amar “si dhakhso ah ku fulaya” ku soo rogtay in la joojiyo iskaashigii militari ee Maraykanka, taas oo si weyn u wiiqday danihii amni ee Maraykanku ka lahaa gobolka. Ciidammada Maraykanku waxay saldhig cirka ah oo weyn ku lahaayeen magaalada Agaadis – tan iyo 2018 waxa qarash ka badan $100 milyan oo doolarka Maraykanka ah lagu isticmaalay beegsashada dagaallamayaasha Daacish. Xidhiidhkii Maraykanku la lahaa waddanka Jaad ayaa isaguna u muuqda in uu liiqliiqanayo, iyadoo dawladdaasi Maraykanka ku amartay in uu ciidankiisa kala baxo saldhig hore uu Faransiisku u lahaa.

In kasta oo galaangalka Maraykanka ee Afriki uu aad hoos ugu sii dhacay intan uu xilka hayo Baydhan, haddana maamulkiisu wuxuu sii xoojiyay isbahaysiga ka dhexeeya Kiiniya. Waa xilli Maraykanku uu sumcadxumo baahsan kala kulmayo meelo badan oo Dunida Koonfureed ah, oo aan ku koobnayn Afrika oo khaati ka taagan dhaqanka iswaalidaynta ah ee uu ku wajaho qaaradda. Waxa si weyn looga dhirifsan yahay wax loo arko laba-wajiilaynta Maraykanka, iyada oo taageeradiisa Israa’iil aanay kalajoogsi lahayn uu misana meelahaas kale kaga hadlo xuquuqda insaanka.

Raysalwasaaraha Niijar, Lamiin Zayne, ayaa waraysi gaar ah oo uu wargeyska Washington Post siiyay wuxuu si weyn ugu muujistay sida uu uga xanaaqsan yahay arrintan, wuxuuna warbaahintan u sheegay: “Maraykanku dhulkayaga ayuu joogay, isaga oo aan waxba nagala qaban kolkii argagaxisadu ay dadkayaga laynaysay ee ay tuulooyinkayaga gubaysay. … Ma aha astaan saaxiibnimo in aad gurigayaga timaaddid, haddana aad nagu daawatid argagaxisada na gumaadaysa.  Waannu naqaan waxa uu Maraykanku u huro difaaca xulafadiisa, waayo waxaannu aragnaa Yugrayn iyo Israa’iil.”

In kasta oo Ruuto uu ku adkaysaney in dalkiisu uu hore uun eegayo oo uu isu dheellitirayo xadhig-kala-jiidadka Bijiin iyo Waashintoon, haddana su’aal weyn baa soo ifbaxaysa. Israa’iil waxa soo maray toddobaadk aan u wanaagsanayn, dhanka qaanuunka. Maxkamadda Denbiyada Adduunka ayaa amar soo-qabasho ka soo saartay hoggaamiyaha Israa’iil, Maxkamadda Caddalaadda Adduunkuna waxay ku amartay in ay joojiso weerarkeeda marinka Rafax, waana xilli ay maxkamaddu sheegtay in ay jirto sabab macquul ka dhigaysa in Qasa uu xasuuq ka dhacay. Maraykanku wuu deedifeeyay labada maxkamadood, oo ah tiirarka sharci ee asaasiga u ah nidaamkan dunida ee uu isla isagu abuuray. Safarkaa uu ugu tegay ayuu Ruuto Baydhan ugu sheegay in Kiiniya iyo Maraykanku ay deris ahaayeen. Sidee bay ku dhacaysaan haddii uu wayddiiyayna, wuxuu ku jawabay in iyadoo ay jirto in labada waddani aanay isku xuduud ahayn, ay misana isku wax rumaysan yihiin. Sida muuqata, Qasi ku maba kellifin in ay madaxda Kiiniyi malahaas dib ugu laabato.