Skip to main content

Thursday 17 October 2024

Siyaasad

Booqashada Joon Baydhan ee Afrika goor ay xeedho iyo fandhaal kala dheceen

11 October, 2024
Image
Biden
(Brett Coomer/Houston Chronicle via Getty Images)
Share

Warbaahinta Ameerika waxa ay hadal haysaa, booqashada la filayo ee Madaxweynaha Maraykanku ugu kicitimayo Afrika kadib kolka ay soo xidhmaan kulamada guud ee Qaramada Midoobay, iyo ka hor doorashada Madaxtinimo ee loo ballansanyahay shanta Noofambar, qabsoomideeda  asbuucyo ka hor Baydhan waxa uu oofin doonaa ballankiisii hore ee ahaa in uu noqon doono Madaxweynihii koobaad ee Ameerika ee booqda Mandaqada Koonfurta saxaraha Afrika tan iyo booqashadii madaxweynihii hore ee Baraak Obaama sannadkii 2015. 

Warka booqashadan ayaa soo baxay kulankii Afrika iyo Ameerika ee ka qabsoomay Waashintoon Diisambar 2022, waxaanu warku faafay kolkii maamulka Ameerika ay doorbideen booqashadu in ay dhacdo dayrta sannadkii 2023, waa ka dib intaan dib loo dhigin sababo la xidhiidha gardaraddii Israaiil ee marinka Qasa ee Aktoobartii hore.  Hadal haynta booqashadu, waxa ay mar kale soo cusbaanatay kolkii Baydhan u tartamayey madaxtinimada, bishii May ee hore waxa uu iclaaamiyey in uu ku adkaysanayo booqashadiisa Afrika ee Noofambar 2025, haddii uu ku guulaysto doorashooyinka Madaxtinimada. Waa ka hor intii ayna soo dadajin qorshaynta fulinta booqashadaas ka bixitaankii uu ka baxay tartanka Madaxtinimada. Warbaahin badan ayaa iyagu na haatan xayaysiinaya in Angoola tahay goobta uu Joon Baydhan ka booqan doono qaarada Afrika. 

Malaha ma aha ka badbadin haddii la yidhaa booqashadan la filayo waa booqasho goor ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen, taas oo dhalinaysa waydiimo ku gedaaman sababta hadda loo diyaarinayo booqashadaas ? Iyo weliba sababta maamulka Ameerika oo ku nuuxnuuxsaday walaaca isa soo taraya ee loolanka doorashooyinka uu u qorshaynayo booqashadan xilligan aadka u ah habsanka? Maxay se tahay sababta Washitoon u dooratay Angoola gaar ahaan Koonfurta qaaradda? 


Maxaa Hadda keenay safarka Afrika?

Ku adkaysashada Baydhan ee u safridda Afrika ka hor inta aanu ka huleelin aqalka cad waxa ay u muuqataa mid shaki ku dhalisay dadka xog ogaalka ah gaar ahaan qaar ka mid ah Afrikaanka iyo sababaha ku hareeraysan ku laabashada Afrika? Tan iyo muddadii madaxtinimadiisii Afrika badi waxa ay ahayd mid ka maqan goobada danaynta maamulka Ameerika, marka laga yimaaddo wax yar oo faro guud kood ah, sida kulanka Ameerika iyo Afrikaanka iyo booqashadii Madaxweynaha Kiiniya ku tagay Maraykanka, ka hor intii ayna Washitoon si lama filaan ah diiradda ugu jeedin qaaradda bilihii u danbeeyey. 

Dhanka kale, safiirka Maraykanka ee Golaha Qaramada Midoobay 12 Diisambartii la soo dhaafay waxa ay sheegtay Washitoon in ay taageerayso bilaabista labo kursi oo joogta oo dawladaha Afrikaanka laga siiyo Golaha Amaanka iyo hal kursi oo aan joogta ahayn oo la siiyo waddama yar yar ee Jasiiradaha ah. Taasi na waxa ay taageeraysaa, hadal jeedintii hore ee uu Joon Baydhan ka sheegay Kulankii Ameerika iyo Afrikaanka taas oo ahayd in Washitoon ay dadaal ugu jirto sidii ay Afrikaanku kursi ugu yeelan lahaayeen Golaha Amaanka kaas oo ka mid ah qorshaha dib loogu hagaajinayo Qaramada Midoobay. Sida ay qabaan dadka u dhuun daloola, Washitoon waxa ay ku dadaalaysaa sidii ay u soo ceshan lahayd sumcaddii ay ku lahayd qaaradda Afrika taas oo dhaawacantay sannadihii u danbeeyey, oo qaaradda waxa saameyn xoogan ku yeeshay Shiinaha iyo Ruushka oo ka faaidaystay dareenka diidmo ee kordhaya ee qaaradda ka jira kaas oo ka dhan ah Faransiiska, oo uu gadaasheeda yahay macaskarka reer galbeedku, Shiinaha iyo ruushku waxa ay qaaradda ku soo galeen hab dibloomisayadeed oo fudud, sida daymaha shiinaha, ama diblomaasiyad adag sida Ciidamada Fingar ee Ruushka.

Sidaa taas la mid ah, ayey Ciidamada Maraykanku kala kulmeen galbeedka Afrika, iyada oo lagu sanduleeyey in ay isaga baxaan Nayjar, waa na ta maamulka Madaxweyne Baydhan ku kalliftay in ay dib u habeeyaan Waraaqa qaaradda, taas oo ay hore isaga illawday Washitoon, waa ta keentay in dib loo soo celiyo lana nidaamiyo kooxdii Afrikaanka ee aqalka cad bishii Julay ee hore, maadama wax is beddel ah oo la xuso karaa aanu dhicin tan iyo markii Xilka madaxtinimo  uu qabtay Baydhan sannadkii 2021. Intaa sare ku xusan ma aha uun waxa soo dadajiyey booqashada, dayaca Ameerikaanka ee Qaaraddu waxa uu xidhiidh la leeyahay, sida ay Washitoon diiradda u saartay dhanka Aasiya, gaar ahaan maqdiqada Hindo baasifiga, taas oo waajibinaysa, raadinta tafsiir kale oo ah sababta kay Ameerika ugu soo noqonayso Afrika xilli xeedho iyo fandhaal kala dheceen. Jawaabta oo aad u koobani waa doorashada Maraykanka. 

Haa, waxa suuragel ah Afrika in ay door muhiima ka ciyaarto jaan gooynta doorashada ee bisha soo socota. Sida ay dhigayaan, rayi ururintii ugu danbeeyey, labada murashax ilaa hadda waa ay isu cod dhawyihiin, taas oo keentay Xisbiga Dimoqraadigu in uu beegsado cod bixiyayaasha Ameerikaanka leh asal afrikaannimo, iyaga oo taas oo uga faaidaysanaya weerarista, murashaxa Jamhuurka ee Doland Trump, oo doorashadii hore  dawladaha afrikaanka ku sheegay in ay yihiin “ Dawlado wasakh ah “. Rayi ururintii bishii May oo la xoojiyey fasirkan, taageerada madawga ee Xisbiga Dimoqraadiga, gobolada muhiimka ah (Joorjiya, Wiskoosin ) waxa ay gaadhay 64% marka loo eego 92% oo ahayd doorashadii 2020. Waxa la sheegaa, Ameerikaanka madaw in ay yihiin laf dhabarta Xisbiga Dimuqraadiga waxayna u badantahay in ay la kordhaan murashaxnimada Kamaala Haaris si la mid ah tii Baraak Obaama. 

Waayo Angoola?

U doorashada Angoola halka uu ka tagayo Madaxweynuhu qaaradda ayaa ah mid ka timid xisaabaadka maamulka Ameerika, xitaa haddii ay taasi ka hor imanayso, dhammaan filashooyinka laga rabo u jihaysiga, galbeedka Afrika gaar ahaan mandaqada Saaxil oo todobaadyadii la soo dhaafay qaar ka mid ah dhulalkaas ay si kama danbays ah uga baxeen ciidamada Ameerikaanku. Intaas waxa dheer sii wadista iyo raadinta beddelka saldhigyada ciidan ee halkaas ku yaalla iyo weliba xarunta guud ee ciidamada Ameerika ee qaaradda “AFRICOM” ee beddelka u noqon lahayd xarunteeda hadda oo ah magaalada Stuttgurt ee Jarmalka.

Angoola oo ah dal uu guumaystay Boortaqiisku waa mid hubanti li’iya kolka aynu xasuusanno in ay ahayd mid ka mid ah boosteejyada xogyaha difaaca Ameerika Lloyd Austin ee Aktoobar 2023 oo lagu daray Jabuuti iyo Kiiniya.  Sidoo kale, waxa ay ahayd dalka keliya ee dhaca Koonfurta qaaradda ee uu booqday xoghaya arrimaha dibadda Altony Blinken safarkiisii uu ku marayey Afrika bilawgii sannadkan kana mid ahaayeen, Cabe verde, Nayjeeriya iyo Code d’lvoire. 

Waa mid cad Angoola in ay muddo dheer ku hoos jirtay ilaalada Maraykanka, taas oo ay sabab u yihiin dhawr wax, waxa laga yabaa sababta ugu weyni in ay tahay dalku in uu yahay dalka saddexaad ee soo saara shidaalka kuna kaydsanyihiin 9.1 Milyan oo barmil taas oo ay dheertahay 11 Tiryilan oo gaasta dabiiciga ah iyada oo aan la xusin kacdoonnada macdaneed ee muhiimka ah (Koobar iyo Dahab)

Sidoo kale, dalku waxa uu ilaaliyey xidhiidhka fiican ee uu la leeyahay Moskow kaas oo la soo bilawday Madaxweyne Jose Eduardo (1979-2017), xidhiidhkaas oo ilaa hadda ah mid aan suulin, Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergie lavrov  ayaa in ka badan hal sanno uga sii horreeyey dhigiisa Ameerika caasimadda Angoola ee Luanda. 

Waxa aan Iyana la xusin Angoola in ay tahay marinka Istaraatiijiyadeed ee Mashruuca “Suunka iyo Jidka “ ee Shiinaha kolka loo eego halka ay kaga dhacdo badweynta Atlaantiga. Sidoo kale, waxa ay marin u tahay badeecooyinka shiinaha ee ka iminaya dawladaha la jaarka ah kuwaas oo goosha Jidka tareenka ee Shiinuhu dhisay. Intaas ba ka hor Angoola; waa mid ka mid ah shanta dawladood ee ugu sarreeya ee Shiinaha u dhoofiya shidaalka, sidoo kale waa mid ka mid ah dawladaha Afrika ee ugu waaweyn ee xidhiidhka ganacsi la leh Bejiin. 

Waxaas oo dhan ka dib, u jihaysiga Ameerika ee Angoola waa mid dabiici ah oo la fahmi karo, arrinku na kama baxsana dagaalka awoodaha waaweyn ee sameyn ku yeelashada qaaradda dhexdeeda, waa na isla arrinkii Madaxweyne ku xigeenka Ameerika Kamaala Haaris u soo booqatay qaaradda bishii saddexaad 2023 iyada oo booqatay Tansaaniya iyo Saambiya taas oo u jeedkiisu ahaa sidii Ameerika isug diyaarin lahayd  ku soo laabashada qaaradda iyada oo uu weheliyo Mushuuruuca jidka Lobito ee badweynta Atlaantiga oo ah jid tareen oo isku xidhaya Koongo iyo Saambiya halkaas oo ay ku yaallaan godadka Koobalti iyo suumanka Koober iyada oo lagu dadaalayo in lagu fidiyo Tansaaniya lagu na maalgeliyo adduun dhan 250 Malyuun oo doollar waa mid tusaale u ah sii xoogaysiga loolanka. 

Booqasahada maxaa xigi doona?

Shaki kuma jiro in dheefta booqashada soo socota u badnaan doonto gudaha Ameerika marka loo eego dibadda, waan fursad lagu gilgilayo dareenka Ameerikaanka leh asalka Afrikaannimo lagu na soo noolaynayo aflagaadadii Trump u gaystay dawladaha qaaradda iyada oo loo dhigayo habka loolanka doorashooyinka. Dibadda ayey noqotay, dheefteedu waxa ay ahaan doontaa mid hoosaysa waxaana u sabab ah dhawr wax oo kala ah: 

Kow: dadaallada Ameerika ee ku jihaysan Afrika oo ah qaar habsana ilaa haddana sawirka ku xeeran jaanisyada labada murashax ee mdaxtinimadu waa qaar mugdi ku jiro, siyaasadda Ameerika ee ku jihaysan Afrikana waxa ay ku xidhantahay cidda ku guulaysanaysa ka arriminta aqalka cad bisha inagu soo aadan, ma Trump baa mise waa Haaris ?

Laba: waa doodda odhanaysa, booqashada hal dawlad oo ka mid ah Afrika, xilli xukunku dhammaaday si looga hor tago saameynta Ruushaka iyo Shiinaha oo dhex galay Afrika waa halis siyaasadeed oo ka timid kuwa u xil saran arrimaha qaaradda ee maamulka Baydhan.

Saddex: fikradda ay suuqgeynayaan maamulka Ameerika ee ah in ay taageerayaan Afrikaanku in ay Afrikaan Golaha amaanka ka helaan labo kursi oo joogto ah waa fikrad laga yaabo in ay dhanka kale isu rogto, qorshuhu waa in afrikaanka lagu qanciyo mustaqbalkoodu in aanu ku xidhneyn uun dhinaca Ameerika oo qudha taasina waxa ay sii xoojinaysaa caqliyadda reer galbeedka ee sarraynta iyo xil iska saariska Afrika. 

Afar: kala basrinta Ameerika ee mudnaanteeda ku fool leh Aasiya, Afrikaanka waxa ay u saamaxday jijaabinta ishkaashiyo kale oo ay la la yeeshaan dawladaha kale taas oo daaha ka qadday, heerka uu gaadhsiisanyahay ka faaiidaysiga iyo isla waynida Ameerikaanku ku hayaan Afrikaanka taasina waxa ayarrin adag ka dhigaysaa in ay Ameerika dib u soo celiso jidka ama xidhiidhka cusub ee Ruushka iyo Shiinuhu ka dhex bilaabeen waddamada kala ah Mali, Nayjar, Burkanafaaso waxaana laga yaabo in uu yahay mid aan sinaba u ahayn suuragel gaar ahaan tan iyo goorta ay kala caddaanayso waxtarkiisa iyo suuragelnimadiisa muddo ka dib.