Skip to main content

Friday 20 September 2024

Aragti

Soomaaliya ma isku hallayn kartaa Turkiga?

18 March, 2024
Image
Somalia-Turkey
Wasiirrada Gaashaandhigga ee Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxeexday heshiiska difaaca. Xuquuqda sawirka: Turkish National Defense Ministry / Handout/Anadolu via Getty Images
Share

Bishii February ee sannadkaan Dawladda Fadaraalka Soomaaliya waxay heshiis difaac iyo mid iskaashi dhaqaale la gashay Dawladda Turkiga, kaas oo Turkiga u oggolaanaya in uu xeebaha iyo badda Soomaaliya ilaaliyo muddo 10 sano oo xiriir ah, sidoo kalana uu tababbar iyo qalabaynba siiyo ciidammada badda Soomaaliya.

Horraantii sannadkan waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya heshiis is’afgarad ah (memorandum of understanding) ku kala saxiixday Raysal-wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed Cali iyo Madaxwaynaha Maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kaas oo Itoobiya u oggolaanaya inay dakad iyo saldhig militari ka hesho Badda Cas ee Soomaaliya, halka ay Somaliland heshiiskaan ku beddelanayso aqoonsi ay ka hesho dhanka Itoobiya iyo saami laga siiyo shirkadda Isgaarsiinta ee Itoobiya (Ethio-Telecom).

Heshiiskaan ayaa wuxuu xiisad ka abuuray Geeska Afrka, kadib markii Soomaaliya ay ku tilmaantay inuu yahay “fal gardarro ah” isla markaana uu caqabad ku yahay xasilloonida iyo nabadda Geeska Afrika. Madaxwaynaha Soomaaliya, Dr Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ka hadlaya mawqifkiisa ku aaddan heshiiskaan ayaa wuxuu yiri: “Dalkeenna waan difaaci doonnaa, waxaana ku difaaci doonnaa wax walba oo lagamamaarmaan ah, taageero ayaan waydiisan doonnaa cid walba oo garab nagu siinaysa difaaca dalkeenna.” Dawladda Soomaaliya iyada oo mawqifkaas ka duulaysa ayay heshiis difaac iyo mid iskaashi dhaqaale waxay la gashay dhiggeeda Turkiga.

 

Maxaan ka ognahay heshiiska ay wada galeen Dawladda Soomaaliya iyo Turkigu?

 

Kulan 9 February ee sannadkaan ka dhacay magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayay Wasiirrada Difaaca ee labada dal, Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Yasar Guler ku kala saxiixdeen heshiis difaac iyo mid iskaashi dhaqaale. In kasta oo aan wali faahfaalin rasmi ah laga bixin qodobbada ay labada dhinac ku heshiiyeen, haddana faahfaahino laga helay ilo madaxbannaan ayaa tilmaamaya inuu heshiiskani Dawladda Turkiga u oggolaanaya inuu ilaaliyo badda iyo xeebaha Soomaliya muddo 10 sano oo xiriir ah, sido kalana uu tababbar iyo qalabayn siin doono ciidmamada badda Soomaaliya iyo in uu Turkigu Soomaaliya ka caawin doono in ay ka faa’iidaysato khayraadkeeda badda, iyada oo dhaqaalaha ka soo xarooda khayraadkaa uu Turkigu ka heli doono saami dhan boqolkiiba soddan (30%). Sidoo kale inay shirkadaha Turkigu ay maalgashan karaan dhinacyada sahaminta shidaalka iyo dalxiiska, sida ay daabacday warbaahinta The New Arab.

Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa, iyada oo soo xiganaysa ilo ka tirsan Ciidanka Militariga Soomaaliya oo in magacooda la shaaciyo ka gaabsaday, ka soo werisay “in Turkigu Soomaaliya siinayo hub culus” balse u maysan xaqiijin nooca hubka uu Turkigu siinayo Soomaaliya. Sidoo kale sargaal ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya, oo ka gaabsaday in magaciisa la adeegsado, ayaa BBC-da u sheegay war kaas la mid ah. Sidoo kale ilahaas waxay BBC-da u sheegay inuu heshiiska qayb ka yahay hawlgal Turkigu uu markab ama maraakiib dagaal uu ugu soo dirayo xeebaha Soomaaliya si ay u ilaaliyaan.

Sidoo kale, Tunç Demirtaş ah, Barafasoor Xiriirka Caalamiga ah ka dhiga Jaamacadda Mersin University, ayaa The New Arab u sheegay “in heshiiskaani uu kobcin doono dhaqaalaha Soomaaliya.” Barafasoor Tunç Demirtaş ayaa hadalkiisa ku sii daray in heshiiskaan uu Turkiga awood u siinayo inuu la dagaallami karo kalluumaysiga sharcidarrada ah iyo falalka burcabadeednimo, kuwaas oo ay Soomaaliya ugu baxaan dhaqaale dhan $500 oo milyan oo doolar sannad walba iyo inuu Turkigu Soomaaliya ka caawin doono dhismaha ciidamadeeda badda si ay u gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta badda iyo xeebaha Soomaaliya.

 

Waayihii uu soo maray xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya

 

Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya waxa uu soo bilawday sannadkii 2011, kadib markii Madaxwaynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, oo markaa Raysal-wasaare ahaa uu booqosho taariikhi ah ku yimid Soomaaliya. Waxaana halkaa Soomaaliya iyo Turkiga uga bilawday iskaashiyo dhawr waji leh. Iskaashiyadaa waxa ka mid ah, iskaashi dhanka horumarka ah, mid bani’aadanimo, mid baayacmushtar iyo mid dhaqaale. Waxaa sidaa laanta BBC-da ee afka Soomaaliga u sheegay Cabdiwali Sayid oo falanqeeye ka faalooda Xiriirka Caalamigaa.

Madaxwaynaha Turkiga ayaa Soomaaliya booqasho taariikhi ah ku yimid sannadkii 2011-kii, isaga oo noqday masuulkii ugu horreeyay ee aan Afrikaan ahayn ee Soomaaliya yimaadda, wixii ka danbeeyay markii ay dhacday Dawladdii Soomaaliya 1991-dii. Wuxuuna imaanshiyaha Erdogan ee Soomaaliya indhaha caalamka ku soo jeediyay Soomaaliya oo waqtigaas ay ka jirtay macluul darani. Ujeeddada safarka Erdogan ayaa ahaa sidii gargaar bani’aadanimo loo gaarsiin lahaa dadka ay aafeeyeen abaarihii xilligaas Soomaaliya la daalaadhacaysay, oo ahayd abaartii ugu darnayd ee Soomaaliya soo marta muddo 60 sano gudahood ah.

Wixii intaa ka danbeeyay Turkigu wuxuu xoogga saarayay in uu Soomaaliya kala shaqeeyo dhinacyada amniga iyo maalgashiga, iyada oo shirkado laga leeyahay Turkiga ay gacanta ku ahayaan Garoonka Diyaaradaha ee Aadan-Cadde iyo Dakadda Muqdisho, sidoo kale Turkigu wuxuu Soomaaliya ku leeyahay saldhigga Militari ee ugu wayn oo uu ku leeyahay meel ka baxsan dalkiisa, saldhiggaas oo lagu tababbaro Ciidanka Kumaandooska ee Gorgor, kuwaas oo wax wayn ka taray amniga iyo xasilloonida Soomaaliya. Waxaana marba marka ka danbaysa sii wanaagsanaanayay xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, illaa intuu uu xukunka yimid Xisbiga talada Turkiga haya hadda.

 

Sida heshiiskaan looga arko dhanka Soomaaliya

 

Madaxwaynaha Soomaaliya, Dr Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isaga oo ka hadlaya heshiiska ay wada galeen Soomaaliya iyo Turiga yiri “Waxaa naga go’an inaan si wada jir ah ula dagaallanno dhammaan falalka sharcidarrada ah iyo inaan dhisno ciidan badeed oo tayo leh oo lagama maarmaan u ah amniga baddeena.” Madaxwayaha wuxuu intaa ku sii daray, “heshiisku wuxuu sidoo kale xoojin doonaa dhaqaaleheena buluugga ah, wuxuuna fursad u abuuri doonaa dadkeena iyo guud ahaan Gobolka.”

RW Xamse Cabdi Barre oo isaguna ka hadlayay heshiiskaan ayaa ayaa wuxuu ku tilmaamay “mid taariikhi ah.” Heshiiskani waxa uu soo afjarayaa cabsida argagixisada, budhcad-badeedda, kalluumaysiga sharci-darrada ah, sumaynta, xad-gudubyada iyo hanjabaadaha dibadda, ayuu ku daray RW Xamse hadalkiisa.

Kulan degdeg oo ay yeesheen Golaha Wasiirrada DFS ayay 21 bishii February, waxay cod aqlibiyad leh ku ansixiyeen heshiiska difaaca iyo iskaashiga dhaqaalaha ee ay wada galeen Soomaaliya iyo Dawladda Turkiga.

Bishii February 23, fadhi wada-jir ah oo ay yeesheen labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen heshiiska dhaqaalaha iyo difaaca ee ay wada galeen Soomaaliya iyo Dawladda Turkiga. Walaw aysan xubnaha baarlamaanka ee labada aqal arag nuqullada heshiiskaa, sida ay daabacday Caasimadda Online.

Sidoo kale, Maxamed Mukhtaar Ibraahim oo ah, Wasiirkii hore ee Batroolka ee Soomaaliya, kana faallooda arrimaha siyaasadda, ayaa isaga oo la hadlayay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, wuxuu sheegay isaga oo soo xiganaya hadalkii uu Madaxwayne Xasan ka jeediyay fadhigii labada aqal “in heshiiskaani uusan ahayd mid ka abuurmay xiisadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya, balse uu yahay heshiis muddo dheer soo socday oo khuseeya Berriga, Cirka iyo Badda.”

RW hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Heshiiska ay ansixiyeen Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu ku tilmaamay mid dhaxalgal ah oo uu fahmi karo qof kasta oo waxgarad ah.

Dhanka kale, in kasta oo ay yar yihiin dadka Soomaaliyeed ee dhaliilay heshiiska ay wadagaleen Soomaaliya iyo Dawladda Turkiga, haddana dad fara ku tiris ah ayaa dhaliilay qaabka Baarlamaanka 11-aad u anxiyeen heshiiska.

Xildhibaan Cabdullahi Aadan Kulane oo ka tirsan Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, horayna u soo noqday Madaxa shaqaalaysiinta ee Hay’adda NISA, ayaa dhaliilay qaabka ay Baarlamaanka Soomaaliya u ansixiyeen heshiiska ay wada galeen Soomaaliya iyo Turkiga, wuxuuna baarlamaanka ku dhaliilay inay ansixiyeen heshiis aysan nuqulladiisa arag. “Baarlamaanka Soomaaliya waxay ku gaabsadeen heshiiska waxaa noo yaqaan Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud” ayuu Kulane ku yiri qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook.

 

Soomaaliya ma isku hallayn kartaa Turkiga waqtigan xasaasiga ah?

 

Turkigu wuxuu ka mid yahay 10 waddan ee leh awoodda ciidan ee ugu xooggan adduunka, waxayna sannadkaan 2024 xagsatay kaalinta 8aad ee kala sarraynta awoodda Militariga, sida ay daabacday FirePower. Waana quwad la isku hallayn karo marka laga eego dhanka awoodda Militari.

Dhanka kale, Turkigu wuxuu xiriir xooggan la leeyahay labada waddan ee Soomaaliya iyo Itoobiya, sidoo kale, wuxuu heshiisyo dhaqaale iyo kuwo difaacba kula jiraa labada waddan. Haddaba, su,aasha ugu adagi waxay tahay sida uu Turkigu isugu hayn doono danihiisa labada waddan iyo siduu iyaga u kala hayn doono?

Madaxwaynaha Soomaaliya isaga oo 23 February qudbad ka horjeediyay labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, sheegay inuusan heshiiskan ahayn mid lagula dirirayo Dawladda Itoobiya. Dhanka kale, Madaxwayne Recep Tayyib Erdogan xilli uu ku sugnaa dalka Masar wuxuu carrabka ku adkeeyay in uu Turkigu difaaci doono madaxbannaanida Soomaaliya.

Cabdinaasir Axmed Aadan, oo ah dhaqaalayahan iyo falanqeeye siyaadadeed, ayaa aaminsan inuusan heshiiskani wax saamayn ah ku yeelan doonin heshiiskii ay kala saxiixdeen Dawladda Itoobiya iyo Maamulka Somaliland.

“Heshiiska ay Baarlamaanka Soomaaliya ku ansixiyeen magaalada Muqdisho, wax saamayn ah ku ma yeelan doono, heshiiska ay wada galeen Itoobiya iyo Somaliland, sababtoo ah, Turkigu labada waddanba wuxuu kula jiraa heshiis dhaqaale iyo mid difaac, mana rabo Turkigu in heshiiskani uu wax u dhimo danihiisa Itoobiya,” ayuu yiri Cabdinaasir oo ay soo xigatay Caasimadda Online.

Maxamed Mukhtaar Ibraahim, Wasiirkii hore ee Badroolka Soomaaliya ayaa isaga oo la hadlaya laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, wuxuu yiri: “Turkigu wuxuu Itoobiya kula jiraa heshiis kan la mid ah, waxaana macquul ah inuusan Dawlad gooni ah la safan.” Maxamed wuxuu intaa ku sii daray in laga yaabo inuu Turkigu arrinta heshiiska ugu faa’iidaysto isku soo dhawaynta labada dal.

Turkigu waxaa loo arkaa inuu yahay difaaca Dawladaha Islaamka, wuxuuna taageero difaac u muujiyay waqtiyo kala duwan dawlado ay ka mid yihiin Azerbaijan, Libya, Suuriya, Ciraaq, Qadar iyo Soomaaliya. Waana midda keenaysa inay siyaasiyiinta Soomaalida iyo shacabka Soomaaliyeedba ay niyad wanaag ka muujiyaan heshiiska ay wada galeen Soomaaliya iyo Dawladda Turkiga. Isla markaana ay Turkiga u arkaan inuu dammaanad qaadi karo amniga iyo difaaca xeebaha iyo badda Soomaaliya.

Qoraallada kale ee qoraaga