Skip to main content

Thursday 19 September 2024

Sheeko

Mooradduug

28 May, 2024
Image
Caffe Nazionale Bar, Degmada Xamar Weyne, Muqdisho 1970
Caffe Nazionale Bar, Degmada Xamar Weyne, Muqdisho 1970
Share

Hordhaca Turjumaanka:

Markaan akhriyay labada maqaal David Beer iyo Helmi Ben Meriem ee ka warramaya suugaanta Soomaalida ee ku qoran afafka reer galbeedka, daaqad ayaa ii furantay Soomaaliya iyo Soomaali aan beri hore aasnay ayaan arkay, waxay ila noqotay markaa in la soo ururiyo wixii macquul ah.

Sheekadan gaaban waxa 1965-kii qoray Maxamuud Sheekh Axmed oo aan xog ku saabsan iyo sawir uu leeyhayba waayay (cidii xog ka haysaa, fadlan, ha nala wadaagto), waa qoraa maqaalo dhawr ah iyo intaan ilaa hadda arkay laba sheeko, ku daabacay wargeyskii Dalka iyo Islamic Movement, Dalka waxa uu ahaa wargeys bile ah oo Muqdisho ka soo bixi jiray, waxa la aasaasay 1965. 

Sheekadan "The Greaat Raid" waxaa lagu daabacay daabacaadii koowaad ee Dalka oo soo baxday 1965.

                                                   

 

Mooradduug:

Ka dib markii waajibaadka indha-casaysadku kala haaday intii ladnayd bartamaha magaalada, ee gawaadhidii u danbaysay ka dhaqaaqday huteelka; roob ayaa bilaabmay. Intii koobnayd ee bannaanka ku soo hadhay, ee cabbitaan goyn kartay, waxay u wareegtat baarka huteelka, halka kuwii kalena dhabarka ku dhejiyeen derbiga bannaanka si ay uga jirsadaan roobka. Habar duqa oo ay da’da iyo gaajadu soo godeen ayaa u soo tukubtay derbiga waxa uu celiyanayaa iska yar yahay. Istiilid xaaladdeeda yaab iyo guul ku ah bay ku soo gaadhay derbigii.

Guusheedu se ma waarin, oo markay sidaa uga soo gashay roobka, nin dhallinyaro ah oo midigta kaga toosnaa ayaa ka fogaaday habarta isagoo ay ka muuqato hiif aanu qarsanayn. Indhaha ayay ku gubtay, oo ilaahay bay codsi u jeedisay ah in uu dhulka la gooyo; sidii oo ilaahay yahay wax walba oge wax walba looga cawdo. Hiifkiisa in kastoo aanay wax liidnimo ah ku dareemin, haddana way ka xanaaqday, waayo waxa ay ogeyd in uusan isaguba waxba dhaamin oo uu yahay laciin kale. Oo miiyaanu ahayn dibjirka aan lahayn dan uu ku foofo ee goor iyo ayaan meelahaa taagan?

Noociisa wey necbayd: ragga da’da yar ee camal la’aantu dilootay, ee jidadka Muqdisho wareega, siiba kuwa lebbiska wacan. Way ogeyd in aanay kuwaasi lebbiskan ku gadan lacag ay shaqaysteen. Sababta ay u necbayd se taa ma ahan: waxay dareensaneyd in lacagtii masaakiinta la siin lahaa ay iyagu dhexda u fadhiisteen, oo iyaguna ay yihiin habaar qabayaal, tii ilaahay hadday helaanna aan shilin ka bixinayn. Dan kama ay lahayn xaqiiqada ah haddii ay siday doonaan u dadaalaan in ayna shaqo ka helayn magaaladan.

Ninkii dhallinyarta ahaa isna wuxuu ka yabaali kari la’aa, qayladan qaydka ku xidhan; ilma yar oo naag malaha hooyadii ahi xambaarsan tahay ayaa jaqaaqda hayey. Haddii ay dhabbada qoyan cagta saarto oo weydaarato gidaarkan ay dabada ku haysa, waxa yari malaha wuu aamusi lahaa. Masaakiinta tuugsada wuu necbaa, oo duul siday doonaan yeela ayuu arkayay. Way tuugsan oo waa loo huri ama la weydaaran, iyadoon cidina ku xiijin sababta aanay shaxaadka yar ugu awoodin – “Abshir, iga raalli noqo mushaharkii wali ma qaadan” ama “suuqu beryahan wuu xun yahay.”

Shan sanno ka hor Abshir cidna islamay kadeednayn, oo geeliisa uun buu iskala daalaadhici jiray. In kastoo ay jireen waqtiyo adagi, haddana weligii muu dareemin dulliga ay leedahay in aadan garanayn saddexdaada waqti in aad helayso iyo in kale. Noloshii adkayd ee baadiyaha ayuuba u arkaa in ay dhaanto naxariis darrada, quusta, iyo dan la’aanta ay leedahay camal la’aanta magaaladu.

Balse, wuu ogaa in uusan ku noqon karin baadiyaha. Waayaha ku habsaday mid wax ka qabasho leh ma aha. Hadda waa in uu maareeyaa inta taagtiisa ah baahiyihiisa daran, iyo balwadihiisa badan, ee uu muddadaa qabatimay. Intuu helayo sigaar iyo quraarad biir ah, quus wali ma joogo. Horta, biirku dhaqan xun buu leeyahay oo ilbidhiqsiga u danbeeya ayuu soo dhacaa. Markuu dareerahan barakaysan ku gacan dhigi waayo, waxa uu u iishaa baatroolka iyo xasuusaha maalin-riyoodda.

Roobkii hadda wuu joogsaday jidkana meel walba wuu biyo dhigay. Isgoysyada qaar barkad ayay noqdeen, oo qofkii mooto wataa wuxuu ku qasban yahay in uu jid dheer ka soo wareego ama barkaddaa dhex dhigo mootadiisa. Qofka lugaynaya ayaa se ugu daran, oo kabihiisa ayaa ceelal ka qodmi ama gaadhi jidka rooraya ayaa biyo dhooqo leh ugu maydhi.

Balse, Abshir waxani hadda ma shuqlinayaan. Feker buu gabigiisuba maqan yahay. Qorshe ayaa ka dhex guuxaya. Waa mid u baahan in la fuliyo kolkuu shaacu madoobaado. Haba ka yaabin in mar kale dib loo dhigo. Qorshahan waqti badan ayaa ku baxay. Muddo ayuu ku noqnoqonayey shaleemada iyo bangiyada, si uu qorshahan u dajiyo. Waa qorshe haddii uu fulo kadeedka haystaaba daynayo. Waa mid uu kaga maarmayo tixraacyada foorjariga ah ee uu sida silloon u macmasho, ee uu sidii guumeys gabawday ay waraaqaheeda jacaylka u keydsato u ilaashanayo. Hadda ka dib uma baahan doono in uu matalo kuug cunno karinta ku wanaagsan, makaanig iyo dirawal cagafcagaf. Dadka uu shaxaadka tobanka shilin ku wareeriyay ee hadda uga naxa sidii xasuus xun ayaa ka nasan doona. Isaga ayaa hadda ka dib la shaxaadi doonaa oo la baryi doonaa. Taas uun baa dhayi kartay qabkiisa dhaawacan.

Haddaba qorshaha cawadu waa mid geed ka go’an ah. Yabaalka haystaa ma daarrana kumanaanka buluugga ah ee uu caawa si xirfad leh uga soo dhici doono bangiga. Balse, waa halkii uu ka keeni lahaa tobanka shilin ee uu hadda siisan lahaa sigaar iyo biir. Seeddigii in uu magaalada dhawaan yimid baa ku soo dhacday, wuu ogaa in ay ceeb tahay in ruuxu seeddigii shaxaado. Wuxuu go’aansaday in uu jidka u galo oo ay si kedis! ah u kulmaan. Seeddi waa beer oo faramadhan ku salaami maayo. Wuxuu u dhaqaajiyay qaybtii magaalada ee uu is lahaa waad isaga soo hor bixi kartaan, roobkii ayaa mar kale bilaabmay.

Markan roobku waqti dheer ayuu da’ayay oo kolkii uu qaaday habeen badh ayay ahayd. Jidadku way haawanayeen, oo waxaan ka ahayn laba ruux oo dayro ka muuqato ma ay marayn; midkood baa ku tiirsanaa albaabka bangiga, kan kalena wuxuu jiifay dhulka meel shishe oo derbiga bangiga ah. Kan albaabka taagani waxa uu ahaa Abshir. Wuxuu feedh ku garaacayay albaabka adag ee bangiga isagoo duryamaya. Qummaati umuu sare joogsan karin ee wuu dhacdhacayay; calooshana si baa looga hayay; kaabadaha bangigana wuu la halgamayay, oo waxay la ahayd in ay guurguurayaan. Qorshihii yaabka lahaa ee maankiisa ku jiray laydhaa qaadday, kumanuu jirin xaalad uu mid cusub ku hal-abuuri karo. Waxay u eeg tahay in uu seeddigii shaxaad ka soo helay; waayo aad buu u sakhraansanaa.

Ruuxii deyrada ahaa ee darafka duudduubnaa ayaa madaxa kor u soo qaaday si uu uga war doono shanqadha darani halka ka ay imanayso. Markuu arkay Abshir oo meeshan dam-dam leh, cod daciifa ayuu ku qayliyay. Abshir oo dareen galay, ayaa soo eegay jahada ay qayladu ka timid. Waxaa u muuqatay habar duq ah. Dhankeeda ayuu u soo dhaqaaqay si uu u hubiyo waxa ay meesha ka hayso. Markuu ku soo dhawaaday ayuu gartay in ay tahay habartii xumeyd ee dawarsatada ahayd ee uu duhurkii huteelka agtiisa ku arkay. Ciil uu habarta u qabay ayaa ku soo kacay. Waxaabay ula ekaatay in ay habartu raad guraysay oo ay basaasaysayso. Wuxuu is weydiiyay ilaa goorta ay ku dabajirtay. Wuxuu goostay in uu lurka ay la daba socoto iska basriyo.

Markuu soo dul joogsaday, waxa uu xasuustay sheekada habar kale oo dhawaan dhimatay. Wax ma haysato ayay ahayd, balse, markay geeriyootay ayaa buulkeeda lacag waxoogaa ah laga helay. Abshir waxa uu is weydiiyay habartanina lacag intee gaadhaysa ayay haysataa? Marka la eego dhabcaalnimadeeda iyo yawyabkeeda, qumayadu way buuxdaa. Sidii nin hanti dhulka ka helay ayuu u mabsuuday. Wuxuu si xariifnimo leh u go’aansaday in lacagta oo duudduuban ay ku qarinayso kiishka ay barkan tahay. In kastoo aanay haysan lacag qashti ah oo ta bangigoo kale ah, haddana waxay haysaaba maalmo badan ayay ka saari doonaan. Waxaaba dhacda in ay uga badato, yaa og hee, waayo, lacagta ayaa lacag dhasha!

Laag kedis ah ayuu habartii madaxa kaga jiiday, dabadeed si degdeg ah ayuu jidhkeedii tamarta darnaa darbiga uga soo jiiday. Wuxuu afrogay kiishkii yaraa ee barkinta u ahaa. Calal yar oo duuban ayaa ka soo dhacay. Si habacsan ayuu u soo qabsaday. Gacanta ayuu ku taataabtay oo kuus adag ayuu gacanta ku dareemay. Wuxuu gartay in ayna qaddaadiic ahayn ee ay lacag warqado ah tahay. Wuu farxay. Markuu u sii dhacdhacayay dhanka laambadda si uu duubka waxa ku jira ugu soo eegto wuxuu bilaabay in uu heeso. Runtii, waa wax wanaagsan inaad lacag haysataa. Waqti bay ku qaadatay in uu furo guntinta calalka, oo gacmihiisu xamaasad iyo sakhrad ayay la gargariirayeen. Balse, tamar u kaydsanayd oo aanu ka warqabin ayaa ku soo duxday oo wuu gooyay guntintiiba. Wuxuu gudaha calalkii ugu tagay gabal roodhi qoyan ah.