Skip to main content

Thursday 19 September 2024

Buug

Siyaasadda Lebiska ee Hiddaha Soomaalida

17 July, 2024
Image
The politics of dress
Share

"Beri hore waxa jiray

Inan timaha biiftoo

Baarkana u tidicdoo

Boqorkiyo dhaclaha iyo

Maro qeyd ah xidhatee"

Lebisku waa mid ka mid ah baahiyaha aasaasiga ah ee dadka. Waa baahi dabiici ah oo ay keentay cimilada qalafsan ee deegaantu. Tan iyo markii ay dadku dhogor dhacsadeen waxa ay u baahdeen si ay uga gaashaaman karaan qabawga iyo xaalladaha kale ee cimilada. Waxa ay bilaabeen in ugaadha ay dishaan harageeda hagoogtaan, taas baa marxaladdo soo martay ilaa maanta heerka aynu naqaanna soo gaadhay. Meelaha jawigoodu diiran yahay ee aan cimiladu aad isu bedbeddelin waxa ay isaga ekaadeen dhuur ama dhuuyo yar oo ay cawrada ku asturtaan.

Lebisku waa habkaa looga gaashaamanayo cimilada, cayayaanka iyo dhirta waxyeelaysa kolka ay taabtaan jidhka dadka. Waxaa se gadaal kaga ladhmay fekrado iyo qiyam, ay ka mid tahay is asturaadu. Lebisku waxa uu noqday mid ka turjuma dhaqanka ummadaha, qiyamkooda, iyo xaaladda dhaqan dhaqaale ee bulshada iyo shaqsiyaadka.

Buuggan aan damacsanahay in aan muhiimadiisa tilmaanno waxaa cinwaan u ah (The politics of dress in Somali culture), Siyaasadda lebiska ee hiddaha Soomaaliyeed, buuggan waxaa qortay Heather Marie Akou oo ah kaaliye baresare iyo isuduwaha borogaraamka lebiska iyo naqshadaynta ee jaamacadda Indiana. Qoraagu waxa ay buuggan kaga warramaysaa taariikhda siyaasaddeed ee lebiska Soomaalida. Lebiska sida ay qoraagu u qeexday aad bay uga balaadhan tahay sida caadiga ah ee aad u sawiran karto, waxaa soo hoos galaya, isqurxin kasta oo dadku ku sameeyo jidhkooda, hadday tahay dharkay xidhanayaan, saanta ama kabaha ay cagaha gashanayaan, agabkay gacmaha, faraha, luqunta, madaxa iyo jidhkooda kale sudhayaan ama ku xidhayaan. Farolaabka ama hubkay ku gaashaamanayaan. Rinjigay jidhkooda ku nashqadaynayaan, sida ay timaha u qaabeynayaan iyo xataa iscarfinta iyo gedinta urta jidhka.

Sidee buu lebisku siyaasad u yahay?

In kastoo lebisku baahi aasaasi ah yahay, waxa uu sidoo kale u dhurtay hab bulshada u samaysato dareen is ahaanshiyo, iyagoo si ka gedisan bulshooyinka ay iska soocayaan jidhkooda u qurxinaya. Tusaale u soo qaado waagii Nabi Muxammad noolaa, markuu rabay in uu muslimiintii Madiina u sameeyo hayb ka duwan Yuhuudii iyo bulshooyinkii kale ee magaalada kula noolaa waxa uu u dejiyay nidaam lebis oo iyaga u gaar ah. kolkii konsabka qaranimadu uu caalamiyoobayna lebisku waxa uu noqday hab ka muuqan og, arrimaha kale ee qaranimada iyo isahaanshiyaha dadweyne gaar ahi leeyihiin lagu muujiyo sida calanka, taallooyinka, iyo naqshadaha guryaha loo dhisto ee kala duwan.

Qoraagu waxa ay baaris ku samaynaysaa isbeddelada siyaasaddeed ee geyiga Soomaalida ka dhacay iyo sida uu u saameeyay lebiska dadka. Cilmibaadhisteeda waxa ay ka soo bilaabaysaa qarnigii sagaal iyo tobnaad ilaa iyo burburkii ka dib iyo habka lebiska ee Soomaalida qurbaha ku nool. Qoraaga waxaa caqabad ku ahayd in aannay u suurogalin in ay dhulka Soomaalida soo gaadho, waxay cilmibaadhisteeda u iishatay qoraalada dhulmareenadu ka qoreen geyiga Soomaalida, boost-kaadhada iyo sawiraanta, daabacaadaha qaranka Soomaaliyeed sida sawirada ku dhagan lacagta, waraaqa boostada iyo waraysiyo ay la yeelatay Soomaalida qurbaha ku nool iyadoo sidoo kalena u kuurgashay lebiskooda hadda, waxa ay sidoo kale baadhisteeda u adeegsatay diiwaanadii gumeystayaasha reer Yurub. Qoraagu iyadoo ku baraarugsan in daabacaadaha qaranku ayna noqon karin kuwo si toos ah uga turjumaya xaqiiqada oo isaga badan borobagaando, waxa ay ku ladhay lafagur iyo faalooyin majarahabaabinta ay keeni karaan miisaamaya.

Waxa ay muddada baadhisteeda oo dhereran qarnigii 19-aad iyo kii 20-aad u qaybinaysaa iyadoo adeegsanaysa isbeddalada waaweyn ee siyaasaddeed ee dhacay, siyaalaha lebisku isula beddelay, waxayna sharaxaad ka bixinaysaa macnaha ku ladhan isbeddel kasta. Waxa ay qoraagu ku dooddaysaa in ay kooban yihiin lebiska Soomaalida inta lagu tilmaami karo kuwo dhaqan oo taariikh dheer soo taxnaa. Lebisku Soomaalidu waxa uu ahaa mid ku xidhan hab nololeedka, miyi iyo magaalo hadba kan la joogo, alaabaha la soo dhoofsado ee la heli karo, nooca shaqo ee shaqsiyaadku hayaan, saamaynta diineed iyo doorka bulsheed ee qofka oo ku riixi kara lebis gaar ah.

Soomaalidu taariikh fog ayay ganacsiga adduunka u furnaayeen, waxayna ahaayeen bulsho aad ula xidhiidhsan isbeddelada adduunka ka dhacaya, taas oo aad uga muuqata hiddaha lebiskooda iyo kooda cuntaba, oo ay ka muuqdaan dhaqano kala duwani.

Buuggu lix cutub ayaa uu ka kooban yahay. Cutubka koowaad waxa ay kaga warramaysaa sida lebisku summad ugu yahay siyaasadda. Waxa ay soo tebinaysaa qoraagu dhacdo muran badan dhalisay, waa mar uu 2006 Obama socod ku maray Geeska Afrika, meelaha uu soo maray waxa ka mid ahayd Wajiir oo ka tirsan NFD, oday dhaqameedkii halkaa ku soo dhaweeyay iyagoo rabay in ay maamuusaan waxa ay u xidhayaan dharkoodii hiddaha ahaa, saddex go’ oo cad cad, mid loo guntay, mid loo jeeniqaaray iyo mid duub looga dhigay. Obaama oo aan kolkaan weli madaxtinimada isku soo sharaxin, dood badan ayay dhalinaysaa, xilligaas oo islaam nacayb iyo dagaalkii la dagaalanka argagaxisadu xooganaa dharkan uu xidhay Maraykan badan ayaa aad uga xanaaqaya, oo waxa ayba u arkayaan in Baraak Xuseen Obaama, runtiisii uu qarsanayay soosaaray, islaamnimadiisii! Markii uu isa soo sharaxayna sawirkaasi waxa ay dadkii ka soo horjeeday ka dhigteen cadayn ay ku muujiyaan kutirikuteentoodii ahayd in uu yahay muslim isqarinaya oo raba in uu shareecada Islaamka ka hirgaliyo Ameerika.

Waxa ay cutubkan sidoo kale ku soo gudbinaysaa hordhac ay kaga warramayso bulshada Soomaaliyeed oo ay ku tilmaantay in ay yihiin dadka waqtigooda ka horeeyay oo dhaqano kala duwan wax lebiskooda ka mid ah ka soo ergistay.

Cutubka labaad waxa ay ku sawiraysaa sida uu lebiska Soomaalidu ahaa, intaan gumeystayaashu soo gaadhin dhulka Soomaalida. laba ayay u kala qaadaysaa, dadka magaalooyinka xeebaha u dhaw ku nool iyo bulshada inteeda badan oo baadiyaha ku nool. Dadka xeebuhu waxa ay xidhan jireen maryaha ganacsiga doorsashada kaga bedeshaan ummadaha kala duwan ee la ganacsan jirtay, kuwaas oo ahaa go’yaal ay u hagoogtaan hab u sahlaya hadba hawsha ay gacanta ku hayaan iyo cimiladu caynkay tahay. Halka dadka baadiyaha ku dhaqan xidhan jireen dhar ay ka farsamaysteen saanta xoolahooda. Waxa ay hoosta ka xariiqaysaa in lebiska Soomaalida baadiyaha ee ragga iyo dumarku aad isugu dhawaayeen, taas oo ay sheegtay in ay tilmaamayso doorkooda bulsho iyo shaqo ee aadka isugu dhaw ee muhiimka u wada ah.

Cutubka saddexaad (1800 ilaa 1945) waxa ay kaga warramaysaa lebiska Soomaalida isbeddelkii ku yimid kolkii gumeystayaashu dhulkooda soo gaadheen, waxa ay taariikhaynta ka bilaabaysaa degel baadhayaashii reer galbeedka ee dhulka soo gaadhi jiray iyo warbixinadooda sida ay dadka Soomaalida uga warrameen. waxa ay xusaysaa in kastoo dhinacyo lebiska ka mid ah sidii dhaqanku ahaa sii ahaayeen, sida qaabaynta timaha, kabihii saanta ahaa ee la xidhan jiray iyo agabka laysku qurxiyo. Haddana in isbeddel balaadhan ku dhacay. Ganacsigii kordhay waxa uu keenay in dakhliga soo kordhay raggu xoolaha ku maalgashadaan, halka dumarkuna bilaabeen in ay dahab dhulka Carabta, Hindiya iyo Beershiya ka yimid ku gataan, si ay ugu kaydsadaan qaabkaas. Agabka dumarku isku qurxiyaan waxaa markaa ugu caansanaa silis weyn oo “Audulli” la odhan jiray.

Ka dib markii la furay Marinka Suweys muhiimada Istaraatiijiyadeed ee Geeska Afriki aad bay u korodhay taas oo keentay in reer Yurub gacan ku dhigista gobolka u tartamaan. Meelihii ay qabsadeen reer Yurub waxa ay bilaabeen in ay ka hirgaliyaan nidaam kala sarayn iyo faquuq ah. Waxa ay dadka u qaybin jireen saddex oo sida ay u kala horeeyaan u kala xaquuq fiican, Cadaan, dad aan dhallad ahayn iyo dhallad, ninka cad wax walba xaq ayuu u leeyahay, dadka aan dhalladka ahayn oo noqonayay Hindida, Carabta iyo dadka la midka ah xuquuqo door ah ayay yeelanayeen, halka ruuxa dhalladka ah oo dadka madmadow ahi ay xuquuqdoodu aad u koobneyd, Soomaalida iyagoo u halgamaya in ay helaan xuquuq ka balaadhan tan dhalladka, waxa ay ku faro-adaygeen hiddaha Islaamka iyo Carabnimada. Halganka ay ku diidan yihiin Soomaalidu in lagu asteeyo dhallad waxa ay qaabaysay sida ay isku arkaan iyo sida ay u arkaan Afrikaanka kaleba. Diinta iyo Carabnimadu waxa ay u noqdaan halgan ay kaga soo horjeedaan gumeysiga reer Yurub iyo faquuqooda. 

Cutubka afaraad waxa uu daarran yahay muddadii u dhaxay (1945 ilaa 1991) waxa ay ka warramaysaa sida xoriyaddii la qaatay iyana saamayn ugu yeelatay lebiska. Xilligii gumeystuhu dhulka joogay lebiskiisa way diidaan, oo lebis islaami ah ayay raggu qaadan jireen dumarkuna Guntiino maro ah ama maas ah ayay gashan jireen. Haddab, kolkii la xornimada la qaatay wuu isbeddelay lebisku oo raggu waxa ay bilaabeen in ay xidhaan lebiskii reer galbeedka ee surweelka iyo shaatiga ka koobnaa, in kastoo horeba dad u bilaabeen in ay u xidhaan haddana way koobnaayeen, waxaana loo arkayay dhallinyar habawsan. Ragga qaar waxa ay suudhka iyo surweelka iyo shaatiga ku ladhi jireen koofiyad summad ah islaanimadooda, taas oo ah mid ka soo jiitantay xilligii gumeysiga. dumarku iyagu ma ay qaadan lebiska reer galbeedka, oo markaa loo arkay dhillonimo, dumar kooban oo magaalooyinka jooga ayaa xidhan jiray. Sida ay doonto ha noqotee, lebiska duamrka laftiisa isbeddel ayaa ku dhacay oo waxa ay bilaabeen in ay xidhaan Dirac, goorgarad iyo garba saar.

Kolkii laga tagay Guntiinada, dawlada waxa ay u astaysay Guntiinada in uu yahay lebiska hiddaha ee Soomaalida waxa ayna bilawday in ay buunbuuniso, oo dumarkii sawiraanta dawladu ay baahiso ku soo baxaa waxa ay ahaayeen kuwo Guntiino ku lebisan. In kastoo kaadarada dawlada iyo ciidankuba qaateen lebiska reer galbeedka, haddana, Guntiinadu waxa ay noqotay astaan Soomaalinimo.

Lebisku waxa uu ahaa mid muujiya dabaqada, heerka waxbarasho iyo qiyamka qaybaha bulshada. Waxaa bilaabantay kala duwanaansho bulsheed iyo loollan ka dhex socda saddex hidde oo lebis; lebiskii dhaqanka, kii islaamiga ahaa iyo ka reergalbeedka. Waana mawduuca ay daaran yihiin ruwaayado badan oo xilligan soo baxay.

Markii uu taliskii Siyaad Barre xukunka maroorsaday, reer galbeedaynta lebiska iyo dib u buunbinintii lebiskii hidduhu way sii xoogeysteen. Waxa sidoo kale isku soo beegmay dawladihii Carabta oo saliid helay iyo xukunkii reeraysnaa ee Siyaad Barre oo faquuqay dhallinyar badan, taas oo keentay in ay u yaacaan dalalka Carabta si ay shaqo u helaan. Diinta ayayna ka dhigteen agab ay ku mucaaradaan taliskii Siyaad Barre, kooxo diini ah oo dalal kala duwan ka jira ayay ku xidhmeen kooxo badan, waxaa bilaabantay in Jilbaabku noqdo astaan dhawrsanaan iyo diin. Taliskii Siyaad Barrena waxaa loo sawiray shuuci bilaa diin ah in uu yahay.

Dad badan oo ku baraarugsan saamaynta lebis ee Carabta iyo reer galbeedka ayaa bilaabay in ay xoojiyaan lebiskii hiddaha ahaa, oo markan yeesho midabo kala duwan iyo jaadaad tiro badan.

Kolkii uu xukunkii Siyaad Barre sii qadhaadhaaday kooxo hubaysan ayaa ka hortagay, kuwaas oo agabyada iska caabintooda diintu qayb weyn ku lahayd. Jilbaabkuna wuu ku sii fiday Soomaaliya gudaheeda, burburkii ka dibna waxa uu noqday lebiska u caansan, taas oo ay keentay Saamaynta Wadaadada ee siyaaday, ee dareenkii ahaa waxa aynu la burburnay diintii oo aynu ka dheeraanee aynu u noqonno diinta, oo ahayd wacdiga u weyn ee wadaadadu sheegayeen.

Labada cutub ee danbe waxa ay kaga warramaysaa sida lebisku isku sii beddelay ka dib markii Soomaalidu daafaha dunida u qaxeen. Waxa ay sidoo kale isweydiinaysaa kala duwanaanshahaa lebis ee ummadaha iyo sida uu u ekaan doono lebiska Soomaalidu. Waxa ay ka warramaysaa sida uu lebisku u yahay wax ay ummaduhu u adeegsadaan in ay dib isugu qeexaan, oo waxa tusaale ah, ka dib markii Sofiyeetku burburay Lithuania waxa ay dib ugu noqotay hiddaheedii qadiimka ahayd. Waxa ay sii tibaaxaysaa baahida loo qabo in qof Soomaali ahi baadhis ka gundheer intan in uu ku sameeyo hiddaha lebiska ee Soomaalida iyo isbeddeladay soo foodsaaray sannadahaa iyo waayahaa isa soo daba taxnaa ka dib. Tusaale, ahaan waxa ay xusaysaa in uu muuqdo saamaynta hiddaha lebiska ee Carabta iyo reer galbeedku ku leeyahay hiddaha lebiska ee Soomaalida, balse, loo baahan yahay in la eego saamaynta Hindiya iyo Induneeshiya ku leedahay, oo Soomaaliya waa dalka saddexaad ee Afrika ku yaala ee dharka iyo xariirta u badan ka soo dhoofsada Hindiya, waxaana jira isku ekaansho lebis oo labada ka dhexeeya, xataa warshado badan oo Hindiya ku yaala ayaa soosaara lebiska Soomaalida ee diraca, googarada, iyo shalmada.

Waa buug jaadgooni ah oo innagu baraarujinaya hiddaheena lebiska, isbeddelada waqtoyadii kala duwanaa ku dhacay iyo sababtooda siyaasi. Waa buug mudan in laga bogto, la turjumo oo la sii balaadhiyo cilmibaadhista uu u jidbaneeyay.