Skip to main content

Thursday 19 September 2024

Sheeko

Xukuumadii Indhasarcaadka: Saciida Xaaji-Diiriye Xirsi

24 July, 2024
Image
sawir
Share

Saciida Xaaji Diiriye Xirsi 1950-kii ayaa ay ku dhalatay Muqdisho, waa mid ka mid haweenka Soomaaliyeed ee qalinleyda ah kuwii ugu horeeyay ee afka Ingiriisida wax ku qora. Waxa ay shahaadada koowaad ee jaamacada ku diyaarisay Suugaanta Ingiriisida, oo ay ka dhamaysatay Jaamacada Boqor Cabdicasiis ee Sucuudiga ku taal. Shahaadadeedii labaad waxa ay ka qaadatay Jaamacada Maraykanka ee Qaahira (American University in Cairo). Waxa ay bare ka ahayd Jaamacada Boqor Cabdicasiis ee magaalada Jidda, ee Sucuudiga ku taal.

Saciida Xaaji waxa ay leedahay saddex sheeko oo aad loo darso, sheekooyinkeeda waxaa lagu soosaaray dhawr buug oo daarran sheekooyin xul ah, waa kuwo dugsiyada iyo jaamacadaha adduunka lagu barto. Saciida sheekooyinkeeda oo dhan waxaa shaqsiyada koowaad ka ah dumar, waxa ay ku soo gudbisay sheekooyinkeeda halganka ay ku jiraan haweenka Soomaaliyeed. Sheekooyinkeedu waa baaq ku aadan in laga tago dhaqannada abaaday ee ay ka mid yihiin gudniinka iyo tacadiga ka dhanka ah dumarka.

Saddexda sheeko ee Saciida waxa ay kala yihiin “Against the Pleasure Principle” (1990), waxa ay kaga warramaysaa gudniinka gabdhaha. “Government by Magic Spell” (1992), waa sheekada aan halkan turjumaadeeda ku wadaagayno, waa sheeko soo gudbinaysa, si xun uga faa’idaysiga dhaqannada khuraafaadka ah,  dawlad xumada iyo musqmaasuqa. “The Barren Stick” (2002), waxa ay kaga warramaysaa dhibaatooyinka dumarka ku mutaan guurka iyo tacadiga ka dhanka ah haweenka.

 

Xukuumadii Indhasarcaadka 
Saciida Xaaji-Diiriye Xirsi

 

Tuulada:

Markay toban jir ahayd, ayay Xaliimo ogaatay in uu jin ku jiro. Waxa ku sheegay wadaadka quraanka wax ku dabiiba ee tuulada. Xaliimo bilo dhawr ah ayay bukaan ahayd. Wadaadku wuu kala daalay dhammaan farsamooyinkiisii dabiibka, markaas buu ku qancay in aan bukaankeedu dabiib lahayn: bukaanka Xaliimo hayay ma ahayn bukaan caadi ah; ee waa lagu jiray – waxa gashay rooxaanta jin carruur ah, kaas oo ay si kamo ah ugu joogsatay, habeen iyada oo musqusha galaysa. Nasiib wanaageeda se, wadaadku waxa uu sheegay, in jinka ku jiraa yahay nooca waxtarka togan leh, oo waa mid dhibkiisa, dheeftiisu ka badan tahay. Balse, waa mid aan waligii ka baxayn – iska dhaaf in uu iskii isaga baxee, dabiib walba oo la saaro xataa waa mid aan ku baxayn. Waligiina kori maayo, oo caruurtaas ayuu ahaanayaa.

Xaliimo way caan baxday. Sheekada jinkeedu muddo yar bay tuulada oo dhan ku gaadhay. Dadku waxa ay isweydiiyeen jinka Xaliimo iyo awoodihiisa, waxa uu u tari karo iyada iyo tuulada guud ahaan ba? Durtadiiba, dadkii tuuladu waxa ay iska dhaadhiciyeen in Xaliimo leedahay awood ay waxa soo socda ku sii ogaan karto, oo ay dadka buka ku dabiibi karto. Ma dheerayn kolkii ay Xaliimana ku qanacday warkaa dadku iska dhaadhiciyeen.

Xaliimo waxa ay bilawday in ay jisho doorkeeda. Mararka qaar inta ay meel fadhiisato ayay samada daawataa. Dadkuna waxa ay u qaataan in ay jinkeedii warka timaadadda ka gurayso ama inta ay suuxdo ayay hadli, iyada oo aanay jirin cid ka guraysaa; way qaylin, mararka qaarna baroor ayay qabsan. Dadka xaaladahan ku dhugta cabsi muqaddas ah ayaa saaqda. Dhamaan way iska jiraan in ay carqaladeeyaan Xaliimo, marka ay xaaladahan ku jirto iyo mar walba, waxa ay ka cabsanayaan in ay ka cadhaysiiyaan jinka. Haddii ay dadku Xaliimo ka hadlayaan, cod hoose oo xanshaashaq ah ayay gadaasheeda isugu sheegaan.

Xaliimo waxa ay aamintay in ay u yimaadaan kolka ay suuxdo rooxaanta waalidka u ah ilmaha jinka ah ee ku jira. Waxa ay soo booqdaan ilmaha jinka ah, ayay u sheegtay dadka, waxa kale oo ay u yimaadaan in ay i baraan sidii aan uga farxin lahaa jinka. Sidoo kale, Xaliimo waxa ay xaqiijisay, in ay uga warrameen wax kasta oo nolosha guud ahaan ku saabsan, waxa kale oo ay uga warramaan dadka tuulada, wixii tagay, waxa hadda taagan iyo timaaddada.

Weydiin ku wareegaysay dadka tuuladu waxa ay ahayd: yaa guursan doona Xaliimo kolka ay da’da guurka gaadho? Cidna shaki kagama ay jirin in la guursan doono. Waa sababta jiraalka dumarka, guurka iyo carruur korintu, balse, dhibaatada jinka ayaa jirta. Miyaanay halis ahayn guursashada gabadh jin ku jiro? Waa kuma ninka geesiga ah ee ku dhici doona in uu Xaliimo guursado?

Kolkii ay Xaliimo da’dii guurka gaadhay, dhibaato aan meeshaba la soo dhigan ayaa timid. Xaliimo ma rabin guur. In kastoo ay jireen rag geesiyaal ah oo u badheedhay in ay ku galaan xaaladeeda, haddana dhammaan way diiday. Wadaadka tuulada laftiisa ayaa u soo geed fadhiistay. Dadku waxa ay u haysteen ninka ugu munaasibsan ee guursan kara Xallimo in uu yahay: isaga uun baa la tacaali kara gabadh jin ku jiro, balse, Xaliimo way ku gacan saydhay isagana.

In kastoon, jinka dadka galaa aanay ahayn xaalad ku cusub tuulada Xaliimo. Sheekooyinka jinku waa kuwo tiro badan – waxaa jira dad uu dhab ahaan jinku ugu jiro, dad rooxaanta jinku weheliso sidii mataankooda oo qarsoon in uu yahay, ama dad jinku u shaqeeyo. Waa la wada ogaa in mid ka mid ah awoowyaashii Xaliimo uu lahaa jin mataankiisa ahaa oo la odhan jiray Geesa Cadde, sidoo kale, waa la ogaa in awoowyaasheeda dhanka hooyo mid ka mid ahi uu lahaa jin mataankiisa ah iyo saddex jin oo adeegayaal u ah oo la kala odhan jiray Toore, Gaadale iyo Toor-Urmuune. Kolka ay Xaliimo hooyadeed dhibaato qabsato waxa ay u baaqan jirtay saddexdan jinni si ay taageero iyo ilaalo ugu fidiyaan. Waxaa la aaminsan yahay in odayaasha ay ku abtirsadaan reeraha qaar ay la dhasheen mataan jin ah. Qabiilka uu ka soo jeedo Xaliimo dumaashigeed waxa uu lahaa mataan jinni ah oo la odhan jiray Sarxaan.

Kolka xoolaha Allabariga la gawraco, mataanayaasha jinka ah qaybtooda ayaa la siiyaa. Taa beddelkeed, jinka waxaa laga fishaa in uu qabiilka taageero oo uu ilaaliyo. Ugu horeyn, xoolaha ayaa la gawracaa, dabadeed, kolka la qaado heesaha duquusta, neefka haraga inta laga siibo ayaa la soosaaraa xubnaha gudaha, kuwaas baa dabadeed jinka la siiyaa. Waanooyin ayaa hoos laysugu sheegaa, sida; ‘yaynaa illaawin qaybtii Geesa Cadde; oo yaynaa halmaamin qaybtii Toore, Gaadale iyo Urmuune…’

Qaybta loo qoondeeyay jimanka waxaa la geeyaa meel durugsan oo buuraha dushooda ah, maadaama, oo ay mar kasta si aan la ogeyn u qarsoomaan, dadka tuuladu way hubeen in ay jimanku cunaan qaybtooda, sidaa daraadeed, cidna kuma ay fekeri karin in ay dhacdo ama ka khiyaamayso jimanka qaybtooda. Arrintu sidan bay ahaan jitray waligeed, siina ahaan doontaa. Carruurta waxaa la xafid siiyaa heesaha duquusta si ay duquusta ab kasoo gaadhka ahi u sii jirto. 

Kolka rooxaantu ku soo xaadirto Xaliimo dareenadeeda oo dhami way xoogaystaan. Waxa ay dareentaa awood rooxaani ah, sidii in ay sameyn karto wax dhaafsiisan awoodda dadka caadiga ah. Dabadeed, raynrayn ayay dareentaa. Waxa taas dheer, waxa aad mooddaa in rooxaantu gacan taageero ah ku siiso wax kasta oo ay qabanayso, waayo, waxaa wanaagsanaaday ayaanka qoyskeeda iyo ka qabiilkeedaba, Xaliimo iyo dadka kaleba waxa ay u qaateen in rooxaantu ka danbayso arrintan. Muddo ka dib, Xaliimo waxaa loo arkay in ay tahay barako qoyska u sugnaatay, iyo hanti qabiilka oo dhan ka dhaxaysa. Aad bay ugu faraxday haybadan gaarka ah ee rooxaanteedu siisay.

U Jahaysigii Caasimadda

Xaliimo awooddaheeda gaarka ah ayaa looga baahday caasimadda. Qayb balaadhan oo qabiilkeeda ah ayaa halkaa ku dhaqnaa. Kuraasta ugu muhiimsan ee ugu awoodda sarreeya ee xukuumada waxaa hayay dad qabiilkeeda ka soo jeeda. Waxa ay ku bilaabantay mid ragga qabiilkeeda ka mid ah oo awood ku dhex yeeshay xukuumada. Waxa uu u yeedhay qaraabadiisa oo uu xilal sare xukuumada uga soo helay, kuwaasina qaraabadooda ayay u sii yeedheen, illaa xukuumadii ba ay qabsadeen qabiilka Xaliimo. Taasina waxa ay uga dhigneyd cid kasta oo loo yeedho, maalin ku taajir. Waxa ay ahaayeen qabiil aan wanaag ku raadsan waxa ay rabaan, xoog bay ku qaadan jireen, ciddii hor istaagtana way iska basrin jireen ama ka takhalusi jireen.  Markan Xaliimo loogu yeedhayo caasimadda, qabiilkeeda ayaa xukuumada iyo hantida gabi ahaan gacanta ku hayay, oo cid is hortaagi kartaa ma jirin, qudhay jaraana cid ka hadli kartaa ma jirin, iyadoo sidaa ah haddana, waxa ay rabeen in ay ku sii gaashaantaan awoodda rooxaaniga ah ee Xaliimo. 

Waxa ay isku dayeen sidoo kale in ay caasimadda keenaan Xaliimo aabbaheed, oo ahaa nin haybad weyn, oo haybadiisu qabiilka Sharaf u ahaan lahayd, balse, ma uu rabin in uu tago. Oday neceb isbeddelka ayuu ahaa, manuu rabin in uu xasilloonida iyo ammaanka tuulada ku beddasho waallida magaalada weyn, sidoo kale, waxa uu u baqanayay sumcadiisa. Tuulada sumcadiisu way ku dhawrsanayd, balse, ku biirista mooryaantani way dhaawacaysaa, ma aha wax uu halis gelin karo, hadda oo uu yahay waayeel wedkiisii soo dhawaaday. Siday doonto ha ahaatee, in kastoo uusan rabin in uu isagu tago, wax mushkilad ah kamuu qabin in uu u diro halkaa inankiisa iyo inantiisa. Waa mide waxa uu rabay hantidaa la guranayo qaybtooda iyo ta qoyska in ay soo hantiyaan. Dhanka kale, waxa ay la ahayd in aan belo ku jabnayn in ay Xaliimo awooddeeda ku ilaaliso qabiilka oo ay sugto in ay joogteeyaan gacan sarrayntooda. Waxa laga yaabaa in ay rooxaanteeda heshiis la gaadho, in ay sii joogtayso xannaaneynta ilmahooda, iyaguna ay daryeelaan danaha qabiilka.

Xaliimo way aqbashay in lagu qanciyo in ay tagto, balse, intaanay tagin waxa ay la tashatay rooxaanteedii. Waxa ay ka codsadeen in ay laba arrin u fuliso; kow, in ay Tahliil soo diyaariso, biyo barakaysan oo lagu dul akhriyay dikri oo ay dadku cabbaan ama ku maydhaan si ay awoodda biyaha uga faa’idaan. Kan labaad na, waxa uu ahaa: in Allabari sannad buuxa maalin walba loo qabto Geesa Cadde, oo ah mataanka jinka ah ee odayga uu ku abtirsado qabiilku. In la soo xulo xubnaha uur ku jirta ee kumannaan neefaf ah – Wadnaha, kelyaha, mindhiciraha iyo kuwa la midka ah – oo dabadeed maalin walba loo dhigo xeebaha bari.

Kolkay Xaliimo iyo walaalkeed diyaar u noqdeen in ay baxaan, waxaa soo doonay inaadeerkood oo magaalada ka yimid. Inaadeerkoodan oo xukuumada xil muhiim ah ka hayay ayaa wax badan uga warramay. Waxa uu u sheegay mudnaanta iyo dheeraadka qabiilkoodu magaalada ku haysto. Fekrad bay ka qaateen hantida qabiilkoodu urursaday tan iyo intuu awoodda ku gacan dhigay. Waxa ay ogaadeen in qabiilkoodu xukuumada gabigeedaba gacanta ku hayo. Arrintan way la tacajabeen, waxa ay sii yaabeen kolkii inaadeerkood u sheegay in reerku guulahan oo dhan ku gaadhay toban sanno gudahood, oo waliba dadka xilalka muhiimka ah ka haya xukuumaduna ay yihiin caamo aan waxna akhriyin, waxna qorin. 

Soo gaadhistii Caasimada

Kolkay magaalada soo gaadheen, labadoodii waxaa la siiyay guri bangalo ah oo shaqaale badan iyo ciidan ilaalo ahi joogaan. Maalmo yar gudahood, Xaliimo walaalkeed waxaa xil muhiim ah laga siiyay xukuumada. Waxaa laga dhigay gudoomiyaha waaxda maamusha iibka fooxa ee gudaha dalka iyo dhoofintiisaba. Magaca rasmiga ah ee wakaaladda gudoomiyaha looga dhigay waa Wakaaladda Dawliga ah ee Fooxa. Xaliimana hore ayay ka bilawday in ay fuliso codsigii rooxaanteeda. Hogaanka qabiilka laba shay ayey ka codsatay; waxa ay weydiisatay in ilaha biyaha ee magaalada oo dhan meel la iskugu keeno si ay tuf tahliileed ugu samayso, waxa kale oo ay codsatay in xeebta bari kawaan xoolaha lagu qalo oo weyn laga dhiso. Hoggaankii qabiilku horey buu ka fuliyay codsigii Xaliimo, maadama oo uu aaminsanaa in ay lafdhabar u tahay sii waaridda guusha qabiilka.

Si meel la isugu keeno ilaha biyaha ee magaalada oo dhan, waxaa la sameeyay laba taangi oo waaweyn oo biyaha lagu keydiyo, mid waxaa laga sameeyay bariga magaalada midna bartamaha. Ka dib, waxaa la dumiyay dhammaan ceelasha magaalada, ilaa kuwii ku yaallay xaafadaha ee gaarka loo lahaa, beebabka magaalada oo dhanna waxaa lagu xidhay labada taangi. Sidaas ayaa biyaha magaalada oo dhami cabto u noqdeen kuwaa ka imanaya isku hal il, markay Xaliimo ku tuftay casharkeedii, sidaas ayaa tahliishii cid walba ku gaadhay. 

Saamaynaha tahliisha waxaa ka mid ah; in ay dadka ka dabiibto faduusha. Dadka tahliishan cabbay waxa ay joojiyeen in ay wax isweydiiyaan, waxa kale oo ay joojiyeen in ay u fiirsadaan waxa ay samaynayaan hoggaanka qabiilkani. Waxa ay noqdeen raciyad hoggaansan, oo wixii la amro sameeya iyaga oon waxba isweydiin, diidmana hadalkeeda daa. Xaliimo, mar walba way cusboonaysiisaa tufka ay ku akhrinayso biyaha. In kastoon cid aan iyada ahayn ka warqabin falka ay ku akhrido biyaha, haddana kutiri kuteenta la isla dhex marayaa way badatay. Dad baa qabay biyaha uu ku maydhanayo hogaamiyuhu inta ay duco ku akhrido ayay dabadeed ku shubtaa biyaha kaydka. Shaki kagama jirin iyada iyo hoggaamiyayaasha xukuumada ee qabiilkeeda, in inta dadku biyahaa tahliisha ah cabbayaan in wax walbaa qorshahooda ku soconayaan.

Kolkii la dhisay kawaankii cusbaa ee xoolaha, dhammaan kawaanadii kale ee magaalada ka jiray albaabada ayaa la isugu laabay. Nasiib darro, kawaanka cusubi waxa uu u dhawaa xeebta Liido, oo ahayd xeebta ugu caansan xeebaha magaalada. Muddo yar gudaheed waxaa xeeligii xeebta isa soo buuxiyay libaax-badeed dad cun ah, kuwaas oo soo raacay urta dhiiga iyo qashinka uu kawaanku badda ku shubayo. Ka dib, markii libaax-baddeedku cunay dad tiro ah, dadkii way joojiyeen in ay xeebta Liido yimaaddaan. Xukuumaddu arrintan kama ay hadal, sida cad iyaga waxaa xeebta uga muhiimsaneyd Allabariga loo samaynayo Geesa Cadde.

Mararka qaar ayaa Xaliimo soo booqan jirtay kawaanka si ay u soo kormeerto sida gawracu u socdo. Kolkan waxa ay sidoo kale cusboonaysiin jirtay tufka xoolaha si ay u xoojiso saamayntooda. 

Waxay arrimuhu si wanaagsan ugu socdaan Xaliimo iyo qabiilkeedaba, waxaa sii xoogeysatay aaminaada Xaliimo ee in ay iyadu masuul ka tahay waxan oo dhan. Hoggaamiyayaasha qabiilkeedu laftoodu way ku qanacsanaayeen in Xaliimo iyo rooxaanteedu leeyihiin sababta sii waarida guushooda. Waxa ay u tuumeen billado. Waxa ay kala tashadeen arrimaha waaweyn oo dhan, taladeeduna biyo kama dhibcaan ayay ahayd. Tusaale ahaan, Xaliimo ayay ahayd ciddii ku talisay in bulsahda maceeshada lagu suquuquliyo si cadaadis loo saaro. Badeecadaha aasaasiga ah oo dhan si ulakac ah ayaa gabaabsi looga dhigay, waxa ay taasi keentay in ay dadku ku mashquulaan halganka ay ugu jiraan bedbaadadooda. Waqti iyo tamar ba waa ay u waayeen in ay la socdaan waxa xukuumadu ku kacayso. Hogaamiyayaashii qabiilka Xaliimo xasillooni aanay abid dareemin ayay dareemeen.

 Labaatan sanno ayaa ka soo wareegtay tan iyo markii ay Xaliimo caasimadda u soo wareegtay. Weli waa ay waddaa duquusteedii, qabiilkeeduna wuu sii badhaadhay. Ragga qabiilkeedu iyagaa weli haya mansabyada muhiimka ah ee xukuumada, iyagaana weli maamula hantida dalka. Ummadda inteeda kale waxa ay la tacaalayaan baahiyahoodii aasaasiga ahaa, taas oo marba marka ka danbaysa sii adkaanaysa. Hadday jiri lahaayeen in hesha awood iyo waqti ay wax isku weydiiyaan, tahliisha Xaliimo ayaa taa ka masaxday. Ragga qabiilka Xaliimo na waxa ay sii joogteeyeen in ay wax ku xukumaan falkeeda.