Skip to main content

Friday 8 November 2024

Aragti

Quruxda iyo xaaladda haweenka Soomaaliyeed

22 July, 2024
Image
Miss Somalia
Sawirka: bogga Facebook-ga ee Miss Somalia
Share

 Habbeenkii taariikhdu ahayd shan iyo tobankii bisha July waxa Muqdisho ka qabsoontay xaflad lagu shaacinayo “Miss Somalia” oo ah gabadha waddankan ugu quruxda badan, taas oo ku guulaysatay tartan muddo soo socday. Si guud ma jiro halbeeg iyo qeexitaan la isku raacsan yahay oo quruxda ku saabsan, asalkaba waa qof iyo sidii uu ka dhigto amma uu u arko. Waxa ay matashaa oo dadka qaari ka dhex arkaan farxadda iyo dareen walba oo raynrayn xambaarsan, waxa laga dhex helaa murugada iyo mugdiga oo lagu sheegaa fanka quruxda sidoo kale quruxda waxa kun siyood oo kala duwan looga dheehdaa dusha iyo muuqa sare ee noolaha oo idil. Quruxdu waa sifo nololeed, oo nabad iyo barwaaqo tilmaan u ah aaddanaha, waa u badbaado oo inta ay quruxi u muuqato ama indhihiisu arkayaan quusta waa uu ka ladanyahay, iyada oo ay sidaas tahay haddana bulshooyinka iyo dhaqanada kala duwan ee adduunka ka jiraa waxa ay haystaan halbeegyo quruxeed oo midba ka kale kaga soocan yahay. Iyada oo isla habeenkaa xafladan habeenkii ka horreeyey uu Muqdisho ka dhacay qarax lala beegsaday dhallinyaro iska caweynaysa oo ciyaarihii dhammaadka Euro daawanaysay.

Tartankaasi waxa ka dhashay falcelinno kala duwan, kuwo dalka gudihiisa iyo kuwo dibadda ah oo wargeysyada caalamiga ahi daabaceen. Falcelinadaas waxa kamid ahaa; maqaal ay Mary Harper ku daabacday BBC-da kaa oo nuxurka cinwaankiisu noqonayo“Ubuxii kudaafadda ka dhex baxay” Soomaaliya oo ah meelaha ugu xun ee gabadhi ku noolaato maxaa uga dan ah tartanka quruxda, iyadoo isweydiinaysa ayay Mary qormadeeda ku leedahay “Dhaqan ahaan Soomaaliya gabadha ninka kufsada waxa ciqaab looga dhigaa inuu guursado, sida loola falgalo kufsiga iyo falalka foosha xun ee dumarka lagula kaco muddo sanado ah waxba iskama bedddelin”. Waxa kale oo ay xusaysaa 2013 kii in gabadh loo xidhay inay sheegtay kufsiga ay ku kaceen qaybo kamid ah ciidamada ilaalada. Mary iyo caalamka intiisa kaleba waxa layaab ku ah waddanka noocan ah ee xitaa dumarka dabka la qabadsiiyo waxa ay quruxdu kusoo kordhinayso, iyada oo aan waxba laga qaban tacadiyada kale ee dumarku la kulmaan. Qoraalkan Soomaalida inteeda u badani waxay ka cadhootay cinwaankiisa inta aan la gaadhinba xaqiiqooyinka gudihiisa ku qoran, falcilinadan waxa ka mid ah qaar beegsanaya codka ay Harper kaga hadlayso arrintaas, kaas oo ay ka dhadhansanayeen liididii ay mustashriqiinta reer galbeedku waligoodba wax kaga qori jireen adduunka intiisa kale iyagoo u arkaya in ay yihiin dad cawaan ah oo u baahan in xadaarada la gaadhsiiyo. Kuwa kalena waxay kaga falceliyiin iska indho-tirka ay marwalba isaga indho-tiraan foolxumooyinka wadankooda, iska-indhotirkaas oo dhashay isla-sarraynta bulsheed iyo sawirka qabka ku dhisan ee ay Soomaalidu iska haysato.

Dhanka kale, waxa jiray muuqaal kooban oo Tv-ga Erem News ka faafiyey arrintan oo iyaduna isweydiinaysa; waaqica dumarka Soomaalida iyo tartanka quruxdu sidee ayey isula falgali karaan. Caalamka, marka lagu jiro tartanada quruxda ee dumarka waxa jira qayb weyn oo kamid ah kala xulashada oo ah in la tixgalinayo lana dhagaysto sheekada iyo qaddiyadda shakhsiyad walba xambaarsan tahay. Haddaba quruxda gabadha Soomaaliyeed qaddiyad noocma ah bay xambaarsan tahay, maxay u dagaalamaysaa? Waaqiceeda nololeed iyo quruxda sidee iyo habkee ayey isugu xidhi kartaa? Waxa isweydiin mudan marka hore in la fahmo waxa Quruxdu gabadha Soomaaliyeed uga dhigan tahay.

Si kastaba, xitaa haddaynu isku raacno quudhsigaa Harper ka dhanka ah, ilama aha in xogaha ay qormadaas ku xustay badankooda, haddaynu nafaheenna daacad u noqono, aynu diidi karno. Ma diidi karno, in Soomaaliya dhibaatooyinka soo gaadhay illaa haddana haysta sida dawlad la’aanta, dagaalada sokeeye iyo cunfigaba dhibanaha koobaad dumarku yihiin. Dhibaatada gabadha soomaaliyeed haysataana ma aha mid 30 kii sanadood ee u dambeeyay uun ku eeg, ee waa mid ku xardhan si guud dhaqankeenna iyo is beddelka xili-goobeed ee aynu soo marnay. Waxa jiray xilli iyo goob waafaqsan dhaqankeenu sida uu u qeexo jiraalka gabadha soomaaliyeed, kaalinta ay ku leedahay bulshada iyo waliba sida ay tahay in ay iyadu nafteeda u aragto. Dhibaatadu se waxay ka dhalanaysaa marka adduun-aragaas dhaqameed sidiisii lagu dabaqo xilli iyo goob aan tiisii ahayn. Taas ayaana keenaysa in dhaqankii ay muhiimadiisu ahayd in uu sahlo badbaadada iyo wada noolaanshiyaha dadkaas leh uu laftiisu isku beddelo carqaladda ka hor taagan badbaadadaas iyo wada noolaanshiyahaas.

Quruxda gabadha soomaaliyeed waxa badanka loo isticmaalaa suuxiso iyada lagaga jeedinayo xaqiiqada ah in qeexitaankii jiraal ee uu dhaqanku siiyay badankeedu mid xilligan ay joogto culays mooyee aan wax cidi uskageed le’eg u tarayn. Quruxdaas oo hoos timaadda qeexitaankaas dhaqameed ee gabadha soomaaliyeed ka dhigaya badeecad aan taariikhda iyo ummadeeda wax ku soo kordhinayn, marka laga reebo kaliya in ay carruur dhasho, waa mid dib u qeexid mooyee aan u baahnayn dabaaldeg.

Dib u qeexidani ma noqon karto mid quruxdoo kaliya abaaraysa e, waa inay tahay mid hoos ka soo bilawda macnaha ay dumarmimadu ku leedahay dhaqanka guud ahaantiisa, taasina waa arrin u baahan shaqo culus iyo hannaan daggan.  Hablaheenu, siiba kuwa nasiibka u yeeshay inay ku baraarugaan khilaafkan ka dhex oogan xilliga ay joogaan iyo macnaha ay ku leeyihiin dhaqankooda iyo mujtamacooda, waxay badiyaaba u boodaan aragtiyo roomaansiyadeed oo dareen-abbaar ah amaba xagjir ah oo khilaafkan ugu duulaya si militariyaysan, laakiin aan wax hannaan ah lahayn, taas oo inta badan keenta sida fikradaha xagjirka ahi u badan yihiin; in ay ka boodaan dhibaatada dhabta ah ee meesha taalla. Taasi waxay keenaysaa oo ka dhalanaya, in meelo aan istaahilin lagu khasaariyo awood haddii meesheeda saxda ah la gelin lahaa wax badan laga dhalin lahaa. Dib u qeexidda qiyamka dhaqameed ee dhibaatooyinka nololeed isku beddelay waxay u baahan yihiin wada sheekaysi daacad ah oo ay gabadha soomaaliyeed nafteeda iyo kuwa dhibtaas la qaba kula sheekaysato. Waayo marnaba suurtoobi mayso in uu is beddel meel kale ka yimaado haddii aanu fardigu naftiisa iyo sida uu arko si daacad ah isu su’aalin.

Tartankaasi dadkii diyaariyay, in ay niyad wanaag ka ahayd way caddahay, laakiin niyad wanaag oo qudha marnaba ma noqon karo habka uu isbeddelku ku yimaado. Awoodda tartankaas la galiyay, iyo kuwa ay haayadaha magacyada weyn leh ee inta ay dumarka isu soo ururiyaan kalmado buurbuuran oo aan macno lahayn ku akhriyad, awoodahaas oo dhami waa kuwa midho badan laga dhalin lahaa haddii meeshooda saxda ah la gelin lahaa.

Meesha saxda ahi se waa tee? Waa ta keenaysa in ay dumarku dareemaan in ay iskood wax u qabsan karaan, tariikhdana faraha la geli karaan, waa ta ka yeelaysa in ay gabadh kastaa isu aragto in ay qof nool tahay ee aanay badeecad ay laba nin kala iibsanayaan ahayn. Meesha saxda ah ee awoodaha noocaas ah lagaga midha dhalin karo waa ta dumarka ku kicinaysa in ay isu garab istaagaan si ay hablaha yaryar ee guryaha jooga wax barashada ugu daraan, waa ta ku riixaysa in ay hablahaas ka badbaadiyaan guurka aan sharciga ahayn, waa ta abuuraysa kacdoon ay dumarku xaqooda ku dhacsadaan, waa ta xuquuqda walaalahooda maxkamadaha uga soo goynaysa, waa ta abuuraysa hab-tebin taariikheed oo cusub taas oo ay dumarka Soomaalidu gacan weyn ku leeyihiin jiritaanka bulshada iyo hore u socodkiisa, waa ta ay Masraxyada, doodadaha cilmiga iyo qalinkaba ay kaga soo muuqanayaan haweenku. Meelahaas iyo meelo kale oo badan ayaa maanta laga rabaa awooddaas. Qurux ku sal leh qeexitaan dhaqameed oo gabadha ku arkaya indha rageed oo gaajaysan ma aha maanta mid awooddaas oo dhan la gelin lahaa.

Qoraallada kale ee qoraaga

Sheeko

Ruux Magooshay

Sheeko

Sareedo