Skip to main content

Friday 22 November 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Sheeko

Sareedo

23 May, 2024
Image
Cynthia
Taxanaha Cynthia ee dumar saxariirsan.
Share

Qanaacadu waa gunta wax walba oo lagu bedbaado, waxaana la malayn karaa in qudheedu ay tahay bedbaadada aynu raadinno. Waa liibaanta la sheego ee aynu nolosha ka raadinno, waa ku raynraynta waxa aad haysato iyo ku farxiddooda. Inaad heerkaa gaadho ayaa ah inaad liibaanta hanatay. Aadanuhu ma nasto ilaa uu filnaansho gaadho, isku-filnaansho hanto. Ma aha suurtagal iyo wax la filan karo inay dhacdo, oo mar walba inta aynu haysanno ka badan ayeynu baadigoobnaa. Haddaba qanaacadu waa mindida lagu gooyo iimaan la’aanta aadanaha. Marar badan isla qanaacadaas oo aadan u meel dayin ayaa jar kaa tuurta, oo waxa aad isaga qancansaysaa dhabbada halaagga marka aad waydo meel aad uga baxdo, kol kalena yool la’aantaada oo aanad doonaynba inaad ka badbaaddo dabarrada nolosha ayey qanaacadu tahayba. 

Sareedo waa shan iyo soddon jir Soomaaliyeed, oo qabkeedu wajiga ka saaran yahay. Sida gaashaanti hadda madaxa kor u la kacdayna u tallaabsata. Sida ay hooyadeed sheegtay, magaceedu waxa uu isugu qoofalan yahay laba ujeeddo. Mar waa badhaadhe iyo farxad hooyadeed ku dareentay dhalashadeeda mar haddii shan barbaar ka weynaayeen. Mar kalena waa barwaaqo sagal roobaad wadatay, iyada oo abaar iyo diihaal badan ay tuulada ka jirtay isla markaana gu’gu soo raagay ayey la kowsatay dhibicdii u horraysay ee cirka ka soo dhacda—ma iyadaa uurka ka soo horbaxday oo dhibicda wadday mise dhibicdaa ka soo horraysay! Sareedo waa gabadh korran dabeecad ahaan. Waxay leedahay shakhsiyad qaangaadh ah oo isu dheellitiran. Muuqaalkeeda jidheed haddii aan laga dhabcaalayn tilmaantiisa waxa ugu dhow ee lagu qeexi karaa quruxda dumarka taas oo aan la isku diidayn marka xubnaheeda la kala dhigdhigo. Waa samays shuban oo qoton jalaqsan ah, xubno dabacsan oo xagal quman ku cabiran, jinni iyo jaah, nuur ka baxayo, nayaayiro iyo farxadi ka muuqato, dheellitirnaan iyo dhool buuxa oo dhalaal leh. Cuf maarriin ah oo masciideed ah. Waa farshaxan Eebbe ku farayaraystay oo hibadiisa faneed hab-abuurkeeda looga cibro qaadan karo. Waa gob oo xaruurnimada dabcigeeda ayaa quruxdeeda ka sii ashqaraar badan. Foolfurnaan iyo fahma badnaan, dabeecad iyo dulqaad, fiiradheeri, waxaa Eebbe ku mannaystay dunta dadnimada boqran ee lagu magacaabo gobonnimada. Waa naag wax badan oo saymaha nolosha ah ka soo badbaadday. Waxa ay si iskeed ah u noqotay qof adag oo aanay waayaha adduunku loodin karo. Waaga baryaaba waa u halgan iyo hawl cusub, oo waxay la hirdamaysaa foolxumooyinka nolosha naag Soomaaliyeed iyo masuuliyadaha badan ee ku hareeraysan. 

Waxa ay ku dhalatay miyiga magaalada, intii badnayd yaraanteediina halkaas ayey ku soo kortay. Waxa la dhashay lix wiil oo hal da’i ka yar tahay. Hooyadeed waxay ku umul raacday Keynaan oo ah guridanbayska reerka Aabbaheedna waxba kama danbayn oo laba gu’ kadib ayuu sababsaday colaado degaanka ka jiray.

Burhaan waxa uu ahaa oday dhaqan oo ka caan ahaa geedka garta. Waxa uu ahaa wadaad taqi ah oo markii u yaraa aad u bartay fiqiga iyo diinta isaga oo ka bawsan jiray dhowr wadaad oo Yemen wax ku soo bartay kana marsaday kutub badan. Waxa uu ahaa xaafid soddonka jis ku qaybay looxa waayadii danbana macallin quraan ahaa. Waxa loo dilay aano uu walaalkii galay oo warba kama uu hayn colaaddaas iyo dagaalladaas beeleed, mana uu ahayn ruux shar wade ah ee geeljire wadaad ah oo reerkiisa iyo carruurtiisa dhexda kaga jira ayuu ahaa, tuuladaa yarna macallin iyo wadaad u ah. Waa toban jir Sareedo marka ay agoomawday. Waxa isku soo baxsaday iyada iyo hawshii guriga oo dhan. Waxa ay weyday naxariistii Hooyo iyo caawintii Aabbe.

Markii ay shan jir ahayd ayaa la guday sida caadada ah ee waajibka ay tahay in haweenka Soomaaliyeed oo dhan mindiyaha inta loo soofaysto lagu qalo, oo waxa ay la nooshahay xanuunkaas sida gabadh kasta oo kale ula daalaadhacayso. Socodka badan ayaa dhiba. Sidii dhaawac baasiin lagu shubay ayey kaadidu u gubtaa xubinteeda tan iyo maalintii la qashay. Dhiigga caadadana warkiisa daa oo isagu gumaarka ayuu dib ugu noqdaa markaasuu sidii fallaadh sumaysan oo meel fog laga soo ganay isaga oo u mudaya marba dirqi uga soo fuqaa gidaarrada ilma galeenka. Labo ilaa saddex bilood ayaanay mararka qaar kor u kicin xanuunkaas dartii. Sidaas oo ay tahayna xanuun uma aragto oo waa arrin ay waajib tahay in gabadh walbaa marto, dhaawacaas in ay ka sheekaysaana waa ceeb oo waa khasab inay qariso oo aanay soo hadal qaadin, aysan ahaynna waa faan sida ka qotadadheer gabdhaha kale ee iyada loo guday oo caddaynaysa ka dhawrsoonaanteeda marka loo eego dumarka kale.

Yaraan ayey wax badan ku baratay oo shaqada guriga ah, waayo iyada uun ayaa gabadh ahayd. Waxa ay noqotay toddoba jirkeediiba naag u diyaarsan: iska daa adhiga raaciddooda iyo lisiddooda e waxa ay ahayd geeljirad oo inta ay wiilasha raacdo ayey maalintaas oo dhan la maqnaan jirtay mararka qaar. Aad buu u jeclaa aabbaheed oo maalintaa uu dhintay gabbal ayaa u dumay, rejadii kaliya ee ay lahayd kadib hooyaddeed ayaa god madow lagu riday. Barkhad waa curadkooda: waa nin dheer, midab furan oo dagaal badan, waa nin colaadeed oo balaayo jecel. Magaciisa Barkhad wuu ku dhacay mooyee balaayo ayaa ku lammaan, ayey islaamaha xaafaduhu dhahaan. Maalin ayuu rag geel ka soo dhacay isaga iyo ilma-adeerradii, dagaalkii geelaa uu soo dhacay ka bilowmayna muddo badan ayuu tuulada ka taagnaa, ilaa tobaneeyo nin ayaa la isaga dilay oo inta uu difaacday oo raggii ka adkaaday ayuu geeliina sidii ku haystay cid ku dhacdana waa la waayey. Waa la isu tilmaamaa colaad jacaylkiisa geesinnimadu ku gedaaman tahay; oo horta qof fulay ihi inuu dagaal jeclaado daaye ma u badheedhaa cadawgii. Barkhad waa nin muuqaal qurux badan oo aabbibii ka raacay joogga iyo jamaalka; waa aftahan gabya iyo ciyaaryahan aan laga waayin goloyaasha cawaysyada. Gabadh uu la soo baxay isagoo shan iyo toban jir ah ayaa wiil iyo gabadh u dhashay, markii danbana daacuun xun oo tuulada ku jiray ku dhimatay. Carruurtaas oo rajo ahna guriga waa ay joogaan. 

Samatar iyo Dalmarna magaalada ayey deggen yihiin oo wax ka bartaan. Intii aanay odayga iyo islaantu dhiman ayaa magaalada loo diray, adeerkood oo ganacsade ka ah ayey la nool yihiin. Maxamed waa siddeed iyo toban jir kirishbooy ka ah gawaadhida tuulada iyo magaalada u kala baxda. Axmed waa ninka Barkhad da’ ahaan ku xiga, soddonkii wax sidaa u badani kama xigaa oo ilaa saddex gu’ ayuu u jiraa, waa nin kala xidhan oo dabci adag; waa ragga u yaqaanna inuu kaligii jiro oo kibray waligiina geela reerkooda soo raacayey. Colaadda, daandaansiga, geesinnimada iyo baarqabnimada isaga ayaa Barkhad yidhi joog waxba ma taqaanide. Reerkaas dhan ee dhigaysan ayey Sareedo masuuliyaddeeda gabadhnimo iyo booskii hooyanimo ugu gashay iyadoo aad u yar, laba iyo toban jirkeedii ayey ku noqotay hooyo aan wax dhalin iyo oori aan la qabin. Nolosha si kasta oo kale oo ay u arki lahayd uma muuqanayn oo wax oodda gurigooda iyo xeryaha xoolahooda dhaafsiisan ma taqaanno. 

Maalintii oo dhan shaqo ayey u ahayd, adhiga oo ay isu dhigto kadibna maasho, quraac samayn, ciirtii oo ay lusho iyo casho diyaarin. Iyada, Keynaan-yare iyo labada carruur ah ee ay eeddada u tahay ayaa guriga joogi jiray inta badan. Markay fiidkii tahay ayaa wiilashu soo hoyan jireen oo ay wax siin jirtay ay cunaan. Meertadaas ayey ku jirtaa, maalin uga duwan maalintii hore ma jirto. Waagii Hooyadeed noolayd baa ugu danbaysay looxii ay hingaadda ku dhigan jirtay, oo magaceeda ma qori taqaanno, quraan iyo arrin kalena warkiisa daa. Intaas oo ay u dheer tahay halgaadda, canaanta iyo maagitaankuba. Mar walba oo ay soo hoydaan wiilashaasi waa u canaan iyo cay gabadhaas, Barkhad iyo Axmed ha u darnaadaane. Meertadaa nololeed ayey Sareedo ku jirtay waayaba wax dan ahna kama ay lahayn nolosha ka baxsan waayo waxba kama oga. Maantana waa shan iyo toban jir ragga walaaladeed iyo geelooda dhex boodda, dharigoodana ka arrimisa, ubadkoodana la korisa.

Duhur yawme yawme ah ayaa Axmed oo sidiisii sinta qori ku sita, toorraydana aan ka saarin macawiisata laabkeeda oo cidina ku dhicin ceelka uu geela ka waraabinayo ilaa labaataneeyada halood ee uu wataa ka foofaan oo ay dhargaan mooyee. Waxaa meel halkaas ah oo dhawr tallaabo jirta ka soo baxay Warfaa Geeddi oo isna geeliisii daba socdo, waa geel jire ay isla tuulada isla deggen yihiin. “War iga leexo aan geela waraabsadee” ayaa uu judhiiba yidhi Warfaa markii uu sidaa ceelka u soo gaadhay. Dheg jalaq uma uu siin Axmed oo hawshiisii ayuu iska watay, sidii oo aan isaga lala hadlayn ayuu is dhagamaray. Hadalkii ayuu sii waday Warfaa isaga oo leh “war sidee Alle kaa dhigay, dhinac nooga baydh” se isla sidii uun dheg looma dhigin oo wadaantii iyo geela ayuu isku jeediyey Axmed. Dhugta iyo qaylada rasaasta ayaa xigtay oo baas ayuu furay Axmed, halkaasna waxa ku dhintay Warfaa iyo walaalkii oo ka yar. Reer Burhaan masiibo wayn baa soo dulfuushay oo colaad cusub bay dhaliyeen, dhanka kalena reer Geeddi ma aha cid nabadeed ee dagaalka iyo colaadaha baro ayey dheer yihiin reerkan waana la hubaa in aysan nasanayn ilaa ay labadaa wiil u soo aargudaan oo dhiig daato.

Xilli ay qorraxdu u sii tukabayso godkeedii oo gabbalku sii dumayo ayey cidla ka heleen isaga oo carraabo ah jeer ay soo hoydeen gawaadhidii magaalada ka timid badankoodu, Maxammed oo ah kuraygii kirishboyga ahaa. Si arxan daran ayey u dileen oo salaanta inta ay ka toogteen bay dhawr toorrayna galiyeen. Mar haddii ugaadhsi iyo aano in la isu dilaa bilowmatay ma aha mid damaysa colaaddani. Sideedaba aafada iyo musiibada qofka Soomaaliyeed waa qabyaaladda, wax walba oo ka dhashaana ma dhammaadaan ee dhibaato riiqmata oo daba dheer ayey noqotaa. Qabyaaladdu waa sun qofka Soomaaliga ah nafsadda kaga milanta, oo ku tolanta dhaqankiisa ilaa xaalad miyirbeelna gaadhsiisa. Colaadda iyo dagaalkuna waaba hoygiisa oo waa halka uu iska dhex helo.

Talo ayaa ku caddaatay wiilkii Barkhad ahaa, wax uu sameeyo iyo xal uu arintan kaga dabbaashaba waa waayey isuguma gali karo reer Geeddi oo waa musiibo xifaalaha, geesinnimada iyo dagaalka baro dheereeyey iyaga, gartana waa laga leeyahay mar haddii ay gacanta ku horreeyeen oo ay laba boqolle hal mar dhulka dhigeen. Odoyaashii reerkooda ayuu Barkhad dhankooda u cararay. Waxa uu bilaabay waanwaan raadin iyo in geedka la isugu yimaaddo. Waa ay suurtogashay oo reer Geeddi way aqbaleen garta iyo waanwaantaba. Wax xaajo la rogrogaba waxa lagu heshiiyey in magta wiilkii labaad iyo gabadh godobreeb ah ay bixiyaan reer Burhaan. “Waad ogtihiin oo wax gabadh ah Sareedo ayaa noo joogta. Kama maaranno oo guriga iyo carruurtaba masuul bay nooga tahay ee arrintaa godobreebta wax kale ku beddesha ama ka tanaasula” ayuu Barkhad ku yidhi odayadii garta ku jiray. Waa la diiday oo waxba lagama soo qaadin cabashadiisaa waayo reer Geeddi ayaa la ogyahay sharkooda oo kuwo si fudud ku hadhaya ma aha. Fiid cilcillowgii ayaa waxa guriga ku soo dhacay Axmed iyo Barkhad oo sidoodii aan u qaylinayn una caytamayn. “Oo caawa maxaa dhacay? Waa maxay aamusnaantani?” ayey Sareedo tidhi. Iyaga oo sidii u aamusan ayey hadhuubkii caanaha iyo bariis cad hordhigtay oo haddana tidhi “arintii maxaad ku xalliseen? Hadal ma jiro miyaa?” Waa war la’, ma oga in oday lagu daray. “Walaal, horta bal soo fadhiiso, arrin yar baanu kuu sheegaynaaye” ayuu Axmed yidhi. Waa ay soo fadhiisatay, iyada oo kala maqan kana fakaraysa arrinka soo galay ee loo sheegi doono. 

“Hadalku isagaa iskii u badane, Sareedooy waan ku soo bixinnay maanta, oo berriba waa lagu aqalgaynayaa. Ninkii Warfaa ee gacanta walaalkaa ku baxay walaalkii ayaannu ku siinnay” Barkhad ayaa intaa ku yidhi isaga oo dhiirranaan iska baadhaya mar kalena aad mooddid in aanu dan ka lahayn waxa uu ku hadlayo. “Walaalkiisee, oo sababma se walaal?” iyada oo hashkadaynaysa oo aad mooddo in wadnihihii afka dhexdiisa ka boodboodayo ayey intani dirqi kaga soo baxday. Waxa maskaxdeeda ku dagaallamaya kun su’aalood oo aanay jawaab u hayn. Waa taa markiiba dhididday, ilmadu indhaha ka soo boodday ee naxdinta eraygu dirqi kaga soo baxayo. Waxa ay xaqiiqsatay in ujeedka nolosheedu laba uun yahay aan mid saddexaad yeelan karin gabadh kastana kala siman tahay: sida caadiga ah ee saxda ahi dumarka Soomaaliyeedi waa agab la adeegsado ama lagu adeegto. Sareedo waxay si dhab ah u ogaatay in lagu adeegtay iyada oo aan jiraalkeeda qofnimo iyo dooniddeeda midna wax la iska waydiin. 

Halkaas ayey ku go’day sheekadii oo ardaagiina lagaga wada kacay Sareedo oo yaabban baqdin darteedna bawdyaha isla dhacaysa. Ninka la siiyey ee godobreebta looga dhigay waa isla ninkii walaalkeedii yaraa ee Maxammed salaanta ka toogtay; ninkaas ayey oori u noqonaysaa. Waa la isugu yimid aqalgalkeedii oo labadii wiil ee magaalada joogay iyo dhawr eeddooyinkeed ah ayaa yimid. Xeedhyo ayaa loo xidhay, dhar magaaladii laga keenay ayaa si qurux badan loogu labbisay, waxaana lagu qalqaaliyey inay farxad muujiso. Wax la alalaaso oo la mushxaradaba shaacii baa dumay sidii ayaana loogu aroosay oo aqal mugdi ah miyiga tuuladeediina ku yaalla loogu galbiyey nin aanay aqoon daaye waligeed indho saarin. Nin lagala soo dardaarmay, oo illa shalay lagu lahaa ninkaaga dhaqo, carruurtiisa jecloow, maqal oo hadal ha ku soo celin, xoolahiisa dhaqaalee oo gurigaagu yuu dumin. Nin weyn oo aan iska daa iyada ee walaalkeed Barkhadna dhali kara. Nin carruurtiisa ay is le’eg yihiin oo gabdhihiisa iyo Sareedo isku gu’ dhasheen.

 

Irridka guri burburay oo albaabku dhinac ka laalaado ayey soo taagan tahay. Waa gabadh qurux badan oo gunta indhaheeda laga dheehan karo nolosha oo dhan. Waxa ugu horreeya ee indhaha qof walbaa ku dhacaya waa nabarka wayn ee u jeexan sidii summad geel kaas oo ku yaalla dhabankeeda laga bilaabo isha hoosteeda ilaa daanka. Waa calaamad ka hadhay dhaawacyadii ka soo gaadhay habeenkii arooskeeda ee odayga weyni xoogayey. Waxa aad mooddaa caleen qallashay se diiddan inay ka soo dhacdo laantii ay ku taallay. Qanaaco ayaa ka muuqata sidii oo ay ku raaxaysanayso daqiiqaddaas si walba oo u fool xun tahayba, qofkuna liibaantiisu waxay kaga eg tahay halka uu ku qanco oo waa halka uu ku joogsado dedaalkiisu, halka uu isaga oo daallan uu ku dhaco ee aanu sii wadi karin, waa barta ay kaga dhan tahay. Maro danbari ah, khafiif ah, oo wada dhalaal ah aadna u qurux badan ayey xidhan tahay, waxa ay ku soo jiidanaysaa indhaha macaamiisheeda. Yaa u sheega in aanay u baahnayn oo ay iskeed u tahay shamac dhalaalkiisa iyo iftiinkusu aanu marna damin. Muddo shan sano ahba baarkan yar ee qadhmuun ayey dhillo ka tahay oo marna ka shaqaysaa marna ragga tunta habeenkii in yar intay ka qaaddo ugu raaxaysaa. Nolosheeda ayeyna intaa ku maaraysaa. Laba sano oo ay reer lahayd silicii ay kala kulantay iyo noloshii miyigaba halkan yar ayaa u dhaanta oo ay kaga dhuumataa isdiiddooyinka nolosha iyo foolxumaanteeda. Guurka iyo kufsigu ma isku mid baa? Ma xidhiidh ayaa ka dhaxeeya? Xaggee ayey isaga eg yihiin horta? Kufsi ayuu ahaa guurkeedu, waxba kama duwanayn aan ka ahayn ogaysiiska. Habeenkii u horreeyay waa la xoogay iyada oo garbaha iyo gacmaha rag hayaan ayaa xoog lagu kala jeexay qodbihii cayngariga ahaa ee shan jirkeedii lagu toltolay. Jidhkeeda oo dhan baa nabar, dakhar iyo xagtin noqday; habeenkaa waxa ay ahayd gabadh yar oo bahal juudaan ahi helay, bahalkaas oo aad u gaajaysan.

Waa Sareedo oo noloshii magaalada ee ay u soo baxsatay dhinac ay ka bilowdo wayday. Halkan, baarkaa yar, ayey waayuhu ku soo tuureen. Walaalladeed way dayriyeen markii ay ninkeeda iyo qoyskeeda dhaqan wayday. Waxay isku filnaanshaha iyo qanaacada nolosha ka heshay raggaas habeenba ay mid waxa uu hayo inta ay ka diirato quruxdeeda ku casuumayso. Xilkasnimadeedii, fahmadeedii, dabcigeedii wacnaa ee xaruurinimada iyo dunta wanaagsan ahaa waxa gubay oo ka fiiqay waayaha adduunka. Fariidnimadii iyo fiiradheeridii waxa ay lumisay markii ay waxba u tari waayeen. Waa kaligeed oo walaal iyo wheel toona ma leh. Waa ay raaxaysataa, cuntaa oo cabtaa. Inta badan waa ay ooyeysaa oo sidan marna ma ay sawiran inay nolosheedu noqonayso. Mana jirin si kale oo u sawirnayd. Si walba oo ay u liidatay marna ma aysan lumin qabkeedii; waa naag si walba isula quman oo og inay ka sidato naagaha faceeda ah. Is ma liiddo oo waxa ay yaqiinsan tahay in xaaladdan ay noloshu badday ay danteeda ka raacato oo ayna isu arag wax hooseeya kana aqbalin bulshada hoosayntaas. Dhammaan aragtiyaha iyo ceebaha bulshada kaga aaddan waxba kama soo qaaddo oo dheg uma laha, waayo iyaduba halkan isma dhigin ee nolosha ayaa u garatay. Qanaacadii baa sidaa ula ekaatay oo waa ay ka dhan tahay uguna dhan tahay.                                                                                     

Qoraallada kale ee qoraaga

Sheeko

Ruux Magooshay