Skip to main content

Friday 22 November 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Buug

Muxuu ina barayaa buugga Cabdiweli C Gaas?

4 June, 2024
Image
Kala Guurkii Kakanaa ee Soomaaliya
Share

Buuggan "Kalaguurkii Kakanaa ee Soomaaliya", waxa qoray Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ah akaademig, siyaasi, raysalwasaarihii hore ee dawladdii kumeelgaadhka ahayd ee Soomaaliya iyo madaxweynihii hore ee maamulgoboleedka Puntland. Buuggani waa xusuusqor uu qoraagu kaga warramayo waayihiisii nololeed ee isugu jiray korniin, waxbarasho, siyaasad iyo qurbajoognimo. Inta ugu ballaadhan ee ugu xiisaha badan qoraagu waxa uu ku fallanqeeyey muddadii uu ahaa raysalwasaaraha Soomaaliya.       

Cabdiweli M. Cali Gaas waxa uu sannaddii 1960/1961 ku dhashay miyiga magaalada Gaalkacyo. Asal ahaan waxa uu ka soo jeedaa qoys ballaadhan oo reerguuraa ah. Gu'gii 1965 ayaa la keenay magaalada Muqdisho isaga iyo inan walaalkii ah, ujeedkuna waxa uu ahaa in la la raadiyo fursadaha nolosha magaaladu leedahay. Cabdiweli Xamar waxa loogu geeyey adeerkii Cabdiqaadir Cali Gaas oo ahaa makaanig u shaqeeya shirkad Maraykanku leeyahay. Adeerkii waxa uu qaadan jiray mushahar fiican, qoyskuna wuu yaraa. Cabdiweli muddo afar bilood ah markii uu Muqdisho joogay adeerkii waxa uu go'aan ku gaadhay in lagu celiyo miyiga, si uu aabbihii geela u la raaco. Sababtu waxa ay la xidhiidhay in aanu kafaalaqaadi karin noloshiisa. Wax yar kaddib, Cabdiweli waxa lagu daray islaan eeddo ugu beegnayd oo la sheegay in iyada iyo qoyskeedu aadayaan miyiga. Halkaas ayuu Cabdiweli ka fuulay gaari xammuul ah oo u socda Gaalkacyo. Markii Dhuusamareeb la marayey ayuu gaarigii kaalin shidaal istaagay. Islaantii Cabdiweli wadday ayaa tidhi ka warran haddii inta gaariga shidaalka lagu shubayo aynu soo salaanno adeerkaa Cabdillaahi Cali Gaas gurigiisa. Lugta ayaa la isku daray oo waxa afka la saaray gurigii. Cabdiweli markii uu gurigii soo galay waxa uu kula kulmay eeddadii rumaad Caasho Cali Gaas. Intii uu eeddadii la joogay waxa guriga soo galay adeerkii Cabdillaahi oo markaas dukaan uu lahaa ka soo laabtay. Waa la is warsaday Cabdillaahina waxa loo sheegay in uu wiilkan adeer u yahay oo uu dhalay walaalkiis Xuudi (Cabdiweli aabbihii naanays uu lahaa). Cabdillaahi waxa loo sheegay in Cabdiweli miyiga loo wado, waxana looga warramay sheekadii oo dhan. Cabdillaahi inta uu islaantii eegay ayuu ku yidhi; "iska tag. Halkan uga tag wiilka." Cabdiweli erayadaas ayaa nolol miyi ka badbaadiyey. Waxa uuna qoray; "Waxaan marar badan la yaabaa waxa dhici lahaa haddii aannaan kaalinta shidaal istaagi lahayn, maxaa dhici lahaa haddii aanan heleen fursaddii aan guriga adeerkay ku imid? Waxa dhici kartay in aan miyigii ku laabto oo sidaa nolol reerguuraannimo ugu abaado." 

Cabdiweli Dhuusamareeb ayuu ku haray waxa uuna halkaas ka bilaabay barashada Qur'aanka iyo tacliinta dugsiga. Waxa uuna la noolaa adeerkii Cabdillaahi C. Gaas ilaa uu iskuulka sare ka baxay sannaddii 1979. Wixii intaa ka danbeeyey waxa uu u wareegay Muqdisho, waxa uuna galay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Dabshidkii 1984 ayuu ka qalinjebiyey jaamacadda isaga oo diyaariyey kulliyadda Dhaqaalaha. Wax yar kaddib waxa uu shaqo ka helay Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya, waxana loo magacaabay in uu noqdo agaasimaha waaxda canshuurta waxsoosaarka (Director of Excise Tax Department). Halkaas ayuu muddo ka shaqaynayey ilaa uu deeq waxbarasho ka helay dawladda Maraykanka. Sannaddii 1986 ayuu ku biiray jaamacadda Vanderbilt waaxdeeda horumarinta dhaqaalaha. Labo sanno kaddibna wuu dhammeeyey. Muddo yar kaddib waxa uu codsaday magangalyo siyaasadeed, waana laga aqbalay, maaddaama uu dhacay qaranjabkii Soomaaliya. Sannadkii 1997 Cabdiweli waxa uu dhammeeyey shahaadada sare ee PhD. Intaa kaddib waxa uu Maraykanka ka qabtay shaqooyin kala duwan. Waxa jira qodob xiisa leh oo ah intii uu diyaarinayey PhD in uu qabtay shaqooyin isugu jira waardiye iyo tagsiile.     

Dr. Cabdiweli marka laga soo tago waayihiisii korniin iyo waxbarasho, waxa uu inta ugu badan buuggiisa ku faaqiday waayihiisii siyaasadeed iyo xilligii dawladnimada Soomaalida. Waxa uu ka warramay maamulladii rayidka iyo hannaankii dumuqraaddiyadda Soomaaliyadii lixdankii. Geesta kale waxa uu ka faallooday dawladdii hantiwadaagga kacaanka Soomaaliyeed. Mudane Gaas waxa uu ku dooday in hantiwadaaggu uu yahay halka seeska u ah qaranjabka Soomaaliya. Waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay dhaqaale ahaan duntay ka hor inta aysan dumin siyaasad ahaan, tan waxa uu u cuskaday dhaqangelintii siyaasadihii hantiwadaagga iyo qarammayntii (nationalisation) ay dawladdu samaysay. Intaa waxa uu ku daray in hantiwadaaggu ka horyimi dhaqankii Soomaalida ee hantigoosadka ahaa. Waxa uu qoray; "waxa ii muuqatay in hantiwadaaggu Soomaaliya ku qummanayn iyo in dhaqanka Soomaalidu lid ku yahay mabda'yada siyaasadeed ee hantiwadaagga cilmiga ku dhisan. Soomaalidu waa dad ganacsiga aad ugu wanaagsan, hidde ahaan hantigoostayaal ah, aadna u shaqo badan." (Bogga 52). Tacaddiyadii uu kacaanku u geystay qabaa'ilka ayuu xusay isaga oo tibaaxay in ay ugu danbayntii keentay in jabhado hubaysani ay Siyaad Barre ku kacaan. Gaas waxa uu tilmaamay in Maxamed Siyaad Barre uu si gaar ah u collaystay beesha Majeerteen, beegsi aan loo meel dayinna uu kula kacay. Waxa uu sheegay in barkado Gaalkacyo agagaarkeeda ku yiil la burburiyey oo bil gudaheed ay harraad ugu dhinteed dad gaadhaya 2000 oo qof (Bogga 83). Cabdiweli waxa uu tibaaxay in ereyga "Majeerteen", uu la mid noqday "khaa'inu waddan", heer collayntu gaadhay (Bogga 47).  

Cabdiweli waxa uu u jilibdhigay in uu ka faalloodo dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya ka qarxay iyo musiibadii Muqdisho ka dhacday. Waxa uu xusay arxandarradii ay gashay jabhaddii USC iyo falalkii insaaniyadda ka baxsanaa ee ay ku kacday. Waxa uu tilmaamay in aanay USC u dan lahayn rididda Maxamed Siyaad Barre, se ay u wehelisay cidhibtirka beesha Daarood. Waxa uu xusay in USC bilowday wax uu u bixiyey "sifaynta" Daaroodka. "Boqollaal, haddii aanay kumannaan gaadhin Daaroodka la yaqaan ah ayaa gawrac aan geedna loogu gabban la beegsadeen qawlaysato ka tirsan mallayshiyada USC ee Muqdisho ku sugnayd" ayuu qorayaa (bogga 98). Qodobkan waxa hore u xustay Professor Lidwien Kapteijns, waxa ayna si weyn ugu gaalaabixisay buuggeeda "Clan Cleansing in Somalia: The Ruinous Legacy of 1991."

 Mas'alada "sifaynta" waa dood ay ku kala aragti duwan yihiin aqoonyahannada cilmibaadhista Somaalidu. Dagaalka sokeeye waxa ka dhashay abaaro ba'an oo ay dad badan ku le'deen. Gaas tirada dhimashada ma qorin. Se Maxamuud Cabdi Cilmi buuggiisa "Dagaalkii Ranjariska", waxa uu ku qoray in abaartii Soomaaliya ee 1992 - 1993 ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 300,000 oo qof. Warbixinada qaar waxa ay tibaaxayaan in ay abaartaas ku le'deen qiyaastii 500,000 oo qof. Faarax (2022) sida uu xusay, dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya waxa uu sababay hal milyan oo qof geeridood. Tiro intaas ka badan waxa ay dhaawac ka qabaan jidhka ama maskaxda. Musiibadii dagaalka sokeeye waxba lagama baran, sidaa awgeed weli dhulka Soomaalida waxa ka holcaya colaad sokeeye. Qaranjabkii Soomaaliya ku dhacay waxa uu keenay in Soomaaliya lagu tilmaamo; “dawladda ugu burburka dheer taariikhda casriga ah.”   

Cabdiweli waxa uu ka warramay waayihiisii siyaasadeed iyo ku biiritaankii dawladdii kumeelgaadhka ahayd ee Soomaaliya ee ay hoggaaminayeen Sheekh Shariif iyo Farmaajo. Markii hore waxa uu ka mid noqday golaha wasiirradda isaga oo noqday wasiirka qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya. Xilkaas waxa uu hayey ilaa markii loo magcaabay raysalwasaaraha Soomaaliya Juun 23, 2011. Cabdiweli waxa uu buugga kaga faallooday caqabadihii uu la kumay muddadii uu ku jiray dawladdii kulmeelgaadhka ahayd ee Soomaaliya. Waxa uu tilmaamay in ay soo foodsaareen dhibaatooyin culus oo ay ugu weyn tahay in aanay jirin hay'ado dawladeed oo dhisan iyo dal si walba u burbursan oo inta ugu badan ay ka taliyaan kooxo argagixiso. Intaa waxa dheeraa khilaaf xooggan oo ka dhex aloosnaa saamillayda siyaasadda Soomaaliya. Khilaafkaas waxa ugu cuslaa kii u dhexeeyey Faroole iyo Sheekh Shariif. Isaga oo khilaafkooda ka warramaya waxa uu yidhi, "Faroole waxa uu qabay in uu u taliyo gobol nabdoon oo dalka saddex meelood oo meel u dhigma. Sheekh Shariifna uu yahay 'madaxweynaha Muqdisho'—xataa Muqdisho oo dhan in aanu u talin ayuu ku fekarayey. Wuxuu qabay in Sheekh Shariif aanu dal iyo dad toona u talin. War iyo dhammaantii wuxuu rumaysnaa in uu isagu ka mudan yahay oo uu ka muhiimsan yahay Sheekh Shariif. Dhanka kale, Sheekh Shariif isaguna wuxuu rumaysnaa in isagu yahay madaxweynihii dawlad caalamku aqoonsan yahay oo Soomaaliya oo dhan oo ay Puntland ku jirto uu madaxweyne u yahay. Wuxuu ku fekeray in Faroole uu yahay uun guddoomiye gobol oo u taliya qayb yar oo Soomaaliya ka mid ah." (Bogga 160).

Khilaafka Shariif iyo Faroole u dhexeeyey waxa uu noqday caqabad hortaagan geeddisocodka dawlad-dhiska Soomaaliya. Cabdiweli xukuumaddii uu hoggaaminayey waxa ay ahayd tii Soomaaliya ka saartay kumeelgaadhka. Waxa uu dejiyey kharriirad-siyaasadeed kumeelgaadhka lagaga baxayo. Kharriiraddaasi waxa ay ka koobnayd afar waaxood oo taabanaya: nabadgelyada, dastuurka, isu soo dhawaanshaha siyaasadeed, dibuheshiisiinta, dawlad wanaagga iyo dhisidda hay'ado dawladeed. Kharriiraddaasi waxa ay dalka ka saartay kumeelgaadhnimadii.

Cabdiweli Gaas waxa uu sheegay in qarandhiska dawladeed ee Soomaaliya waxa hortaagan ay tahay koox uu u bixiyey "Maafiyada Nayroobi." Kooxdani waa dadka ay Soomaalidu u taqaanno beesha caalamka, kuwaas oo ah deeqbixiyayaasha ugu weyn ee Soomaaliya. Gaas waxa uu xusay in bilyan doollar sannad walba lagu bixiyo magaca Soomaaliya haddana iskuul lama dhiso, isbitaal lama dhiso, hal kiiloomitir oo waddo ahna xataa lama dhiso. Inta ugu badan lacagtaas waxay ku luntaa jid iyo gacan dhexe. Cadquudheedka ay reer Galbeedku bixiyaan in ay gumeysi casri ah tahay ayuu xusay. Geesta kale waxa uu tilmaamay in Maafiyada Nayroobi joogtaa aanay oggolayn in ay Soomaalida faraha kala baxaan oo ay dalkooda dhistaan. Cabdiweli muddadii uu raysalwasaaraha ahaa waxa uu la kulmay dhibaatooyin amni oo halis geshay naftiisa. Abriil 4, 2012 waxa isaga iyo koox xukuumaddiisa ka tirsan la la beegsaday qarax abaabulan xilli uu ka qaybgelayey xuska sannadguurradii koowaad ee dibuhawlgelinta Talefeeshanka Qaranka Soomaaliya. Qaraxahaas waxa uu abuuray tuhun badan. Waxa uu tilmaamay in arrinka niyadjabka lihi uu ahaa habacsanaantii ka muuqatay hannaankii baadhitaanka qaraxa. Tan oo ugu danbayntii keentay kala'aaminbax. "Khibrad la'aantii iyo shaqayaqaannimo la'aantii lagu fuliyey baadhitaanka waxay saamayn taban ku yeelatay natiijadii ka soo baxday. Waxaan gaadhay heer aan ka aaminbaxo habka garsoorka isla dawladda aan hoggaaminayo", ayuu yidhi (bogga 225). Meel raysalwasaarihii dalku uu laamihii garsoorka iyo caddaaladda ka aaminbaxay maxaad u malaynaysaa bulshadii kale! Cabdiweli waxa uu ku nuuxnuuxsaday in waddanka aanay ka jirin amni oo ay Al-Shabaab joogtay meel hal kiiloomitir u jirta xarunta madaxtooyada ee Filla Soomaaliya. Intaa waxa raacay is aaminaad la'aan iyo shaki Soomaalida dhexdeeda yiil; iyo xidhiidhka TFG iyo dawladgoboleedyada oo meel xun marayey. Geesta kale waxa jirtay abaartii ugu xumayd ee muddo lixdan sannadood ah dalka ka dhacda.

Gaas waxa uu buugga ku faaqiday qodob xidhiidh dhow la leh waayaha bulsheed, siyaasadeed, diineed iyo dhaqaale ee Soomaalida. Waxa uu ku gaalaabixiyey caqabadaha hortaagan dadaallada qarandhiska dawladeed ee Soomaalida. Waxa uu xusay in dawladnimada Soomaalidu ay weli ka kaci la'dahay arrimo ay ka mid yihiin: eex, nintoocsi, qabyaalad, nin jeclaysi, musuqmaasuq, kooxo argagixiso iyo faragelinta ba'an ee Maafiyada Nayroobi. Mashruuca dawlad-dhiska Soomaaliya waa hal bacaad lagu lisay. Tusaale, waxa jiray dastuur qabyo-qoraal ah oo lix sannadood qaatay, ayna ku baxday 50 milyan oo doollar. Xilligan aynu joogno weli dastuurka Soomaaliya waa “Faanoole fari kama qodna.” Haatan waxa ay dood culusi ka oogan tahay masalada dastuurka, oo si weyn loogu kala qaybsamay. 

Buuggani waa mid muhim u ah xaaladda fajacisada ah ee aynu ku jirno. Waxa aynu ka baran karnaa khilaafaadka u dhexeeya saamilayda siyaasadda Soomaalida, taas oo salkeedu ku aroorayo qab qab dhaafay. Qoraagu isaga oo qabka saamilayda siyaasadda tilmaamaya waxa uu tusaale u soo qaatay Faroole, Shariif iyo Caalin. "Faroole cilladdiisu waxay ahayd qabweyni xargo-goosatay, Sheekh Shariif cilladdiisu waxay ahayd yasid ka-carar. Maxamed Axmed Caalin madaxweynihii Galmudug isagana cilladda Faroole oo kale ayaa haysatay" (bogga 290). Qabku waa cudur xididdada u siiba dawladnimada, loxodkana ku hubsada. Meeriskii Raage Ugaas wuxuu ahaa; "qab qab dhaafay waa waxay labo qabiil qaran ku weydaaye."             

Kalaguurkii Kakanaa ee Soomaaliya waa buug qiime leh oo aynu ka korodhsan karno casharro ku saabsan xaaladdeenna siyaasadeed. Madaxda Soomaalidu ma aha dad tejribada siyaasadeed ee ay la kulmaan qora, si lodka danbe wax uga ogaadaan wixii la soo maray. Gaas in uu ku dhiirrado wax ka qorista waayihiisii siyaasadeed waa qodob kale oo buuggan macne weyn u yeelaya. Turjumaadda xalladda sarraysa iyaduna waa mid kale oo sahlaysa in qofku aanu ka go’in akhrinta buugga. Waa buug ay tahay in ay akhrido cid walba oo danaysa siyaasadda iyo dawladnimada Soomaalida. Waa dhigane xanbaarsan waayo'aragnimadii dawladeed ee Soomaaliyadii burburtay. Qoraagu waxa uu si gudo ballaadhan inoogu soo bandhigayaa cilladaha Soomaaliya aynigeed ka reebtay, ee ku xukumay dawlad anbatay.    

Qoraallada kale ee qoraaga