Skip to main content

Thursday 19 September 2024

Siyaasad

Soomaaliya: Yaa Dastuurka wax ka beddeli kara?

27 February, 2024
Image
Dastuurka
Dastuurka kumeelgaadhka ah ee Soomaaliya wax-ka-beddelkiisa ayaa miiska barlamaanka yaalla. Sawirka waxa laga soo ergistay: qaranimo.com
Share

Dastuurka Soomaaliya waxa lagu wadaa wax-ka-beddel hor leh oo ay dadka qaar ku sheegeen "dibuqorid." Bahda Tifaftirka ee Geeska ayaa eegaysa qodobbada ugu xasaasisan ee wax laga beddelayo, dooddu halka ay taallo, iyo meelaha muranka dhalinaya.

 

Tan iyo calansaarkii 1960, Soomaaliya waxay yeelatay saddex dastuur. Maalmihii ku xigay midawgii lixdanka, waxa afti muran ka dhashay laakiin meelmartay lagu ansixiyay Dastuurkii kowaad ee Jamhuuriyadda Israaca, wuxuuna dhaqangal noqday sannaddii 1961. Siddeed sannadood ka dib, 1969, waxa waddanka afgenbi ku qabsaday ciidammada oo uu horkacayo Maxamed Siyaad Barre, dabadeed tobanguuradii inqilaabka ayaa la diyaariyay isla markaana si sidii hore ka madmadow badan loo meelmariyay dastuurkii labaad ee dalku yeesho. Burburkii iyo dagaalladii sokeeye ee qalalaasaha abuuray ka dib, markii dhinacyada dagaalsan ee Soomaaliya, oo dabcan ay Somaliland ka maqan tahay, la isugu geeyay magaala-xeebeedda Carta ee Jabbuuti, waxa ka dhashay axdi-qarameed dhawr sannadood dabadood dhukumenti qaanuuni ah oo kumeelgaadh ah oo dalka federaal ka dhigaya loogu beddelay gudaha Kiiniya. Ugu danbayn, kowdii siddeedaad ee 2012 ayaa si kamaddanbays ah loo shaaciyay in Soomaaliya ay yeelatay dastuur weli qabyo ah oo ka dhashay dedaalladii soo taxnaa ilaa 2000-kii.

Saddexdan marxaladood ee waaweyn ee dastuurka Soomaaliya soo maray, mid kastaa waxay lahayd sifo ka soocaysa tii hore. Dastuurkii kowaad ee 1961 wuxuu Soomaaliya ku qeexayay dal barlamaani ah oo leh Madaxweyne lagu soo dooranayo aqalka barlamaanka oo xubnihiisu ay ku imanayaan cod dadweyne, iyo ra’iisalwasaare uu madaxweynahaasi soo xusho. Waddanku wuxuu ahaa dimuqraaddi furfuran. Laakiin dastuurkii 1979 ee askartu iclaamisay wuxuu dalka u raray nidaam madaxweynannimo oo isagu awoodda ugu badan—ama dhammaanteed—leh. Waddanku markanna wuxuu ahaa mid hantiwadaag lagu dhaqayo, oo sida xaashida ugu taalla, lagu hagayo dimuqraadiyadda guddoonka dhexe. Dabadeed dastuurkii 2012 la meelmariyay wuxuu dalka ku soo celiyay nidaamkii barlamaaniga ahaa, balse wuxuu markan ku soo daray qodobka federaalnimada, iyo tirada aqallada barlamaanka oo labo noqday (Golaha Shacabka oo aqalka hoose ah iyo Aqalka Sare oo golaha senatarrada ah). 

Haddaba, waxa dhawaan soo noqotay doodda ku saabsan in dib loogu laabto Dastuurka Kumeelgaarka ee Soomaaliya, oo ujeeddo laga leeyahayba uu barlamaanku ansixiyay mooshinkii ahaa in wax laga beddelo. Guddi madax bannaan oo dib-u-eegista iyo dhaqangelinta dastuurka qaabbilsan ayaa hawshan ku fooggan.

Maxaa wax laga beddelayaa ilaa hadda?

Afarta cutub ee ugu horreeya ayaa iminka lagu bilaabayaa, sida la soo bandhigay. Haddaba, dad badan ayaa dood ka keenay sida taasi u shaqayn karto. Maxaa yeelay cutubyadan waxa ku sugan waxyaabaha asaasiga ah ee qeexa dawladda Soomaaliya: magaca jamhuuriyadda, caasimadda, afka, nidaamka siyaasadeed, xuquuqda asaasiga ah iyo xorriyadaha dadka, doorashooyinka, dhalashada… Wax-ka-beddelkuna aagaggaas oo dhan, marka in yar laga reebo, wuu taabanayaa.

Burhaan Aadan Cumar oo guddigaa madaxa bannaan u guddoomiye ahi wuxuu waraysi ku faahfaahiyay qodobbada ay abbaareen iyo sababaynta ka danbaysa. Wuxuu sheegay in ay xigteen heshiisyo hore oo madaxda maamullada Soomaaliya ka jiraa isla qaateen, ama qaarkood isla oggolaadeen, sida heshiiskii saamiqaybsiga shidaalka, iyo heshiis uu Golaha Wadatashiga Qaranku gaadhay bishii Meey 2023 oo buuq badan dhaliyay. Heshiiskan danbe, oo maamulka Puntland uu ka maqnaa, wuxuu tilmaamayay 1) in xisbiyo siyaasadeed oo labo ah dalka loo sameeyo; 2) in nidaamka barlamaaniga ah laga guuro oo madaxweyne iyo kuxigeen loo yeelo waddanka; iyo 3) in doorashooyinka dalku noqdaan qof iyo cod. 

Dad ay ka mid yihiin mudane Afyare Cilmi ayaa ku dacwiyay in wax-ka-beddelka dastuurka lagu samaynayaa uu u dhow yahay dib-u-qoris dhammaystiran. Wuxuu tusaale u soo qaatay nidaamka barlamaaniga ah ee la soo jeediyay iyada oo aan loo dhammayn, iyo haybta dawladda Soomaaliya oo, sida uu u dhigay, dib loo qeexay—markii hore waxa dastuurrada Soomaaliya ku oolli jiray in qof kasta oo Soomaali ahi uu muwaaddin ka noqon karo Soomaaliya, fekraddaas oo ku xidhiidhsan himiladii midnimada Soomaalida Geeska Afrika. Nuqulkan cusubi se wuxuu soo bandhigayaa dawlad la dhaho Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo cidda xuduuddeeda joogta oo keli ahi ay muwaaddin ka noqon karto.

Intaa kolka laga yimaaddo, waxa jira qodob mudane Burhaan Aadan uu waraysigiisaa ku soo qaaday oo daarranaa sida loo fasirayo dabarrada dastuurkan wax laga beddelay ku xaddidayo xuquuqda iyo xorriyadaha hadalka iyo cabbiraadda ee qofka. Sida caadada u noqotay dastuurrada iyo xeerarka ay Soomaalidu beryahan danbe dejisato, seetada ugu caansan ee lagu dabro xorriyaduhu waa “shareecada Islaamka” oo sidaas u mutuxan balse aan fasir dheeraad ahi la soconin. Waxa se doorkan soo raaca in wax-ka-beddelkan cusubi uu diinta ku darayo ‘iyo haddii aanay ka hor imanayn xeerarka dalka.’  Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eegista dastuurku, kolkii la wayddiiyay waxa laga wado ‘xeerarka dalka’ iyo cidda jaangoynaysa, wuxuu isku deyay in uu u qiil banneeyo siyaabaha ay taasi ku suuroobayso. Wuxuu horta sheegay in qayb kooban oo bulshada ballaadhan ka mid ah, culimada, ay la tashadeen dabadeed ay halkaas ka dhalatay xaddidaadda ah ‘shareecada islaamka’; iyada oo aan marna la garan karin cidda iyo tafsiirka diineed ee la adeegsan doono si loo go’aamiyo waxa diinta ka hor imanaya, iyo sida ciddaas ama tafsiirkaasi ku helayaan xaqaas culus. Ka dib wuxuu sheegay in qodobka labaad ee ‘xeerarka dalka’ ku saabsani uu sahlan yahay: waxa la eegayaa in xorriyaddaadu cid kale ku xadgudbayso. Wuxuu ku daray, waana halka sartu ka qudhmayso e, iyo “faafreeb” la samayn karo!

Erayga faafreeb ku ma qorna dastuurka, laakiin wuxuu guddoomiyuhu isku deyay in uu soo dhaweeyo fahanka qarriban ee ku jira maskaxaha u taliya Soomaalida. Micnihiisa ugu kooban, erayga faafreeb waa in waxqabad ama hawl maskaxeed (sida maqaal, buug, filin, riwaayad, masrixiyad, fekrad) laga reebo in ay faafto sababtoo ah cid baa diiddan. Markii ugu horreeyay ee Soomaaliya ay yeelato xeer toos u jidaynaya faafreebku wuxuu ahaa bilawgii taliskii askarta ee dalka inqilaabay 1969. Sida dhabta ah, Xeerka Faafreebku (Censorship Law) wuxuu ka mid ahaa sharciyadii ugu horreeyay ee Xukuumaddii Kacaanku ay hirgeliso, wuxuuna soo baxay  bishii Jannaayo 1971, iyada oo sannad iyo saddex bilood uun jirta. Waana markii ugu danbeeyay ee dalku yeesho xeer faafreeb bannaynaya. Sida oo kale, dastuurkii Astarku dejisay 1979 wuxuu ahaa kan keliya ee dhigayay qodobkan uu Burhaan Aadan u dawdeyayo. Qodobka 24aad ee dastuurkaasi wuxuu xalaalaynayay xorriyadda ra’yi-dhiibashada iyo hadalka/qoraalka, laakiin faqraddiisa saddexaad ayaa si cad u qaydaysay: “Ku isticmaalka xorriyadaha ku qoran lambarka 1aad iyo 2aad ee Qodobkan waa ineysan ka hor imaan Dastuurka iyo Shuruucda Dalka, anshaxa guud iyo xasilloonida Dalka, waxna u dhimin xorriyadaha muwaadiniinta kale.” Dabcan, “shuruucda dalka” (ama sida wax-ka-beddelka cusubi dhigayo, “xeerarka dalka”), “anshaxa guud,” (ama sida wax-ka-beddelka cusub ugu jirta, ‘shareecada islaamka’), “xasilloonida Dalka,” iyo hadallada la halmaalaa inta badan waa gabbaad la isugu soo toosiyo carqaladaynta iyo cabbudhinta xorriyadaha.

Mushkiladdu halka ay taallaana waa in Dastuur iclaaminaya in uu dammaanadqaadayo xorriyadaha asaasiga ah ee aan dhibta lahayn, qof kastaana si run ah xaqa ugu leeyahay, uu isla markaa xaddido. Wax, sida xorriyadda aan la dabri karin haddii la isku dayo in la qoorqabto, waxa ka dhalata in ballanqaadkaa ahaa dammaanadqaadku uu buro.

Sidoo kale, waxa su’aal laga keenay sida uu wax-ka-beddelkan cusubi u eegayo qodobka khuseeya dhalashada muwaaddiniinta. Xeerka muwaaddinnimada (Xeer Lr. 28/1962) waxa ku caddayd, qodobka 2aad faqraddiisa kowaad, in qofka aabbihiis uu Soomaali yahay uu isaguna toos xaq ugu yeelanayo dhalashada Soomaaliya. Taas oo ka dhignayd in qofka hooyadiis ay Soomaaliyad tahay, laakiin aabbihiis uu ajnabi yahay, aanu xaq u yeelanayn muwaaddinnimada. Wax-ka-beddelka cusubi taas waxba ka ma qabanayo, sida ay waraysi ku sheegtay marwo Sareedo Maxamed Xasan Jeyte oo ka tirsan aqalka sare ee Soomaaliya. Waxaannu soo jeedinaynaa, ayay tidhi, in dastuurka cutubka 1aad, qodobkiisa 8aad ee shacabka iyo jinsiyadda ku saabsan, lagu daro mabda’ dhigaya in qof kasta oo Soomaali ahi—iyadoon loo eegayn jinsigiisa—ilmaha uu dhalaa uu xaq u yeelanayo muwaaddinimada Soomaaliya. Sida oo kale, sida ay nala tahay, waxa Barlamaanka Soomaaliya uu curin karaa wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyo xeerka muwaaddinimada ee tan iyo 1962 aan la taaban ee abaaday, si looga saaro takoorkaa muwaaddiniinta kala reebaya.

Waxa kale oo intaa raaca, qodobka ku saabsan in Soomaaliya loo raro nidaamka madaxweynaha iyo kuxigeenka, xisbiyada siyaasaddana labo keli ah lagu xaddido. Xasuusnow, isla dastuurkii 1979 ayaa ahaa kan keli ah ee Soomaaliya soo maray ee af cad ku sheegay in xisbiyada siyaasadeed ay xaddidan yihiin: Qodobka 7aad, faqraddiisa 1aad, ayaa dhigaysay in Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed uu yahay “midka qur ah ee ka jira Dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya, lamana abuuri karo xisbi kale ama urur siyaasi ah.” Haddii maanta Soomaaliya loo dejiyo dastuur kale oo halkii “hal xisbi” ku beddelaya “labo xisbi,” waxay u ekaanaysaa in la afduubayo xaq kale oo asaasi ah oo qofku leeyahay oo ah in uu ururka/kooxda/xisbiga uu doono ku biiri karo, dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeedna aan la hagardaamayn karin.

Dabcan, dad baa laga yaabaa in ay soo dhaweeyaan nidaamka madaxweynaha/kuxigeenka, su’aashu se, sida ay nala tahay, ma aha miyuu wacan yahay ee waa: xilligiisii ma la joogaa? Soomaaliya waxa ku furan qulqulatooyin diineed, qabiileed, iskooxaysi, iyo xasilloonidarro siyaasadeed oo daran. Iyada oo aan argagaxisada meesha laga saarin, ama aan aad loo wiiqin, si dadka degaannadaas ay dullaystaan ku nooli ay xaq ugu helaan in ay ka qaybqaataan geeddisocodka siyaasadeed ee dalka, haddii tallaabooyin noocan ah la qaadana waxay ka dhigan tahay in laga kala tegay umadda dalka ku wada nool. Taas baanay mashaqadu ku jirtaa. Sida uu Afyare Cilmi u dhigay, isaga oo ka hadlaya qodobka haybta Jamhuuriyadda, ‘In [mabda’ dastuurka ku jiray] laga guuro waa la qaadan karaa oo dan baa loo arki karaa, laakiin waa in laga doodo oo la iska waraysto.’ Maxaa yeelay, nuxurka dastuurnimaduba waa in dadku aqbalaan, haddii wax laga beddelayana ay iyagu kolka hore ka wada doodaan iskana arkaan. Xaaladda ay iminka Soomaaliya ku jirto kolka la qiimeeyana, taasi suuragal ma aha. Sidaa awgeed, xildhibaannada ay kubaddu garoonkooda taallo hawl baa u taalla.

Qoraallada kale ee qoraaga