Skip to main content

Thursday 19 September 2024

Siyaasad

Tartanka Doorashooyinka Maraykanka

27 August, 2024
Image
di
Share

Muddooyinkii u danbeeyey, saaxadda siyaasadda ee Maraykanka waxa ku soo kordhay is beddelo  dib u qaabeeyey loollanka doorashooyinka madaxtinimo ee qabsoomi doona bisha Nofembar 2024, tusaale ahaan, 13 Julaay 2024-kii, Murashaxa xisbiga Jamhuurka Trump, isaga oo ku sugan  gobolka Bansalfeeniya, waxa uu ka bedbaaday isku day dil. Todobaad ka dib na, murashaxa xisbiga Dimuqraadigu Joon Beydhan waxa uu ku dhawaaqay in uu ka baxay tartarkan doorashooyinka, booskaas na uu ku wareejiyey ku xigeenkiisa Kamaala Haaris oo noqon doonta Murashaxa xisbiga Dimuqraadiga uga qayb geli doonta doorashooyinka. 

Soo labo kaclaynta Trump

Gobolka Joorjiya, gaar ahaan magaalada Atlaanta 27 Julaay 2024-kii waxa ka qaabsoontay dooddii koobaad ee u dhaxaysay Joon Beydhan iyo Doland Trump taas oo salka ku haysay doorashada madaxtinimo ee soo socota Dooddan waxa si weyn looga dhex arkay isla markaas na dhul gariir kicisay, awood darrada Murashaxa Dimuqraadiga Joon Beydhan, taas oo ay sabab u tahay, da’da ku yuurursatay oo shaki gelisay awooddiisa xil gudasho. Tan iyo wixii ka danbeeyey dooddaas xisbiga Dimoqraadiga waxa ka dhex curatay kala qaybsanaan baahsan, waxaanu mad madaw ka galay ku guulaysashada doorashooyinka, taasina waxa ay keentay in ay labo garab u kala jabaan: garab dooddiisu tahay in uu Beydhan xilka murashaxnimo banneeyo iyo garab kale oo qabay in uu sii wado. 

Dooddaas ka dhacday Atlanta, ka dib garabka dimuqraadiyiintu waxa ay bilaabeen ololle ka dhan ah murashaxnimada Beydhan, waxayna culays ku saareen in uu ka hadho tartanka doorashooyinka, dedaalladaas waxa hor kacayey siyaasiyiinta Dimuqraadiga ee ugu cadcad golaha Kongareeska, iyo sidoo kale, qoorweyntii qaadhaan bixiyayaasha xisbiga. Dhanka kale, isku daygii dilka Trump waxa uu sii labanlaabay mushkiladaha Beydhan, dhanka Jamhuurkuna isku daygaas waxa ay uga faaiidaysteen, olollaha doorashada, iyo in ay Trump u sawiraan “Halyey qaran.” Tusaale ahaan shirkii xisbiga Jamhuurka ee qabsoomay intii u dhaxaysay 15-18 Julaay, xubnaha shirku waxa ay dhegta midig soo wada gashadeen baandhays la mid ah kii Trump gashaday, waxa iyana shirka joogay oo Trump garab istaag u muujiyey, dhinacyadii ay hore ugu tartameen xisbiga dhexdiisa, waxaana ka mid ahaa; safiirkii hore ee Qaramada Midoobay Nikki Hayli, Badhsaabka gobolka Foloorida Ron Desantis. Sidoo kale, Jamhuuriyiintu waxa ay isku dayeen beegsigaas fashilmay in ay uga faa’iidaystaan dhanka dacwadihii ku ooganaa Trump sida 34 tuhun, oo ka yaalla maxkamadda Niyuu Yook in ay u wareejiyaan maxkamadaha gobollada. Sidoo kale, Trump waxa uu wajahayaa saddex dacwadood oo heer Federaal ah iyo hal dacwad oo heer Gobol ah isaga oo ku eedaysan halis gellinta Dimuqraadiyadda Maraykanka. Halka Dimuqraadiyiintuna ay ku dooddeen in ay tahay in lagu oogo dacwad khiyaanno qaran ah. Waxa kale oo uu Trump ku danaystay afar garsoore oo uu magacaabay waagii uu talada hayey. Saddex garsoore oo Maxkamadda sare ah iyo hal garsoore oo ah heer federaal sidaas awgeed dacwadda koobaad, maxkamadda sare waxa ay xukuntay in Madaxwaynayaashu leeyihiin “Xasanaad dhawrsan” xilliga ay ku guda jiraan waajiboodkooda xil gudasho. Dhanka kale, Elayna Kaanon oo ah garsoorad heer Federaal ah oo uu Trump magacaabay waxa ay eeddii dusha ka saartay Meerikk Gaarlaan oo xukuumadii Trump ka ahaa wasiirka Caddaaladda.

Tartan ka bixista Beydhan

Dhacdooyinkaas aynu sare ku soo xusnay waxa ay sababeen in ay saaxadda siyaasadda ee Maraykanka ku loollamaan labo xisbi oo kala haysta labo jiho oo isku lid ah. Xisbiga dimuqraadiga oo murashixiisii isbeddel tamar darro ah ku yimid, iyo xisbiga Jamhuuriga oo dardar cusub la soo baxay. Taas kolka lagu daro tirakoobyo hore loo ururriyey kuwaas oo u janjeedhay, in ay laga ma maarmaan tahay isbeddel ku yimaadda murashaxa doorashada uga qayb galaya xisbiga Dimuqraadiga sii joogista Beydhan na ay khatar ku tahay guusha xisbiga, taas oo lagu daray Joon Beydhan oo ay ku adkaatay isku haynta iyo isku dubaridka xisbiga, waxa ay keentay in uu u dhago nuglaado baaqyada xubnaha xisbiga, taageerayaasha iyo qaadhaan bixiyayaasha, waxaana uu go’aansaday in uu murashaxnimada ka tanaasulo oo uu ku wareejiyo ku xigeenkiisa Kamaala Haaris. 

Murashaxnimada Kamaala Haaris

Kamaala Haaris oo ugu danbeyn si rasmi ah u noqotay murashaxa xisbiga Dimuqraadiga uga qayb gelaysa tartanka doorashooyinka Madaxtinimo ee soo socota, waa murashax ay ka muuqato awood iyo firfircooni ay kaga qayb qaadan karto doorashada, waxaana taas xoog u ifinaya qodobbadan hoose: 

  1. Murashaxnimada haaris waxa ay noqotay dookh saddexaad oo ay heleen muwaadiniinta Maraykanka ee hore u saluugsanaa labada murashax, doonistaa saddexaad oo bilooyinkii u danbeeyey soo if baxaysay, ayaa ugu danbeyn waxa ay noqoay mid suuragel ah. Dhanka kale, kolkii ay dibadda u soo baxday awood yarida Madaxweyne Beydhan waxa aad u korodhay cabsida ay ka qabaan in badan oo ka mid ah shacabka Maraykank in uu mar kale talada qabto Trump, sidaas awgeed waxa ay muddaba ka dhur sugayeen tartan ka bixisa Beydhan iyo murashaxa cusub ee beddeli doona. Kanshadan iyo weliba jiritaan la’aanta waqti ku filan oo loogu tartami karo murashaxnimada xisbiga Dimoqraadiga ayay Kamaala Haaris ka faa’idaysatay. 
  2. Kamaala Haaris, da’ ahaan waa 59 jir, taas oo macnaheedu noqonayo in ay Beydhan oo jira (81 sanno) ay ka yartahay 22 sanno oo gaw ah, halka Trump oo jira (78) ay ka yartahay 19 sanno, sidaas awgeed, murashaxnimadeedu waxa ay dhanka kale u xawishay dooddii da’da. Awal haddii dooddu ahayd Beydhan waa uu duqoobay, hadda waxa ay diiraddu haysaa da’da Trump. 
  3. Tan iyo intii ka danbaysay dooddii dhex martay Beydhan iyo Trump, waxa muuqatay taageerada xooggan ee Dimuqraadiyiintu u hayaan Kamaala Haaris, taas oo aad uga horraysa tii Beydhan. Waxa iyana xusid mudan shacbiyadda Kamaala haaris ku dhex leedahay haweenka iyo dhallinyarada in ay ka badantahay tii Beydhan. Dadka madaw, haweenka iyo dhallinyarada Maraykankana waxa lagu tiriyaa saldhigga ay ka duullaan Dimoqraadiyiintu xilliyada doorashooyinka. 
  4. Dheddignimada Kamaala Haaris, iyo in ay tahay gabadh isir ahaan ka soo jeedda Hindi iyo Jamaykaan isku dhafa, Dimuqraadiyiinta dhexdooda waxa ay kor u qaadday muhiimaddeeda. Ra'yi ururin ay qaadday Associate Press na waxa ay xustay in 6 ka mid ah 10 kii Dimuqraadiyiin ahiba ay taageersanyihiin Madaxtinimada Kamaala Haaris. Dhanka kale, tan iyo intii uu Beydhan ku dhawaaqay dhisidda Kamaala Haaris waxa kor u kacday qaadhaanka Xisbiga, taas oo kor u qaadi doonta awoodda ololle ee xisbigu ku geli doono Doorashooyinka.
Caqabbadaha ku gedaaman Kamaala Haaris
  1. Olollaha Kamaala ee Madaxtinimadu waxa ay ku bilawdoon si xawli ah, sidaas awgeed, caqabadda hortaalla ayaa ah sidii ay guushaas u ilaallin lahayd uga na fogaan lahayd qalad kasta oo saameyn kara fursada guusheeda. 
  2. In kasta oo Kaamala ay haysato taageerada dhallinyarada, haweenka iyo dadka madaw, taas oo aad uga badan ta Beydhan haddana, waxa caqabad noqon karta sidii ay u kasban lahayd quluubta caddaanka, gaar ahaan kuwa jooga da’da ee taageersanaa Beydhan. 
  3. Doorashada waxa ka hadhay muddo kooban, waxayna haysataa wax ka yar 100 maalmood, sidaas awgeed, soo dhisidda kooxda ololaha doorashadu iyana waa caqabbad kale oo ay wajahayso Haaris. 
  4. Waxa jira weydiimo ka taagan sida ay uga dabaallan doonto Kaamali weerarada Jamhuurka gaar ahaan Trump oo caan ku ah cunsriyada iyo quudhisiga haweenka. Sida loo maamulayo faylka soo galootiga aan sharciga ahayn ee Koonfurta Maraykanka iyo doodda xooggan ee Jamhuuriyiinta ayaa iyana ah qodobbo kale oo horyaalla. 
  5. Ugu danbeyn in kasta oo ay haysato taageerada Beydhan iyo ta xubnaha xisbiga Dimuqraadiga, haddana, waxa weydiin ka taagantahay sidii ay u sugi lahayd, taageerada goboladdii Beydhan u horseeday guushii 2020. 
Gunaanad

Ka dib, shaacintii murashaxnimada Kamaala Haaris, waxa la sameeyey ra'yi ururino la isku barbar dhigayo iyada iyo murashaxa uu loollanku u dhexeeyo, labada murashaxna waxa ay noqdeen qaar aad isugu soo taageero dhaw oo u siman fursadda guusha. Tusaale ahaan, ra'yi ururinno ay sameeyeen, warbaahinta kala ah PBS News, mac’hadka Marist, Kamaala waxa ay heshay boqolkiiba 45 halka Trump uu helay boqolkiiba 46. Mar kale ra'yi ururin labaad oo ay sameeyeen, wakaalada Reatures iyo shirkadda Ipsos waxa ka soo baxday in Kamaala ay ka horrayso dhigeeda labo dhibcood iyaga oo kala helay 44 Kamaala ah iyo 42 Trump ah. Sida ay doontaba ha ahaatee, halka lagu kala baxayaa waa sanduuqa cod bixinta, gobollada guusha go’aamin doona waxa ka mid ah; Bensalfeenya, Mishigan, Wiskoonsin, Arisoona, Goorgiya. Sidaas awgeed in badan oo ka mid ah shacabka Maraykanku waxa ay isha ku hayaan sida ay kamaala u qancin doonto cod bixiyayaasha, isaga na caabbin doonto olollaha Trump, isla markaas na uga faa’iidaysan doonto dareenka dadka ka cabsida qaba soo noqoshada Trump. 

 

Warbixintan waxa laga soo koobay warbixin uu daabacay Mac'hadka Arab Center.

Qoraallada kale ee qoraaga