Tuesday 19 November 2024
Sugitaan dheer iyo u kuurgal weyn ka dib, oo laga warsugayay natiijooyinka ka soo bixi doona doorashada Maraykanka oo ay ku tartamayeen Donald Tramb iyo Kamala Haaris, waxa ay kusoo dhamaatay in Tramb ku baadiyo codad badan oo ah kuwa Guddiga Doorashada iyo codadkii bulshadu dhiibatay. Guusha Tramb ka dib, waa in dib loogu laabto siddeed sano ka hor oo ahaa xilligii uu markiisii koowaad ku guulaystay doorashada, si aynnu u faaqidno waxa laga filan karo muddoxileedkan labaad ee Tramb, weliba iyada oo xilligan dagaallo ka ooganyihiin dunida, oo muddadii uu ololaha ku jiray uu ballanqaaday in uu soo gebagebayn doono. Se waxa is weydiin leh maxaa uu u huri karaa soo afjaridda dagaalladaas?
Dagaallada dunida ka oogan iyo qaabka loola dhaqmayo waxa innaga khuseeya xadgudubka iyo duullaanka Israa’iil ku qaadday Qasa iyo Lubnaan. Labadan duullaan uma eka in ay istaagayaan ka hor intaanu Tramb xilka la wareegin bisha Jeenaweri ee sannadka cusub. Innaga oo eegayna khibradda aynnu ka haysanno muddoxileedkii hore ee Tramb, soo faragelinta duullaankani waxa uu u danaynayaa uun Israa’iil, waxaana la raacayaa uun shuruudaha ay Israa’iil rabto in la fuliyo.
Khibradda laga haysto sida Tramb uga shaqeeyey arrimaha Israa’iil iyo qaddiyadda Falasdiin waa mid aad u qadhaadh. Waxa uu ka soo bilaabay “Heshiiskii Qarniga”oo uu suuqa geliyey si uu uga takhalluso qaddiyadda Falasdiin, taageerana uga raadiyey dalal Carbeed. Waxa ku xigay “Heshiiskii Abraham” oo albaab u furay dalal Carbeed inay wadashaqayn iyo taageero la yeeshaan Israa’iil. Intaas kuma uu ekaan, se waxa uu qaaday tallaabadii uu safaaradda Maraykanka ugu raray magaalada Qudus, arrinkan oo ka dhignaa in uu Qudus u aqoonsaday caasimadda Israa’iil. Waxa ku xigay in uu Israa’iil u aqoonsaday lahaanshaha dhulka Golan ee ay xoogga ku haysato.
Dhammaan tallaabooyinkan uu qaaday xilligaas waa kuwo hibeyn u ah Israa’iil, weliba xilligaas oo aanay dagaal la mid ah ka ay ku jirto maanta ku jirin, baahina u qabin taageero intaas le’eg. Haddaba, maxaa uu noqon doonaa mawqifka Tramb xilligan oo ay Israa’iil doonayso in ay khariidadda Bariga Dhexe beddesho, sida uu xusay Benyamin Netanyahu, ahna xilli Israa’iil u aragto in fursad taariikhi ahi hortaallo si ay uga takhallusto cadawgeeda, isuna aragto in ay horumar weyn ka samaynayso ka gungaadhidda ujeedkaas.
Waa suurogal in la saadaaliyo sida Tramb ula dhaqmi doono ku taageeridda Israa’iil in ay gaadho ujeedkeeda, iyada oo la eegayo dhaqankiisii hore. Aynnu tusaale usoo qaadanno duullaanka Qasa iyo ujeeddooyinka Israa’iil ka leedahay. Ujeeddada koowaad waa in ay kala daadiso awoodda milatari ee Xamaas, si aanay mar dambe halis ugu noqon, iyo in ay meesha ka saarto gacan-ku-haynteeda Qasa. Waxa la odhan karaa qayb weyn oo ka mid ah ujeedkani waa uu fulay. Ka dhabaynta ujeedka labaad waxa ay ku xidhantahay cidda gacanta ku dhigta Qasa marka Israa’iil ka baxdo, ka dib heshiiskii dhaqdhaqaaqa Xamaas iyo al-Fatax ku gaadheen haayadda u xilsaarnaan doonta maamulka Qasa. Soo jeedinta Maraykanku, oo ay Israa’iilna oggolayd, waxa uu ahaa in marinka Qasa la geeyo ciidamo Carbeed, se waxa ka biyo diidsanaa dalal Carbeed, iyaga oo walaacoodaas u gudbiyey madaxweyne Baydhan. Hase ahaatee walaacaasi ma soconayo xilliga Tramb, oo cunaqabateeya dal kasta oo uu u arko in ay halis ku tahay.
Arrinkan hore waxa la mid ah arrinka Lubnaan. Shuruudaha Israa’iil iyo Maraykanku ku xidheen joojinta duullaanka Lubnaan, waxa dhinaceeda diidday Lubnaan, oo shuruudahaas u aragta isdhiibid iyo in Israa’iil la hoosgaynayo. Tramb waxa laga filayaa in uu cadaadis dhaqaale iyo siyaasadeedba saaro Lubnaan si ay u fuliso shuruudahaas, iyada oo aan la fogaysan karin in uu kusoo rogo cunaqabatayn aanay Lubnaan taagteeda lahayd.
Waxa laga soo turjumay Carab al-Jadiid