Skip to main content

Wednesday 23 October 2024

Aragti

Warbixin Cusub: Dahabka Afrika Imaaraadka ayaa loo raraa

15 June, 2024
Image
(Photo: Waldo Swiegers/Bloomberg via Getty Images)
(Photo: Waldo Swiegers/Bloomberg via Getty Images)
Share
Dahab qiimihiisu gaadhayo tobannaan bilyan oo doolarka Maraykanka ah ayaa Afrika—oo ay Soomaaliya ku jiro—Imaaraadka Carabta looga raraa sannad kasta, halkaas oo mararka qaarkood diyaarado khaas ah lagu geeyo, sida warbixin cusubi daaha ka rogtay.
 

Tahriibinta dahabka Afriki waa qodobbada ugu shaacsan haddana sida ugu weyn indhaha looga laliyo. Sababahana waxa ka mid ah in gacmo kala duwan, oo galaangalkoodu daran yahay, ay ku jiraan. Boqollaal bilyan oo tan oo macdantan qaaliga ah ayaa qaaradda looga raraa dalka Isutagga Imaaraadka Carabta oo keli ah, sida lagu sheegay warbixin dhawaan soo baxday oo uu sameeyay ururka Swissaid oo baadha arrimaha la xidhiidha kaalmooyinka horumarka. Wuxuu ururku sheegay in qiyaastii 435 tan oo dahab ah, inta badanna ay soo saaraan shirkado yaryar oo macdanta qoda oo cido koobani leedahay, qiimihiisuna gaadhayo $30 bilyanlaga tahriibiyay Afrika sannadkii 2022 oo keli ah. 

Ururku wuxuu carrabaabay in Imaaraadku ahaa meesha ugu badan ee dahabkaa lala beegsado, oo bilmetel sannadkaa 2022 waxa Abu Dubay gaadhay 405 tan oo ka mid ah dahabkaas aynu soo xusnay. Tobankii sannadood ee u danbeeyay, Imaaraadka waxa loo raray 2,500 oo tan oo dahabka Afrika ah, oo ku fadhiya lacag dhan in ka badan $115 bilyan. Sida uu ururku qiyaasayo, dahabka Afrika inta u dhexaysa 80 ilaa 85 boqolkiiba wuxuu ku danbeeyaa Imaaraadka.

Sannadkii 2019, baadhitaan ay warbaahinta Reuters samaysay ayaa lagu ogaaday in Imaaraadku irrid u noqday daldalashada dahabka Afrika. Ururka Swissaid sida uu ku warbixiyay, dahabka ay soo saaraan shirkadaha iyo shakhsiyaadka aan diiwaangashanayn ayaa mararka qaar ka badan, ama ugu yaraan u dhigma, dahabka sifada sharciga ah lagu soo saaro ee ganacsato shati haysataa qaaradda ka soo faagto. Tusaale ahaan, sannadkii 2022, haddii dahabka aan sharciga ahayn ee Afrika laga daabbulay uu ahaa ugu yaraan 435 tan, dahabka ay cid ruqsad haysataa oo daw sharci maraysaa ay la soo baxday wuxuu ahaa 500 oo tan.

Ganacsiga Dahabka

Warbixintan oo 140 bog ah, cinwaankeeduna yahay On the Trail of African Gold (Raadguridda Dahabka Afrika), waxa lagu faahfaahiyay sida uu u shaqeeyo ganacsiga dadban ee dahabku. Dahabkan la raadgurayaa waa kan sharcidarrada lagula soo baxo ee dabadeed iyada oo aan kastamyada iyo laamaha maaliyadeed ee dawga ah la soo marin la dhoofiyo. Erayga saxani waa la tahriibiyo. Dahabkaasi, haddaba, isaga oo sifahaas mugdiga leh kaga soo baxay Afrika, ayaa hadhow lagu soo bandhigaa oo lagu shaaciyaa kastamyada dalalka shisheeye, sidaasna wuu ku xalaaloobaa. Haddaba, Imaaraadku wuxuu ganacsigan leexsan u yahay wershaddii xalaalaynaysay; inta badan dahabkaas waxa lagu “dhaqaa” gudaha Imaaraadka oo lagaga reebaa sifadii boobka iyo tahriibinta ahayd ee uu qaaradda kaga soo baxay.

Sannadihii 2012-2022 waxa Imaaraadka la geeyay dahab qiyaastii dhan 2569 tan, oo isaga oo aan haayadaha kastamyada ee Afrika loo shaacin si dhuumaalaysi ah qaaradda looga soo saaray. Dahab-tahriibinta ugu badani waxay Afrika ka dhacdaa waddamada Maali, Gaana, iyo Simbaabwi; tobankaa sannadood ee xusanna way labajibbaarantay hawsha tahriibintu.

Dahabka Afrika, haddaba, waxa la geeyaa dalal ay safka hore kaga jiraan Imaaraadka, Iswisarlaan, iyo Hindiya. Sannadkii 2022 oo keli ah, dahabka saddexdaa dal tegay wuxuu u dhigmaa 80% wixii sannadkaa dahab ka baxay qaaradda oo dhan, wax kalabadh ku dhowna waxa gaar loo geeyay Imaaraadka. Dahabku waa labo nooc: mid wershadeed oo laga wado dahabka ay shirkadaha waaweyni dhoofiyaan, iyo mid garabrarato oo ah dahabka geddisleyda yaryari rarto. Haddaba, noocan danbe ayaa 80-85% ka mid ahi gaadhaa Imaaraadka.

Sannadihii 2012-2022 dahabka Afrika looga raro Imaaraadku wuxuu ka soo kacay 86 tan oo uu 2012 ahaa ilaa 204 tan. Korukacii ugu xoogganaa wuxuu dhacay 2015-2016, waxana ugu wacan in waagaas dahab badan laga soo raray Masar, Liibiya, iyo ilaa Gaana.

Imaaraadku wuxuu gaar u sii beegsadaa oo shirkada dalkiisa ka furan, gaar ahaan magaalada Dubay oo lagu naanayso Magaaladii Dahabka, dahabku ka soo gaadhaa dalalka Afrika ee khilaafyadu ka oogan yihiin. Waa 18 waddan oo ku jira xaalad dayro ah: Burkiino Faaso, Burundi, Kamaruun, Jaad, Masar, Itoobbiya, Eratariya, Liibiya, Maali, Mosanbiig, Niijar, Nayjeeriya, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Koongo, Soomaaliya, Soodaan, Soodaanta Koonfureed, iyo Simbaabwi. Sannadkii 2022 oo keli ah, toban iyo siddeeddan waddan waxa Imaaraadka looga raray dahab uu ururka Swissaid ku qiyaasay 414 tan oo wadarta guud ee Imaaraadka gaadhay sannadkaa ka noqonaya 68%. 

Arrintanina wax cusub ma aha oo Imaaraadka waxa lagu yaqaan, ayuu ururku tilmaamay, in uu dahabka ka soo rarto dalalka khilaafyada iyo colaaduhu ka hurayaan. Tusaale ahaan, sannadkii 2016 oo keli ah, 46% dahabka Imaaraadka soo gaadhay wuxuu ka yimi waddamo dagaallo ka holcayaan ama qarka u saaran.

Dalal ay Soomaaliya ka mid tahay (oo ay ku jiraan Mosanbiig, Maali, Niijar, Soodaan, Kamaruun, Nayjeeriya iyo Simbaabwi) dahabkooda markii la tahriibiyay dal shisheeye lagu dejiyay, 95% ka mid ah waxa dalkaa shisheeye uu ahaa Imaaraadka.