Skip to main content

Thursday 19 September 2024

Feker

Waxtarka Ducada iyo Waayaha Dunida

14 June, 2024
Image
sawirka: Vector
Share
‘‘Ka dib markii ay indhahaygu la qabatimeen mugdiga, waxa aan daymooday hareerahayga waxa aanaan isha ku dhuftay tiro dad soddomeeyo ah oo qaxootiya oo sagxadda daadsan. Garbaha ayaannu is wada saarnay annaga oo gidaarka is ku dhererinayna. Waxa aannu afka galinay waxooga buskud, rooti, timir iyo tufaax ah. Habeenkaas koobaad ragga oo dhami si wadajir ah ayaa ay u tukadeen. 
Mid iyaga ka mid ah ayaa aabbahay warsaday sababta uu u gu biiri waayay jamaacada. ‘Ilaahay dhammaanteen waa uu inna badbaadin doona. Maxaa aad isu gu dhuldhigi weyday oo u baryi weyday?’ Waxa uu sanka saaray buurigiisii, lugaha ayuuna fidsaday, waxa uuna u gu halceliyay: ‘Waxa kaliya ee inna badbaadin doonaa waa injiin siddeed dhuumoodle ah iyo mukarbaan.’ Aamus ayaa afka la wada jabsaday, waxa ayna halkaa ku illoobeen Eebbe.’’ -  Khaalid Xuseyni, buugga The Kite Runner

 

Doodda la xidhiidha ducada iyo waxtarkeedu waa mawduuc aad u gu soo shaacaya goleyaasha fikirka ee geyiga Soomalida, gaar ahaan dhallinta in uun wacyigoodu koray. Si guud waxa ay qayb ka tahay baraarugga iyo bisaylka aqooneed ee sida xawliga ah u gu dhex faafaya garashada dhallinyarada Soomaaliyeed, oo ay gundhig u yihiin wax is ka weyddiinta iyo burinta waxa uu Ibraahim-Hawd u gu yeedhay “Dhaxalka Duugoobay,” oo ah fikir ka caaggan naqdinta, kuna suntan naashnaashidda iyo xardhitaanka jawaabo maangad ah oo sida rasaasta afka la ga geliyo qof kasta oo iskudaya in uu soo hawaysto.

Waxa kale oo iyaduna qayb ka ah, malahayga, qulqulatooyinka iyo dhibaatooyinka baaxadda leh ee siddeeddii bilood ee u gu dambeeyay ka socday Falastiin—tiro rayid ah oo kor u dhaafaysa soddon kun oo qof oo la gu dilay marinka Qasa tan iyo toddobadii bishii Aktoobar ee sanadkii tagay, halka dad dhan laba milyan oo qofina ay ku go’doonsan yihiin gudaha Qasa, iyaga oo ku jira xaalad quus iyo ciirsi la’aan ah oo la ga gooyay dhammaan adeegyadii lamahuraanka ahaa sida korontadii, cuntadii, biyihii iyo agabkii caafimaadka halka ay xaga sarena ka ga socoto duqayn aan loo aabbayeelayn! Dhibaatooyinkaas horta leh iyo kummanaanka kale ee la jaadka ee sida maalinlaha ah u gu lammaan nolosheennu, waxa qof kasta oo damiir leh hor dhigayaan weyddiimo aad u murugsan oo u baahan in si waafiya loo abbaaro. 

Waxa uu isweyddiinayaa damiirka qofku; waxa ay galabsadeen dadkaas masaakiinta ah ee toddabaatan sano loo xasuuqayay? Waxa dhabannahays iyo u qaadanwaa ku noqotay sababta gargaar rabbaaniya ugu iman waayay dadkaasi? Ilaahay muxuu shimbiro u gu soo diri waayay sidii qabsatay Xabashidii duullaanka ku ahayd kabcada? Aaway dabaylihii, duufaannadii, daadadkii iyo dhulgariiradii uu Ilaahay dadyowgii hore ku halaagay? Aaway malaa’igtii Badar ka qaybgashay? Ma kuwan ayaa kuwii hore ka dembi yar? Ma reer Falastiin ayaan Ilaahay jeclayn? Ma sheekooyinkaas hore ayaa been iyo barkumataal ahaa? Mise Ilaaha la sheegayo ayaan is ku mid ahayn oo war iyo wacaal baa innoo ka la dambeeyay? 

Weyddiimahaas iyo kummanaan kale oo la halmaalaaba waa kuwo ka dhex guuxaya maanka qof kasta oo Muslima, waxase la gu ka la duwan yahay heerka ay qof kasta agtiisa ka joogaan. Dadka qaar waxay u yihiin waswaas iyo wax shaydaan xaggiis ka yimid, ka dibna inta uu saddex jeer bidixdiisa tufo ayuu naftiisa tuhmaa halka kuwa kalena ay agtooda ka yihiin weydiimo masiiriya oo ay tahay in jawaabo habboon oo maangala loo helo?

Ducadu waa mid ka mid ah tiirarka ay ka siman yihiin dhammaan diimaha uunka dushiisa ka jira, ama horeyba u ga jiray oo dhami, waa curiyaha lamataabtaanka iyo dhufsaneyaraha ay wadaagaan. Waxaa xadiis daciif ah la gu soo weriyaa in uu Nabigu yidhi: “Ducadu waa dhuuxa cibaadada’’ halka ku kale oo kaas u dhawi uu isagu lee yahay: “Ducadu iyada ayaaba cibaado ah’’ oo macnaheedu yahay cibaado oo dhamiba waa uun duco iyo allabbari. 

Quraanku waxa uu aad u gu tiigtiigsaday ahmiyada ducada iyo sida ay lagamamaarmaan u tahay in qof kastaaba gacmaha Ilaahay hoos hoorsado u gana ashtakoodo taws iyo tabaaleba wixii uu tirsanayo. Wuxuu hogatusaaleeyay Qur’aanku dadkii wanwangaasanaa sida Nabiyadii oo Ilaahay baryay ka dib markii ay dhibaatooyin la soo darseen is la jeerkiina uu si degdega arjiyadoodii u ga aqbalay.

Kutubta diinta waxa ka buuxa dhacdooyinka dad Ilaahay baryay oo la ga aqbalay. Waxa la isu soo tebiyaa kuwo la gu majeeran jiray in ay ahaayeen qaar ducadooda la aqbalo sida: hebel waa mustajaabu dacwa oo qofka uu u duceeyo ama uu habaara wuu helaa ayaa la is la dhexmari jiray.

Sidaas oo ay tahay waxa haddana aynnu aragnaa oo waaqaca iyo waayuhuba marag ka yihiin in ducadu aanay waxtar duleed oo la hubo ayna lahayn! Si aynu sheegashadeenna daw u gu helno una meelmarinno, waa in aynnu qodobbadan dhawrka ah isla dhuuxnaa:

Qodobka koobaad ee ay tahay in aynnu is la garanaa waa macnaha iyo nuxurka ducada, ama si kooban weyddiinta ah ducooy maxaad tahay? Ducadu waa erey Carabi ah, oo duuduubka macnihiisu yahay: in uu addoonku cidda uu caabudayo uu weyddiisto dan ama muraad uu lee yahay in uu u qummiyo; dantaasi waxay noqon kartaa mid aakhiro sida in uu yidhaah Ilaahoow naar i ga fogee ama jannada i gee. Waxa kale oo ay noqon kartaa mid duunyeed sida Ilaahoow xoolo isii ama caafimaad, waxa kale oo ay noqon kartaa in la ga magangalo cadow ama balaayo la ga cabsanayo’’

Qodobka labaad waa in aynnu fahanno qaabka ay ducadu u shaqayso. Malahayga inta ogaalkayga ah ma arag cid si bilaa turxaana u ga jawaabta middan; marka aan lee yahay sidee ayay ducadu u shaqaysaa waxa aan u ga gollee yahay in aan ogaanno ducadu meesha iyo qaabka ay wax u beegsato. 

Ka soo qaad maanta in xanuunka dilaaga ah ee AIDS ku ku gu dhacay, ka dibna aad duco iyo baryootan aad la jilbadhigatay, ka dibna ducadii la gaa aqbalay. Haddaba si aynnu weyddiintaas sare jawaab u gu helno waa in aynnu ogaannaa: Ilaahay xanuunka ma mar qudha ayaa uu bogadhayay, oo wuxuu adeegsaday aaladdii kun fayakuun? Ilaahay ma dawadii xanuunka ayuu si gaara kuu gu ilhaamiyay? Mise marka horeba waxan aad xanuunka moodday ayaanba xanuun ahayn, oo indhasarcaad ayuu kuu maleegay si aad u gu dhawaato? 

Waxa laga yaabaa in aad i warsato: “Oo tani maxay ka micne tahay marba haddii ducadii la gaa aqbalay, muhiimaduna taas uun ahayd?” 

Si aan haddaba middaas kuu gu bayaamiyo aan dib kuu xasuusiyo dagaalladii Nabigu galay. Maalinkii Badar waxa la soo tabiyaa in Nabigu aad u ducaystay ilaa ay asxaabtu la amakeegeen, iyada oo aynnu og nahay in loo balanqaaday guul iyo in ayna cidinna waxyeelo u gaysan doonin, haddana sidaas ayaa uu Ilaahay u duraantay. 

Maalintii dagaalka, markii foodda la is daray ee ay guushuna Muslimiinta raacday, waxa soo dagay aayado badan oo uu Ilaahay Nabiga u gu abaaltirsanayo, waxaana ka mid ah: in loo sheegay in ay dagaalka ay ku la jireen saddex kun oo malag, mar kale waxa la yidhi shan kun ayaa aannu idiinka dhigi. Haddaba marba haddii ay malaa’igtu yihiin abuurtaa ilmaaragtayda ah ee awoodda badan, maxaa keenay in tiro intaas le’eg loo baahdo iyada oo cadowguba kun nin ahaa. Halkii ninba ma saddex malag ayaa iskugu tagay? Ma qaarbaa daawadayaal ahaa? Ragga dhintay waxay ahaayeen toddobaatan ama wax ka agdhawe, halkee wax ka si yihiin? Ka waran haddii aan tafsiirka duleed ka leexanno, oo aan aadno mid Miitafiisiqeed… oo aynu ku andacoono meesha malaa’ig la ma keenin ee raggii meesha joogay uun baa awood dheeraad ah la galiyay, ama  ruux ahaan ayaa loo xoojiyay? 

Bal aan tusaale kale eegno. Ka soo qaad in aad imtixaan adag gali doonto muddo bil ah ka dib. Dadaal badan ayaad samaysay, xoog baad wax u akhriday, ducana waad ku ladhay. Arday kale ayaa isagu dadaal badan sameeyay oo aan waxba hakran, balse, aan dhanka ducada jaleecin, halka midka saddexaad uu isagu duco kaliya ku kaaftoomay? Waxa aynu og nahay in adiga iyo ardayga dadaalka la yimiday aad imtixaankaa gudbi doontaan, mase jiraa qof ku andacoon kara in midkii ducada uun ku kaliyoobay uu gudbi doono?  Waxay ila tahay in uusan jirin qof sidaas qabaa, haddaba adigaagii dadaalka la yimid akhriskana ku daray midkee ayaad ku gudubtay ma ducadii? Mise dadaalkii? Mise is ku darkooda? Duco ku ma aad gudbin, waayo, saaxiibkaa oo is ba ducaystay ma gudbin, iskudarkoodana ku ma aad gudbin, waayo, saaxiibkaa oo aan ducaba la iman ayaa gudbay! 

Waxa la ga yaabaa, in aad ku dooddo in saaxiibkaa ducadiisii aan laga ajiibin, laakiin taadii la ajiibay. Waxaan ku lee yahay sidee baad ku ogaatay? Waxa kale oo aan ku odhan karaa adiga laftarkaagu laba maaddo oo ka la duwan ku tijaabi oo mid akhri ta kalana duco u daa, amaba labadaba u diyaargaraw midna u ducayso, tan kalena dedaalka ku kaaftoon, ka dibna natiijadana inna la wadaag.

Dayrka kale ee ducada ku gadaamani waa hubanti la’aanta lagu ladhay. Waxaa laguu sheegay in marnaba ducadaada aanad ku hungoobayn haddii sidii aad rabtay wax u dhici waayaan. Waxaa laguu sheegay in aakhiro la guu geeyay ama masiibo soosocota lagaaga xijaabay, taas oo albaab walba kaa soo xidhay? Oo ka waran haddaan idhaah Ilaahoow midna aakhiro ii gee midna balaayo i ga ga xijaab midna ifka i gu sii… talow ma i ga yeelayaa? Jawaabtu waxay noqotay adigu ducada ha ku talaxtagin, Ilaahayna waxba ha u tilmaamin, ee duuduub uun u dhiib ka dibna sidii lagaa yeelo ka warsug, illayn Ilaahay isaga ayaa mar walba maslaxaddaada oge! Oo haddiiba uu Ilaahay maslaxaddayda og yahay oo uu marnaba sidaa anigu aan jecel ahay ii yeelayn, muxuu i ga kadeedayay? Maxay ducadudaydu ka mulaaq tahay? Miyayna ahayn sida uu isagu ii gu taliyo uun in aan yeelo oo aanan ducaba is ku hawline danahayga kale aan raacdeeyo? 

Celcelis ahaan maalin kasta waxa aynu ducaysanaa tobanaan jeer haddana inta natiijadeeda aynu aragnaa waa dhif iyo naadir, waxaas oo duco ahi halkee bay ku hoobtaan? Masiibooyinkan la i ga ga xijaabayaase fara badanaa! Ma waxa jira Ilaah kale oo isagu waxyeelaynta iyo sharka qaabbilsan oo kaas ayuu Ilaahayna dagaal ku la jiraa? Ducadaydiina waxa ay noqotay hubkii la ga ga hortagi lahaa midkaas dhagarqabaha ah?  

Halkan marka la joogo waxa imanaysa biyahadhaca qodobkan oo ah goorma ayaynu odhan karnaa ducada waa la aqbalaa? Xidhiidhka ka dhexeeya ducada iyo in shay qaabkii aad filaysay u dhaco, ma la odhan karaa waa natiijada ducadaadii oo la aqbalay? Haddaad “haa” tidhaahdo oo waa la tijaabin karaa, waxa aan ku lee yahay shaygu wuxuu tijaabo galaa marka la is la waafaqo doorsoomayaashiisa (paramaters), maxaan dhidibnaa si tijaabadu mid saxa u noqoto?  Ka waran haddii aynu u yeedhno boqol qof oo aad hubtaan in shuruudiihii ducada ay buuxiyeen, ka dibna aan u sheegno in mid kastaaba uu Ilaahay weyddiisto shay gaar ah, oo tilmaamo gaar ah leh, amin sugan iyo goob suganna uu ku siiyo. Tijaaabada caynkaas ah diimuhu ma ogol yihiin oo diyaar ma u yihiin in ay fuliyaan, haddii ay aqbalaan oo toban ka mid ah ducadoodu sida ay ahayd loo ga aqbalo markaas waxaan hubnaa in qofna aanu dood dambe keeni doonin.

Aragtida ah in ducadu ay tahay tijaabo iyo waayo-aragnimo, waa dood aad u jaban laba sababood oo waaweyn aawadood: waa mare waa arrin tijaabo qofeed ah (subjective experience) oo aan caddayn u noqon karin xaqiiqda ah duco aqbalidda. Dadku marka ay ka qisoonayaan waxay ku daraan buunbuunin farabadan iyo in ay is la doontaan waxyaabo aan sabab iyo saamayn is ku lahayn oo xaqiiqada ka fog, waxa kale oo aan iyaduna meesha ka madhnayn saamaynta “Placebo” oo ah in qofku uu soo raysto ka dib marka uu qaato ama sameeyo shay uu marka horeba aaminsanaa in uu waxtar ama dawo u lee yahay xataa haddii uuna shaygani waxtarkaas la gu sheego lahayn sida dhirta, tahliisha, tufka, qardhaasaha… IWM.

Qodobka labaad ee ayna tijaabo qofeed u gali karini waa in diimaha oo dhammi ay lee yihiin, oo waxaa dhooban oo meel kastaba buuxa mid ku andacoonaya Ciise Masiix ayaan riyo ku arkay oo aan waxaa weyddiistay ka dibna isiiyay ama Ilaahaygii Kirishna ayaan baryay oo i ga aqbalay, marka Ilaahee ayaa wax aqbala oo aan rumaysannaa? Ma Ciise? Ma kan Hinduuska iyo Buudiyaha mise ka ay Muslimiintu caabudaan? Waxaa la ga yaabaa in aad tidhaah Ilaah qudha uunba jira, waxaan ku lee yahay haba jiro e, ma isaga ayaa kan Ciise Ilaaha u yaqaaan ee barya ka aqbala? Hadday sidaa tahay, muxuu Qureysh ku haystay sawkii lahaa waxaad caabuddaan mid aan dhib iyo dheefna idiin hayne aniga i barya anigaa idin aqbaliye. Mar kale miyuuna ku odhan haddii Ilaaha aad caabuddaan uu dhab yahay bal u yeedha oo barya ha idin maqlee. Arintu miyayna ahayn sidii ninkii yidhi Ba’daydu waxbay hoos dhigtaa laakiin taadu maya/بائي ما بال بائك تجر وبائي لا تجر .                               

Lynn Vincent waa qoraa iyo wartebiye u dhalatay Maraykanta, waxa ay sanadkii 2010-kii soosaartay buug loo yaqaan Jannadu Waa Dhab/Heaven Is For Real. Waa qisada wiil yar oo saddex jir ah la guna magacaabo Koolton kaas oo uu soo ritay xanuunka qabsinku is la jeerkaasna si degdega u galay qaliin samatabixina. Labadiisii waalid waxa ay bilaabeen in ay Ilaahay baryaan kana duraataan in uu wiilkooda u badbaadiyo. Toodh Baarb oo ah aabbaha Koolton, buuggana qoraalkiisa ka qayb ahaa. Waxa uu innoo sawirayaa xaalku sida uu markaas ahaa: 

“Waxa aan muddo shan iyo toban cisho ah waday duco aan ka la joogsi lahayn, ilaa markii dambe dulqaadku i ga dhammaaday oo aan quus noqday,oo aan Ilaahay hiifay! Xaggee ayaad joogtaa? Ma sidan ayaad u la dhaqanta kuwa adiga kuu gu dhow? Miyaad mudan tahay in la gu addeeco?”

Koolton muddo bil ah, oo uu xaalad geeri iyo nolol ah u dhaxeeyay, u gu dambayn waa uu soo raystay. Waxaase fajiciso noqotay ka dib markii uu ku dooday in ay ruuxdiisu jannada aadday! Waxa uu sheegay in uu la kulmay Jiisas oo uu dhabtiisa saaray, malaa’igtuna ay u heeseen; wuxuu weriyay dhacdooyin badan oo aanu ka warqabin ama ba uuna soo gaadhin, sida nolosha awowgii oo soddon sano ka hor dhalashadiisa xijaabtay iyo gabadh yar oo saqiirtay oo ay isaga walaalo ahaayeen.

Buuggan oo ka mid noqday kuwa loo gu iibsiga badan yahay dunida Kiristanku, waxa uu rajo iyo dhiirrigalin u noqday malaayiin dada oo maare u la’aa sababaha ducadooda loo aqbali waayay ama ba shaki ka qabay in la ga aqbalo, waxay sii xoojisay iimaankii iyo kalsoonidii ay ku qabeen in diintoodu tahay tan kaliya ee saxda ah, Jiisasna uu yahay badbaadiyaha basharka!

Waxa la ga yaabaa in aad ku andacooto oo saw la ga ma yaabo in Ilaahay xataa gaalada wax ka aqbalo? Miyuuna Ilaahay sheegin in cid waliba isaga hoos tagto Nabiguna aanu odhan qofka la dulmiyay habaarkiisa is ka ilaaliya gaalba ha ahaadee? Waxaan ku lee yahay waa suuragal laakiin waxa ka dhalanaysa in uu Ilaahay noqdo arxanlaawe qofka karkaarka weydaariya. Sababtoo ah qoflaasi wuxuu u qaadanayaa in diintaas uu haystaa ay tahay midda saxda ah markaa saw Ilaahay maaha kan dadkaba—Kiristanka iyo Hinduuska ku sii haya marba hadduu kii Jiisas baryay uu ajiibayo walibana riyo is ku tusayo?

Doc kale haddii aynu ka eegno waxa iyana isweyddiin mudan muxuu yahay xidhiidhka ka dhexeeya ducada iyo qaddarku? Ducada laftarkeedu sabab ma tahay oo iyaduna qaddarka uun ma soo hoos gashaa? Si aynu weyddiimahaas u ga warcelino bal aynu mar kale tusaale yar soo qaadanno; ka soo qaad in aad Ilaahay weyddiisatay in uu boqol dollar maanta ku siiyo. Xaaladdu saddex mid kama bixi karto: in uu Ilaahay horeba kuu gu qoray, in aad boqolkaas hesho oo markaas ducadu wax saamayna kuma leh. In uu Ilaahay lacagtaas kuu ba qorin, markana ducadu sida oo kale wax saameyna ma leh; iyo midka seddexaad oo ah in ducada la gu ladhay, halkaas marka la joogo waxa ay la yimaaddeen suryo kale oo ay si fudud u ga baxaan taas oo ah in qaddarka ay ka mid yihiin qayb ducada la gu ladhay laakiin mar walba waxa horyaalla weyddiimiihii aan hore u soo sheegnay!

Dulucda qodobkanina waa in ayna ducadu marnaba sabab kaafiya noqon karin sababta oo ah marar badan ayay guuldarraysatay iyada oo ayna sabab kale la socon. Sida oo kale ma noqon karto sabab wax dhammeystirta, sababta oo ah iyada oo maqan ayaynu natiijo helnay. Jidka kaliya ee innoo furana waa in aynnu soo dhiraandhirinno mandiq ah in ducadu ayna wax saamayna lahayn. Marjaca ay u muuqato in ay ducadii wax qabataynaa waa uun dalab maangaleedka loo yaqaan post hoc fallacy oo ah in xidhiidh sabab iyo saamayneed laga dhaxaysiiyo laba shay oo iska daba dhacay

Xadiis saxiix ah oo Nabiga la ga soo tebiyay waxa ku sugan in uu yidhi:llaahay waxa aan weyddiistay saddex duco, laba wuu i ga aqbalay midna wuu i ga diiday. Waxa aan weydiistay in aanu ummaddayda halmar aanu cadow kuwada habsanin oo aanu tirtirin, iyo in aan halmar abaar ama masiibo kale la gu wada sallidin. Labadaas duco waa la i ga aqbalay, waxa kale oo aan weydiistay in aanu muslimiinta dhexdooda khilaaf iyo balaayo dhigin oo ayna iyagu isku soo jeedsan, laakiin middaas wuu i ga diiday.

Xadiiskan waxa ku cad in Nabiga la ga diiday ducadaas, taas oo ka dhigan in Muslimiinta uu tan iyo qiyaamaha dhexdooda dagaal ka aloosnaan doono, oo ay iyagu is gumaadi doonaan. Sidaas oo ay tahay waxa haddana ay muslimiintu hadh iyo habeenba ku ducaystaan in llaaahay mideeyo oo dhexdooda khilaafka iyo nacaybka ka saaro – Ilaahoow bogooda burcda isku mari – ayay duco kasta raacin jireen dadku; laakiin sabab? Miyayna ogayn in is la ducada Nabigiiba la ga diiday? Jawaabtu waxay tahay haa, laakiin waxa is ka muuqata in niyadda uun ay ku dhisanayaan oo ay iyaguba og yihiin in laba muslim oo isdilayaa ay tahay wax aan duco la gu joojin doonin, oo sidee duco u joojin kartaa llaahaybaaba sidaa qorsheyee…!

Markii la weyddiiyay bal arinta Falastiin ama kuwa la midka ah ka warama… sababma ayuu Ilaahay ducadooda u aqbali waayay saw kuwan toddobaatan sano qunuudaya? Waxay ku jawaabeen: oo muslimiintii ayaaba dhoobane maxay u gu hiilin waayeen? Oo haddii ay Muslimiinta kale iyagu far dhaqaajin waayeen Ilaahay isna ma ka seexanayaa? Miyayna ahayn sidii laba waalid oo is ku leh waar ilmaha dabka ka qabo iyo mayee adigu ka qabo ilaa uu ilmihii yaraa ka basbeelo? Ma waxaad lee dihiin Ilaahay iyo Muslimiintu waa sida dameer iyo labadiisii daan oo hadduu midi fadhiisto ka kalena waa la mid? Mida kale maxaa is ka galay carruurta iyo dumarka Qasa iyaga oo nool la gu gubayo iyo nimanka Carbeed ee tannahay? Hooyada iyo saqiirka Qasa joogaa ma Abu Jahal ayay ka liitaan? Dhagaxa madow ee Maka yaalla miyaa ka fiican kuwa Aqsa yaalla? Hashu maankayga gaddee ma masaar bay liqday!

Ducadu waa in ay ku anfacdaa marka aad meel kale oo aad u ciirsato aad weydo ee albaabada oo dhammi kaa soo xidhman sida hadda Qasa haysata, laakiin haddii marka ay rag naftooda huraanna aad tidhaah ducaan ku helnay marka cid far dhaqaajisa la waayana aad tidhaah duco bilaa ficili waxba ma tarto waa dhalanteed iyo dhabannahays.

Qoraallada kale ee qoraaga