Skip to main content

Thursday 19 September 2024

Siyaasad

Shirweynaha 37aad ee Midawga Afrika: Qaaraddu Dhibaatooyin bay la Ciirciiraysaa

27 February, 2024
Image
Afrika
Madaxda Afriki waxay isugu timi Addis Ababa, kalfadhiggii 37aad ee caadiga ahaa ee Midawga Afrika. Xuquuqda sawirka: AU.
Share

Afriki mooqif xalaal ah ayay ka qaadatay arrinta Qasa iyo qaddiyado kale oo badan oo caalami ah. Caqabadahaas caalamiga ah se waxa aynu si muuqata wax uga qaban karnaa haddii aynu gudaheenna u soo jeesanno oo aynu dhakhso u xallinno mushkiladaha ka taagan.

 

Shirweynihii Midawga Afrika ee 2024, ee ka qabsoomay magaalada Addis Ababa, wuxuu hadheeyay Shirweynihii Amniga ee Munich oo ay isugu tageen hoggaamiyayaal badan oo dunida ah oo ka wada hadlayay arrimo taagan, iyadoo qadiyadda Qasi ay udubdhexaad u ahayd. Arrin weyn bay ahayd in Ra’iisalwasaaraha Falasdiin, Maxamed Shatiyyah, uu fadhiyay safka hore, meel u dhow Guddoomiyaha Golaha Midawga Afrika, Muuse Faki Maxamed.

Faki wuxuu ra’iisalwasaaraha nidar ugu maray in ay u hayaan “isgarabtaag dhammaystiran” qaaraddana ay “si aan labaclabac lahayn uga go’an tahay” xaqiijinta xorriyadda buuxda ee reer Falasdiin, oo ay ku jirto in ay helaan dawlad madax bannaan oo gobannimo leh. Wuxuu sidoo kale si kal iyo laab ah u soo dhaweeyay go’aankii ay dawladda Koonfur Afrika ku qaadatay in ay Israa’iil ka dacwayso Maxkamadda Caddaaladda Adduunka, oo ay ku eedayso in ay xasuuq ka waddo Qasa. Wuxuu farriintiisa reer Falasdiin ku aaddan ku soo xidhay xus iyo xurmayn uu ku soo xigtay odhaahdii Nelson Mandela ee ahayd, “Si fiican baannu uga dheregsannahay in xorriyaddayadu kala dhantaalnaanayso ilaa iyo ay dadka reer Falastiin xor ka noqonayaan.”

Isgarabsi qurux badan iyo bogaadin alalaas wadata ayaa qolka shirka daboolay, isaga oo mudane Faki uu faahfaahiyay haladaygga akhlaaqadeed ee Afriki ay ka taagan tahay qaddiyadda. Isida uu Ibraahin Rasool, oo hore danjire ugu ahaa Koonfur Afrika taliskii midabtakoorkana la soo halgamay, uu ku sheegay waraysi uu Geeska siiyay, “maaddaama aynu nahay dalal lagu yaqaan in ay gumaystaha la diriraan, waa lagamamaarmaan in aynu fadhiga ka kacno oo arrimaha tan oo kale ah is barbar taagno si aynu nafaheenna awood ugu afuufno, caalamkana dib ugu qaabayno.

Mudane Faki, dhanka kale, wuxuu u gudbay arrimaha gudaha qaaradda ka taagan, wuxuuna muujiyay qodobbo u muuqday oo uu dhaaday: in kasta oo aynu in ka badan nus-qarni xor ahayn, haddana “caqabadihii ugu waaweynaa ee ina hor gudbanaa is may dhimin.” Sawir “qarracan” leh ayuu ka bixiyay xaaladda.

“Tan iyo intii Midawga Afrika la unkay, hore Afrika uga may dhicin waxan oo isbeddello dastuurrada baalmarsan ah oo kalaguur ahi,” ayuu yidhi. Wuxuu dibaaqayaa afgenbigii bishii Julaay xilka lagaga tuuray madaxweynihii Niijar, Maxamed Basuum, iyo kii Gaabboon, Cali Boongo, oo bil kala danbeeyay; taas oo dhammaystir u ahayd silsilad inqilaabyo ah oo taxan min Gini oo badweynta Atlaantikada ah ilaa Soodaan oo Badda Cas ah. Afgenbiyadani is may saamayn le’ekayn, waxana taageero weyn helay tallaabooyinka ay qaadeen isbahaysiga ka kooban talisyada Niijar, Burkiina Faaso iyo Maali – oo nidaamkii wasaayada ee Faransiiska laalay, isla markaana iskaga baxay urur-goboleedka ECOWAS. Aqoonyahanka reer Kiiniya, PLO Lumumba, ayaa dhawaan xusay: “Waa in aynu u dhug yeelanayaa sidii aynu u xaqiijin lahayn in aan dib loo sii ridin fursadda talada loogu wareejinayo xukuumad rayid ah, oo hoggaamiyayaasha inqilaabku aanay isu rogin hoggaamiyayaal rayid ah.” 

Taliska ciidanka ee Masar digniintaa Lumumba dheg jalaq u ma siin, ee si buuxda ayuu nidaamkaasi isu rayideeyay, oo Cabdifataax al-Siisi ayaa mar saddexaad loogu dhawaaqay in uu helay 89.6% codadkii la dhiibtay. Dabcan Siisi wuu jeclaan lahaa in laga siisto in uu yahay hoggaamiyaha ugu shacbiyadda badan dunida. Sidoo kale, dalka Komoroos, waxa mar afraad doorashada loogu dhawaaqay Azali Assoumani, oo qudhiisu janaraal hore ah, iyadoo dadka codbixinta u soo baxayba lagu qiyaasay in ay 16% ka yihiin tiradii guud ee codayn kari lahayd. 

Dhanka kale, dalal ay ka mid yihiin Gaambiya, Gini-Bisaw, Sao Tome & Principe, waxa inqilab dhicisoobay isku deyay saraakiil damac leh. Hasayeeshee, meesha ay militariyaynta siyaasaddu sida ugu xun u saamaysay Afriki waa dalka Soodaan oo uu Faki ku qeexay in uu noqday dal “uu haldoorkiisii diisdiisay, kidfay, si qoto dheerna u wareemay.” Maanta waddankaasi waa dalka leh barakacayaasha dunida ugu badan, iyadoo isla markaa aanay wax rejo ahi ka soo muuqan in nabad la helayo ama caddaalad loo helayo shacabka khaatiga ka istaagay Cabdifataax Burhaan ama ka ka daran ee Xamiidati.

Dalalka qaar oo aanu militarigu kaalin toos ah ka ciyaarin, waxa weli ka jira dibudhacyo ku yimi dimuqraadiyaddii. Tusaale ahaan, horraantii Febraayo, maxkamad Tuunis ku taal ayaa Raashid Qanuushi ku xukuntay saddex sannadood oo xabsi ah, madaxweyne Qays Saciidna wuxuu dadka ku diray muhaajiriinta Afrikada kale ka soo jeedda oo uu si cunsuriyadeed uga hadlay, isla markaana wuxuu isu caleemasaaray kelitaliye rayid ah. “Daruuro sumaysan ayaa Tuunis ku habsaday,” ayay tidhi Sihaam bin Sedriin, oo ah saxafiyad u doodda xuquuqda insaanka oo Tuunisiyaan ah. Dhinaca kale, madaxweynaha Sinigaal ee tiisii laga yeeli waayay, Macky Sall, waxa loo tuhmay in muddaxileeddiisa kordhisanayo oo uu sidaas oo kale la damacsan yahay Sinigaal oo ah waddan uu mudane Faki, isaga oo minbarka Midawga Afrika saaran, ku majeertay in uu yahay “dal tusaale loogu soo qaadan karo dimuqraadiyadda. Tallaabadaa Sall waxa laashay maxkamadda dastuuriga ah ee dalkaas. Saddex qof ayaa ku dhintay bannaanbaxyo toddobaadyo gilgilay dalka.

Waxa sidoo kale taagan ismaandhaafka ka dhex oogan Muqdisho iyo Addis Ababa, ee ka kacay is’afgaradkii ay Itoobbiya iyo Somaliland wada saxeexdeen curashadii sannadka 2024, arrintaas oo siyaasaddii mandiqadda khalkhalisay, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuudna toos uga horgeysay ra’iisalwasaare Abiy Axmed. Dabcan waa la sii arki karayay in go’aankii uu Xasan Sheekh ku qaatay in uu Addis tago oo shirka ka qaybgalaa uu kolleyba buuq kicin karo, laakiin eedaynta dhanka Soomaaliya ka timi ee ah in ciidanka Itoobbiyi uu madaxweyne Xasan ka hor istaagay in uu galo xarunta Midawga Afriki waxay muujinaysaa sida arrintu u qadhaadhaatay ee xidhiidhkii labada waddan ee deriska ahi uu u sii xumaaday. Maamulka Muqdisho wuxuu maanta ku gooddiyaa in uu la halgamayo waddan tobankii sannadood ee ugu danbeeyayba dhulkiisa u joogay sidii uu uga difaaci lahaa al-Shabaab.

Khilaafyadu meelo badan ayay sidoo kale ka oogan yihiin. Tusaale ahaan, waxa wadnaha farta lagu hayaa Liibiya oo looga baqayo in dagaalkii yar hakaday uu dib u qarxo. Sidoo kale, in kasta oo madaxweynayaasha Koongo iyo Ruwaandi ay isku arkeen shir-doceed uu ka shaqeeyay madaxweynaha Angoola, haddana jabhadda M23 ee ay Ruwaandi taageertaa waxay maanta ka dagaallamayaa meel u dhow degaanka Sake, oo 20 kiilomitir uun ka durugsan caasimadda gobolka North Kivu ee Goma. Kamaruunna waxa dhawaanahan ku soo badanayay weerarrada ku baahaya gobollada waqooyi ee Ingiriisiga lagaga hadlo. 

Waxaas oo dhami iyadoo ay jiraan, ayuu senatarka reer Maraykan ee John Fetterman la dahaa isla soo taagay weedh cunsuriyadeed oo uu leeyahay Afrikaanku “waa in ay ku mashquulaan walaaca bini’aadamnimo ee haysta qaaraddooda,” isaga oo u jeeda Koonfur Afriki in ay ku khaldanayd in ay xaqsoor iyo islaxisaabtan la raadiso reer Falasdiin oo ka durugsan. Dabcan waa hadal meel waayay. Hadduu taa keenana, waxa meesha taalla isla su’aashii uu afhayeenka Xuutiyiintu ku sheegay waraysigii uu BBC Carabi siiyay ee ahayd, “Oo markaa, Biden ma jaarka Netanyaahu baa?” Sida dhabta ah, madax badan oo Afrikaan ahi waxay leeyihiin khibrad run ah oo ku aaddan xallinta khilaafyada. Yaad u malaynaysaa in uu Koonfur Afrika kaga habboon yahay soo’afjarinta taliska isirtakoorka ah ee Israa’iil?

Faki se daacad buu ka ahaa, dhiillada taaganna wuu sheegayay. Iyadoo ay run tahay in Afrika damiirkeedu uu mooqif xalaal ah ka qaato qaddiyadaha dunida, oo ta Falasdiin ay ka mid tahay—kolka la barbardhigo hoggaanka quwadda Maraykanka—haddana in madaxdeennu ka gaabisay furdaaminta arrimaha gudaheenna ka taagani waxay wiiqaysaa awoodda ay u yeelan kari lahaayeen in ay ku qaabeeyaan sida ay uga jawaabayaan caqabadaha caalamiga ah ee qaaradda ka baxsan – sida weyn ee RW Shatiyyah uu u soo dhaweeyay mooqifka Midawga Afrikina waxay muujinaysaa in dunidu maanta codkeenna aad ugu jeellan tahay.

Faki wuxuu khudbaddiisa ku soo xidhay weedh uu ka soo xigtay Julius Nyerere, oo ahaa hoggaamiye Afrikaan oo weyn dalkiisa Tansaaniyana madaxweyne ka soo noqday, iminkana wajahadda xarunta Midawga Afrika looga taagay taallo lagu muunaynayo: “Qoomiyadnimada Afriki way micnabeelaysaa, oo halis badnaanaysaa haddii aanay isla markaa ahayn mid midnimada Afrika ka shaqaynaysa.” Waxa inagu wanaagsan in aynu dhaxalkii Nyerere gude iyo debadba ku weynaynno, waa haddii dareenkaa midnimada Afrika daarran aynu la rabno in uu jiilka danbe u midhadhalo, Afrikina ay noqoto – sidii uu Yaasir Carafaad ku tilmaansaday – “astaantii aayaha.”

 

Qoraallada kale ee qoraaga