Friday 22 November 2024
Toddobaadkan waxa la xusayey 64-guruadii ka soo wareegtay maalintii ay Soomaalilaan xorriyadda ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska—Juun 26, 1960; halka Soomaaliyada Koonfureedna ay Talyaaniga ka xorawday kowdii Julaay ee isla sanandkaa, oo ay soo gebagebaysantay muddadii wasaayada Talyaaniga ee gumaystihii hore uu talada awoodsiinta caalamiga ah ku sii hayey.
Xuskani wuxuu fursad u noqon karaa in lagu laabto bal mawduuca xasaasiga ah ee xidhiidhka u dhexeeya dawladda federaalka iyo Soomaalilaan, marba haddii tooda danbe ay xorriyadda iyo aqoonsiga shan maalmood kaga horraysay ta hore dabadeed ay si iskeed ah ula midawday kowdii Julaay. Israacaasi wuxuu jiray ilaa sannadkii 1991, markaas oo Soomaalilaan ay ka laabatay, iskuna qeexday jamhuuriyad madax bannaan, in kasta oo ilaa hadda aqoonsi caalami ah aanay helin.
Dawladdii midawgu waxay duntay 31 sannadood oo ay taagnayd ka dib, masiirka labadii dhinacna wuu kala leexday. Soomaaliyada Koonfureed waxa liqay qalalaase iyo dagaal sokeeye, oo gaadhay heer ay dagaaloogayaashu caasimadda ka taliyaan, dalka intiisa kalana ay wadaagaan maleeshiyo qabiileed iyo koox diineedyo, taas oo horseedday soo’ifbixii Midawgii Maxkamadaha iyo ka dib ka-takhallusiddii dagaaloogayaasha. Maxkamaduhu waxay keeneen waxoogaa nadaam guud ah, xasillooni ayayna xaqiijiyeen ilaa iyagana laga saaray meesha 2006, kolkii ay ciidammada Itoobbiya oo dawladdii kumeelgaadhka ahayd ee 2004 dhisantay taageerayaa ay dalka soo galeen. Xukuumaddaa kumeelgaadhka ah ee federaalka ayuu caalamku u aqoonsaday in ay Soomaaliya metesho, kolkii danbana waxa beddelay Dawladda Federaalka ah oo lagu asaasay Dastuurka Kumeelgaadhka ah ee 2012.
Soomaalilaan se dhabbe kale ayay qaadday. Shirweynihii Burco ayay sannadkii 1991 kaga dhawaaqday in ay madaxbannaanideedii la soo laabatay, ka dibna waxa xigay Shirkii Boorama ee 1993 oo lagu bilaabay asaaska dawlad-dhiska iyo kala-saarista awoodaha saddexda ah, iyo in xilka si nabadeed la isugu wareejiyo iyada oo la raacayo nadaam siyaasadeed. Waxay ku dhisantay dhaqankii qabiiliga ah iyo qiyamkii dimuqraaddiga ahaa oo la isku dhafay, kaas oo tan iyo 1991 ay dunidu marar badan bogaadisay. Waxa xusid mudan in muddadaa ay Soomaalilaan goonida u baxday ay marayso 33 sannadood, halka cimrigii midawgu uu ahaa 31 sannadood.
Iyada oo 64 sannadood laga joogo xorriyaddii labada dhinac, xidhiidhka Muqdisho iyo Hargeysi wuxuu marayaa meeshii ugu xumayd ee ugu mugdiga badnayd, waxana uga sii daray kolkii Soomaalilaan ay is’afgarad la saxeexatay Itoobbiya horraantii sannadkan 2024, kaas oo lagu sheegay in uu dhigayo in Itoobbiyi xaq u yeelanayso in ay saldhig ciidammada badda ah ku yeelato Soomaalilaan lagana kireeyo muddo konton sannadood ah, sidoo kalana ay marin-biyoodka adeegsan karto, halka Soomaalilaanna ay dhankeeda helayso aqoonsi iyo saami ay ku yeelato shirkadaha dayuuradaha ama isgaadhsiinta ee Itoobbiya.
Is'afgaradkan laga ma saari karo waaqican guud ee uu ku dhex akhrismayo, oo ah in Soomaalilaan ay aqoonsi la’ayd 33 sannadood iyadoo misana buuxisay shuruudaha asaasiga u ah qarannimada sida dhulka, dadweynaha iyo suldo ay u madax bannaan tahay. Sidaas oo ay tahay, qaddiyadda Sool iyo Sanaag ayaa xagaldaacinaya dabuubtan ku saabsan madaxbannaanida, waayo dadkan degaannadani waxay midnimada Soomaalilaan ku diidaan isla sababtii ay Soomaalilaan ku diidday midawgii Soomaaliyada Koonfureed, arrinkooduna waa meelaha ugu waaweyn ee ay Muqdisho isku maandhaafsan yihiin.
Kulankii u danbeeyay ee madaxweynayaasha Soomaalilaan iyo Soomaaliya wuxuu ka dhacay Jabbuuti oo uu ku martigeliyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, labo maalmood uun ka hor intii aan la saxeexin is’afgaradka. Kulankaas waxay Muuse Biixi iyo Xasan Sheekh iskula qaateen qodobbo door ah, oo ay ka mid tahay in dib loo bilaabo wadahadallada, iyada oo xoogga la saarayo qodobbada u baahan in xal waara laga gadho, iyada oo la jeexanayo khariirad higsigaa lagu xaqiijiyo, isla markaana waxay magacaabeen guddiyo farsamo oo hawlaha fududeeya, sida in la hirgeliyo heshiisyadii hore, lana saxo gefafkii ay dawladdii lagu midaysnaa u geysatay gobolladii waqooyi ee waddanka, dhanka kalana la iska kaashado dhinacyada amniga iyo la-dagaallanka denbiyada si wax loogu darsado nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Kulankaas wax badan laga ma filanaynin, maaddaama ay ka horreeyeen tiraba sagaal shir oo magaalooyin kala duwan ka qabsoomay oo aanay waxba ka soo naasacaddaan. Khilaafka salkiisa ayaa ku arooraya in dadka iyo dawladda Soomaalilaan ay ku adkaysanayaan madaxbannaani, halka dadka iyo dawladda Soomaaliya ay ku adkaysanayaan midnimo. Qolyaha hore waxay qabaan in go’aankii israacu uu ahaa mid aanay gaadhin madaxdii gobannimaddoonku, sidaa awgeedna madaxda degaankani ay xaq u leeyihiin in ay ka laabtaan, gaar ahaan marba haddii dawladdii lagu midoobay ay fashishay 33 sannadood ka hor.
Marka lagu xisaabtamo tobankaa wareeg ee wadahallada ah, waxa cad in Muqdisho aanay Hargeysa u haynin wax u dammaanadqaadaya nooca midnimo ee ay la rabto. Kulannadaas, oo Istaanbuul ka soo bilawday 2013, waxay waajibiyeen in la asaaso guddi maamusha hawada labada dhinac oo xaruntoodu noqoto Hargeysa, xubnahooduna ka kooban yihiin afar qof oo labada dhinac uu midiba labo ruux soo dirsanayo, 11 sannadood ka dibna, weli waxba ka ma ay hirgelin. Waxa dhici karta haddii guddigan la asaasi lahaa in loo arki lahaa in Muqdisho ay ka go’an tahay nooc midnimo oo cusub, taas oo Soomaalilaan siinaysa martabadda dhinac u dhigma ee aan raciyad u ahayn.
Maamulka Muqdisho yoolkiisa ku aaddan aayaha Soomaalilaan wuxuu ku caddeeyay dastuurka kumeelgaadhka ah ee 2012, oo aan qadiyaddan sooba hadalqaadayn, laakiin si dadban u xusaya in dhulkani uu soohdimaha dawladda ka mid yahay. Taa beddelkeeda, dastuurku wuxuu dhabbaha u sii haadhay hab lagu kala furfurayo Soomaalilaan, isaga oo waajibiyay xaqa ay labo dawlad-goboleed ku iman karaan – taas oo ku salaysan sidii goballadu u kala qaybsanaayeen 1991 ka hor ama ilaa laga samaynayay dawladda federaalka ah. Dastuurka qaabkiisan cusub – oo wax-ka-beddelkiisa aanay Soomaalilaan qayb ka ahayn – teed hor yaalla ayuu ku noqonayaa wadahadal danbe oo labada dhan dhex mara.
Waxa sidaas oo kale ah dastuurka Soomaalilaan, oo sida wax looga beddelaa ay adag tahay. Dawlad-goboleedyada federaalku ma aqbali doonaan xaalad Soomaalilaan siinaysa awood ka badan kuwooda. Sidaa aawadeed, soojeedimaha ay ka mid yihiin in la qaato nadaamka “konfederaalka” oo labada dhinac dhex maraa ma aha wax waaqici ah, maaddaama ay albaabbada u furi karta in maamullo Buntilaan iyo Jubbalaan ay ka mid yihiin ay madaxbannaani taa u dhiganta ku dacwiyaan, oo lagu daray madmadowga ku hadhaysan eraybxiintan oo ay tahay in Muqdisho horta aqoonsato madaxbannaanida Soomaalilaan ka dibna nadaamkaas la isla qaato.
Intaa waxa dheer, dadweynaha Soomaalilaan sharci ahaan, taariikh ahaan iyo bini’aadamtani ahaan ayay ku saleeyeen xujadooda diidista dib-u-midoobidda, waxana ka mid ah in la hagraday oo awoodda denbiyo loogu geystay xilligii midka la ahaa. Nadaamka siyaasadeed ee labada dhinac waxa ka muuqda sida aanay Muqdishi u tahli karin in ay u hurto wax dan ah oo Hargeysa ku qancin kara in ay midawgii ku soo laabato. Nadaamka qabiilka ee 4.5 loo baxshay ayaa Koonfurta laga qaatay – dastuurka wax baa laga beddelay sannadkan 2024, laakiin ma uu dhaqangelin – nadaamkaas oo Soomaalilaan kuraas cayiman uga qoondaynaya barlamaanka federaalka, labadiisa aqalba, si la mid ah sida dawlad-goboleedyada kalaba loola macaamilo. Soomaalilaanna waxay qaadatay nadaam doorasho oo dadku ay codkooda dhiibtaan soona socdey tan iyo 2002, taas oo ah arrin aanay Muqdisho weli gaadhin.
Kolka intaa kore lagu xisaabtamo, waxa maangalka ahi waa in Soomaalilaan loo aqoonsado madaxbannaanideeda, maxaa yeelay ma jiro isdhexgal maaliyadeed ama haayadeed oo labada dhinac ka dhexeeyaa, kaas oo u baahan in waqti kalaguur ah la qaato si loogu maaro helo, gaar ahaan kolkii Soomaaliya laga cafiyay badi deymaha, iyo sidoo kale in Soomaalilaan ay muddo dheer ka talinaysay dhulka ay sheegato. Mana jiraan caqabado hor gudban ictiraafkeeda marka laga yimaaddo qadiyadda Sool iyo Sanaag.
Kolka la fiirsho is’afgaradka Itoobbiya, dalka Itoobbiya—marka heer siyaasadeed la joogo—“cadaw” looga ma arko Soomaaliyada Koonfureed, oo waxa jira dawlad-goboleedyo ay ka mid yihiin Buntilaan, Jubbalaan, iyo Koonfur Galbeed oo xidhiidha dag la leh. Waxa intaa dheer, sida uu Madaxweyne Xasan Sheekh sheegay, dawladdu ma diiddana in Itoobbiya ay badda gaadho ee waxay ka soo horgeeddaa habka “sharcidarrada” ah ee ay taas u marayso. Arrintani meesha ka ma saarayso in dadweynaha badankiisu uu Itoobbiya u arko cadaw taariikhi ah, gaar ahaan intii ka danbaysay faragelintii militari ee 2006.
Guud ahaan, xuska dabbaaldegga xorriyadda labada dhinac ee Soomaaliya iyo Soomaalilaan wuxuu furi karaa fursad dib loogu bilaabo wadahadallada si loogu maaro helo arrimaha waaweyn ee la isku hayo, iyada oo lamadhaafaanku yahay wixii dadku aayahooda ugu taliyaan. Dawladda Soomaaliya waxay u muuqataa in ay diyaar u tahay in ay raalli geliso Itoobbiya haddii ay ka laabato is’afgaradka. Ujeeddadaas darteed ayuu wasiiru khaarajigu uga oggolaaday dhiggiisa Itoobbiya kulan ku dhex mara Ankara isaga oo uu gogosha fidiyay wasiirka arrimaha debadda ee Turkiga. Shir dadban ayay horraanta bishan Julaay ku yeesheen Ankara, in kasta oo wax weyni aanay ka soo bixin oo mid kale loo ballamay bisha Sibteembar. Waxana loo aanayn karaa Muqdisho oo aanay rabin in ay aad u tanaasusho, iyo Turkiga oo aan doonayn in uu labada waddan midna waayo.
Gebagebadii, haddii xaaladdu sideedan sii ahaato, iyada oo aan doonista shacabka la eegin, waxay noqon doontaa qodob xiisad ka kiciya Geeska Afrika, sida caalamku isaga dhegatirayo dalabka dadweynuhuna dhiillo kale ayay ina gelin kartaa. Laga yaabee in ay labada dhinacba dani ugu jirto in ay xidhiidh laba-geesood ah yeeshaan, iyo iskaashi ku salaysan deriswanaag iyo haybwadaag dhaqameed, halkii lagu noqnoqon lahaa midnimadii fashilantay.