Thursday 21 November 2024
Diogenes (404 BC) wuxuu ahaa darbi-jiif Eebbe ku mannaystay sarbeeb iyo hadal maldahan oo aan hawraartiisa dhayal loo saafi karin, buuni la kaliyaystay garasho iyo kasfiiqni noolaa milay ay Giriigga dishoodeen khuraafaad iyo jaahawareer darani. Wuxuu noqday saahid u banbaxay rooxaamiyaad iyo riyaaq ka dhigay tuke baalcad. Wuxuu go'aansaday in uu buuqa, qacda iyo damta ka doorto inuu jalxad weyn gabbaad ka dhigto si uu ula kaliyayso xikmadda iyo kaska tirabbeelka ah ee uu foolanayo.
Wakhtiguu uu noolaa wuxuu ahaa shakhsi hadalhayntiisa aad u batatay maadaama laga mastaafuriyay degaanka Sinope. Aabbihiis wuxuu ahaa nin farsameeya lacagta qadaadiicda ah (mint-master), taasina waxay sababtay in jeeskii Diogenes la mastaafuriyo maadaama ay qadaadiicda khalkhal galiyeen. Waxa lagu muransan yahay in aabbihiis ay fikraddani ka timi iyo in Diogenes laftiiso ku lug lahaa. Kadib Diogenes markii uu ka tagay magaalada Sinope wuxuu u boqoolay magaalada Athens. Isla jeerkii uu tagayba wuxuu naqdin iyo cambaarayn dusha uga tuuray nidaamkii iyo hab-nololeedkii ay duulkaasi u dhaqmi jireen. Wuxuu xerow u noqday buunigii weynaa ee Antithenes oo isaga laftiisu ahaa ardaygii Soqraad (Socrates).
Waa isaga iyo waaqiise, ninkii Diogenes ahaa wuxuu faraha u galay addoonsi. Waxa loo qafaashay bidde ahaan, waxana uu ku dambeeyay magaalo la yidhaah Corinth. Halkaas waxa uu ka helay fursad uu afkaartiisii ku naaxnaaxiyo. Qoraalladiisii badankoodu wey lumeen aan ka ahayn lama’illoobaankii hadallo ka hadhay iyo kaftankiisii oo sarbeeb iyo maahmaahyo noqday. Dibadyaalnimadii iyo gooni-foofkiisii waxa ka dhashay in uu musallafo. Waxa uu gacmaha hoorsan jiray ciddii uu ku tuhmayo ladnaan. Wuxuu naqdinta aan lala gabban guntiga u galin jiray bulshadii markaas noolayd oo uu aad ugu sheegi jiray in ay qaldaannimo iyo habdhaqan gurracan ku dhaqmaan. Wuxuuna sheegtay inuu yahay mawaaddin aan xeerba qaban degaankiisuna yahay carro-edeg oo dhan. Wuxuu aad u citiqaadsanaa mabda’ii shakhsiyadda hiddaha ee Heracles, oo sheegaya in wanaagga iyo samaantu ayna ahayn af caaradii ee kaliya ee ay tahay in ficil loo qaado.
Wuxuu mararka qaar bannaanka keeni jiray sarbeebihiisi falkinta u baahnaa. Wuxuu qaadan jiray feynuus weyn iyadoo dharaar cadday lagu jiro. Marka la su'aalo: jaalle, waa maxay feynuuskan aad dharaarta sidataa? wuxuu ku warcelin jiray: Waxaan baadi goobayaa nin laabxaadhan maadaama aan dharaar caddaydaa la arkaynba eexoolayaasha iyo dadka ay caddaalad darradu dishootay. Xikmaddan oo qudha ayaa u baahan in dhiganayaal laga qoro. Waxaa igu soo dhacday sheeko-faneeddii qoraa Nuuradiin Faarax ee ciwaankeedu ahaa Hiding in Plain Sight (qof ku dhuumanaya meel daahir yaa shamis ah). Sidoo kale waxa jiray buug uu nin Hangariyaan ahi qoray oo la yidhaah Darkness at Noon—mugdiga duhurka cad.
Aan ku soo noqdo sheekad e, malahayga, Diogenes feynuuskiisa wuxuu u sitay wajiyada tuugta iyo exoolayaasha ayaa cadceeddiiba indho-beel ka dhigay kadib inta fayow ee laabta xaadhan ayuu baadi goobayay!
Waxa la sheegay in uu xataa dhulka la gooyay boqorkii qooqa badnaa ee Alexander the Great ( Alegsandarkii Weynaa). Alegsandar wuxuu ku tookhi jiray in u dunidoo dhan ka hor kaajo ciddii qabkiisa u soo dhawaatana uu booraan ku ridi doono. Haddii isdiiddooyinka shaqsi laga dhigi lahaa waxay noqon lahaayeen Alegsandar iyo Diogenes, waa iyaga iyo ku awtaaddoode! Ninkii Alegsandar ahaa ayaa waxa dhega barjeeyay sarbeebaha Diogenes, ka dib Diogenes ayaa loo sheegay in Alegsandar haddii aanu Alegsandar ahaan lahayn uu noqon lahaa Diogenes. Arrinkaas markii uu maqlay Diogenes waxa la weydiiyay haddii Diogenes cid kale lage dhigi lahaa yuu noqon lahaa? Wuxuu ku jawaabay: jaallayaal, Diogenes Diogenes uun buu ahaan lahaa. Halkii laga filayay inuu sidii Alegsandar markiisa isna yidhaah waxaan noqon lahaa Alexander the Great.
Odhaahdii caan baxday ee Diogenes ku duray dadka ladanna waatii ahayd, “In a rich man's house, there is no place to spit but his face” (Guriga qof ladan meesha keliya ee aad candhuuf ku tufi kartaa waa wejiga qofkaas!) Xikmaddaasi waxay sheegaysaa tasarrufka iyo ka badbadinta qurxinta guryaha ee meel aad ruuxiyan ku nafisto aanad ka helayn, ujeeddadiii loo dhisay guriguna ay ahayd in qofku ku nasto, sidaa awgeed maanlaawaha arinkaas sameeyay ee ka badbadiyay ayaa u qalma in candhuuft isaga foolka laga saaro! Diogenes oo lagu naanaysi jiray “eyga” oo isaga laftiisu aqbalay in loogu yeedho in uu ey ku magacaabnaado dan buu ka lahaa maadaama uu odhaah ku yidhi:
“Dogs and philosophers do the greatest good and get the fewest rewards.” (Eyda iyo faylasuufyaduba waxay sameeyaan samaha ugu weyn, haddana lakiin waxba lagu ma jaa'iso siiyo). Arrinkaas haddii la falkiyo waxay noqonaysaa sida uu Siogenes horay u sheegay in uu ey yahay uuna ku ciyo maanlaawaha, dugsina ka helo dadka laabta xaadhan. Faylasuufku wuxuu oddorosaa beyhoofka iyo balaayada ku soo fool leh duulka uu ka dhashay. Nasiib darro se wuu ku dhibban yahay oo faylasuufka waxaa loo arkaa caasi waaq-xoor ah oo dhaqanka lidku ah, eygana waxa la yidhaa wuxuu ku qanjo waayay sidii uu ugu ciyayay cadaw jeeska carbistay uu yurta ka hayo habeenkii oo dhan markuu waagu beryana wuxuun buu arkaa isagoo eyga nijaasta leh lahayo. Waa filanwaa iyo lagu foodhi! Waxan maqlay maahmaah duug ah oo tidhaah “Dibiga Doolood sida uu wax u maqlo uma arko,” oo looga jeedo dibigu marka beri oo kale ceelka lo'da la gaynayo wuxuu u riyaaqaa ambabaxa iyo shaqarta loo sii diyaargaroobayo ceelka; marka uu ceelkii tago sida dibiga kolba saca caanaha leh looga horraysiinayo isagana geeska lagu dhufanayo ayuu biyawaa ku dhacaa marka uu darka soo joogsadana aakhirka lo'diiba fushay. Wuxuu ka fekeraa filashadii hore iyo waxa haddeer ku dhacay.
Diogenes wuxuu yidhi, “Haddii ruux taajir ahi qado doono keliya waxaa ka xigta inuu niyadda ku qabto, halka miskiinkuna uu ka fekero inuu awood u leeyahay in uu helo.”
Malahayga, haddii Diogenes Soomaali laga dhex dooni lahaa xagga xikmad badnida iyo jeesjeeska, wuxuu ahaan lahaa ninkii Cabdi-Malaw la odhan jiray ee yidhi: “Wixii Ina Caalin cagagsaday, ayuu Cabdi-Malawna ka caymaday.” Tolow Cabdi-Malaw ma la weydiiyay waxaas uu ka cararay? Kollay waa isdiiddooyin bulshada kaga yimid sidii Diogenes.