Friday 8 November 2024
Qoraalka waxa Af Carabi ku diyaariyay saxafiga reer Masar ee Xaamid Fadxi, Bahda Geeska ayaana Af Soomaali u soo turjuntay.
Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Soomaaliya ayaa Diseenbar 09, 2023 soo gebagebeeyay dib-u-eegista afarta cutub ee ugu horreeya Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, afar bilood ka dib kolkii uu Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka ee Barlamaanku xilkaa u igmay. Guddigan madaxa bannaani wuxuu natiijada hawshii uu qabtay la wadaagay guddiga Barlamaanka taabacsan, oo isaguna talo iskula noqday, si loo gaadho marxaladda tan ku xigta oo ah in labada aqal ee Barlamaanka oo wada jira la horgeeyo cutubyada dib-u-eegista lagu sameeyay, ama laga yaabee in taladu noqoto in lala sugo inta hawsha dib-u-eegista guud ee dastuurku soo idlaanayso si markaa isaga oo isku dhan Barlamaanka loo horgeeyo.
Afarta Cutub ee u Horreeya
Sida ku cad Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ee la isla qaatay 1/8/2018, afarta cutub ee dib loo eegay waxay u soo kala horreeyaan sidan: Cutubka kowaad oo cinwaankiisu yahay “Baaqa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” oo ka kooban mabda’yada asaasiga ah ee dawladda sida afka, diinta, calanka, dhulka, gobannimada iyo shacabka. Cutubka labaad waa “Xuquuqda Asaasiga ah iyo Waajibaadka Muwaaddinka” oo ka kooban xuquuqda, xorriyadaha iyo waajibaadka. Cutubka saddexaad waa “Dhulka, Hantida iyo Degaanka” oo ka kooban dhulka, khayraadka dabiiciga ah iyo degaanka. Cutubka afraadna waa “Metelaadda Shacabka” oo ka kooban mabda’yada guud ee metelaadda shacabka, awoodda shacabka, doorashooyinka, nidaamka doorashooyinka iyo xisbiyada.
Cutubyadan wax-ka-beddelkii lagu sameeyay weli la ma faafin, balse waxyaabaha ugu muhiimsan ee uu Guddiga Madaxa Bannaani faafiyay waa tilmaan ku aaddan in cutubka afraad ee wax laga beddelay uu ka kooban yahay 14 qodob oo cusub, oo sida uu u dhigan yahay lagu saleeyay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka kulankiisii Meey 2023. Kulankii lixaad ee Golaha Wadatashiga uu isugu yimi tan iyo intii uu xilka qabtay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud bishii Meey 2022, waxa ka soo baxday sidii looga gudbi lahaa nidaamka 4.5, in la qabto doorashooyin qof iyo cod ah wixii loo gaadho sannadda soo aaddan [2024] oo daarran doorashooyinka degaanka iyo gobollada, in loo gudbo nidaamka madaxweynannimada oo dhammaystiran, iyo in la mideeyo jedwalka lagu qabanayo doorashooyinka gobollada. Waxa heshiiska ku soo baxay, “si la isula jaanqaadsiiyo doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa dalku ku dhismi doonaa nidaamka madaxweynaha iyo madaxweyna-kuxigeenka. Madaxweynaha iyo madaxweyna-kuxigeenka isku mar baa la dooranayaa, waxana lagu salaynayaa nidaamka xisbiyada badan.” Hasayeeshee madmadow baa ku jira waxa loola jeedo mabda’a “xisbiyada badan” ee heshiisku tibaaxay; Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in la asaasi doono labo xisbi oo keli ah, isaga oo aan faahfaahinin in Dastuurku jaangoyn doono tirada xisbiyada oo uu labo keli ah ku soo koobi doono, iyo in ay jiri doonaan xisbiyo badan oo furan.
Golaha Wadatashiga Qaranku wuxuu ka kooban yahay: Madaxweynaha, Ra’iisalwasaaraha, Madaxda Dawlad-goboleedyada shanta ah, iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho. Waxa aan shirka iman Madaxweynaha Dawlad-goboleedda Puntland oo caddaystay in aanu heshiiska waafaqsanayn, isla markaana ku dhawaaqay in uu xidhiidhka u jaray xukuumadda federaalka isaga oo tixraacay heshiiskan iyo arrimo kale oo ay isku maandhaafeen. Laakiin mucaaradadda madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni meesha waxay ka bixi kartaa haddii uu waayo doorashada Puntland looga ballansan yahay horraanta 2024 oo ay isku wajihi doonaan musharrixiin adadag, ka dib kolkii ay ka soo gudbeen xaalad murugsan oo ay dawlad-goboleeddu soo martay. Waxa jirta isdiiddo kale oo ka dhex oogan saaxadda siyaasadeed ee la xidhiidha doorashada Puntland: Kolkii uu madaxweynaha dawlad-goboleeddu soo jeediyay in loo guuro nidaamka codka tooska ah (qof iyo cod) ee doorashooyinka madaxtooyada iyo barlamaanka, taas oo sannad u kordhinaysa muddaxileeddiisa iyo ta barlamaankaba, mucaaradku wuu ku gacansaydhay arrintaa wuxuuna dalbaday in lagu noqdo nidaam-doorasheedkii qabaliga ahaa. Qodobka xiisaha lihi waa in mucaaradkani uu taageersan yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Xasan Sheekh, oo maanta soo jeedinaya wax uu ka diiday madaxweynihii ka horreeyay ee Farmaajo oo ah in loo guuro nidaamka codbixinta tooska ah.
Qodobbada 132, 133, 135, iyo 136 ee Dastuurku waxay xaddidayaan wax-ka-beddelka iyo qodobbada kamaddanbaysta ah ee dastuurka. Wax-ka-beddel kasta oo dastuurka lagu samaynayaa waa in uu soo maro guddiyada dib-u-eegista dastuurka ee labada aqal ee Barlamaanka (Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare), si loogu helo oggolaanshaha Barlamaanka, ka dibna waxa loo gudbinayaa afti dadweyne. Balse hawshaa waxa hor yaalla caqabado badan, oo xataa haddii guddiga barlamaaniga ah ee dib-u-eegista dastuurka iyo guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurku ay isku waafaqaan afarta cutub ee u horreeya, arrimaha waaweyn ee la isku maandhaafsan yahay waxay yaallaan qodobbada soo socda.
Arrimaha ugu Waaweyn ee la isku Maandhaafsan yahay
Cilmibaadhayaasha Cali Sheekh Yuusuf[1] iyo Cabdiraxmaan Ciise[2] ayaa wax ka qoray muhiimadda uu leeyahay dhammaystirka dastuurku “marka loo fiirsado khilaafyada siyaasadeed ee soo noqnoqda ee u dhexeeya dawladda dhexe iyo dawladaha xubnaha ka ah federaalka; iyo dhanka kale ismaandhaafka dhex mara madaxweynaha iyo ra’iisalwasaaraha, in aanay jirin haayad garsoor oo lagu xalliyo laguna soo afjaro khilaafyadan, qaabbilsanna fasiraadda qodobbada dastuurka. Sidoo kale, dhammaystirka dastuurka kumeelgaarka ah laftiisa ayaa xad u yeeli kara khilaafyada soo noqnoqda ee ku aroora doorashooyinka federaalka, iyo abuuridda Golaha Adeegga Garsoorka, iyo sidoo kale maamuldaadejinta awoodda ee dawlad-goboleedyada iyo xukuumadda federaalka.”[3]
Waxa jira saddex haayadood oo dawladeed oo marka kuwa kale loo eego iyagu aad ula sii xidhiidha dib-u-eegista dastuurka: Wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka, Guddiga Barlamaanka ee Dib-u-eegista Dastuurka, iyo Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka. Ismaandhaaf baa hadheeyay saddexdan haayadood oo ku aaddan dib-u-eegista iyo qabyatirka Dastuurka, ilaa ay ka gaadheen heshiis qoran oo isfahan oo qolo kasta masuuliyadaheeda u xaddidaya. Guddiga Madaxa Bannaan wuxuu la wareegay xilka ah in uu naqtiimo qoraalka dastuurka oo uu saxo khaladdada farsamo iyo qotadheerida luuqadeed, isaga oo uu kormeerayo Guddiga Barlamaaniga ahi, halka Wasaaradduna ay ku fooftay in ay soo jeediso qodobbada lamadhaafaanka u ah wadaxaajoodka siyaasadeed ee go’aamiyayaasha siyaasadda, heer federaal iyo heer dawlad-goboleedba. Labada guddiba way ka soo baxeen hawlahoodii, oo afartii cutub ee u horreeyay dib bay u eegeen, halka Wasaaradda Caddaaladdu aanay weli furin doodda ku aaddan siyaabaha dawladda federaalka iyo kuwa xubnaha ka ah la isugu soo dhawayn lahaa ee qodobbada ay isku khilaafsan yihiin ay uga wada heshiin lahaayeen;[4] iskaba dhaaf taas oo, xataa heshiiska keli ah ee la xidhiidha nidaamka siyaasadeed ee la qaadanayo—oo ah obocda dastuurka—waxa soo jeediyay Golaha Wadatashiga Qaranka.
Arrimaha ugu waaweyn ee u baahan in heshiis siyaasadeed[5] laga gaadhaa waxay u qaybsamayaan dallado guud oo ay hoos imanayaan qodobbo farac ahi. Waxa ugu horreeya waaxda fulinta oo ay ka sii farcamayaan: maamuldaadejinta heer federaal iyo heer dawlad-goboleed; dabciga nidaamka siyaasadeed ee madaxweynannimada u dhow oo loo beddelayo nidaam madaxweynannimo oo u eg kan Maraykanka sida uu dhigayo is’afgaradka Golaha Wadatashiga Qaranku; xasillinta meeqaamka caasimadda; iyo sida khayraadka loo qaybsanayo. Waxa ta labaad ah waaxda garsoorka oo ay ka farcamayaan: dhismaha nidaamka garsoorka ee heer federaal iyo heer dawlad-goboleedba; asaasidda Golaha Adeegga Garsoorka; iyo in heshiisyada dawlad-goboleedyada la waafajiyo Dastuurka Federaalka. Waxa saddex ah waaxda sharcidejinta oo ay ka farcamayaan: awoodaha u gaarka ah labada aqal ee barlamaanka federaalka iyo barlamaannada dawladaha federaalka xubnaha ka ah, iyo arrimaha sidaas oo kale muhiimka u ah ee soo raaca.
Arrimaha ugu doorka roon ee hor yaalla dib-u-eegista dastuurka waxa ka mid ah sida awoodaha xukunka ay u kala yeelanayaan dawladda federaalka iyo dawlad-goboleedyadu. Sida uu dhigayo qodobka 54 ee Dastuurku, “Awood-qaybsiga siyaasadeed iyo dhaqaale waxa ka wada xaajoon doona Xukuumadda Federaalka iyo Dawladaha ka mid noqonaya Dawladda Federaalka, marka laga reebo: A) Arrimaha Debadda; B) Difaaca Qaranka; C) Jinsiyadda iyo Socdaalka; iyo D) Siyaasadda Lacagta, oo ay awooddeeda iyo masuuliyaddeeda yeelanayso Xukuumadda Federaalku.”
Lataliye sharci oo ka shaqeeya Wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka, oo doorbiday in aan magaciisa la carrabaabin, ayaa tibaaxay in si loo dhammaystiro dastuurka kumeelgaarka ah oo loo helo dastuur rasmi ah ay daruuri tahay in la isku waafaqo qodobbada u baahan in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay ka heshiiyaan. Wuxuu Geeska u tilmaamay in si heshiis looga gaadho qodobbada qabyada ah, loo baahan yahay geeddisocod dheer oo isku xidhan.
Caqabadaha Jira
Lataliyaha sharciga ee Wasaaradda Caddaaladdu wuxuu intaa ku daray in ay jiraan caqabado hor yaalla dhammaystirka dib-u-eegista dastuurka, oo ay ka mid tahay: in aanu jirin rabitaan siyaasadeed oo ku aaddan dhammaystirka dastuurka, oo siyaasiyiintiiba ay ku shuqlan yihiin loollanno iyo muranno gudahooda ah; iyo in ay hoosayso wadashaqaynta labada aqal ee Barlamaanka Federaalka, oo awoodahooda iyo doorarkoodu ay mararka qaar isku qasan yihiin, taasina ay abuurtay loollan dhexdooda ah iyo in ay farta isku fiiqfiiqaan. Wuxuu intaa raacinayaa in caqabadaha ay ka mid tahay in aanay jirin waajibaad ku filan oo loo kala asteeyay guddiyada khuseeya arrinta dib-u-eegista, iyo xaaladdii amniga oo marba xumaanaysa taas oo horseedday in mudnaan yar ama aan jirinba ay madaxda siyaasaddu siiso qadiyadda dib-u-eegista dastuurka; iyo midaysnaan-la’aanta jedwalka doorashooyinka dawlad-goboleedyada iyo golayaashooda sharcidejinta oo keentay in dawlad-goboleedyadu sannadka oo dhan ay isku mashquuliyaan hawlahaas.
Maxamed Axmed Jaamac oo ah cilmibaadhe sharci oo Soomaaliyeed, ayaa isaguna qaba in shacabku rabaan in ay aadaan doorasho guud oo ay codkooda dhiibtaan, balse badankoodu ay diiddan yihiin talada Madaxweyne Xasan Sheekh ee ah in meesha laga saaro jagada ra’iisalwaraasaha oo loo guuro nidaam mdaxweynannimo oo buuxa. Maxamed Axmed wuxuu ka digayaa in geeddigaa loogu guurayo nidaam madaxweynannimo oo buuxaa uu sababi karo qalaanqal iyo qalalaase siyaasadeed, maxaa yeelay wax-ka-beddelka noocaas ahi wuuxun buu u adeegayaa danta madaxweynaha markaa jooga, kolka aynu ku xisaabtanno in awooddu ay u qaybsan tahay reeraha Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.
Si geed-ka-go’an ah looga ma hadli karo kaalinta reeraha, oo xataa xildhibaannada Barlamaanka ee laga filanayay in ay ka turjumaan danta reerka, sida uu dhigayo nidaamka 4.5, ka ma shaqeeyaan dan reer, ka dib kolkii doorashooyinkii Wakiillada ee qabsoomay 2021-2022 lagu arkay faragelin aan hore loo arag oo ay madaxda dawlad-goboleedyadu ku sameeyeen guddiyada doorashooyinka ee heer dawlad-goboleed ee qaabbilsan ansixinta musharrixiinta u tartamaya kursiyada Barlamaanka iyo waxa ay guddoomiyaan ergooyinka reeraha ee xildhibaannada soo xulaya. Buunbuunin ma aha haddii la dhaho lacagaha cido shisheeye ay siyaasadda gelinayeen ayaa kaalinta ugu weyn ka qaatay doorashooyinkii Xildhibaannada, kolka lagu fiiriyo xayndaabka loollankii madaxweynannimo ee dhex marayay Madaxweynihii hore, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, iyo musharrixiintii kale. Waxa xusid mudan in Xasan Sheekh uu wareeggii saddexaad ku soo baxay 214 cod, Farmaajana uu helay 110, taas oo ku timi isbahaysi ballaadhan oo lagu taageerayay Xasan Sheekh oo ay isku xulafaysteen rag ay maanta fiintu kala dhex mirayso oo uu ugu horreeyo Siciid Deni.
Tani waxay ka dhigan tahay in aanay wax sahlan ahayn in la helo saddex-meeloodow labo ka mid ah codadka labada aqal ee Barlamaanka Federaalka, oo codadkii u bahoobay in ay Farmaajo ridaan mar kale intay isu yimaaddaan ma meelmarinayaan wax-ka-beddellada dastuuriga ah ee uu la yimi Xasan Sheekh Maxamuud, kolka lagu eego waayaha ah in ay jirto mucaaradad kaga imanaysa shakhsiyaad miisaan siyaasadeed leh oo uu ka mid yahay Madaxweynihii hore, Shariif Sheekh Axmed. Kolka duruuftaa lagu dhex akhriyo, wuxuu masuul xukuumadda ka tirsani u sheegay Geeska in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka cadhaysan yahay gaabiska xukuumaddu ka muujisay in ay la macaamisho Barlamaanka Federaalka oo ay kala xaasho geeddisocodka dib-u-eegista dastuurka. Wuxuu masuulkaasi noo sheegay in ay suuragal tahay in iskushaandhayn lagu sameeyo Golaha Wasiirrada si looga takhalluso wasiirrada aan si guud u raacsanayn dhabbaha uu Madaxweynuhu jeexay, gaar ahaan arrimaha ku aroora dib-u-eegista dastuurka.
Aynu u gudubno tallaabada kamaddanbaysta ah ee meelmarinta dastuur rasmi ah, oo ah in dastuurka loo qabto afti dadweyne, taas oo ka mid ah xujooyinka ugu adadag ee ay bedka keenaan dadka ka soo horjeeda qabashada doorashooyin toos ah, oo iyaba waa isdiiddo e, ay ka mid ahaan jireen kuwo maanta dhanka kale u doodaya sida Madaxweyne Xasan Sheekh. Xujadani waxay leedahay: masalada ku saabsan afti dadweyne waxay u baahan tahay in horta tirakoob guud lagu sameeyo dadweynaha, sidoo kalana la sugo oo la dammaanadqaado amniga dhammaan muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee Jamhuuriyadda oo dhan deggan si ay ugu suuragasho in ay aftida ka qaybqaataan, kaas oo ah arrin aan hadda la dammaanadqaadi karin kolka lagu xisaabtamo khatarta amni ee ay leedahay kooxda argagaxisada ah ee al-Shabaab oo ka jirta degaanno badan oo fidsan koonfurta waddanka.
Intaa waxa dheer, qadiyadda ku saabsan Somaliland ayaa weli laalan. Waa mar e, maamulka gobolkaas ee 1991 iskii ugu dhawaaqay gooni-istaaggu ma aqbalayo in uu ka qaybqaato aftida dadweyne ee dastuurka Soomaaliya, oo uu u arko dal kale. Sidaa darteed, siyaasiyiinta ayay tahay in ay soo afjaraan qadiyaddan cakiran oo abuuri karta dhantaalnaan dastuuri ah, kolka lagu xisaabtamo in ay jiraan xildhibaanno Barlamaanka Federaalka ka tirsan oo ka soo jeeda Somaliland. Waa marka labaad e, waxa meesha yaalla arrin ku saabsan sida loo soo dooran doono xilbidhaannada Somaliland haddii la aado doorasho toos ah. Waana arrin xildhibaannadaa ku riixi karta in ay u eexaystaan oo ka fekeraan danahooda shakhsiga ah ee uu dammaanadqaadayo nidaamka 4.5, balse uu qadinayo nidaamka cusub ee miiska saarani.
[1] Cali Sheekh Aadan Yuusuf: Waa qoraa iyo cilmibaadhe Soomaaliyeed, oo shahaadada kowaad ku qaatay shareecada iyo qaanuunka, shahaadada labaadna ku qaatay qaanuunka guud. Wuxuu ku shaqeeyay garyaqaannimo iyo lataliye sharci oo ka tirsan Wasaaradda Caddaaladda ee Puntland. Iminka wuxuu garsoore ka yahay Maxkamadda Gobolka Benaadir.
[2] Cadbiraxmaan Ciise: Waa diblomaasi Soomaaliyeed, waana maareeyaha Xarunta Soomaaliyeed ee Cilmibaadhista iyo Deraasadaha Siyaasadeed.
[3] Warbixinta billaha ah ee Lr. 13 ee ka soo baxday Xarunta Soomaaliyeed ee Cilmibaadhista iyo Deraasadaha Siyaasadeed, bishii Juun 2022, ee cinwaankeedu ahaa “Soomaaliya: Dib-u-eegista Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Federaalka iyo Masiirka Arrimaha Dib loo Dhigay” (3-1).
[4] Isla tixraaca sare.
[5] Isla tixraaca sare.