Skip to main content

Friday 22 November 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Siyaasad

Soomaaliya: ma waxa jira heshiis dib loogu dhigayo doorashooyinka?

31 May, 2024
Image
Golaha Wadatashi Qaran
Xubno ka mid ah Golaha Wadatashi Qaran
Share

Xasan Sheekh iyo madaxda maamul goboleedyadu ma waxay heshiis qarsoodi ah ku galeen in ay doorashooyinka dib u dhigaan ilaa 2027?

Goormaa la qabanayaa doorashooyinka baarlamaannada iyo ta madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya? Waa weydiinta ka dhex guuxaysa maanka shacabka Soomaaliyeed, warcelinteeduna waxay ku xidhan tahay dhabbada uu qaado mashruuca wax ka beddelka dastuurka ee Xasan Sheekh wado. Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka, oo uu ka maqnaa madaxweynaha Buntalaanna arrintan qaraar kama uu soo saarin, iyadoo waliba la filayay in ay tahay qodobbada u waaweyn ee golaha horyaalla. Iyadoo sidaa ah haddana, waxa cad in shirka lagu soo qaaday arrintan doorashooyinka, taas oo ka dhigaysa aamusnaanta golaha mid laftiisu ah baaq cad, oo tilmaamaya heshiis hoose oo muddo kororsi ah, oo dhex maray madaxweynaha iyo madaxda maamul goboleedyada. Weydiintuna hadda waxay tahay: muddo kororsigu waa ilaa goorma? 

Is’afgaradyaddii shanta madaxweyne

Sannad ka hor, Meey 2023-kii, Golaha Wadatashi Qaran waxa uu ku heshiiyay in doorashooyinka baarlamaannada iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyadu qabsoomaan Noofember 2024, oo ay hadda ka hadheen shan bilood.

Si jidka loogu sii xaadho doorashooyinkaas, waxay ahayd in la fuliyo qodobbadii hordhaca u ahaa qabsoomidda doorashooyinka ee lagu heshiiyay 2023, qodobbadan oo uu ugu horreeyay in la qabto doorashooyinka golaha degaanka Juun 2024, dabadeed iyadoo natiijooyinkooda lagu salaynayo la sameeyo laba xisbi qaran – waxa markii danbe laga dhigay saddex xisbi – kuwaas oo hadhow noqon doona kuwa kali ah ee xaq u yeelan doona u tartamidda doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxnimada heer maamul goboleed, iyo marka danbe heer federaal.

Heshiiskan daraaddii waxaa uu madaxweynaha Jubbalaan, Axmed-Madoobe helay muddo kororsi, kaas oo muddo xileeddiisu ku ekayd Ogosto 2023, halka uu muddo ka badan helay madaxweynaha Koonfur-Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen oo muddo xileeddiisu ku ekayd Diisembar 2022, sidoo kale waxaa muddo xileeddiisa loo kordhiyay madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Qoorqoor, oo ay kaga ekayd Febraayo 2024.  Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe, oo kaliya ayaa ah madaxweynaha aan muddo xileeddiisu wali dhicin ee ka tirsan madaxweynayaasha maamul goboleedyada soo xaadira Golaha Wadatashi Qaran, isagana waxa ay kaga dhan tahay Naafembarta soo socota.

Kulankii u danbeeyay ee golaha waxaa ka soo baxay heshiisyo taabanaya dhawr dhinac oo kala ah: xoojinta amniga iyo la dagaallanka Al-Shabaab, dhammaystirka dib u eegista dastuurka, xoojinta dimuqraadiyadda iyo xuquuqda dadka. Bayaankan goluhu soo saaray lagu ma soo qaadin wax tilmaamaya qabanqaabada doorashooyinka golayaasha degaanka ee ay ahayd in ay ka abuurmaan xisbiyada siyaasadeed ee saddexda ahi, kuwaas oo lagu qoondeeyay afartii cutub ee hore ee dastuurka ee baarlamaanka federaalku ansixiyay.

Soo jeedinaha madasha Golaha Wadatashiga sannadkii hore waxaa ku jiray qodobbo khilaaf badan dhaliyay oo wax ka beddel lagu sameeyay, kaas oo ahaa in la tirtiro xafiiska raysalwasaaraha oo la sameeyo nidaam ka kooban “madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen.” Waxaa lagu beddelay in la daayo xafiiska raysalwasaaraha, iyadoo awoodda xafiiska la dhimay, waxana madaxweynaha la siiyay awoodda magacaabida iyo xil ka qaadista raysalwasaaraha. Waxaa sidoo kale la beddelay tirada xisbiyada ee Golaha Wadatashigu soo jeediyay, oo laba ahayd, waxana laga dhigay saddex.

Dhammaan jaanis bay u tahay

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu awooday in uu madaxweynayaasha maamul goboleedyada ku qasbo in ay ku soo qabanqaabiyaan doorashooyinka baarlamaanka ah iyo kuwo madaxweynanimo ee heer gobol, waqtigooda oo sida la isku afgartay ahayd in ay isku hal mar ka dhacaan maamul goboleedyada, iyadoo lagu qabanayo nidaamkii hore ee 4.5. Balse mashruuciisa wax ka beddelka dastuurka ayaa tamartii ka qaaday. Mashruucan wuxuu Xasan Sheekh ku bilaabay in uu madaxweynayaasha afarta maamul goboleed taageeradooda dhankiisa soo mariyo, isagoo u ballan qaaday in uu muddo xileeddooda u seeto dheerayn doono, si khilaafsan dastuurka federaalka iyo ka maamul goboleedyadaba, isagoo uga dan leh in ay ka taageeraan meelmarinta mashruuciisa siyaasadeed, kaas oo ah mid uu ugu jid xaadhanayo in uu kursiga sii fadhiyo.

Wuxuu sheegay Liibaan Qaasim, oo dhaqdhaqaaqe siyaasadeed ah, isagoo ka warramaya qodobbadii ka soo baxay kulankii u danbeeyay ee Golaha Wadatashi Qaran, in ay ahaayeen heshiis sarko xaadis ah oo aan waxba soo kordhinayn; waxba kamay soo kordhin, aan ka ahayn in ay caddaatay in ay heshiis ku yihiin xubnaha Goluhu in ay dayriyaan arrintii ugu weynayd ee hortaallay, taas oo ah “doorashooyinka maamul goboleedyada” oo ay rabaan in ay xilligeeda dib uga riixaan, sababo dhawr ah dartood. Wuxuu isagoo taxaya sababahan Geeska u sheegay in ay ugu horreyso in ay labada dhinac isu hamranayaan; madaxda maamul goboleedyadu ma rabaan in ay madaxweynaha isku dhacaan, waayo waxay rabaan in ay xilalkooda sii hayaan, sidoo kalena Muqdisho ayay ugu tiirsan yihiin maalgalinta miisaaniyadda maamulladooda, oo kama hoos bixi karaan Muqdisho dhaqaale ahaan sida Buntilaan yeeshay.

Wuxuu sheegay in madaxweynuhu ka jaray Buntilaan qoondadii kabka miisaaniyadda, oo uu ka hakiyay mashaariicaha ururrada caalamiga ah, khilaafka siyaasadeed ee dhex maray awgii, taasina waa wax ayna qaadi karin madaxda maamul goboleedyada kale, ee aan lahayn dakhli gudeed.

Wuxuu ku daray in aan Xasan Sheekh dhankiisa rabin in ay isku dhacaan madaxda maamul goboleedyada – ugu yaraan waqtigan lagu jiro – waayo waa mid hadday dhacdo daalin doonta, sidoo kalena xoojin doonta tamarta mucaaradaddiisa sida Buntlaan, waana mid keeni karta in ay ka soo horjeedsadaan maamul goboleedyada hadhay taas oo xumeynaysa sumcaddiisa gudaha iyo debaddaba, oo waxay taasi muujin doontaa fashilkiisa gaadhista halkudheggii yoolka u ahaa ee ahaa “Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah”.

Dhankiisa, falanqeeyaha siyaasadeed ee Axmed Sharci wuxuu tilmaamay, in Xasan Sheekh lumiyay fursaddii uu ku qaban lahaa doorashooyinka madaxtooyooyinka maamul goboleedyada, markuu u oggolaaday muddo kororsiga, si ay u taageeraan mashruuciisa siyaasadeed. Wuxuu Geeska u sheegay in Xasan Sheekh yahay sidii “dillaal” siyaasi ah; wuxuu rabaa in uu dastuurka beddelo si uu u helo doorashada soo socota, taas oo noqon doonta mid toos ah. Wuxuu ka cabsi qabaa in uusan ka helayn baarlamaanka codad guul u horseeda, hadday doorashadu ku dhacdo nidaamka dadban, arrintanina waa mid ay mucaaradku ku baraarugsan yihiin, waana sababta ay u diiddan yihiin wax ka beddelka dastuurka.

Wuxuu intaa ku daray in ay Xasan Sheekh ka go’an tahay in uu doorashooyinka ku qabto wax ka beddelkii uu baarlamaanku ansixiyay oo uu filayo in ay isaga ugu badiso, si uu taa u xaqiijiyo oo loo go’aamiyo saddexda xisbi ee u tartami doona doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtooyada ee heer federaal iyo heer gobolba, wuxuu u baahan yahay in uu qabto doorashooyinka golayaasha degaanka. Arrintaninna waa mid u baahan in uu hanto taageerada madaxda maamul goboleedyada, sababtaa daraaddeedna wuu ku qasban yahay in uu qanciyo.

Wuxuu tilmaamay, in ay Madoobe iyo Laftagareen ku baraarugsan yihiin xaaladda adag ee uu ku sugan yahay Xasan Sheekh, ee leh mucaaradadda Deni, saamaynta Itoobbiya ku leedahay Koonfur Galbeed, iyo saamaynta ay Kiiniya ku leedahay Jubbalaan.

Qodobbada suurtagalka ka dhigaya muddo kordhinta

Axmed Sharci waxa uu qabaa in muddada loo kordhin doono madaxda maamul goboleedyadu ay noqonayso ugu yaraan hal sanno, oo uu xigi doono shir kale oo sannad dheeraad ah lagu sii dari doono, balse waxaa jirta caqabado Xasan Sheekh kaga imanaya labada maamul goboleed ee Hirshabeelle iyo Galmudug. Wuxuu tilmaamay in hoggaanka sare ee xisbigiisa “Midowga Nabadda iyo Dimuqraadiyaddu” ay rabaan in ay beddelaan labada madaxweyne ee labadan maamul goboleed. Halka Xasan Sheekh ku taamayo in ay xisbigiisa ku soo biiraan Madoobe iyo Laftagareen, oo uu qabto saddex doorasho oo isku sidkan oo heer federaal iyo gobol ah, wuxuu hoosta ka xarriiqay in qabanqaabada doorashooyinka tooska ah ee golayaasha degaanka la bilaabi doono dhammaadka sannadkan.

Qaasim Liibaanna waxa uu sheegay in “muddo kororsigu uu u furnaa madaxda maamul goboleedyada, inta ay shirarka Golaha Wadatashiga shaqadiisa sida la rabo u wadayeen, ee ay ku baaqayaan taageeradooda wax ka beddelka dastuurka, waana sidii dhacday, waana siday dhigayeen qodobbadii u muhiimsanaa ee ka soo baxay shirkii u danbeeyay.”

Sida cad, shirka Golaha Wadatashi Qaran wuxuu daba socday heshiis qarsoodi ah oo dhex maray madaxweynaha iyo madaxda afarta maamul goboleed, shirkan oo markii hore qorshaysnaa in uu dhaco 20-ka Abrishii aan soo dhaafnay, balse waxaa dib loogu dhigayo sababo lagu sheegay kuwo “farsamo”. Shan cisho ka dib baaqashada shirka, xafiiska Filla Soomaaliya wuxuu soo saaray bayaan ay ku sheegeen: “xukuumadda federaalku waxa ay dedaal dheeraad ah ku bixisay wanaajinta xiriirka wadashaqayn ee ay la leedahay dhammaan xukuumadaha gobollada, gaar ahaan Buntilaan, si uu u noqdo xiriir wadashaqayneed oo sharci ah oo ku salaysan danta shacabka iyo dalka”.

Waxa macquul ah, in Xasan Sheekh uu u soo bandhigay madaxda maamul goboleedyada afarta ah muddo kororsi furan, si ay shirarka uga soo qayb galaan una taageeraan wax ka beddelka dastuurka. Qaasim wuxuu sheegay: “hannaanka siyaasadeed ee Xasan Sheekh ula dhaqmo goballadu waa in lagu socdo wixii lagu heshiiyay, oo la qariyo wixii la isku khilaafsan yahay.” Wuxuu carrabka ku adkeeyay, in aan Xasan Sheekh ka tanaasulayn in uu qabto doorashooyin qof iyo cod ah. Wuxuu sheegay in maqnaanshiyaha shuruudihii amni, siyaasadeed, saad iyo farsamo ee suurogalin lahaa doorashooyin qof iyo cod ahi ay keeni doonaan in uu Xasan Sheekh xukunka sii hayo tan iyo 2027; waa muddo kororsi ay keeni karaan caqabadah farsamo ee ku gudban qabsoomida doorashooyinka.

Haddaba iyadoo laga dheegayo caqabadahaa farsamo ee taagan waxaa macquul ah in ay doorashadu dib u dhacdo tan iyo 2027. Wax ka beddelkii dastuurka ee la ansixiyay waxaa ku jirtay in muddo xileedda madaxweynaha iyo baarlamaanka laga dhigo shan sanno, taas oo daba socotay soojeedintii baarlamaanka federaalka ee Maarso 2023. Haddaba, waxaa macquul ah in baarlamaanku kordhisto muddo xileeddiisa una kordhiyo madaxweynaha tan iyo 2027, iyadoo ay sida caadiga ah ahayd in uu dhammaado 2026, waxayna u badan tahay in madaxda maamul goboleedyadu iyaguna dalbadaan muddo kordhin taa u dhiganta.

Suurtagalnimada muddo kororsigani waxay ku xidhan tahay saddex qodob: kow, in uu sii joogtoobo heshiiska Xasan Sheekh iyo madaxda afarta maamul goboleed ka dhexeeya; Laba, awoodda xukuumaddu iskaga caabiso falcelinta kaga imaan doonta mucaaradka, oo ay horkacayaan Buntilaan iyo madaxweynayaashii hore; Saddex, sida Xasan Sheekh uu ula gorgortamo deeq bixiyayaasha, kuwaas oo uu ugu tiirsan yahay in ay bixiyaan miisaaniyadda xukuumaddiisa, iyo in ay ka caawiyaan diyaarinta ciidankii lagu beddeli lahaa ATMIS oo sida qorshaysan dalka ka baxaysa dhammaadka sannadkan aynu ku jirno.

Ugu danbayntii, madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu qaatay tallaabooyin khatar ku ah dalkan nugul, ee wajahaya loollano siyaasadeed oo adag iyo caqabado amni, hadday tahay heer federal iyo heer gobolba, tallaabooyinkan oo ah kuwo siyaadinaya nuglaanshiyaha una noqonaya dhinacyada loollanka isku haya goljilic ay ka faa’ideystaan si ay u gaadhaan danahooda.

Qoraallada kale ee qoraaga