Skip to main content

Thursday 19 September 2024

Siyaasad

Soomaaliya iyo Xukunka Dilka

9 May, 2024
Image
Xukunka dilka
Heshiisyo badan oo caalami ah ayaa boorriya oo jidaynaya in meesha laga saaro xukunnada dilka (Sawirka: Getty Images)
Share

Warbixintani waxay qiimaynaysaa habraacyada iyo sugnaanshaha sharci ee xukunka dilka ee lagu fuliyo eedaysanayaal kala duwan oo lagu maxkamadeeyo Soomaaliyada koonfureed (shanta maamul-goboleed ee ku hoos jira dawladda federaalka ah).

Warbaahinta gudaha ee Soomaalidu si bille ah ayay u soo werisaa maxkamad, heerarka kala duwan midkood ah, oo ama ciidanka ah ama mid rayid ah, oo cid dil ku xukumaysa. Waxa ugu sii daran dawlad-goboleedda Buntilaan. Waxa xusid mudan in uu farqi u dhexeeyo soosaarista xukunka iyo fulintiisa, oo waxa marar badan dhacda xukunno ay rideen maxkamadaha heerka kowaad in lagu laalo rafcaan loo qaatay maxkamad ka sarraysa.

 

Waaqica Xukunka Dilka

Kolka loo dhabbagalo wararka ku saabsan xukunnada dilka ah ee saxaafadda lagu baahiyo, badi xukunnada maxkamadeed ee dilka ahi waxay la xidhiidhaa denbiyo la tacalluqa eedaha ku-biirista kooxaha argagaxisada (Al-Shabaab iyo Daacish) iyo kaqaybqaadashada hawlaha argagaxisada, denbiyada kufsiga ee uu ka dhasho dil loo geystay dhibbanihii ama markiisa horaba dilku ka midka ahaa, iyo faldenbiyadeedka khaarajinta loo kasay.

Eedaysanayaasha ay xukunnadani ku dhacaan ee lagu fuliyo waxa loo kala qaybin karaa: dadka ku eedaysan ku-biirista al-Shabaab iyo Daacish; xubnaha laamaha ammaanka iyo ciidammada xoogga ee lagu tuhmo in ay dad rayid ah dileen iyaga oo aan hawlgal ku jirin, ama askarta kale ee ciidanka dil u geystay iyaga oo hawlgal ku jira; iyo dad shacab ah oo lagu soo eedeeyay dil iyo kufsi ay dhimasho ka dhalatay.

Gobollada ay maxkamadahoodu xukunnada dilka ah ee ugu badan soo saaraan, dabadeed maamulka halkaa ka jiraa uu fuliyo, waxa kaalinta kowaad ka gelaysa dawlad-goboleedda Buntilaan, waxana labaad ah gobolka Banaadir iyo caasimadda, Muqdisho. Gobollada kale way u siman yihiin, oo qudhoodu way soo saaraan isla markaana fuliyaan xukunno dil ah, laakiin labadaa meelood ee hore sinaba ugu ma dhawa.

Badi xukunnada dilka ah waxa soo saara maxkamadaha ciidanka ee heerka kowaad ee ka jira Buntilaan, Muqdisho ama meel kale, iyagoo u badan dacwadaha dad ku eedaysan ku-biirista al-Shabaab iyo Daacish, iyo dacwado ka dhan ah xubno ka tirsan laamaha amniga iyo ciidammada xoogga. Maxkamadaha caadiga ah (ee aan ahayn maxkamadaha ciidanka ama maxkamadaha uu xeer gaar ahi u asaasay denbiyo gaar ah) waxay ka garnaqaan dacwadaha ciqaabta ah ee qof rayid ahi eedaysanaha ka yahay, xukunkooduna dil yahay, sida dilka kaska ah.

Garsoorka Soomaaliyi wuxuu adeegsadaa Xeerka Ciqaabta (1962), Buntilaanna waxa u sii dheer Xeerka Ladagaallanka Argagaxisada (2010) oo barlamaanka maamul-goboleedku ansixiyay. Bishii Maarso 2023, ayuu Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalku meelmariyay Xeerka Ladagaallanka Argagaxisada, oo tan iyo 2016 la iska adeegsanayay. Hasayeeshee, sannad ka dib ansixintaa, weli xeerka loo ma gudbin Aqalka Sare, si loo horgeeyo Madaxweynaha oo uu dhaqangal u noqdo.

Xeerka Ciqaabtu wuxuu taxayaa denbiyo badan oo xukunkoodu dil yahay. Qodobka 94 wuxuu dhigayaa: “Ciqaabta dilka waxa loo fulinayaa toogasho goob xeeran ama goob kale oo uu cayimo wasiirka garsoorka iyo caddaaladdu.” Xeerkani wuxuu tafaasiil ka bixinayaa hannaanka fulinta ciqaabta, oo ah toogasho. Denbiyadaa xukunka dilka wata ee xeerku dhigayo waxa ka mid ah: denbiyada  laga galo dawladda, denbiyada laga galo nabadgelyada guud, denbiyada laga galo ciidanka xilli dagaal lagu jiro, iyo denbiyada ka dhanka ah dadka caadiga ah.

Denbiyada laga galo dawladda, waxa si gaar ah uga sii hadlaya Qodobka 184 oo dil ku xukumaya “Qof kasta oo gala fal si toos ah ugu bandhiga Dalka Qaranka ama qayb ka mid ah, aayo ka talinta qaran shisheeye ama in uu shiikhiyo madaxbannaanida ama kala furfuro midnimada qaranka.” Qodobka 185 wuxuu “Muwaadinka qaata hub ku lid ah Qaranka Soomaaliyeed” ku xukumayaa xabsi madaxaa ha ku furto ah, haddii uu jago sare hayayna waa la dilayaa. Qodobka 22 wuxuu dhigayaa in qof kasta oo abaabula ama ka qaybqaata iskudday afgenbi ama kacdoon dadweyne oo dawladda lid ku ah, waxa lagu xukumayaa dil.

Qodobka 329 wuxuu ka hadlayaa denbiyada laga galo nabadgelyada guud, oo wuxuu dhigayaa: “Qof kasta oo isagoo qasdigiisu yahay in uu sababo dil, gala fal lagu khatar gelinayo degganaanshaha guud, waxa lagu ciqaabayaa dil haddii ay dhimasho ka dhalato falkiisaa.” 

Qodobka 196 wuxuu isaguna dhigayaa in dil lagu xukumayo ciddii kharbudaad iyo burburin u geysata hantida iyo gaadiidka ciidanka qaranka, haddii ciddaasi ay hawshaa u qabatay dawlad dalka dagaal kula jirta. Sidoo kale, qodobka 335 wuxuu dhigayaa “Qof kasta oo wasakheeya biyo ama walax kasta oo cunto ahaan loo isticmaalo, ka hor qaybinteeda ama aanay gaadhin cidda isticmaalaysa, waxa lagu ciqaabayaa dil haddii falkaas ay ka timaaddo dhimashada qof uun.” Qodobka 434 wuxuu xeerinayaa: “Qof kasta oo sababa dhimashada qof, waxaa lagu ciqaabayaa dil.”

 

Kalsoonida Garsoorka

Sharcigu wuxuu garsooraha awood u siinayaa in uu xukunka khafiifiyo haddii xeerku sharciyaynayo xukun dil ah, waxana loo yaqaan awoodaha garsoorka. Qodobka 119 sida uu dhigayo, garsooruhu wuxuu xaq u leeyahay in uu ciqaabta ka dhimo dilka haddii ay jiraan duruufo taas bannaynaya, oo uu ka dhigo xukun madaxaa ha ku furto ah ama xabsi muddadiisu u dhexayso 20 ilaa 30 sannadood. Haddii ay timaaddo duruufo khafiifin waajibinaya, qodobka 121 ayaa dhigaya in markaas xukunka lagu soo koobi karo ilaa 15 sannadood oo xabsi ah.

Sida aynu kor ku soo marnay, maxkamadaha caadiga ahi waxay xukunka dilka ah u adeegsadaan oo ku tiirsan yihiin Xeerka Ciqaabta ee 1962. Laakiin marka ay dhaqangelin noqoto, dacwadaha ay ka garnaqaan ee xukun dil ah ka soo saaraan waa kuwa ku xaddidan denbiyada ciqaabta sida dilka. Dacwadaha ay ka mid yihiin kufsi aanay dhimasho ka dhalan, waxa xeerku u dejinayaa xabsi.

In kasta oo xeerku uu dhigayo waxyaabo badan oo lagaga baaraandegi karo kiisaska la xidhiidha denbiyada lidka ku ah dawladda, nabadgelyada guud, iyo ciidanka, oo ay soo hoosgalaan denbiyada ay al-Shabaab iyo Daacish galaan, dacwadahan waxa dhegaysta maxkamadaha ciidanka ee gaar ahaan Buntilaan iyo Muqdisho ka jira.

Garsoore Maxamed Cumar oo ka hore uga tirsanaa Golaha Garsoorka ee Buntilaan, wuxuu xusay: “Dadka dilka lagu xukumaa maba laha dhammaan xuquuqdii ay maxkamadaha ka hor garramaan.”

Wuxuu intaa ku daray, isaga oo Geeska u warramay, in xukunka dilka ee ka dhanka ah marka uu qofku qof dilo, ay dadku aad u taageeraan, maaddaama loo arko shareecadii diinta oo la fulinayo iyo in uu yahay jid lagaga hortegayo in dilalku soo noqnoqdaan. Wuxuu xusay in xukunnada garsoorka ee maxkamadaha heer federaal aan la fulin haddii ehellada dhibbanuhu ay cafis bixiyaan, sida Islaamku qabo, xukunkana la khafiifiyo. Wuxuu intaa ku daray, isaga oo qodobkan sii daba socda, in sida loo fuliyo xukunka dilka iyo sida gartiisa loo qaadaba ay su’aalo badani dul hoganayaan, loona baahan yahay in la caqliyeeyo oo la saxo si loo xaqiijiyo in caddaaladi dhacdo loona sugo xuquuqda dastuuriga ah ee eedaysanaha.

Maxamed Cumar wuxuu sidoo kale xusay, isaga oo ka hadlaya xukunnada dilka ee Buntilaan ka soo baxa ee lagu fuliyo eedaysanayaasha argagaxisada: “Inta badan waa xukunno boobsiis ah oo ay hayaan garsoorayaal aan u bislayni. Xukunnadaas ku maba salaysna baadhitaan xaq ah iyo habraac sugan. Weliba haayadaha baadhistu waxay isticmaalaan jidhdil daran oo ay rabaan in ay eedaysanaha kaga soo saaraan qiraal. Xataa haddii ay xaqdarro tahay.” Sida uu garsoorahani qabo, qiimayntani waxay ku salaysan tahay kuurgal uu ku sameeyay dacwadaha qaarkood, baadhis uu sameeyay, iyo su’aalo uu warsaday garyaqaanno badan oo dad la xukumay wakiil u ahaa.

Dilka iyo Buntilaan

Sidoo kale, wuxuu Maxamed Cumar inoo sharraxay labo hab oo Buntilaan xukunnada dilka ahi uga soo baxaan. Midi waa dacwadaha argagaxisada, sida in qofku ka tirsan yahay al-Shabaab iyo Daacish, maxkamadda ikhtisaaskeeda qaadataana waa tu militari, heer federaalna waa sidaas oo kale. Nooca labaadi waa dacwadaha denbiyada dilka, waxana dhegaysta maxkamadaha caadiga ah, oo naxariistu ku badan tahay lagana yaabo in ay xukunnada debciyaan ama ay eedaysanaha fasaxaan haddii xigtadii dhibbanuhu cafiso.

Maxamed Cumar wuxuu tilmaamay in Buntilaan ay adeegsato xeer gaar ah oo denbiyada argagaxisada khuseeya, lana dhaho Xeer Lr. 10 “Xeerka La-dagaallanka Argagaxisada” oo 2011 la soo saaray. Qodobkiisa labaad ayaa dhigaya in dil lagu xukumayo qof kasta oo ka qaybqaata denbiyada argagaxisada, sida in uu asaaso, maalgeliyo, isku dubbarido, hirgeliyo, ama hago. Haddii se kiisku yahay taageeridda iyo fidinta fekerka argagaxisada, iyo xubnahooda oo la qariyo, ciqabatu waxay isugu jirtaa toban sannadood ilaa xabsi madaxaa ha ku furto ah.

Maxamed Cumar wuxuu sheegay in denbiga argagaxisada ee xeerku dhigayaa uu ballaadhan yahay; waxa sidoo kale baahsan hababka lagu caddayn karo oo keenaysa in eedaysane kasta dil lagu xukumo. Gaabisyada xeerka waxa ka mid ah in qodobka 11aad uu maxakamdda u fasaxayo in ay habraacyo gaar ah u marto caddaynta, sida in markhaatiga la qariyo ama lagu dhegaysto meel maxkamadda ka baxsan.

Wuxuu Maxamed Geeska u sheegay in cawaaqibta arrintan ka dhalataa ay horseedi karto “dhibaato weyn, xadgudub xuquuqda insaanka ah, iyo in la dhayalsado xukunka dilka.” Wuxuu xusayaa in Buntilaan iyadoo ka tirsan dawladda federaalka ah, haddana qofka lagu dhex xukumaa aanu awood u yeelanayn in uu rafcaan u qaato maxkamad heer federaal ah sida Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ama Maxkamadda Ciidanka ee Heer Federaal, wuxuuna sheegay in xukunkaba kamaddanbays loo arkayo haddii uu isu maro maxkamadda ciidanka ee derajada kowaad iyo maxkamadda ciidanka ee rafcaanka oo heer dawlad-goboleed ah. Wuxuu intaa ku daray in sida loo fuliyo xukunka dilka iyo sida gartiisa loo qaadaba ay su’aalo badani dul hoganayaan, loona baahan yahay in la caqliyeeyo oo la saxo si loo xaqiijiyo in caddaaladi dhacdo loona sugo xuquuqda dastuuriga ah ee eedaysanaha.

Xukunno dil oo badan oo Buntilaan ka dhacay waxa lagu fuliyay dad ka soo jeeda qabiillo dawlad-goboleedyo kale ka soo jeeda, taas oo gedood ku beertay reerihii wiilashada la dilay. Tusaalayaasha ugu waaweyn waxa ka mid ah mar dawladdu goosatay fulinta dil lagu xukumayay 21 ruux, bishii Juun 2021, taas oo ka xanaajisay reero ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya, halka dadka qaarna ay ku fasireen in maaddaama ay dadkani ka soo jeedeen meel dawlad-goboleedda ka baxsan, laga yaababa in taas darteed ay ugu dhiirradeen xukunka dilka.

Garsoore Maxamed, isaga oo arrintan faallaynaya, wuxuu sheegay in sheekadu aanay sidaas ahayn. Wuxuu daliishaday in kalabadh dadkaa lagu fuliyay dilka ee 21-ka qof ahaa ay ka soo jeedeen dawlad-goboleedda Buntilaan. Wuxuu intaa ku daray, sabab baa jirta keenaysa in aqlabiyaddoodu ay qabiillada cayiman ka soo jeedaan: maxaa yeelay, dhulalka Shabaabku joogo ee uu ciidanka ka qorto reero ayaa u badan, markaa denbiilayaashana kolleyba reerkaas ayaa u badanaya oo layaab ma laha.

Xadgudubyo qaanuuni ah

Warbixin Wasaaradda Debadda ee Maraykanku soo saartay 2021 ayaa lagu sheegay, “maamullada heer federaal iyo heer dawlad-goboleed waxay eedaysanayaasha dilka ku fuliyaan maalmo yar uun ka dib soobixistii xukunka, gaar ahaan haddii qofkuba si toos ah u qirto in uu al-Shabaab ka tirsanaa oo uu maxkamadda dhexdeeda ama muuqaal fiidyow ka qirto.” Warbixintu waxay intaa ku dartay in dacwadaha kale, ay maxkamaddu eedaysanayaasha siiso muddo 30 cisho ah oo rafcaan kaga qaadan karaan xukunka dilka ah. 

Intaa waxa dheer, warbixinta ay diyaariyeen U-qareemayaasha Xuquuqda Insaanka oo kaashanaya Isbahaysiga Caalamiga ah ee Kahortagga Ciqaabta Dilka, oo ku taariikhaysnayd Obtoobar 2022, waxa lagu abbaaray sida ay dhaqangelinta ciqaabtani ku tahay Soomaaliya. “Maxkamadaha ciidanku inta badan eedaysanaha wakiil sharciba u ma qabtaan, habraacooduna madmadow buu leeyahay. Eedaysanayaasha la soo taago maxkamadaha militariga ee federaalkuna maba laha xaqa rafcaan-qaadashada,” ayaa warbixinta lagu sheegay.

In kasta oo warbixintu sheegtay in aanu rafcaan jirin, haddana marka aynu warbaahinta gudaha u fiirsanno waxa aynu ku arkaynaa in eedaysanayaashu helaan xaqa rafcaanka, dacwado gaar ahina ay gaadhaan Maxkamadda Ciidanka ee sare oo heerka ugu danbeeya ee garqaadka ah. Intaa waxa dheer, ururrada caalamiga ahi waxay maxkamadaha Soomaalida ku dhalilaan in ay dil ku xukumaan carruur u dhexaysa 16 ilaa 18-jirro, waxana sidoo kale lagu eedeeyaa in qiraalka lagu helo hab jidhdil ah, ama in qiraal muuqaal lagu duubay laga dhigo kamaddanbays eedaysanahaba u diidda in uu rafcaan ka qaato.

Sida degdegga ah ee dilka loo fuliyaa waa xadgudubyada ugu waaweyn ee saamaynaya xuquuqdii eedaysanaha, maaddaama ay muuqato in aanu jirin waqti ku filan oo dhinaca is difcaayaa uu ku diyaarsan karo rafcaankiisa dabadeed uu ku gudbisto.

Sannaddii 2015, wuxuu Xafiiska Qarammada Midoobay ee Soomaaliyi diiwaangeliyay 29 kiis oo xukunno dil ah oo la fuliyay, dhammaantoodna ay soo saareen maxkamado militari. Warbixintii U-qareemayaasha Xuquuqda Insaankuna waxay xustay in sannaddii 2019 la fuliyay ugu yaraan 12 xukun oo dil ah. Sannaddii 2020, tiradu waa 11.  Sannaddii 2021, ugu yaraan 21 qof ayaa lagu fuliyay xukunka dilka ah. Weliba ma cadda in tiradaas lagu daray dilalka ay fuliso kooxda al-Shabaab iyo in kale, tirooyinkanina ma aha tirakoob kamaddanbays ah.