Skip to main content

Thursday 21 November 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Siyaasad

Doorashooyinka Somaliland: Xeerkii la ansixi, maxaa se xiga?

27 February, 2024
Image
Doorashada
Muwaadiniin u safan in ay codadkooda dhiibtaan, doorashadii Wakiillada & Golaha Degaanka, May 2021. ©Amira Mahmoud (Amira lens)
Share

Sida la filayo, Soomaalilaan dhawaan codbixinta ayaa loo dareeri doonaa ka dib marka la ansaxiyo sharcigii doorashooyinka ee muranka badnaa, balse wali jidku toobiye ma aha.

Febraayo 18, 2024 ayaa labada aqal ee barlamaanka ee Soomaalilaan ay ansaxiyeen xeerarkii doorashooyinka ee muranka badnaa, tallaabadan oo ah mid jidka u xaadhaysa qabsoomidda doorashooyinkii isa saarnaa ee madaxtooyada iyo ururrada.

Shalay ee ay ku beegnayd, 9ka Maarso, wuxu Madaxweyne Muuse biixi sexeexay xeerka doorashooyinka, si uu dhaqangal u noqdo, codbixiyayaasha gobollada Awdal iyo Maroodijeexna way ka muransan yihiin haykalka loo dajiyay in doorashooyinka lagu galo, iyagoo u arkay in ay wiiqayso danahooda iyo arrimo kale oo door ah. Doorashooyinku sannadkan waxa ay ku soo beegmayaan iyadoo ay taagan yihiin arrimo waaweyn oo amniga iyo siyaasadda la tacalluqaa. Sidoo kale, Soomaalilaan waxa ay la kulantay caqabado waaweyn oo ay ka mid yihiin in maamulkii Laascaanood lagala wareegay oo magaaladii laga soo saaray iyo hoos u dhaca dhaqaale ee ka dhashay Covid-19 iyo gubashadii suuqa Waaheen.

Soomaalilaan waxa ay qaadatay nidaamka xisbiyadda badan sannadkii 2001, si loo yagleelo nidaam dimuqraadi ah oo looga gudbo dhaxalkii kelitaliska Soomaaliya. Muddadaas, dalka waxaa ka qabsoomay dhawr doorasho madaxtooyo, wakiillo iyo doorashooyin golaha deegaankaba ah, iyadoo bulshadu isugu soo baxaysay si ay ugu codeeyaan saddexda xisbi kii ay danahooda ka dhex arkaan. Sida lagu yaqaan dimuraadiyadda curdinka ah, nidaamka doorashooyinku waxa ay ahaayeen kuwo kacaa kufaya oo ku astaysan dib u dhigis, iyo murannada doorashooyinka la xidhiidha, balse murankii ugu xoogganaa ee doorashooyinka Soomaalilaan waxa uu daarnaa muddo kordhintii madaxweynaha haatan talada hayaa helay. Arrintan muddo kordhintu waxa caado u noqotay madaxnimada Soomaalilaan, taas oo madaxweyne kasta oo doorasho ku yimid helay muddo kordhin.

Doorashooyinkii u danbeeyay waxa ay qabsoomeen Noofember 2017, Madaxweyne Muuse Biixi ayaana xilka ku yimid. Muddo xilleeddiisaas waxa uu wajahay mucaaradad xooggan oo kaga imanaysa xisbiga Waddani, kaas oo uu kaga guulaystay farqi aad u yar. Waxa xigay doorashadaa ka dib dagaal siyaasi ah oo adag, kaas oo aan ku koobnayn shuruucda iyo doorashooyinka, balse ahaa mid aagag badnaa, oo ka dhacay ilaa waddooyinka, halkaas oo mucaaradku isu soo baxyo ka soo agaasimeen, xukuumadduna xoog kala hor tagtay. Tusaale ahaan, bishii Ogost 11, 2022 bannaanbaxyo magaalooyinka waaweyn ka dhacay waxay xukuumaddu kaga jawaabtay in ay gelinkii horaba khadka interneedka xidho, gelinkii danbe la tiriyay ugu yaraan lix qof oo rayid ah oo rasaasta boolisku dishay.

Doorashooyinkii golaha wakiillada iyo golaha degaanka ee 2021 waxa ay guushu ku raacday xibiyada mucaaradka oo iyagu helay aqlabiyadda kuraasta golaha wakiiladda iyo deegaanka ee mgaalooyinka u waaweyn dalka. Doorashooyinkaasi waxa ay Muuse Biixi u ahaayeen baaq hurdo ka kicin ah, oo wuxuu dareemay haddii doorashooyinka madaxtooyada ee qorshaysnaa in ay dhacaan Noofember 2022, uu ku galo xisbi tamar daran iyo xukuumad aan dadku jeclayn in uu guuldarro weyn kala kulmayo.  Tani waxa ay ku soo beegantay dhicista ruqsaddii xisbiyada oo iyaduna ku beegnayd 2022. Sida sharciga Soomaalilaan dhigayo, tobankii sannaba 3 urur ayaa helaya liisanka ahaanshiyaha xisbi siyaasi ah. Saddexda urur ee u sarreeya, kuwaas oo ah ururrada ka qayb qaatay doorashada ururrada u tartamaya xisbinimada, ee sidoo kalena ka helay codad 20% ah gobollada dalka mid walba.

Isu soo dhawaanshiyaha xilliga doorashada madaxtooyada iyo dhicista liisanka xisbiyada waxaa ka dhashay ismari-waa hor leh oo siyaasi ah, iyadoo xukuumaddu ku adkaysanaysatay in ay hor qabanayso doorashada ururrada, halka xisbiyada mucaaradka ee Waddani iyo Ucid ay si adag uga soo horjeedsadeen. Murankani arrimaha cirka ayuu ku sii shareeray, waxaana laga tagay siyaasaddii Soomaalilaan lagu yaqaanay ee ahayd in dhanka loo bato la qaato oo la isu tanaasulo, labada dhinacba go’aankooda ayay ku adkaysteen. Arrintu waxa ay isu beddeshay gacan ka hadal siyaasi ah, oo maleeshiyaad hubaysan oo ka soo jeeda deegaannada xisbiyadda mucaaradka ah oo raba in madaxweynuhu doorashada madaxtooyada qabto ayay isku dhaceen qayb ka mid ah ciidamada booliska Soomaalilaan Julaay 2023, halkaas oo ay dhawr xubnood oo booliska ka mid ahi ku naf waayeen, kuwo kalena ku dhaawacmeen.

Oday dhaqameedyo uu weerarkani dhiillo galiyay ayaa u guntaday in ay ka hawlgalaan arrintan iyagoo labada dhinacba la hadlay, oo ku qanciyay xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradkaba in la qabto doorashooyin isa saaran; doorashada madaxtooyada iyo ta ururradaba in isku mar la qabto. In kastoo dawladdu ku adkaysatay in xisbiyada mucaaradka ah ee liisanku ka dhacay ay tahay in ay cusboonaysiistaan liisankooda, haddana soo jeedinta oday dhaqameedka ayaa la isla qaatay. Guddi gaar ah ayaa baarlamaanku u saaray si ay u dejiyaan Xeer Lr. 91 ee doorashada madaxtooyada iyo Xeer Lr. 14 ee doorashada ururrada iyo axsaabta siyaasadda. Xeerarkan wax-ka-beddelkooda la ansaxiyay waxa ugu horrayntii lagu sharciyeeyay markii u horraysay xeerkii 2001 (ee xeerarka guud ee doorashooyinka madaxtooyada iyo golaha deegaanka), xeerkii 2005 (xeerka doorashada golaha wakiillada) iyo xeerkii 2007 (xeerka diiwaangalinta cod-bixiyayaasha). Ansaxinta xeerarkani waxa ay sugeen nidaamka dimuqraaddiga ah ee Soomaalilaan. Goldaloollada xeerarkan ayaa noqday iyaguna agab lagu loollamo. Wax-ka-beddelkan dhawaanta la ansaxiyay waxa uu caddaynayaa qoddobo aan markii hore caddayn waxa uuna Komishanka Doorashooyinka madax-bannaani dheeraad ah ka siinayaa saamaynta xukuumadda.

Haddaba, waxa jira cid ay wax-ka-beddelkan ugu badiso iyo cid kale oo wax ku waayaysa. Xisbiyada mucaaradka, gaar ahaan xisbiga Waddani isagu waxa uu u arkaa guul siyaasadeed, oo codbixinta doorashada madaxtooyada sannadkan loogu dareeri doono. Masuuliyiinta xisbigu waxa ay sheegeen: “Tareenkii doorashooyinka & isbedddelku wuu dhaqaaqay, cid kasta oo is hor-taagtana wuu jiidhayaa.” Odhaahdan oo ka turjumaysa kalsoonida xisbiga ee ah in musharraxa xisbiga ee Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro uu sannadkan ku fadhiisan doono kursiga madaxtooyada. Halka ururrada qaar ku taamayay xisbinimadu ay u arkeen wax-ka-beddelkan cusub mid wiiqaya dimuqraadiyadda Soomaalilaan. Qaarkood ayaa ku cawday in taageerada 20% ee goboladda dalkoo dhan, ee ururrada looga baahan yahay si ay xisbi u noqdaan ay tahay mid hoos u dhigaysa rejadooda ka mid noqoshada xisbiyada qaranka, maadaama oo qabiilku yahay kan go’aaminaya taageerada codbixiyayaasha oo ay ku adkaan doonto ururradan in ay 20%-kaas ka helaan gobollada dalkoo dhan. Halka qaar ay muujiyeen quustooda ku aaddan in wax-ka-beddelkani yahay mid sii xoojinaya in ay beelaha Isaaqu hoggaanka dalka muquuniyaaan, oo iyaguun ka taliyaan.

Iyadoo laga joogo ku dhawaad labaatan sanno tan iyo asaaskii xisbiyada siyaasiga ah ee Soomaalilaan, haddana, xisbiyadani waxa ay la daalaa dhacayaan haykalkooda hay’adeed oo ah mid daciif ah, ka arradnaanta dimuqraadiyadda xisbiyada gudahooda iyo tan ugu muhiimsan oo ah xisbiyadan oo aanay jirin wax aragti oo ay u taagan yihiin. Dabcan, waa marka laga tago in madaxda kala hoggaamisaa ay kala reer yihiin. Doorashooyinka xisbiyada gudahooduna waxay ka turjumayaa uun ninka u awoodda weyn xisbiga gudihiisa. Muddada doorashada ka horraysana, sidii caadada ahayd waxa iman doonta xubno xisbi ka tagay oo kii ka soo horjeeday u ‘digarogtay’.