Skip to main content

Thursday 21 November 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Siyaasad

Federaalku Xal Ma u Yahay Dawladnimada Soomaaliya?

21 July, 2024
Image
somalia
Calanka Soomaaliya
Share

Federaalku waxa uu ka mid yahay nidaamyada xukun ee dunida ka caanbaxay qarniyadii u dambeeyay. Waxa uu ku qotomaa in awoodda xukun ay u kala qaybsan tahay labo heer oo uu mid kaste leeyahay awoodo uu u madaxbannaan yahay kuna xukumo xayndaabka juquraafi ee uu u xilsaaran yahay ama awoodda ku leeyahay. Si kale, waa labo dawladood oo is dulsaaran oo ay mid ka masuul tahay dalka oo dhan, laakiin dalka uu u sii kala qaybsan yahay dawlado hoose oo mid kaste u madaxbannaan tahay talada dawlad hoosaadkaas, si waafaqsan dastuurka kala xadeeyay awoodahaas. 

Dunida maanta, waxa nidaamka federaalka ku dhisan ugu yaraan 25 dal oo ay ku jiraan kuwa ugu ballaadhan dunida. Dhab ahaan, siddeedda dal ee ugu weyn dunida, toddobo ka mid ah ayaa uu xukunkoodu yahay federaal. Dalalkan badankoodu waxa ay federaalka ku xalliyaan kala-duwanaan bulsho oo dhaqan iyo isirba leh oo ay deegaannadu u qaybsan yihiin kuna dhisan taariikhdii ay dawladdu ku dhalatay iyo baahida taaganta. Dalalka qaar waxa ay kala-duwanaantu keentaa qabatinka nidaamka federaalka, waxa se loo hirgaliyaa qaab xoogga saarayaa ‘maamul-daadejinta’, kuwo kalena waxa ay xoogga saaraan kala-isirnaanta oo isirrada kala duwan ayaa ah dawlad hoosaadyo, tusaaleha ugu cad waa Itoobiya. Federaalku waxa u dheer yahay nidaamka casriga ah ee ah in awoodaha loo qaybiyo hay’ado isbarbaryaal oo kala madaxbannaan, waa in uu, sidoo kale, awoodaha u qaybiyo hay’ado maamul oo kala hooseeya kalana madaxbannaan oo awoodaha ay kala leeyihiin uu qeexo dastuurka ama sharciga dalku. Sidaa awgeed, seeska hawlgalineed ee nidaamka federaalku waa ‘sharci’ lagu dhaqmo. Labo liid hoos dhig erayga ‘sharci’. 

Jamhuuriyaddii Soomaalida ee dhisantay 1960kii waa ay lahayd kala-duwaan taariikh-siyaasadeed iyo mid isir, labadaba. Waqtigii gumeysiga Afrika, Soomaalidu waxa ay u qaybsantay ugu yaraan shan mashruuc siyaasadeed oo isugu jiray kuwo ay dawlado deris ahi qabsadeen iyo kuwo ay reer Yurub gumeysteen, arrintaas oo abuurtay in lagu kala duwanaado taariikhda siyaasadeed iyo nidaamyada xukun ee uu dhinac kaste la qabsaday. Waxa kale oo jirtay, welina jirta, kala-duwanaan isir oo ku badan Soomaaliya. Isirrada Digil iyo Raxanweyn, Gibilcad, Reer Baraawe, Baajuun iyo Soomaali, intuba tiro aan yareyn ayaa ay ku joogeen Soomaaliya, waqtigii gumeysiga ka hor. Dawladnimadii curatay 1dii Juulaay, 1960, waxa, iyana, ku soo biirtay Soomaalidii Soomaalilaan oo ka xoroobay xukunkii Ingiriiska, iyaga oo wata dhaqan iyo taariikh siyaasadeed oo ka duwan midda Soomaaliya. Soomaaliya oo sidaa u kala isirro duwanayd, in kaste oo ay Soomaalidu ahaayeen cidda ugu tunka roon, waxa ay fursad u heshay toban sannadood oo ah maamul-ku-meelgaadh ah oo uu gardaadinayay Talyaanigu. Sidaa awgeed, waxa fursad loo helay in wax badan laga ogaan karo dawlad ay ‘Soomaalidu’ maamusho, waxana soo baxay ifafaaleha kala-gurasho ku dhisan qabiil iyo isirba. Digil iyo Mirifle, oo ah isirka labaad ee ugu ballaadhan Soomaaliya, ayaa 1947kii sameystay xisbi siyaasi ah oo isla magacaa sita ‘Hazbiya Digil Mirifle – HDM’, ka dib markii laga garbiyay SYL, waxaanu ku baaqay in Soomaaliya yeelato nidaam xukun oo federaal ah. Waxa ay dadka uu xisbigani metalaa saluugsanaayeen awood-xuurteysiga Soomaalida ay dal iyo degaan wadaagta ku yihiin Soomaaliya, bulsho ahaanna ay ku naaneysaan ‘faradheerta’ waxana ay dooddaas HDM ahayd middii ugu horreysay ee lagu dalbado in nidaam federaal ah lagu dhaqo Soomaaliya. 

 Kolkii ay madaxbannaanidu soo dhawaatay, waxa jiray haloosi xoog u aloosnaa oo ku saabsanaa Soomaali-weyn oo ah mashruuc siyaasi ah oo ku dhisan isirka Soomaaliga. Arrintaas waxa ay hafisay dhammaan isirradii kale oo ay kuna qasabtay in ay baasha ka raacaan, oo weliba ay in badani ka tanaasulaan haybtoodii iyo dhaqankoodii si ay qayb uga noqdaan isirka Soomaaliga ee sida duufaanta u jiidhay. Waxa ay isirro badan awoodi waayeen in ay, xitaa, afkooda ilaashadaan oo maanta af Soomaaligu waa mid guri kaste oo dalka Soomaaliya ka mid ah lagaga hadlo, haddii aanu ahayn kan keliya ee lagaga hadlo, iyada oo, ka hor 1960, deegaano badan oo koonfurta Soomaaliya ka mid ah lagaga hadli jiray afafka Sawaaxiliga, Baajuuniga (Kibajini), Barawaaniga (af u dhaw Sawaahiliga se ka duwan), Maayga iyo afaf kale oo kuwo badan oo ka mid ah lagu daray lahjadaha Soomaaliga, iyada oo aan aqoon ahaan loo eegin ee laga raacay ajendaha Soomaaliyeynta. Xisbigii Digil Mirifle, laftiisa, ayaa ku qasbanaaday in uu magaca beddesho si uu uga dhuunto ujeedkiisii ahaa mujiinta kala-duwanaata dalka oo markan dambe eed noqday. Waxa uu la baxay Xisbu al-Dastuur al-Mustaqil al-Soomaali – HDMS, sanndkii 1958kii, waxana la dhimatay doonistii nidaamka federaalka ah. 

Dawladdii la dhisay 1960kii waxa ay jirtay soddon sannadood oo u qaybsan sagaal sannadood oo ay maamullo rayid ahi talinayeen iyo kow iyo labaatan sannadood oo uu diktaatoor ku haystay xoog ciidan. Dhibaatada ugu weyn ee maamulladii rayidku waxa ay ahayd musuq, habacsanaan iyo qabyaalad dishay yuhuuntii muwaaddinka. Sidaa awgeed, goortii ay saraakiil ciidan xoogtay talada, waxa ay dadweynehu noqdaan in soo dhaweysay iyo in cabsi la aamustay. Muddadii uu nidaamka diktaatoorka ahi talinayay waxa ay ku suntantay talis dhexe oo xooggan kuna dhisan cabbudhin iyo qudhgoyn. Waxa uu jidka u xaadhay kacdoonno qabiil oo hubeysan oo, ugu dambeyn, laftiisa qudhgooyay horraantii 1991kii oo uu hoggaamiyehii talisku ka cararay Xamar. 

Haddii maamulladii gumeysigu ay, 1960kii, ka tageen nidaam dhisan iyo dad isku jecel in ay xoroobeen, waxa uu maamulkii askartu ka tagay burbur baahsan iyo ummad si xun u collowday. Waa sababta uu gumaadkii, oo wejiyo qabiil iyo isir yeeshay, u sii socday ka dib burburkii taliska. Waxa mar kale soo noqotay weyddiintii hore loo cabbudhiyay ee xisbigii HDM oo ku saabsanayd nidaamka xukun ee Soomaaliya dhaqaya. Markan, waxa uu ka yimid dhinacyo aan ahayn Digil iyo Mirifle. Waxgarad ayaa ku baaqay in Soomaalilaan iyo Soomaaliya ay dhistaan nidaam federaal oo labadaa dhinac ah, sida baaqii Hoggaamiyehii hore ee SNM, Siilaanyo. Waxa, iyana, dooddaas, si dardar leh u qaaday deegaannadii Majeerteeniya ee la baxay Buntilaan, 1998kii, iyaga oo u arka fursad ay kaga baaqsan karaan talis Xamar ka xukma, iyo midda ugu muhiimsan oo ah in ay baajiyaan federaal Waqooyi iyo Koonfur keliya ah. Marka laga tago Soomaalilaan oo gooni uga baxday, waxa xal la biday in Soomaaliya dib loogu dhiso awood-qaybsi qabiileed oo ku qotoma sees saami-qaybsi oo loo bixiyay 4.5 iyo nidaam federaal oo ku qotomo gobollo isu raaca dawlad hoosaadyo. Arrintan dambe waxa lagu qoray dastuurka qabyada ah, midda hore se keliya waa lagu dhaqmaa hadda, iyada oo aan qornayn. Kolkii la dhaqangaliyay, nidaamkii federaalku waxa uu isu beddelay dawlad-qabiileedyo aan wax badan lagu xeerin kala-duwanaatii isir. 

In kaste oo dadweynehu aanay u lahayn nidaamkan dareen dhaafsan tookhii qabiilka oo qoladii uu qabiilkoodu helay dawlad-hoosaadba ay diirrimaad ku dareento, haddana inta waxgaradka ah ee u ololeysaa waxa ay ugu qiil-dayaan in nidaamkan lagaga baxsanayo dawlad dhexe oo keligeed talisa kuna xadgudubta deegaannada iyo guud ahaan dalka, sida middii duntay oo gaboodfallo badan geysatay. Waa dood la garan karo, se heer aragtiyeed keliya ku siman oo waaqicu ma taageerayo seeska dooddaas. Hore waxa aan u tilmaannay in nidaamka federaalka ahi yahay ‘awood-qaybin’ uu qeexo ‘sharci’ lagu dhaqmaa. Sida keliya ee uu nidaamka federaalku ugu adeegi karo ujeeddada lagu doodo waa labo mid; in ay Dawladda Federaalku tahay mid dhisantay oo awood leh, sharcigana ku dhaqanta, iyo in dawladda federaalku (dhexe) ay tahay mid magac-u-yaal ah, sida midda hadda jirta, oo aan awood waaqici ah lahayn. Dawlad dhab ahi, federaal iyo federaal la’aanba, waa midda hore waana midda uu tilmaamayo isla dastuurka federaalka ah ee Soomaaliya. Waxa se ay weyddiintu tahay rejo intee le’eg ayaa laga qabi karaa in Soomaalidu ay dhisto dawlad awood leh haddana sharci ku dhaqanta? Maanta Madaxda Dawlad Goboleedyada ee aan la aragtida ahayn Madaxweyneha Federaalka ma waxa ilaaliya sharciga mise awood-darrada Dawladda Dhexe? Tusaaleyaal badan iyo fahanka dhaqanka siyaasadeed ee Soomaalidu waxa uu muujinayaa in ku dhaqanka sharcigu yahay waxa ugu fursadda yar in lagu dhaqmo, dawlad hoosaadyo macne lehna waxa ay ku siman yihiin inta ay awoodeysanayo dawlad dhexe. Sidaa awgeed, maanta nidaamka federaalku waa hannaan ay qabiilladu ku sii dheereystaan dawlad la’aanta e, ma aha arrin xal u ah cabsida garta ah ee ay deegaannada qaar ka qabaan dawlad dhexe oo xoog leh. 

Waxa, iyana, xusid mudan in nidaamka federaalku uu majarhabaabiyay meelihii laga dooni lahaa xalka macquulka ah. Qabiilladii colloobay ee ay siyaasaddu dhex dhigtay utumaha ayaa qolo kaste loo xidhay xayndaab qabiil oo lagu sheegay dawlad goboleed, halkii laga shaqeyn lahaa in qabiilladu heshiiyaan oo ay wax guud wadaagaan.  Jamhuuriyaddii Soomaalida, markii ay dawladdii burburtay ka dib, labo meelood oo keliya ayaa ay ka dhaceen nabad salka laga soo bilaabay oo lagu dul dhisay nidaam siyaasadeed; waa Soomaalilaan oo ay qabiilladu galeen shir beeleedyo nabadeed oo dib-u-heshiisiin ah, iyo Buntilaan oo shir beeleed lagu dhisay hannaan siyaasi ah. Soomaaliyada koonfureed kama ay dhicin dib-u-heshiisiini, mana ay dhicin dib-u-heshiisiin ay u dhan tahay Soomaalidii dawladda dhisatay 1960kii. Waxa beddelkeeda, wax lagu dhisay shirar loo qabtay kooxo siyaasi ah iyo qabqableyaal ka wada hadlay sidii ay, iyagu, wax u qaybsan lahaayeen. Sababtaas darteed, kala shakiga iyo colaadaha huursan ee qabiilladu waa mid dihin iyo doog joogto ah.