Skip to main content

Thursday 19 September 2024

Dhaqan

Ka Tirtirida Suugaanta Afrika liiska buugta qarniga ee New York Times

24 August, 2024
Image
africa
Share
Ka sheekeynta buugta ugu wanaagsan qarniga kow iyo labaataan, oo aan Afriki ku jirin, waa dembi laga galay Afrika iyo tirtirid dhaqan oo aan la aqbali karin.

Dhawaan, wargeyska New york Times ayaa soo saaray liiska “Boqolkii buug ee ugu wanaagsanaa Qarnigii kow iyo labaatanaad “, tabtii Taaymis lagu yaqaannay liiskii si deg deg ah ayuu ugu faafay baraha bulshada, aad baana loo rog rogay oo loo gorfeeyey oo loogu dabbaal dagay. Liisku, wuxu ka koobnaa; koob iyo lixdan buug oo ay leeyihiin qorayaal reer Ameerika ah iyo labo buug oo ay kala qoreen labo qoraa oo Afrikaan ah; waa Chimamanda Ngozi (buuggeeda Ameerikaana) oo qaadaa dhigaya waayo aragnimada soo galeetiga ku nool Ameerika, dhiganaha labaad isna waa “The Return” oo uu qoray qoraaga reer ingiriis – liibiya ee ku dhashay Maraykanka ee Hishaam Madar.  In kasta oo ay liiska ku jiraan haween qalinlay ah, haddana qoraayada Ameerika ku dhawaad boqolkiiba toban waa qorayaal madaw iyada oo ay sidaas tahay ayaa liisku wuxu u janjeedhaa Ameerika iyo Yurub. Iyana waxa qayb libaax kaga jirta liiska, qoraaga reer Talyaani ee Elena Ferrante, saddex iyo tobanka buug ee la turjumay kana midka ah liiska na waxa ay ku leedahay saddex dhigane. Labaatan iyo saddex buug oo ay faafiyeen waxa leh isla toban qoraa, inta ugu badan oo ah kala badh liiska buuggaagtana waxa faafiyey shan madbacaddood oo Maraykan ah. 

“Boqolka buug ee ugu wanaagsan qarnigii koob iyo labaataanad” kuwaas oo lagu xardhay sawiro qurxoon waa sida ay u dhigtay Jariidada Niyuuyook Taymis e, baraha bulshada waxa looga arkayey si kale oo xaqiiqada ka fog, runtuna waxa ay ahayd, cod u qaadista buugtu keliya in ay ku koobnayd kuwa lagu dhex faafiyey Maraykanka. 

Wargeysku, codbixiyayaasha waxa uu waydiiyey keliya in ay qiimeeyaan buuggaagta lagu dhex daabacay dalka Maraykanka, taas oo la filan karo natiijadu in ay noqonayso Liis ku Kooban Yurub iyo Ameerika, sidaas oo ay tahayna, Taaymis waxa ay ina waydiinaysaa in aynu buugtan u tix gelinno “Kuwii ugu fiicanaa ugu na saameynta badnaa qarnigan” taas oo ah doorbidida koox gaar ah oo lagu soo xulay tirikoob aan loo dhamayn, kolka lagu eego indhaha saaxadda suugaanta caalamiga ah. 

Liisku, haddii uu yahay isku day lagu doonayo in lagu qoro qisadii 25-kii sanno ee la soo dhaafay ee daabacaadda sheekooyinka Ingiriisida ku qoran, runtii waxa ay noqonaysaa; sheeko dhutinaysa, sababta oo ah; kama turjumi karto mugga iyo kala duwanaanta Daabacaadda adduunka, waxayna luqun jibaadhaysaa QARNIGII koob iyo labaatanaad oo ah kii ugu wax soo saarka iyo kala duwannaanta badnaa Sooyaalka Suugaanta. Waxayna noqoni in casrigii isu furnnaanta suuqa iyo Jamaahiirta Akhriska, laga ga gaabsado, u dabbaal dagga Suugaanyahannada Maraykanka. Dhanka kale, suugaanta Maraykan ee loo aqoonsaday midddii qarniga, waa bandhig furan, haddii aan la naqdinba, taas oo in badan suuragal ah in ay noqoto Masrixiyaddii labaad ee kooxaygsiga Saqaafada ee lagu ibtileeyey daabacadda qarnigii labaatanaad. 

Liiska buuggaga ugu saameynta badnaa shan iyo labaatankii sanno ee ugu danbeeyey kuwaas oo ku qoran Afka Ingiriisada in laga reebo kuwa Afrikaanka, aniga oo ah akhriste afrikaan, cilmi baadhe suugaaneed iyo xogogaalad dhanka saqaafada buuggagta ah, waxa aan ku tiriniyaa  qalad aan lahayn cafis , kolka loo eego caddaymaha la hayo ee taas lidka ku ah. Soo if baxa aan caadiga ahayn ee Daabacadda Afrikana, waa sheekooyinka ugu caansan, rubuc qarnigii u danbeeyey. Haddii aad doonayso in aad sawirato sida qarniga koob iyo laabatanaad u soo celiyey macnaha ay leedahay wax akhrinta, qorista iyo daabacaaddu, jidka keliya ee kuu furan waa in aad tagto Afrika. 

Saameynta qoraayaasha Afrika ee heer Caalami waxa ay si tartiib ah u korodhay qarnigii labaatanaad waxa se ay ragaadiyay dhibaato ka kacday qalaalase siyaasaddeed oo baahsan oo ay garab socoto dib dhacyo dhaqaale. Si taas ka gadisan, qarniga kow iyo laabaatanaad oo ku suntan kala wareeg daraamiya, soo if baxa Tiknoolayjiyada dhigitaalka ah iyo xoogaysiga awood dhisidda, qoraayasha Afrika ee saaxadda caalamiga ahi oodaha ayey jabsadeen. Dhanka kobocana, suuqa daabacadda buuggaagta Afrikaanku waxa uu ahaa mid si weyn oo degdega isu fidinaya kolka loo eego, badi suuqyada kale. 

Had iyo jeeraale na qorayaada Afrikaanku luuqadda Ingiriisada waxa ay ku biiriyaan waxa ka mid ah halabuur u gaar ah oo ay wax ku curiyaan, duni ay dhisteen oo u gaar ah , iyo caalam ka samaysan lakabyo kala du duwan iyo sheekooyin cajab iyo yaab leh. 

Jiritaanka dallado xidhiiidh bulsheed iyo taageeradda saqaafadda suugaanta midaysa qurbe joogta iyo qaaradda Hooyo, waxa ay keentay Buuggaga Afrikaanka in ay akhristaan Jamaahiir kala du duwan oo jooga daafaha caalamka. Waxaana si weyn loo akhristaa buuggaga qorayaasha kala ah; Jennifer Nansubuga Makumbi, Akwaike Emezi, Namwali Serpel, Yvonne Adhiambo Owuor, Yaa Gyasi, Bernardine Evaristo, Helon Habila, Shemeka Garrix, Aminata Forna, Noviolet Bulawayo, Namina Forna, Nnedi Okorafor, Teju Cole, and Scholastice Mukasonga, Mohammed Mbogar Sarr, iyo Sharon Dodwa Otuo, kuwaas oo wax qabadkoodii loo Turjumay luuqadda Ingriisida ayaa safka hore kaga jira dib u soo noolaynta Suugaanta Afrika. Waxa aad ku dartaa, hormuudka uu ka midka yahay; Cabdirisaaq Garane oo sannadkii 2021 ku guulaystay billada suugaanta,  Tsitsi Dngarembga, Ben Okri, Zakews Mda, iyo qaar kale oo badan oo qarnigii koob iyo labaatanaad soo soo saaray wax qabad doora. 

Ka sheekaynta qisada daabacadda 25-kii sanno ee u danbeeyey sina suuragal uma aha  iyada oo Qaaradda Afrika aan la marin mudanteeda, iska indho tirka iyo ismoogaysiinta doorkeeda suugaanta casriga ah kaliya  ma aha ee sidoo kale waxa ay ku guul darraysatay in ay qirto daynaamikada iyo dabiicadda lug ku yeelashada dunida suugaaneed ee laga ga hadlo Ingiriisida.

Ka sheekaynta qisada daabacadda 25-kii sanno ee u danbeeyey sina suuragal uma aha  iyada oo Qaaradda Afrika aan la marin mudanteeda, iska indho tirka iyo ismoogaysiinta doorkeeda suugaanta casriga ah kaliya  ma aha ee sidoo kale waxa ay ku guul darraysatay in ay qirto daynaamikada iyo dabiicadda lug ku yeelashada dunida suugaaneed ee laga ga hadlo Ingiriisida. Taaymis waxa ay ku sheegtay “Qarnigii  ugu wanaagsanaa” ma aha liis ee waa tirtirid dhaqan ama saqaafad. Sida ay Taaymis u dhigtay na caalamku kuma koobna Maraykan oo keliya, qarnigii koob iyo labaatanaadna halkaas oo keliya kuma eeka. Runtiina isma moogaysiin kartid, guud ahaan dhaqanka suugaanta caalamiga ah ee 25-kii sanno ee ugu danbeeyey ka dhigtay casri suugaanta ku weyn. 

Todobbaadyadii tagay, waxa aan si xoogan uga fekeray, sababta Niyuu yook taaymis ku riixday faafinta liis caynkaas ah. Waxa aan u jeedaa boobsiiska ku riixay tifaftirayaasha in ay is moodsiiyaan caadi ahaanshaha qorista taariikhda Qarniga 21-aad iyada oo ay dunida kale ka maqantahay ? Dhawaan, wada sheekaysi aan la yeeshay Bhakti Shringarpure oo ah madaxa hayadda ‘ Radical books collective ‘ waxa ay ii sheegtay “ In New York Times  ay ka go’antahay waardiyeynta hadhaadiga dhaqanka caddaanka amin ay dareemayaan in dunidu isku dhex daadsantahay kana jiraan coddad kala gadisan “ waanan ku raacsanahay.

Tan iyo 1896 oo ah amintii qaybta buuggaga ee Niyuu Yook Taaymis la furay waxa ay saameyn ku yeelatay akhriska iyo hab dhaqanka reer Ameerika, badi qarniga koob iyo labaatanaad na waxa uu noqday faagaga ugu weyn ee dunida akhriska gaar ahaan inta ku hadasha luuqadda Ingiriisida. Qorayaasha sida weyn uga qayb qaatay. 

Si kastaba, Qarniga 21 aad saameynta Niyuu yook taaymis dhulka ayey gashay, iyada oo ay sabab u tahay, soo if baxa saqaafada dhigitaalka ah, waxa kale oo isa soo tarayey waydiin gelinta siyaasaddooda. Haddana waxa ka saameyn badan bulshoweynta BookTok, iyo warbaahinta kale xagga qeexidda waxa ay tahay in ay dadweynuhu akhriyaan  sidaas awgeed, waxa aan arki karaa sababta liiska jaadkan oo kale ah ay ugu arkaan in ay tahay fikrad fiican!

Mac’hadyada duugga ah, waxa ku dhacay xannuun nafsiya oo la yidhaa “Great- again Sydrom”, waxayna ay joogaan quus iyo niyad jab, iyaga oo dareemaya in ay go’doon kaga jiraan caalamka oo ayna la lahayn xidhiidh, in kasta oo ay leeyihiin hanti iyo saameynta hayadeed oo ay weliba laba jibaareen tacasubka qawmiga ah, kaas oo ka dhigay asal ahaan qaar aan lahayn isku xidh. Suuqa daabacaddu waxa uu noqday mid kala jaad ah oo cidhiidhiya, halka Taymis ay u muuqato tu aan awood u lahayn gogol u fidinta suugaanta aan ahayn Yurubiyaanka iyo Ameerikaanka, iyo caddaanka dhib li. 

In kasta oo ay Taymis  xaq buuxa u leedahay faafinta liiska ay doonto, haddana ma aha in laga ogolaado soo bandhigista tirokoobyo silloon oo samays ah, iyada oo laga dhigayo xaqiiqo saqaafadeed.

Masalada liiskan ku jirta wax xidhiidh ah lama leh falka is waydiinta mudan ee ah; in wax soo saarkii 25-kii sanno lagu soo ururiyo boqol buug, liiska caynkaas ahina waxa uu leeyahay bed u gaara, in kasta oo soo bandhigistiisu ay kicinayso raynrayn saqaafadeed oo xoogan, hadda na liisku si na uma aha liis maangal ah, looma na malaynayo in uu yahay mawduuci, run ahaantiina waa wax lagu qoslo oo sidiisa u canbaaraysan. Si kastaba ha ahaatee, haddana waynu jecelnahay, sababta oo ah ugu yaraan waxa ay nu ka helaynaa wax aynu la gole nimaadno, waxaana inoo dheeranaya liiska wax akhriska. Dhab ahaantiina, gaabiska iyo dhamaystirnaan la’aanta ayaa leh liisaska ama calaamadaha la caynadda ah waana xaqiiqo sugan oo taariikheed. Mushkiladda liiskan, ma aha in ayna cid walba ka dhex muuqan (taas oo aan suuragel ahayn) se dhibtu waa in ayna ku jirin cid kasta oo ayna ansixin hay’adda suugeenaad ee Taymis.

Weli miyeynu u baahannahay liisaska curiska ah ee ku kooban xilliga gaar ah? Maya, kolka la eego tabta ay noqdeen Jamhuurka Akhristayaasha, kuwaas oo aad u kala qoqoban ahna xagjir Haddii se warcelintu noqoto haa, kolkaa liiska metelaya qarnigu waa in uu millicsadaa suuqa Suugaanta caalamiga ah iyo Jaamaahiirta Akhritayaasha ee aan lahayn soohdinta.  Hawlgalka cod qaadistuna waa in uu ahaadaa mid la isku hallayn karo oo tirsanaya bulshooyinka ku foogan aqoonta iyo saaxadda suugaanta. Qorayaasha aan buugtoodu daabicin shanta madbacadood ee waaweyn, iyo kuwa sidoo kale qorayaasha dawladdaha kale, kuwa daabacadaha yaryar, Podkastiyada, iyo kuwa jooga, Booktok iyo bookinstgram iyo kuwo kale. Sida cadna jidkii hore ee duugga ahaa ee ahaa in daabacadda reer galbeedka lagu beddelo ta caalamka hadda laga bilaabo ma aha mid la difaaco karo. 

Tacasubka qawmiga ah ee New York Times ku riixay in ay soo saarto liis ah daabacadaaaha Ameerika iyoYurub waa in la fadeexadeeyo, kaas oo ay ku sheegtay in uu metelo qarni.  Dunida, meenla kama jirto, xitaa heerka ugu ismoodsiiska badan in liis ka kooban 61 buug oo Amerikaan ah lagu sheego kuwii ugu roonaa qarniga. Taymis waxa ay innagu hoggaaminaysaa u dabaal dagga qarni, Ameerikaanka mooyee ayna cid kale wax akhriyin oo noolayn: Waxa ay inoo horseedaysaana waa dabbaaldeg been ah.