Skip to main content

Monday 16 September 2024

Siyaasad

Mamo Mihretu: Hindisaha Siyaasadda Cusub ee Bangiga Dhexe ee Itoobbiya

23 August, 2024
Image
Mamo Mihretu
Mamo Mihretu
Share

Raysal wasaare Abiy Axmed waxa uu u xilsaaray furfurida dhaqaalaha Itoobbiya, Mamo Mihretu oo shaqaale ka ahaan jiray Bangiga Adduunka. Balse, falsafadiisa dhaqaale waa mid camali ah oo ma rabo in mar kaliya wax kasta minjaha loo rogo. Sannado badan dhaqaalayahanku waxa ay ku dooddayeen sicirka sarifka ee xaddidan ee qaaligana ahi in uu cagaha hayo koboca dhaqaalaha Itoobbiya. Waxa uu dalka ka idleeyay kaydkii lacagta qalaad, waxa uu hoos u dhigay dhoofinta alaabaha, oo waxa uu horjoogsaday in shacabku dalal qalaad maalgashi ku samayn karaan. Haddaba, siyaasad dejiyayaasha Itoobbiya muddo dheer ayay ka cago jiidayeen in ay nidaamka dalka dib u hagaajin ku sameeyaan – ilaa laga soo gaadhay dhammaadkii Julaay, markaas oo nidaamkii duugga ahaa hal saxeex lagu tirtiray.

Mamo Mihretu oo ah guddoomiyaha bangiga dhexe ee Itoobbiya waxa uu ku baaqay in lacagta birta markii u horraysay la ogolaan doono in ay suuqa isla bedbeddesho. “waxa aannu gabi ahaan ba beddelnay siyaasad soo jirtay ilaa 50 sanno,” waxa uu intaa ku daray in ay arrintani bilaw u tahay “wajiga cusub ee is beddelka geeddiga dhaqaalaha Itoobbiya.”

Mamo Mihretu oo tababarkiisu yahay qareenimo (Lawyer), waxa uu la taliye sare oo arrimaha dhaqaalaha ah u ahaa Abiy Axmed, ka hor intaan loo magacaabin gudoomiyaha bangiga dhexe Jeenaweri 2023. Waxa uu ka mid yahay koox wasiiro iyo la taliyayaal ah oo uu xukuumadiisa u magacaabay Abiy Axmed kolkuu xukunka qabtay 2018, si ay dib u hagaajin ugu sameeyaan nidaamka dalka.

Dad badan waxa ay ku hanweynaayeen in ay kaadirradani ka caawin doonaan Abiy in uu furfuro dhaqaalaha dalka, kaas oo ahaa mid ku socda hannaanka horumar ee dawladdu horkacayso tan iyo 1970-nadii. Mashruucan furfurista dhaqaalaha waxaa hakad galiyay, cudurkii safmarka ahaa ee Covid-19 iyo dagaalkii sokeeye ee Tigreega kaas oo lagu kala baxay dhammaadkii 2022.

Sicirka sarifka ee loo gediyay mid suuqa ku salaysan oo aan xaddidnayn waxa uu qayb ka yahay is beddelo siyaasaddeed oo muddo la soo dhiraan-dhirinayay. Waxaa qayb ka ah is beddeladan in la furfuro qaab-dhismeedka maamulka labada shirkadood ee dawladdu leedahay, in shirkadaha qalaad loo furo waaxaha dawladdu ku xoogan tahay, iyo in la sameeyo suuqa sarifka saamiyada (stock exchange) oo ku salaysnaan doona lacagta birta, suuqan waxaa la qorshaynayaa in uu bilawdo Oktoobar. “Haddaan hawshan ku guuleysano, waxa ay noqon doontaa tallaabo weyn oo hore loo qaaday,” ayuu yidhi Mamo isagoo ka hadlaya mashruuca hagaajinta ee ay wadaan. 

Waxa laga yaabaa kolka aynu eegno waxbarashada iyo sooyaalka shaqo ee Mamo Mihretu in aynu aragtiyihiisa hagaajinta u qaadanno, aragtiyaha taqliidiga ah ee liberaalka. Waxa uu ka qalin jabiyay Jaamacadda Harvard, halkaas oo uu ka bartay dhaqaalaha, muddo gaadhaysa ilaa toban sanno waxa uu u shaqaynayay Bangiga Adduunka laantiisa Nayroobi, isagoo diiradda saarayay lacagaadka iyo siyaasaddaha tartanka.

 “Waligay ba waxa aan xiisayn jiray horumarka,” ayuu yidhi. “sidee baad tartan u abuuri kartaa? Maxay yihiin qodobbada qeexa koboca, dakhliga iyo sinaan la’aanta? Maxay dalalka qaar uga horumarsan yihiin dalalka kale? Maxay yihiin siyaasaddaha dedejin kara koboca?” weydiimahan ayaa ahaa “noloshayda oo dhan wax aan baadhayay oo aan ku walfay.”

Marka laga tago sooyaalkiisa libaraalka u janjeedha, sida uu u wajaho dejinta siyaasaddaha dhaqaaluhu waa hannaan miisaaman oo camali ah. kol la weydiiyay mufakiriinta dhaqaalaha cidda saamaynta fikir ee ugu ballaadhan ku leh waxa uu sheegay in aannu raacsanayn iskuulada fikirada degsan midkoodna, waxa kale oo uu sheegay in uu ka doorbido “waxyaalaha hawlgalka ah ee shaqaynaya, ee lagu wajaho maanfuran,” balse, aannu ka helin dooddaha iyo tiyariga la soo jilciyay ee diyaarka ah.

 ‘Ansahaxa suuqa’ ee ganacsiyada dawladdu maamusho

Hab fekerkani waa mid ka muuqda go’aanadiisa siyaasaddeed. Markii uu u ahaa Abiy Axmed la taliyahiisa sare ee arrimaha dhaqaalaha, kumuu degdegin in uu shirkadaha dawladdu leedahay u furo ganacsatada gaarka ah, balse, ugu horrayntii waxa uu isku dayay in uu kobciyo kartidooda adeeg bixin. “aragtiyaha guunka ahi waxa ay dhigayeen: haddii ganacsigu yahay mid dan guud ah, ganacsatada gaarka ah ku wareeji oo ka dhig mid gaar loo leeyahay, sidaas ayay ahayd talada caamka ahi,” ayuu yidhi isagoo sharaxaya aragtidiisa, “balse, ujeedku kaliya ma aha gaar yeelidda (privatization) – ujeedaddu waxa ay tahay in adeegga la wanaajiyo oo qiima loo yeelo, tabo kale duwan oo sidaa loo samayn karo ayaana jira.” 

 “waxa aad qiimo ku abuuri kartaa in aad si cusub oo wax ku ool ah shirkadaa u maarayso, waxa aad qiimo ku abuuri kartaa in aad hubiso in shirkada si hufan loo hantidhawray (audited), waxa aad qiimo ku abuuri kartaa, in aad beddesho gudida isku duwayaasha, iyo in aad la bahawdo maalgaliyayaasha caalamiga ah.” waxa laga yaabaa mararka qaar in gaar yeelidu ama qayb ahaan gaar yeelidu in ay tahay jidka kaliya ee kuu furan, waa arrin ku xidhan xaaladdaha kala gedisan.  

Mamo, waxa uu 2022 asaasay oo gudoomiyana ka ahaa shirkadda maamusha shirkadaha iyo maalgalinaha dawladda Itoobbiya (Ethiopian Investment Holdings (EIH)). Fikradda arrintan keentay waxa uu ku sheegay in ay ahayd, in la hoos keeno dhammaan shirkadaha dawladdu leedahay hal waax oo maamusha oo loo sameeyo nidaam hay’adeed oo midaysan, “sida shirkadaha gaarka loo leeyahay in loo maamulo oo uu nidaamka maamul noqdo mid suuqa la socda.” Mamo, waxa uu sheegay in la siiyo maamulayaasha shirkadaha dawladdu leedahay xorriyad oo mushaharaadkooda lagu xidho qiimaha iyo faa’idada ay soo saaraan, waxa ay keenaysaa in macaashku siyaado. Hantidhawrista hufan iyo warbixinada maaliyaddeed iyaguna waa u lafdhabar guuleysiga ganacsiga.

Rejadu waxa ay tahay shirkadaha dawliga ah ee sida fiican loo maamulo ee wax soosaarka lihi in ay noqdaan birlab soo dhawaysa maalgalinta qalaad. Maalgaliyayaasha caalamiga ah badanaa way ka digtoon yihiin in ay u badheedhaan maalgashiyada Afrika ee aan la isku hubin iyagoon haysan shurako gudeed oo la isku hallayn karo, ayuu sheegay Mamo. Shirkadaha Itoobbiya ee dib u cusboonaysiinta lagu sameeyay doorkaas ayay buuxin karaan, iyagoo shirkadaha qalaad ka caawinaya sidii ay uga dabbaalan lahaayeen shuruucda iyo xeer-nidaamiyayaasha gudaha.

Waxa laga yaabaa in shirkadaha Itoobbiyaanka laftoodu damcaan in ay soo jiitaan maalgaliyayaasha qalaad. Anshaxa ganacsi ee la baray muddadii ay jirtay EIH, waxaa laga yaabaa in ay u noqoto mid ku boorisa in ay ganacsiyo cusub la hal-abuuraan maalgashadayaasha gudaha iyo dibaddaba ama qayb shirkadaha dawladda ka mid ah loo furo in shirkadaha qalaadi wax ku darsadaan, taas oo soo kordhin karta hanti iyo khibrad lagu horumarin karo waxqabadka, ayuu ku doodday.

Caqabaddaha jira

 “haddii aad gaadhi leedahay, oo aad shaqaalaysiin karto dirawal xirfad leh, mandiqu waxa uu sheegayaa in aad gadaal fadhiisato oo aad raaxaysato,” ayuu yidhi Mamo. “waa sidaas oo kale ganacsiguna, waxaa qiimaha kor loogu qaadi karaa in xirfadlayaal maamulaan hantida guud. Sidaas baa shirkadaha dunidu u shaqeeyaan,” ayuu ku daray, isagoo tusaale u soo qaadanaya hannaanka ay shirkadaha u maamulaan Sigabuur iyo Imaaraatku.

In aan la xaddidin qiimaha birta ee laga dhigo mid suuqa ku xidhan iyo in loo sahlo shirkadaha qalaad in ay faa’idadooda diri karaan, waa tallaabooyinka aan filayno in ay Itoobbiya ka caawin doonto soo jiidashada maalgaliyayaasha qalaad. Balse, khubaradu waxa ay sheegayaan in ay ilaa hadda taagan yihiin caqabaddo kale oo ku gudban qulqulka raasamaalka waaraya, waxa kaloo jira walaaca laga qabo siyaasaddaha iyo mustaqbalka maaliyaddeed ee muddada dheer ee Itoobbiya iyo khatarta amni ee dalka ka jirta.

Mamo waa mid ku barraarugsan caqbadaha hor yaal, oo aan dhallanteed kaga gudbanayn taagta iyo waaqaca dalka. “waa arrin in aad qaladka iyo saxa kala garanayso, balse, hirgalinta is beddelka waxaa ku lammaan caqabaddo heer kale ah,” ayuu yidhi. “haddii aadan jaanis siin fikirka hal-abuurka ah, sida aad horumar ku samaysaa waa mid adag.”

 In kastoo dareenka kooxda u xilsaaran dib u hagaajintu (reformers) uu yahay mid yididdiilo ku dheehan tahay. “haddana, annagu tallaabo koowaad oo dhiirigalin ah ayaan qaadnay, balse, shaqo culus ayaa noo taalla. Waxa aan rabnaa in aan hubino in ay hagaajinntani tahay mid shaqaynaysa, oo fure u noqonaysa furfurnaanta dhaqalaaha Itoobbiya.” Ayuu hadalka Mamo ku soo xidhay.

 

Waxaa The Africa Report ka soo turjumay Bahda Tifaftirka.

Qoraallada kale ee qoraaga