Skip to main content

Friday 22 November 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Siyaasad

Maxaa keenaya kufsiga ku soo badanaya degaannada Buntilaan?

30 May, 2024
Image
Dhibbane
“Waddanka haddii xadgudubyada galmadu ku faafaan, haddiiba qof loo ciqaabo inta badan qofkaasi waa dhibbanaha.” (Sawirka: CARL DE SOUZA/AFP via Getty Images)
Share

Geesku wuxuu xafiiska Dacwad-oogaha Guud ee Buntilaan ka helay denbiyada kufsiga ee uu diiwaangeliyay, waxayna noqdeen sidan: Sannadkii 2016, 120 denbi; sannadkii 2017, 123 denbi; 88 denbi oo 2018 ah; 40 kiis oo 2019 ah; 20 denbi oo 2020 ah; 2021 oo la diiwaangeliyay 90 denbi; iyo 53 fal oo sannadkii 2022 ah.

Sida aannu ka soo xigannay, Buntilaan iyo Soomaaliya guud ahaan waxa ku soo kordhay denbiyada galmada ee ka dhanka ah dumarka, oo ka dhaca xeryaha barakacayaasha, miyiga, iyo magaalooyinkaba. Denbiyadani waxay noqon karaan mid qof keli ahi geystay iyo mid dad badani ku lug leeyihiin oo la dhaho “kufsi-wadareed.”

Warbixintani waxay diiradda saaraysaa faldenbiyeedkan daran ee haweenka khatarta ku ah, sida dawladda iyo ururrada bulshada rayidka ahiba ula macaamilaan dhibbanayaasha, iyo sababaha keenay in faldenbiyeedkani xarkaha goosto, oo weliba aan la isku ciqaabin, taas oo xiriir la leh nidaamka qabyaaladda ee bulshada.

Shaacsanahan faafay 

Faldenbiyeedkani wuxuu sii darnaadaa kolka dhibbanaha lagu dilo. Dacwad-oogaha Guud ee Buntilaan, Maxamed Xasan Aw Cusmaan, wuxuu horraantii 2017 sheegay in sannadkii 2016 ay gobollo kala duwan ka diiwaangeliyeen 123 kiis oo kufsi ah. Aw Cusmaan wuxuu sababaha u aaneeyay, “Guurka oo yar, iyo tirada da’yarta oo si xawli ah u badanaysay.” 

Sannadkii 2019, maamulkani wuxuu diiwaangeliyay mid ka mid ah faldenbiyeedyadii ugu ba’naa ee kufsi iyo dil ah, oo gabar 12 jir ahi ay dhibbane u noqotay. Inantaas yar waxa gurigooda hortiisa, oo Gaalkacyo ahaa, ka afduubtay saddex nin oo markii danbe inta la soo qabtay xukun dil ahaa oo lagu riday ay dawladdu ku fulisay sannadkii 2020.

Isla magaaladaas, Maryan Cabdiqaadir Maxamed waxay noo sheegtay in gabar ay dhaleen reer ay deris ahaayeen oo sagaal jir ah uu kufsaday nin weyn oo isla xaafaddaa deggani, iyadoo markaa ku sii socotay dugsi-quraankeeda oo gurigooda u dhawaa. Maryan waxay Geeska u sheegtay in boolisku uu denbiilihii gacanta ku soo dhigay caddaaladdana horgeeyay.

Dhanka kale, Saynab Maxamuud Shire, oo u soo joogtay faldenbiyeedyadii ka dhacay Garoowe midkoodm ayaa tidhi: “Gurigayga ayaan hagaajisanayay, fiid Axad ah ayay ahyad oo ku began Sibteembar 13, 2023, markii aan maqlay qaylo ka imanaysa luuq gurigayga ku dhegsan, waanan iska fahmay in ay qayladhaan tahay.” Waxay tidhi, “Meeshii baan u cararay, dabadeed waxaan ku arkay inan yar oo waddada jiifta, oo xaalad daran ku jirta, iyo nin sii ordaya. Waxaan wacay qoyskii inanta yar, ka dibna haayadaha dawladda ayaa baaritaankii la wareegay.”

Maxamed Rooble oo Garoowe deggan ayaa isaguna markhaati ka ahaa dhacdooyinka mid ka mid ah faldenbiyeedyadaas. Wuxuu Geeska u sheegay, “Boosaaso ayaan ka imanayay oo Garoowe ayaan ku soo socday, waxaanan magaalada abbaaro sagaalkii habeennimo ka soo galay dhanka JIdka Nebco. Kolkii aan ka soo dhammaaday xarunta guud ee shirkadda Nebco, waxaan arkay saddex wiil oo dhallinyaro ah oo hor taagtaagan gaari Raum ah.” Wuxuu intaa ku daray, “Qacdii kowaad, waxaan u qaatay in ay yihiin da’yar sida lagu yaqaan fiidyaw iska duubaya oo TikTok-ley ah, balse naxdin baan kala qaboobay markii aan maqlay gabar gaariga ka dhex ooyaysa oo qaawanaan uun ah, wejigeedaba in la garaacay ay ka muuqato. Kaalmo ayay dalbanaysay: ‘Adeer, i caawi.’ Booliska ayaan u wacay, kolkii danbe ayayna wax kastaa kala caddaadeen, ee saw waxay isku dayeen in ay kufsadaan inta ay markii hore ku soo xera-gesheen in ay fiidyaw uun soo wada duubi doonaan.”

Sababo bulsheed iyo kuwo dhaqaale

Waraysi uu siiyay Geeska, ayuu Jimcaale Gardaad oo arrimaha bulshada u dhaqdhaqaaqaa ku sheegay in uu rumaysan yahay in sababo badani ka danbeeyaan faafitaanka denbiyada kufsiga, oo ay ka mid yihiin: dhallinyaradii oo guurkii ka cagajiidaya maaddaama uu qaaliyoobay, maandooriyaha iyo khamriga oo si xun loo isticmaalo aadna u soo badanaya, baraha bulshada oo si qarriban loo adeegsado oo dhiirrigeliyaba in denbiaydaas lagu kaco.

Dhanka kale, Rooda Maxamuud Xasan oo bare ka ah Koleejka City Cot, waxay qabtaa in sababaha kufsiga loo aanayn karo shaqa-la’aanta baahsan ee da’yarta iyo xaaladaha dhaqaale oo aad ciriiri u ah. Waxay Geeska u sheegtay in shaqa-la’aantu ay dhiirrigeliso ku-kicista faldenbiyeedyada ay ka mid yihiin shoobarada, tuugada iyo kufsiga. Waxay tilmaamtay in bulshada lafteedu ay dhiirrigeliso denbiga kufsiga, waayo denbiilaha la ma ceebeeyo oo lagu ma qaado ee dadka qaar ayaaba halyey ka dhiga, inantii dhibbanaha ahaydna eedda saara.

Waxay tilmaamtay in qoysaska qaar ay ku doodaan in inantooda la kufsaday kolka ay ogaadaan in ay uur aan guur ku xirnayn ay yeelatay, taasna ay saboolnimadu ugu wacan tahay. Aqoonyahanad Rooda Xasan waxay waalidka ugu baaqaysaa in ay wiilashooda iyo gabdhahoodaba baraan halista faldenbiyadeedyada akhlaaqiga ah, il gaar ahna ay u lahaadaan hablahooda oo ay baahiyahooda asaasiga ah u daboolaan, ayna xaalkooda ka warhayaan, gaar ahaan kolka ay foodleyda yihiin.

Dhanka kale, Faadumo Cabdiweli Abshir, oo masuul ka ah barnaamishka ka-hortagga tacaddiyada jinsiga la xiriira ee Wasaaradda Haweenka ee Buntilaan, waxay sheegtay: “Kufsigu wuxuu noqday faldenbiyeed halis ku haya bulshada, markii horana waxaannu moodi jirnay uun in uu ku kooban yahay haweenka barakacayaasha ah ee xeryaha jooga iyo haweenka qabiillada la takooro ku abtirsada, ee aan wax ilaaliya helin, naftooda aan difaaci karin, dacwadna geysan karin maxkamadaha.” Waxay intaa ku dartay, iyada oo Geeska u warramaysa, “Hasayeeshee, sida inoo caddaatay, denbiilayaashu u ma kala aabayeelaan qabiil la takooro iyo mid kale toona. Sidoo kale, denbigani ku ma koobna xeryaha barakacayaasha, ee meel kasta wuu ka dhacaa, xataa dugsiyada Quraanka, iskuullada, tagaasida, goobaha shaqada, iyadoo aanu farqi u dhexayn yar iyo weyn toona.” Waxay carrabka ku adkaysay in kufsigu noqday “arrin aad u cabsi badan.”

Ka-baxsashada ciqaabta

Faaduma Abshir waxay sidoo kale sheegtay, iyada oo tixraacaysa kaalinta ay Wasaaradda Haweenku ku leedahay daryeelka dumarka dhibbanayaasha ah, in ay masuuliyaddu saaran tahay Wasaaradda iyo ururrada ku hawlan ilaalinta haweenka.

Waxay sidoo kale xustay in Wasaaraddu leedahay xafiis udubdhexaad ah oo u gaar ah dhibbanayaasha kufsiga, oo saddexda maalmood ee ku xiga marka denbigu dhacay isagu sameeya baaritaan caafimaad, dhibbanaha ka ilaasha cudurrada galmada ku gudba, sidoo kalana siiya daawo lagaga hortegayo uurka.

Waxay intaa ku dartay in haddii uur yimaaddo, dhibbanaha loo gudbiyo xarun daryeel oo qaas ah oo loogu gaar yeelay dhibbanayaasha uurka ku yeesha kufsi ku dhacay, oo lagu siiyo hoy, cunto, daryeel caafimaad, iyo dhaymo nafsadeed, iyada oo lala kaashanayo ururrada maxalliga ah ee hawlahaas ka shaqeeya shaqeeya sida ururka Kaalo iyo ururka Tass.

Laamaha amniga ayay masuuliyad weyni ka saaran tahay in ay wax ka qabtaan denbiyada kufsiga ee soo kordhaya, oo kiisas badani ay ka dhacaan jidadka magaalooyinka waaweyn sida Garoowe iyo Gaalkacyo, oo aan lahayn kamarooyinka lagula socdo. Waxa intaa dheer, booliska jawaabtiisu aad bay gaabis u tahay oo marka loo soo qayshado muddo ayay ku qaadataan in uu goobta yimaaddo, taas oo denbiilaha siisa fursad uu ku baxsado, ciidan roondo ah oo aagagga loo qaybshayna maba jiraanba, taas oo denbiilaha siinaysa fursad uu hablaha ku afduubto.

In kasta oo Buntilaan ay diiwaangeliso kiisas kufsi ah oo badan sannad kasta, haddana laamaha amnigu wax qorshe amni ah ka ma ay yeelan arrintan shaacsan oo lagu dabagelayo laguna soo qabanayo ciddii falka geysatay. Qabyaaladda ayaa wiiqda in denbiilaha la dabagalo, ciidanka amniguna waxaba laga yaabaa in ay iska daayaan in ay denbiilaha dabagalaan iyaga oo ka cabsiqaba in qabiilladoodu ay wax yeeli doonaan. Marar badan, denbiilayaashu wayba hubaysan yihiin, booliskuna ma laha habkii iyo tababbarkii ay faldenbiyeedka caynkaas ah kula tacaali lahaayeen, gaar ahaan haddii dhibbanaha la baqamaalo oo denbiiluhu uu muuqaal ka duubo denbiga.

Dawladda Buntilaan, si ay shaacsanahan wax uga qabato, waxay sannadkii 2016 meelmarisay xeer khuseeya faldenbiyeedyada jinsiga, oo lagu kabay Qoodbka 398 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed (1962) oo dhigaya, “Qofkasta oo xoog ama tahdiid galmo ula sameeya qof kale oo jinsi ahaan ka duwan, waxa lagu ciqaabayaa xarig shan ilaa shan iyo toban sanno ah.”

Hasayeeshee, Dacwad-oogaha Guud ee Buntilaan, Maxamed Xasan Aw Cusmaan, wuxuu sheegay in garsoorayaal badani aanay sharciga ku dhaqangelinin dacwadaha kufsiga, sida uu qabana arrintani khatar weyn ayay leedahay. Sida lagu sheegay warbixin ay shaacsanahan ku samaysay Haayadda Dadweynaha ee Qaramammada Midoobay, waxa jira garsoore qof kufsi ku eedaysnaa ku riday xukun labo sannadood oo xabsi ah.

Qareen Yaasiin Faarax Cali wuxuu sheegay in haayadaha dawladda ee Buntilaan ay magansadaan nidaamka dhaqanka marka ay ka garnaqayaan denbiyada kufsiga, sida “in odayadu ka wada xaajoodaan,” arrintaas oo wadata in denbiiluhu lacag siiyo dhibbanaha, sidaasna uu fasax ku noqdo. Wuxuu intaa ku daray, haddii dhibbanaha falkaas lagu dilo, dacwadda waxa loo gudbiyaa maxkamad, dabadeed xukun dil baa denbiilaha lagu ridaa.

Wuxuu tilmaamay in xeerka ciqaabta ee Buntilaan uu dhigayo ciqaabta denbiga kufsiga oo ay ka mid tahay ganaac uu jaangooyo garsooruhu, iyo toban sannadood oo xarig ah.

Qaar ka mid ah culimada diinta ayaa kaalin mug leh ka qaadatay la-dagaallanka kufsiga; marxuun Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, oo ahaa kuxigeenka Golaha Culimada Soomaaliyeed, ayaa kufsiga ku tilmaamay“faldenbiyeed qaab daran iyo cudur ay tahay in la ciribtiro.”

Qoraallada kale ee qoraaga