Skip to main content

Thursday 19 September 2024

Siyaasad

Muxuu daarran yahay khilaafka qabyaaladeed ee laga hurinayo gobolka Awdal?

11 July, 2024
Image
Horn of Africa
Share

Tan iyo markii bilawgii sannadkan Soomaalilaan iyo Itoobbiya ay saxeexdeen is’afgarad ay ahayd in labada dhinac ka sii wada xaajoodaan heshiis ay qodobbadiisa ugu waaweyni ahaayeen Itoobbiya oo hesha waax xeeb badda cas ee kulaasha gacanka Cadmeed ah oo ay saldhig miltari ka dhigtaan, iyo Soomaalilaan oo loo aqoonsado Jamhuuriyad madaxbannaan, gobolka Awdal ee galbeedka Soomaalilaan dhacaa waxa uu noqday mid kooxo badan oo reer Soomaaliya ahi aad u hadal hayaan.

Hadalhayntan oo uu keenay malaynta in xeebta saldhigga laga siin doono Itoobbiya ay tahay xeebaha gobolkan, taas oo keentay in la wareejiyo xogo badan oo ku saabsan gobolka, sida jiritaanka khilaaf taariikhi ah oo ka dhex oogan reeraha dega gobolka Awdal, iyo reeraha gobollada dhexe ee Soomaalilaan, kuwaas oo lagu sheego in ay yihiin beelaha ugu ballaadhan beelaha ku abtirsada Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday 1991-kii.

 Xasarad abuurka

Ka hor isafgaradkii Jeenawaridii ina dhaaftay, gobolka Awdal hadalhayn sidaa u ballaadhan bannaanka ugamay imaan, manay jirin khilaafaad qabyaaladeed oo ka jira ama laga hurinayo, kamanay soo yeedhin gobolkaa rabitaan ah in uu Soomaalilaan inteeda kale ka go’o ka hor Sebtembar 2023, kolkaas oo uu soo baxay baaq ay soosaareen koox ka soo jeedda deegaanka oo reer Kanada ah oo isku magacaabay “Dhaqdhaqaaqa Awdal State”, baaqaas oo ay ku dalbadeen in loo magacaabo gobolka maamul goboleed hoos yimaadda Fedaraalka Soomaaliya.

Hadalhayntu waxa ay timid markii isafgaradka la saxeexay ka dib, ee la faafiyay kutiri-kuteen sheegaysa in beelaha gobolku rabaan in ay ka go’aan Soomaailaan inteeda kale, ee ay kooxo bilaabeen in ay ku baaqaan in beelahan hub ay xukuumadda Soomaalilaan iskaga difaacaan la siiyo, si ay mar kale u soo laabato dhacdadii Laascaanood oo kale, baaqyada waxaa ku jiray sidoo kale in gobolkaa loogu dhawaaqo maamul goboleed, oo la geeyo ciidamada Soomaaliya iyo xoogagga xulafada la ah ee deegaanka si ay gacanta ugu sii hayaan, Soomaalilaanna looga horjoogsado in ay fuliso isafgaradkii ay la gashay Itoobbiya.

Baaqyadani waxa ay ku taamayaan in ay kala duwanaanshaha beelaha Soomaalilaan ka dhigtaan agab ay colaad kaga dhex hurin karaan beelaha gobolkaa dega (ee Gadabuursi iyo Ciise) iyo xukuumadda Soomaalilaan, oo ay u tirinayaan in ay ku kaliyaysteen beelaha Reer Sheekh Isxaaq. 

Waxa u dheer adeegsigooda kala duwanaanshaha qabiil ee ay u adeegsanayaan in ay colaad ka huriyaan gobolka, iyadoo qaar ka mid ah kooxahan dib ugu laabanaya colaadihii xilligii kacaankii Siyaad Barre (1969 – 1991) dhex maray jabhaddii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliga ah (SNM) oo beelaha Isaaq u badnaayeen iyo kooxihii kale ee ka jiray gobolka Awdal, Sool yo Sanaag, si ay cadaawad beelahan wada dega uga dhex abuuraan. Colaadahaasi ma ay ahayn kuwo u gaar ah Soomaalilaan, mana ay ahayn loollan ku kooban beelo gaar ah, balse, waxa ay ahayd mid badanka beelaha dhexdooda iyo kuwa la jaarka ahba ka dhex oognaa, sida colaadihii ka dhex dhacay beelaha Isaaqa laftooda, kuwa Hawiyaha iyo Daaroodka. Colaadahani waxa ay ahaayeen kuwo ka dhashay burburkii dawladda dhexe ee Soomaaliya 1991, hadday tahay colaad ka dhex oogan beelihii taliskii miltariga ahaa taageersanaa iyo kuwii mucaaradka ku ahaa ee la dagaallamayay taliska, ama hadday tahay mid loollan awoodeed daarran oo beelaha badankooda xilligaa ka dhex dhacday, waana arrin ka dhacday Soomaaliya iyo Soomaalilaanba, oo ilaa hadda ka taagan deegaanno badan oo Soomaaliya hoos yimaadda. 

Jabuuti ma qayb ayay ka tahay shaqaaqo kicinta

Jabuuti raalli kama ay ahayn heshiiskii isafgaradka ahaa ee Hargeysa iyo Addis Ababi wada saxeexdeen, oo waxa ay u arkaysay in uu qayb ka yahay Heshiiskii dekadda Berbera ee ay wadagaleen Soomaalilaan iyo shirkadda Iimaaraatka ee DPWorld iyo Itoobbiya oo dhinac ah, kaas oo ay u aragto in uu yahay tartan xooggan oo lagula galayo ganacsiga dibedda ee Itoobbiyada ka xabbisan badda oo ay Jabuuti dhuun u tahay, Jabuuti waa ay caddaysay go’aankeeda diidmada ah ee ku aaddan isafgaradkaas. Tallaabo ay Soomaalilaan ku tilmaantay mid lamafilaan ah, waxa Jabuuti ay qaabbishay 26 Juun oo ku beegnayd sannadguuradii 47-aad ee ka soo wareegtay xornimada Jabuuti, wefdi ka socda dhaqdhaqaaqa la magacbaxay Awdal State, kaas oo ka qaybgalay dabbaaldegii lagu xusayay madaxbannaanida Jabuuti, sidoo kale waxaa wefdiga loo oggolaaday in ay soo qabanqaabsadaan barnaamijyo dhawr ah, oo ay ka sheegeen hadallo ka dhan ah Soomaalilaan, sida lagu xusay warbixin Soomaalilaan ka soosaartay arrintan.

Dhanka kale, Jabuuti waxa ay hubisay in aysan si toos ah uga hor iman isafgaradka Hargeysa iyo Addis Ababi wada gaadheen, iyadoo qodobbo dhawr ah tixgelinaysa, oo uu ka mid noqon karo iyadoo rabta in ay ilaaliso xidhiidhka xooggan ee ay Itoobbiya la leedahay, kaas oo isticmaalka dekadaheeda ee Itoobbiya ay ka hesho faa’ido bilyan doolar ah sannadkiiba, iyadoo sidaa ah, haddana, Jabuuti Qunsuliyaddeedii Hargeysa way ka laalaabatay muddo yar ka dib markii isafgaradka la saxeexay.

Jabuuti waxa ay u ahayd Soomaalilaan saldhig ay adduunka kala xidhiidho, labada maamul ee jaarka ahina waxa ay ahaayeen kuwo xidhiidh wanaagsan leh, sidoo kalena leh xidhiidh beeleed, oo beelaha Soomaalida ah ee dega Jabuuti waxa ay sidoo kale deegaamo ku leeyihiin Soomaalilaan, sidoo kale beelaha dega Soomaalilaan qaybo ka mid ah ayaa dega Jabuuti, balse, xidhiidhkani waxa uu isbeddelay kolkii ay Jabuuti dareentay in tartan uu kaga imanayo dekadaha kale ee gobolka laga horumarinayo, gaar ahaan kolkii la saxeexay isafgaradkii dhawaa.

Isbeddelkani waxa uu u taagan yahay wajiga cusub ee xidhiidhka labada maamul ee jaarka ah, waxaana uu isku muujiyay hadallo kulul oo labada dhinac warbaahinta isu mariyeen, taas oo ku bilaabantay weedhii kululeyd ee madaxweynaha Soomaalilaan ku yidhi Jabuuti kolkii ay u oggolaadeen dhaqdhaqaaqa la magac baxay Dhaqdhaqaaqa Awdal State, taas oo keensatay in Jabuuti oo afkeeda ay ku hadlayaan Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiirka Maaliyadda ee dalkaas, kuwaas oo ka biyodiiday eedaymihii ay u jeediyeen madaxda Soomaalilaan, waxayna hoosta ka xarriiqeen doorka taageerada ah ee jabuuti ka qaadato nabadda gobolka.

Hadalladaa si caksi ku ah, Jabuuti waxa ay siyaadisay colaadinta Soomaalilaan, oo iyadoo martiqaadday dhaqdhaqaaq ka dhan ah Soomaalilaan, waxa ay sidoo kale 29-kii Juun, 2024, adeegyada laydhka iyo biyaha ka jartay qunsuliyaddii Soomaalilaan dalkaa ku lahayd, iyadoo ugu soo marmarsiyootay in lagu yeeshay qunsuliyadda daymo faro badan oo kumanaan doolar gaadhaya.

Awdal Laascaanood ma aha

Wasiirka Warfaafinta ee Soomaalilaan Cali Xasan Maxamed waxa uu ku masaalay in Jabuuti martiqaadday qolyaha ku baaqaya goosashada Awdal isku day lagu rabo in la abuuro dhacdadii Laascaanood oo kale, balse, farqigu waxa uu yahay  beelaha Jabuuti degan deegaanadooda dhanka Soomaalilaan in ay aag dagaal noqon doonaan. Waxa ay ku soo beegmeen eedaymahan warbaahinta laysu marinayaa goor ay guuldarraysteen isku dayadii dublamaasi ee Turkigu ku rabay in ay wadahadal khilaafkooda ku dhameeyaan Itoobbiya iyo Soomaaliya, ka dib markii ay mirodhali waayeen kulannadii arrinta lagaga wadahadlayay ee saddexda wasiir arrimo dibadeed ee saddexda dal.

Annagoo ku dul fekeraynay qodobbadaa aan kor ku soo xusnay, waxaan rabnaa in aan isweydiino suurtogalnimada in ay foolxumadii Laascaanood oo kale ay Awdal ka dhacdo. Weydiintan jawaabteedu waxa ay u baahan tahay in aan lafagurno dhawr qodob oo arrinta saldhig u ah, ta koowaad waa jiritaanka taageero bannaanka ka imaanaysa, laba, mawqifka beelaha gobolku qaadan doonaan iyo aragtida shacabka. Qodobka koowaad waxa uu ku xidhan yahay Jabuuti iyo in ay ka dhabayso siyaasaddeeda Soomaalilaan ka dhanka ah, iyo ilaa inta ay ka go’an tahay arrintaasu, xaaladdu sida ay haatan tahay Jabuuti way ka suurtogashaa in ay taageerto in gobolka qalalaase laga dhaliyo, si looga hortago in uu hirgalo isafgaradkii Hargeysa iyo Addis Ababa. Qodobka labaad waa mawqif beelaha deegaanku ka qaadan doonaan baaqyada u ololeynaya in gobolku Soomaalilaan inteeda kale ka tago, waana mid aan caddayn ilaa hadda. Waxaa intaa dheer in xisbul xaakimka Kulmiye taageero ballaadhan ku leeyahay gobolka Awdal, isu soo bax guuleystay ayaa uu xisbigu gobolka horraantii bishan ku qabsaday, kaas oo ay soo xaadireen haldoorka iyo siyaasiinta deegaanka iyo bulsho aad u ballaadhan.

Qodobka saddexaad waxa uu daarran yahay aragtida guud ee bulshada gobolka, ma jirto aragti guud oo ay dadka deegaanku wadaagaan oo ku baaqaysa in Soomaalilaan laga go’o. Gobolkana hore ugamay dhicin in la diido in laga qabto doorashooyinka iyo waxyaalaha la halmaala taas oo adkaynaysa aragtida sheegaysa in aanay suurogal ka noqonayn Awdal wixii Laascaanood ka dhacay oo kale.

Gunaanadkii, isku dayga in Awdal qalalaase laga abuuro waa ay guuldarraysatay, doodaha la keenay oo ay ka mid tahay in Isaaq madaxtinimada Soomaalilaan ku kaliyaystayna ma aha mid cago adag ku taagan. Dastuurka Soomaalilaan waa uu reebay in xisbiyada lagu asaaso magaca beel gaar ah, waxaana uu xaq u siiyay shacabku in ay guud ahaan ka qayb qaadan karaan siyaasadda. Taa caksigeeda siyaasadda Muqdisho waxaa madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha isu bedbeddala Hawiye iyo Daarood, beelaha kale iyo kuwa laga tiro badan yahay siyaasadda Soomaaliya iyo manaasibta xukuumadu waa mid ay ka arradan yihiin. Jabuutina tan iyo xornimadii waxaa ka taliya reerka Ciisaha ka tirsan ee Mamaasan, siyaasaddan qalloocan ee isku dayaysa in reeraha madaxa laysugu garaaco aakhirka waa mid cid walba waxyeelayn doonto.   

Qoraallada kale ee qoraaga