Skip to main content

Friday 22 November 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Waraysi

Yaa Dekad ka Maarma? Siyaasadaha Baadigoobka Marin-badeedka ee Geeska Afrika

8 February, 2024
Image
Dekada Jabbuuti
Ciidamada Faransiiska ah ee ilaalada xeebaha oo ka dhaqaaqaya dekadda Jabuuti, Nofembar, 25 2008 si ay Gacanka Cadmeed ugu galbiyaan maraakiib ganacsi. AFP PHOTO / ERIC CABANIS (Photo credit should read ERIC CABANIS/AFP via Getty Images)
Share

Hoggaamiyayaasha Geeska Afriki waxa ay aad u hadal hayaan faa’idooyinka badan ee ay leedahay in ay bulshooyinkooda u dhisaan dekado, taas oo saldhig u ah mashaariicaha ay ku hormarinayaan degaannadooda.

 

Kowdii Jannaayo, is’afgarad hor leh ayaa ay wada saxeexdeen Soomaalilaan iyo Itoobiya. Is’afgaradkan oo ah mid beddelaya wajiga siyaasadeed ee gobolka. Kadib kulan Addis Ababa ka dhacay, madaxweynaha Soomaalilaan ee Muuse Biixi waxa uu ku dhawaaqay heshiis hordhac ah, kaas oo Itoobiya ku helayso xeeb Gacanka Cadmeed ah iyo saldhig milatari; waxa uu ku daray in ay dhankoodana helayaan aqoonsi dublamaasi ah.

Labada dhinacba is’afgaradku waxa uu u ahaa horumar iyo higsi loo dhawaaday, kaas oo ka xanaajiyay Muqdisho, oo ay canbaareeyeen dawladaha caalamka oo ay ku jiraan dawladaha Itoobiya la leh iskaashiga iyo saaxiibtinimada dhow. Haddaba, dhanka aadka diiradda looga saaray is’afgaradku waxa uu ahaa saamaynta siyaasadeed ee uu ku keenayo Geeska Afrika, balse dhanka aan fiirada loo yeelan waxa ay tahay muhiimadda hoggaamiyayaasha gobolku siiyeen dhisidda dekadaha iyo sida hoggaamiyayaashani u sawireen higsigooda horumarinta iyo casriyeynta.

Dekadaha waxa laga yaabaa in aan la dhaadin muhiimaddooda durbadiiba, balse waxaa la xaqiiqsanayaa kolka la eego in wax walba oo aynu isticmaalno, hadduu yahay taleefanka gacanta, agabka guryaha iyo waxyaalaha aan si maalinle ah u isticmaalno, debadda laga soo waarido oo ay inoo soo maraan dekadaha.

Sababtaa daraaddeed, dekaduhu hadda kaliya ma aha baro loojistik oo ganacsiga la isku weydaarsado, ee waxa ay sidoo kale udubdhexaad u yihiin siyaasad degaleedka Geeska. Dekaduhu waxa ay astaan u noqdeen higsiga dib u noolaynta dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.

Kolkii DP World ay Buntlaan la saxeexatay heshiis ay kula wareegayso maamulka dekadda Boosaaso, Wasiirka Ganacsiga ee Buntlaan waxa uu ku sheegay heshiisku in uu yahay “mid fure u ah koboca dhaqaale ee Buntlaan.” Xagaagan DP World waxa ay sheegtay in ay dekadda Boosaaso gelin doonto maalgalin dheeraad ah oo 336 milyan oo doolar ah.

DP World waxa ay xadhigga ka jartay aagga ganacsiga cashuuraha ka caaggan ee Berbera oo lagu kordhiyay aagga koonteenarrada ee magaalo xeebeedkan, Juun 2021. Muuse Biixi waxa uu ku bogaadiyay horumarkani in uu yahay “tallaabo weyn oo hore loo qaaday,” maayarka Berberina waxa uu sheegay in dekaddu siisay magaaldaiisa fursaddii ay ku noqon lahayd “xarun ganacsiyeed caalami ah.”  Dhanka Jabuutina, Cabdlilaahi Caddaawe Sigad oo ah madaxa teerminaalka dekadda Dooraale, ayaa jariiradda Financial Times u sheegay: “Riyadayadu waa in aan noqonno Singabuurta cusub.” Dekadda ayaa fure u ah xaqiijinta yoolkaas.

Hanka Itoobiya ay ku rabto in ay dekad hesho, oo ay mar kale noqoto awood badda wax ku leh, ayaa sidoo kale soo hoos galaya arrintan. Abiy Axmed waxa uu muujinayay rabitaankiisa ku aaddan helidda dekad, taas oo qayb ka ah himiladiisa uu ku rabo in uu Itoobiya ka dhigo “awood weyn,” isagoo hanjaabado u jeediyay dalalka jaarka oo uu ku sheegay in ay xoog iyo xeelad mid uun ku heli doonaan dekad.

Geesku waxa uu waraysi la yeeshay bare sare Jutta Bakonyi oo daraasaysa colaadaha, horumarka, siyaasadda degel-dhaqaaleedka dekadaha ee Geeska Afrika. Jutta Bakonyi waxa ay Geeska kala hadli doontaa waxa ay dekaduhu u taagan yihiin, waxa ay soo kordhinayaan iyo sababta ay Itoobiya uga go’an tahay in ay dekad hesho.

Faysal Cali: Si kooban ma noogu sharraxi kartaa muhiimadda guud ee degal-dhaqaaleedka dekadaha; maxay dheer yihiin dalalka leh dekaduhu kuwa aan lahayn?

Jutta Bakonyi: Wax ku dhow boqolkiiba 80 ganacsiga adduunka waxa la mariyaa badaha. Taas oo dekadaha ka dhigaysa baro xidhiidh oo muhiim u ah dhammaan noocyada ganacsiga caalamiga ah. Ganacsiga lagu gudbiyo koonteenarada maraakiibtu xanbaartaa waxa uu bilaabmay 1970, kaas oo dalalka soo koraya ka hirgalay tobaneeyadii sanno ee u danbeeyay. Ganacsiga noocan ah iyo arrimo kale oo la halmaala ayaa qayb ka qaatay kobaca degdegga ah ee hadda ku socda kaabayaasha dhaqaale ee Afrika, Aasiya iyo Laatiin Ameerika, tan ayaana qeexaysa tartanka socda ee ay shirkadaha dekadaha maamula ee caalamiga ahi ugu jiraan dekadaha Afrika. Xaqiiqada ah in shirkadahan maamulka iyo loojistikadu ayna ahayn shirkado galbeedka laga leeyahay, balse ay yihiin shirkado ka soo jeeda, tusaale ahaan, Jaynaha, Singabuur, Iimaaraatka Carabta, Filibiin ama Hoon koong, ayaa iyaduna ah mid caddaynaysa sida awoodda caalamku isu geddinayso.

Baduhu waa marinno istaraatiiji ah, dalalka lehna waxa ay fursad u siiyaan in ay samaystaan dekado ay dakhli ka soo saaraan, iyo sidoo kale in ay baddooda u adeegsadaan in ay ku muujiyaan awooddooda dhaqaale iyo tooda siyaasadeedba.

Haddaba, waxa muhim ah in hoosta laga xarriiqo in dekaduhu kaliya ay yihiin dhuumo. Isku dayada lagu dhisayo waddooyin/kooridoorro xeebta ku xidha gudaha ka durugsan, ee guud ahaan Afrika ka socdaa, kaliya ma muujinayaan in dekaduhu u baahan yihiin deegaannada xeebta ka durugsan, balse sidoo kale waxay muujinaysaa in maalgaliyayaasha caalamiga ahi aqoonsadeen in Afriki dhaqaale ahaan dihinta tahay, oo dalalka Afrika ee dhaqaalahoodu kobcayo laga helayo bulsho awood gadasho leh, taas oo Afrika ka dhigtay suuq wax laga iibin karo oo aan kaliya ahayn meel laga daabbulo alaabta ceeriin. Hantigoosigu aad buu ugu fiday dalalka soo koraya, nidaamkan oo ah mid si joogta ah isu cusboonaysiinaya una fidayana, dekaduhu waxa ay u yihiin baro xidhiidh oo fiditaankaas sahlaya.

FC: Dekad dhisidda ka socota Geeska Afrika waxa dhan lagala xidhiidhin karaa hoggaanka bulshada oo ku xayaysiis geeyay in ay tahay dhabbadii loo mari lahaa mustaqbal suuraysasho ah oo horumar bulsho iyo dhaqaale leh. Tusaale ahaan Abiy Axmed waxa uu ku xidhiidhiyay hammigiisa in uu helo rug Badda Cas ah dib u soo noqoshada Itoobiya iyadoo ah awood weyn. Suuqgeynta caynkan ahi sidee bay uga muuqanaysaa daraasadda aad ku samaysay Berbera, Bosaaso iyo Jabuuti?

JB: Qaabka ay hoggaanka siyaasadeed u soo bandhigeen himiladooda ku aaddan dekad dhisiddu waa kuwo is shabbaha. Kaabayaasha dhaqaale udub dhexaad ayay u yihiin aragtidaynu ka haysano casriyeynta iyo filashooyinka casriyawga ee ah horumar aan dhammaad lahayn iyo kala danbayn siyaasadeed.

Kaabayaasha dhaqaale waxa ay soo bandhigaan ballan-qaadka hantigoosiga ee ah isu socodka xorta ah ee degdegsiinyaha badan, horumarka dhaqaale, iyo walaxaysiga aan xuduudda lahayn. Hoggaanka siyaasadeed ee Geeska Afriki ballan-qaadkan uun bay dib u wariyaan. Waxa aynu arkaynaa dadaallada dhismaha dekadda iyo kooridoorrada ee ka socda Soomaalilaan iyo Jabuuti in ay ku sidkan yihiin rejooyinka bulshooyinkan ee ah in ay helaan aqoonsi siyaasadeed (gaar ahaan Soomaalilaan), oo sumcadda dalkooduna wanaagsanaato. Sidoo kale bulshooyinkani waxa ay rejaynayaan in kaabayaasha dhaqaale ee la horumarinayaa noqdaan kuwo dadka ka saara faqriga – rejadan oo ah mid aan si dhow loo gaadhayn waxa laga yaabaa in ay in badan ku beerto niyadjab.

Tan iyo markii uu xukunka qabtay 2018 raysal wasaare Abiy Axmed waxa uu adeegsanayay qiiro waddaniyeed iyo mid ilbaxnimo oo ka soo dabqaadanaysa kuna arooraysa soo celinta maqaamkii Itoobiya, taas oo uu ku tilmaamay in ay ahayd awood hoggaamineed oo ka muuqatay gobolka iyo caalamkaba. Balse, marka laga tago hadalhayntaas, isku daygiisa ah in uu nidaamka dawladeed ku soo ururiyo gacanta dawladda dhexe waxa ka dhashay kacdoonno iyo dagaallo sokeeye, Abiyna hadda waxa uu la tacaalayaa mucaaradad gudaha ah oo sii siyaadaysa, iyo khilaafaad debadda ah, dhaqaalaha dalkuna intuu joogay wuu sii hoobanayay, haddana waxa uu marayaa xaalad dayro ah. Baanaha uu Abiy Axmed dhawaanahan waday ee daarnaa weynaanta Itoobiya ma aha mid cusub, kalina kuma aha baanaha caynkan ah. Madaxda dawladuhu waxa ay taageeradooda ku helaan in ay qiirada shacabka ku kiciyaan in ay sheegaan qabkii qarankooda oo ay soo celinayaan iyo in ay muujiyaan awood dhanka arrimaha debadda ah.

FC: Dalalka Afriki waxa ay muujiyeen rabitaankooda ah in ay soo jiitaan maalgashiga debadda, iyagoo dalalkooda u xayaysiiyay maalgaliyayaasha caalamiga ah, balse way kooban tahay inta ay gorgortan galaan iyagoo gacanta sare leh. Sidee bay tani u saamaynaysaa xidhiidhka ka dhexeeya maalgaliyaha iyo dawladda?

JB: Dawladaha Afriki badanka ma awoodaan in ay kobciyaan kaabayaashooda dhaqaale, waxayna arrintan ula eertaan in ay noocyada deymaha kala duwan raadsadaan ama shirkadaha caalamiga ahi si ay ugu dhisaan wax kaga beddeshaan, sida in ay ku wareejiyaan adeegyo dawladdu bixin jirtay, sida maamulka dekadaha, aagga koonteenarada, iyo aagga ganacsiga cashuuraha ka caaggan. Arrintani ma aha mid Afrika ku kooban ee waa mid adduunka oo dhan ka jirta. Dekadaha dalalka caalamka badankooda guud ahaan hawlgalladooda ama qaybo ka mid shaqada dekadaha waxa lagu wareejiyaa shirkado gaar ah.

Hubaal, isbeddelkan habka maamulka kaabayaasha dhaqaale ku imanayaa waxa ka dhalanaysa in awooddu u wareegto xubno rayid ah oo hadda noqonaya ganacsatada leh shirkadaha loojistikada/dekadaha ee caalamiga ah, kuwaas oo iyagu helaya badanka dakhliga ka soo xarooda kaabayaasha dhaqaale oo ay ahayd sida caadiga ah in ay dawladda u xarooto ama ugu yaraan hoggaanka siyaaasadda. Marka Afrika la joogo isbeddelkani aad buu u muuqdaa, maadaama, oo dhismaha kaabayaasha dhaqaale eber laga soo bilaabayo oo aanay jirin wax hore ugu sii meel yaalay, waxyaabaha ay bixinayaan dawladdani iyo tanaasulaadka ay samaynayaan ma aha kuwo daah furan, sababtaa daraaddeedna dalal badani waa kuwo qaamaysan.

FC: Itoobiya waxa ay muujisay rabitaankeeda ah in ay yarayso ku tiirsanaanteeda Jabuuti, oo ku kaliyaysatay in ay noqoto dhuunta ganacsiga caalamiga ah ee Itoobiya. Tan waxa ka dhashay isku tiirsanaan, Itoobiya ku keeni karta halis degel-siyaasadeed. Itoobiya waxa ay soo martay marxalado koboc dhaqaale oo heer sarreeya iyada oo aan dekad lahayn, markaa ma ku waafaqsan tahay karkabada uu saaray baahida dekadda ee dalka, hoggaamiyaha haatan haya talada dalku, mise waxa jira siyaalo kale oo lagu fududayn karo ganacsiga caalamiga ah iyadoon dalalka jaarka ah loo qaamoobin?

JB: Dekad la’aanta Itoobiya awgeed, ganacsiga Itoobiya waxa uu ku tiirsan yahay xidhiidh wanaagga Jabuuti kala dhexeeya. Hayeeshee, ku tiirsanaantani waa mid laba geesood ah, sababtoo ah dhaqaalaha Jabuuti waxa uu ku tiirsan yahay isticmaalka Itoobiya ee dekadaheeda.

Dalalka gobolka ee xeebaha dhacaa dhammaan waxa ay u kala dheeraynayaan xodxodashada Itoobiya oo ay rabaan in ay suuqeeda ballaadhan u adeegaan; hadday tahay Eretariya, Jabuuti, Soomaalilaan, iyo Soomaaliya (xataa Kiiniya). Itoobiya way ku baraarugsan tahay arrintan, waxayna kor u qaadi kartaa isdhexgalka gobolka iyada oo aan yeelan dekad u gaar ah. Itoobiya way leedahay awood dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo u saamaxaya sidii ay uga shaqayn lahayd yaraynta ku tiirsanaanteeda, sidoo kalena u dhisi lahayd xidhiidh faa’ido u leh labada dhinacba. Qayladhaanta uu hadda wadaa waa iska xeelad siyaasadeed uun.

Sidaas darteed, Itoobiya waxa ay haysataa kanshooyin badan oo ay ku badin karto xidhiidhadeeda dhaqaale iyo dekadaha gobolka ee u furan, iyadoon u baahan mid ay toos u maamusho. Itoobiya waxa ay hore qayb uga ahayd heshiis saddex geesood ah oo u dhexeeyay Soomaalilaan iyo shirkadda laga leeyahay Iimaaraatka Carabta ee DP World, taas oo ku hawlanayd ballaadhinta iyo casriyeynta dekadda Berbera tan iyo 2018.

Heshiisku waxa uu DP World u saamaxayay in ay dekadda maamusho muddo 30-sanadood ah, Itoobiyana horraantii heshiiska qayb ayay ka ahayd oo saami 19% ayay ku lahayd. Abiy Axmed se ma oofin waajibaadkii uu ku hanan lahaa saamigaas oo heshiisku 2022 ayuu buray.

FC: Xilliga uu is’afgaradkani ku soo beegmay waa mid xiise leh. Waxa uu ku soo beegmay goor marinka Badda Cas, oo ah marin ganacsiyeed muhim ah, ay soo wajahday amnidarro weyn oo ka dhalatay qalalaasaha gobolka ka taagan ee cirka isku sii shareeraya. Waxaynu sidoo kale ka soo baxnay Covid-19, kaas oo hakiyay isu socodka ganacsiga caalamiga ah. Intee in le’eg ayay kula tahay in Itoobiya iyadoo isha ku haysa xaaladahan soo cusboonaaday ay ku tashatay in ayna xilkas ahayn in ay dekad kaliya ku tiirsanaato?

JB: Sugidda amniga marin biyoodyadu muhiimadaha u waaweyn ee ajendaha caalamiga ah ayay ku biirtay, ka dib markii budhcad-badeedda, weerarrada, iyo dagaalladu carqaladeeyeen habsamisocodka badeecadaha. Hakashada isu socodka badeecadaha ku timi ee uu sababay caabuqii COVID-19, dagaalka ka oogan Yukrayn ama weerarrada dhawaanahan ay Xuutiyiintu ku qaadeen maraakiibta ganacsiga ee Badda Cas, dhammaan waxay ka marag kacayaan walaaca amni ee ka taagan marin biyoodkan.

Carqaladaha ku yimaadda isu socodka badeecaduhu waxa ay shirkadaha ku sababaan khasaare malaayiin doolar ah, waxa ayna keeni karaan cunno iyo shiidaal yari, waxaana badanaa ka dhasha sicirbarar. Haseyeeshee, ilama ah in arrintan ay wax ka beddelayso Itoobiya oo xeeb heshaa. Sidaan hore u soo sheegay si sahlan ayay Itoobiya kula gali kartaa heshiisyo dalalka jaarkeeda ee dekadaha leh, sida kii ay Soomaalilaan hore ula gashay.