Skip to main content

Thursday 19 September 2024

Feker

Arjumid: Soraya iyo Caa'isha

4 June, 2024
Image
Stoning
Sawirka waxa aslay fannaankii reer Eeraan, Abul Xasan Qaffaari.
Share

Bartamihii August ee 1986-dii ayaa waxaa goob fagaare ah la isugu keenay mid ka mida dadkii ku noolaa magaalada Kuhpayeh ee dalka Iiraan, si dhagax nafta looga qaado Soraya Manuchehri. Taliskii Aayatullaahi iyo Sheekhii magaaladu waxay maalintaa goobta ka sheegeen in Soraya ay gogoldhaaf samaysay iyada oo marwo ah, sidaa awgeed lagu fulinaya xadka saaniga ee qofka guursaday. Aabbaheed ayaa uu ahaa ciddii ugu horraysay ee dhagaxa ku tuurta, waxaana ku xigay ninkeeda, kadibna si wada jira ayaa dhagax roob looga dhigay ilaa naftu silic uga baxday.

Soraya waxay ahayd 35 jir aan sinaysan sida markii dambe eeddadeed Sahri ay caddaysay. Cali oo ninkeeda ahaa ayaa ka dambeeyay qorshaha arjumiddeeda (dhagax-ku-diliddeeda). Sababku waxa uu ahaa in Cali uu gacalooday haweeney kale oo uu jeclaystay inuu guursado. Waxa uu ka fekeray inuu Soraya furo, se waxa uu is tusay inay ku adag tahay bixinta kharashka meherkeeda oo ay xaqa u lahayd. “Lamana guursan kartid oo masayr haween iyo maarayntooda kama bixi kartid, bixinta meherkeedanu way adag tahay oo adaaba u baahan lacag oo aroosaya!” ayaa uu is yiri.

Dhawr iskuday oo uu Soraya cadaadis ku saaray si ay furriinka u dalbato, isagana uu meherkeeda madaxfurasho uga dhigo ayaa fashil ku dhammaaday. Deedna Cali oo galaangal ku lahaa maamulka Aayatullaahi iyo wadaadka magaalada ayaa isla dajiyay shirqool bilowgiisu ahaa shaqo-siin, kuna dhammaaday god ay qaarkeeda dambe kula jirto, qaarka sarane dhagax la la dhacaya. Sheekada Soraya waxaa laga qoray buug 1990-kii, waxaana 2009-kii laga sameeyay filin. Magaca filinka iyo buuggaba waa The Stoning of Soraya M. Haddaba sheekada Soraya waxay i xusuusisay sheeko kale. 

Dhammaadka bishii October ee 2008-dii ayaa goob fagaare ah oo isbartiimo Vecchio la dhaho la isugu keenay badi dadkii ku noolaa magaalada Kismaayo. Sababku waa arjumidda iyo dhagax-ku-dilidda Caa’isha Dhuxulow oo maamulka meesha oo Al-Shabaab (AS) ahaa uu ku sheegay inay gogoldhaaf samaysay iyada oo guur soo martay.

Galabkaasi aad baan u xusuustaa oo aniga ayaa kamid ahaa dadkii joogay. Maadaama aan yaraa oo dadka meesha tuban iga qarinayeen waxa fagaaraha ka socda ayaa waxaaan koray gidaar yar oo ka soo haray burburka dhisme qadiimi ah. Qiyaastii boqollaal ayay ahaayeen dadkii meesha isugu yimid. Waxay sidii giraantii ugu wareegsanaayeen god yar oo ka qodnaa bartanka fagaaraha, waxaana ka agdhawaa dhagaxyo aad u fara badan oo gacanqabsi ah. Godka iyo dadka waxaa u dhexeeyay askar afka cummaamad cas ugu wada duuban oo u badan barbaarro ku labbisan khamiis-bakistaani iyo sarwaal madow oo dhudhunka u jooga. Dadka ayay kala nidaaminayeen, oo aamusinayeen, oo rag iyo haween u kala saarayeen.

Kolkii daqiiqado meesha la tubnaa ayaa niman yimaaddeen. Qolodani qoryo ma sidan ee khamiisyo cadcad iyo cummaamad cas ayay xirnaayeen. Mid ka mida ayaa codbaahiyaha qabsaday. Waxa uu galay wacdi ku saabsan xukunka iyo xadka rajmiga. “Magaceedu waa Caa’isha Ibraahin Dhuxulow. Qiyaastii waa 26 jir, guurna horay u soo martay oo sinaysatay. Iyada ayaana qiratay oo raalli ka ah xukunkeeda!” ayuu ninkii yiri. “Haddana waxaan ku fulinaynaa xadkii uu Alle jalla-jalaaluh inoo jideeyay ee ahaa in dhagax lagu dilo,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Aamuskiisa iyo waxaa xigay xiinka gaari aan kala garan waayay inuu kolkaa yimid iyo inuu sii joogay. Waxaa laga soo dajiyay Caa’isha oo ay laba haweeney ahi garbaha ka hayaan. Waan xusuustaa, waxay xirnayd dhar madow. Markay aragtay waxa khalaa’iq ee meesha tuban, godka qodan, dhagaxyada daadsan, ragga afduuban, ayay mar kaliya naxday oo aad u qaylisay, u barooratay oo af labadii u dhawaaqday oo dhulka isku tuurtay. Balse xoog baa loo soo kaxeeyay oo godka loogu tuuray. Labo mar oo ay ka soo baxday godkii, markii saddexaad ee la galinayay waxaa la la galiyay dhagax weyn si aysan u helin firaaq ay uga soo baxdo godka. Markiiba waxaa lagu bilaabay dhagaxii. Sikinnadaasi ma illoobo; aad baan weli u sii xusuustaa. Daqiiqado gudahood ayuu madaxeedii idlaa isu beddelay sidii ukun darbi lagu baduujiyay. Ilbiriqsigii aan arkay maskaxda Caa’isha oo sidii xabxabkii u qubanaysa ayaan miyirdoorsoomay. Waxaan si foolxun uga soo dhacay halkii aan saarnaa. Dhulkii iyo dadkii iga hooseeyay ayaan si qaabdaran ugu soo dhacay.

Qiyaastii wax nus saac ku dhow kadib ayaan soo baraarugay. Goobta aad bay isugu dhex yaacsanayd markaa. Anigii aad baa la iigu joogjoogsaday. Dadku sidii wax la maray ayay iska dabawareegayeen. Waxaa ugu darnaa dumarka oo badi afka furtay. Qaar iyaga ka mida (AS) ayaa isku dayay inay xabbad ku aamusiiyaan dadka, se arrinku faraha ayuu ka baxay kolka ay dad ku dhinteen xabbadihii la riday, qaarna ku dhaawacmeen. Kolkii dambe inta meydkii Caa’isha oo madax baduugan ay godka kala baxeen ayay goobtii degdeg uga carareen. Waxaase godkii iyo gaararkiisa qubnaa dhiig iyo dheecaan ahaa maskaxdii iyo madaxii Caa’isha. Waxaa la sheegaa dad badan oo goobtaas miyirkii uga tagay inuusan dib ugu soo laaban. Kiiska Caa’isha waxa uu ahaa kii u horreeyay ee ay AS fuliso.

Sida gadaal ay ka caddeeyeen qoyska Caa’isha Ibraahin Dhuxulow (Caa’isha-Luul) oo Aabbaheed iyo Hooyadeed ugu horreeyaan, ma ay sinaysan, mana aysan soo guursan, mana aysan jirin 26 sano. Waxay ahayd 13 jir reerkoodu deggen yihiin xeryaha qoxootiga ee Keenya. Saddex nin oo qorya wata ayaa habeen afduubtay oo xeebta Kismaayo la tagay oo kufsaday. Waxay timid xabsiga oo ay u soo caddaalad doonatay. Kolkii raggii la soo qabtayna waxayba noqdeen qaar ka mida dhalinyarta ururka AS. Sidaa awgeed waxa uu ururka go’aansaday in Caa’isha kiiska lagu geddiyo. Kiiska Caa’isha waxa uu isna ina xusuusinayaa mid ka agdhow oo ka dhacay magaalada Beledweyne Oct. 2010-kii. 

Barxadda xarunta Gobolka Hiiraan ayay AS ku toogatay laba gabdhood oo la kala dhaho Ayaan Maxamed Jaamac iyo Ayaan Ibraahin Nuur oo ay xataa ehelkooda u diideen inay meydadka qaataan oo dhaqdaan oo duugtaan. Waxay gabdhahu ahaayeen dhawr iyo toban jirro. Sababka dilkooda waxa ay AS ku sheegtay inay ahaayeen jaajuusyo.

Sida gadaal ay ka caddeeyeen ehelka labadaa gabdhood, jaajusyo ma ay ahayn. Arrintaasi xataa ururka waa u caddaatay, se khaladka waxa uu dhacay iyaga oo raba inay gabdhaha fasaxaan ayaa waxaa arkooday oo gacalooday qaar ka mida ajaanibtii la joogtay. Deedna xilli habeennimo ah inta xabsiga laga bixiyay gabdhihii ayaa raggii loo geeyay. Iyaguna si daran ayaa ay u kufsadeen gabdhihii. Ururka talo ayaa ku caddaatay. Waxa uuna is tusay haddii uu gabdhaha fasaxo in fadeexo imaanayso oo wixii ay la kulmeen ay dadku ogaanayaan. Sidaa awgeed, waxa uu go’aansaday in lagu qaado kiiskii lagu soo xiray ee jaajuusnimada ahaa iyada oo laga dhigayo inuu ku caddaaday.

Sababta ay xataa ehelka ugu diidayeen meydadka labada gabdhood ayaa ahayd inay ka baqayeen in la arko dhaawacyada soo gaaray jirkooda iyo xubnaha tarankooda, sidaa awgeed xarakada ayaa duugtay labadii gabdhood. Si kastaba dhibbanayaasha dhagaxyada ee AS badankoodu waa haween kolka laga reebo laba nin (Eebbe dhammaantood ha u wada naxariisto e):

August 2008: Caai’sha Ibraahin Dhuxulow | Degmada Kismaayo.
November 2009: Cabbaas Xuseen Cabdiraxmaan | Degmada Marka.
September 2011: Aamina Xuseen Xasan | Degmada Janaale.
September 2014: Safiya Axmed Jimcaale | Degmada Baraawe.
February 2017: Dayow Maxamed Xasan | Tuulada Raxma Caddeey.
October 2017: Xabiibo Cali Isxaaq | Degmada Saakow.
May 2018: Shukri Cabdullaahi Warsame | Degmada Sablaale.
October 2021: Xasan Cabdi Aamey | Degmada Kuntuwaarrey.
February 2022: Gurmad Faarax Afrax | Tuulada Booco.

Qoraallada kale ee qoraaga