Skip to main content

Friday 20 September 2024

Waraysi

Dunta Koonfur Afrika ku Xidha Falasdiin: Dacwaddii Maxkamadda Caddaaladda Adduunka iyo Xaaladda Qasa

7 February, 2024
Image
rasool
newly elected African National Party (ANC) leader of the Western Cape, Ebrahim Rasool (R). (Photo by ANNA ZIEMINSKI / AFP) (Photo by ANNA ZIEMINSKI/AFP via Getty Images)
Share
Ibraahin Rasool oo danjire u noqday Koonfur Afrika, taliskii midabtakoorkana la dagaallamay, wuxuu Geeska uga warramayaa sababta uu dalkiisu u dacweeyay Israa'iil, waxa ay taasi uga dhigan tahay, iyo sida qadiyadda Falasdiin ay ugu dhowdahay qalbiyada reer Koonfur Afrika.

Kolkii uu Ebrahim Rasool korayay, nidaamkii tirayarta caddaanka ee Koonfur Afriki wuxuu dalka ku soo rogay talis midabtakoor oo qallafsan aadna u arxan daran. Waxyaabaha ugu fogfog ee uu aadka uga xasuusto cunfigii nidaamsanaa ee nolosha maalinlaha ah ee dadka aan caddaanka ahayni dhacdo iyo baxdo wajihi jireen waxa ka mid ah kolkii sannaddii 1972 goobtii uu qoyskoodu degganaa lagu suntay in ay tahay aag “caddaan.” Siyaasaddan waxa lagu magacaabaa “raafiddii qasabka ahayd,” oo goobo badan ayaa la amray in looga baxo oo loo banneeyo dadka caddaanka ah.

Maalintaa wuxuu ka soo rawaxay madrasadda, sida uu xasuusto, wuxuuna u yimi aabbihii oo loo soo diray ogaysiis faraya in ay gurigooda ka baxaan. “Shooladdu xataa weli way sii diirnayd, oo Hooyaday ayaa wax ku karinaysay,” ayuu iigu sheegay waraysi maqal iyo muuqaal ah oo ka soo galay gurigiisa magaalada Cape Town. Toban-jir buu ahaa. Qaraarkani wuxuu ka ag raray ayeeydii oo ay deris ahaayeen, habaryarihii iyo eeddooyinkii, adeerradii iyo abtiyaashii, iyo ilmaadeerradii/ilmaabtiyadiina “la maba gaadhi karayn,” saaxiibbadiina meelo kala duwan ayaa lagu kala daadiyay. “Waa markii kowaad ee aan xaqdarrada dhadhamiyay,” ayuu yidhi. 

Kolka cadaadiska iyo cabbudhisku xoogaysto...in aad siyaasadda gashaa “ma aha wax aad dooranaysid oo lagaa baryayo, ee waad ku qasbanaanaysaa oo daafad kugu riixaysa ayay iska leedahay.”

Waaya’aragnimadaasi wax badan ayay bartay mudane Rasool, waxayna ku riixday dagaal tobannaan sannadood socday oo uu la galay xukuumaddii midabtakoorka ee Koonfur Afrika ku amarkutaaglaynaysay. Kolka cadaadiska iyo cabbudhisku xoogaysto, ayuu ku sababeeyay, in aad siyaasadda gashaa “ma aha wax aad dooranaysid oo lagaa baryayo, ee waad ku qasbanaanaysaa oo daafad kugu riixaysa ayay iska leedahay.” Waaya’aragniman carruurnimada ku soo martay waxay shidaalisay in uu ka qaybqaato debadbaxyadii ardayda iyo kolkii danbe in uu xubin muhiim ah ka noqdo xisbigii gobannimaddoonka ee ANC, oo uu toos uga mid noqdo halkii midabtakoorka lagaga soo horjeeday. 

Safarkaa dheer ee uu galay, mar kasta wuxuu ku gaadhnaa himiladii Nelsan Mandeela ee ku aaddanayd xorriyad loo dhan yahay, wuxuuna had iyo goor u ololeeyaa oo garab istaagaa dadyawga dulman ee la hagraday, dalkiisa iyo dunida kale meel ay joogaanba. Maanta oo ay taagan tahay gardarrada ay Israa’iil ku hayso Qasa, mudane Rasool waxay xasuusinaysaa erayadii Mandeela: “Xorriyaddayadu way kala dhantaalan tahay ilaa iyo ay dadka reer Falastiin xor ka noqonayaan.” Dawladda Koonfur Afrika waxay qaadatay mooqif, waxayna Maxkamadda Caddaaladda Adduunka u gudbisay galdacwadeed Israa’iil ku eedaynaya xasuuq. Xukunkii ay Maxkamadda Caddaaladda Adduunku soo saartayna wuxuu ka garaabay in ay jiraan qodobbo muujin kara in xasuuq dhacay, waxayna laashay doonistii Israa’iil ee ahayd in dacwadda la oodo.

Mudane Rasool wuxuu Geeska siiyay waraysigan gaarka ah oo uu kaga hadlayo dacwadda Maxkamadda Caddaaladda, iyo ay xulafada Israa’iil u qaban la’ yihiin iyadoo loo wada jeedo in dadka duqaymaha ku waxyeelloobay ay aad u kordhayaan.

Maaddaama aynu nahay dalal lagu yaqaan in ay gumaystaha la diriraan, waa lagamamaarmaan in aynu fadhiga ka kacno oo arrimaha tan oo kale ah is barbar taagno si aynu nafaheenna awood ugu afuufno, caalamkana dib ugu qaabayno. 

Faysal Cali (FC): Sidee bay kuula muuqataa masiibada isa soo taraysa ee maanta ka taagan Qasa?

Ebrahim Rasool (ER): Waxa cad in aynu maanta indhaheenna ku arkayno xasuuq si qunyar-qunyar u soconayay tan iyo dhacdadii Oktoobar 7. Israa’iiliyiinta waxa sidoo kale ku socda nafbax, oo Netanyaahu wuuba qirtay taas oo anfariir iyo yaxyax ku reebtay taageerayaashiisa dawladaha reer Galbeedka. Waxa la qudhjaraa waa dawlad, marka xaal sidaas yahayna waxa denbiga qayb ku yeelanaya xulafada Israa’iil.

In safaaraddii [Maraykanka] la raray baa ka mid ah, iyo sidoo kale degaamaynta iyo qabsashada joogta ah iyo go’doominta Qasa. Netanyaahu ku ma haystaan in uu sheegay in aanu rabin xal labo dawladood, ee waxay ku haystaan in uu kor u yidhi oo uu kashifay.

FC: Dad badan oo reer Koonfur Afrika ah ayaa sheegay in waxa reer Falastiin ku socdaa uu ka daran yahay nidaamkii midabtakoorka. Arrintaasina maanta si fudud bay uga muuqataa Qasa. Laakiin sidee u aragtaa xaaladda Daanta Galbeed, kolka aad barbardhigto Koonfur Afrikadii aad taqaannay?

ER: Haddii xataa uu wadaad Desmond Tutu maanta sidaas odhan lahaa, waynu ka siisan lahayn. Caddaynta aan maanta arkayo ayaa igu filan: Kolkii guryaha na laga saarayay maba ay jirin gidaarro na lagu kala xidhayay annaga iyo caddaanka. Falastiin se gidaarro ayaa ka dhisan. Annaga si aan aabbayeel lahayn na loo ma duqayn jirin. Waa na la duubi jiray oo annaga oo aan maxkamad na la soo taagin na la xidhi jiray, laakiin taliskii midabtakoorka ee Koonfur Afriki ugu yaraan wuxuu iska dhigdhigi jiray dawlad-dawlad. Wuxuun baan ka wadaa xaaladda maanta halkaa ka taagani aad iyo aad bay uga daran tahay tii na heshay. 

FC: Waxa la odhan karaa dacwadda ka dhanka ah ee Israa’iil ee ay Koonfur Afriki u gudbisay Maxkamadda Caddaaladdu waa kiiskii siyaasad ahaan ugu qaraxa weynaa ee ugu cuslaa ee ay ka garnaqdo. Maxaad u malaynaysaa in Koonfur Afriki ay u qaadatay go’aankaa dhiirran ee ah in ay dacwaddaa oogto?

ER: Xidhiidh soojireen ah ayaa nagu xidha halganka reer Falasdiin. Kolkii ay reer Galbeedku na dayriyeen, waxay noo fureen xeryahooda tababbarrada. Waxa aannu leennahay hoggaamiyayaal uu ka mid yahay Mandeela oo sheegay in xorriyaddayadu ay qabyo ahaanayso ilaa ay reer Falasdiin si buuxda u xoroobayaan. Mandheer baa isku xidha reer Koonfur Afrika iyo reer Falasdiin.

Hasayeeshee arrintani dhayal ma aha; Koonfur Afriki wax weyn bay huraysaa. Maraykanku waa dal xooggan oo sed dheeraad ah haysta, waxana ka mid ah Xeerka Koboca iyo Fursadaha Afrika [oo jidaynaya in si gaar ah suuqyada Maryakanka loogu soo dhaweeyo dalalka Afrika]. Tallaabadani se waxay ahayd mid sharaf weyn iyo damiirsamaan leh. Aad baannu ugu dhaadanaynaa in aannu baaqaa ajiibnay.

Mandeela [wuxuu] sheegay in xorriyaddayadu ay qabyo ahaanayso ilaa ay reer Falasdiin si buuxda u xoroobayaan. Mandheer baa isku xidha reer Koonfur Afrika iyo reer Falasdiin.

FC: Tallaabadan ay Koonfur Afriki baalallaysay muxuu kaaga sheegi karaa kaalinta ay waddamada Afriki ka ciyaari karaan wax-ka-qabashada dhibaatooyinka dunida, gaar ahaan kolka lagu xisaabtamo sida Yurub – marka in yar laga soo reebo – iyo Maraykankuba ay u hoojiyeen reer Falasdiin?

ER: Waa urur gumaystayaal ah, sidaa darteedna ma rabaan in ay albaabka xasuuqa ku gargaraacaan talis kale oo gumayste ah. Laga ma filan karo in ay arrintan iskala xisaabtamaan, maxaa yeelay waa nin iin lehow daa gujada. Waxay u taagan yihiin difaaca mashruuca gumaysiga laftiisa, Israa’iilna waxay mashruucaa u tahay tusaalaha waqtigan. Kolkaas, maaddaama aynu nahay dalal lagu yaqaan in ay gumaystaha la diriraan, waa lagamamaarmaan in aynu fadhiga ka kacno oo arrimaha tan oo kale ah is barbar taagno si aynu nafaheenna awood ugu afuufno, caalamkana dib ugu qaabayno. 

FC: Kolkii dagaalkani cusbaa, ayuu John Kirby [oo ka tirsan Golaha Amniga Qaranka ee Maraykanku] uu si axmaqnimo leh u yidhi dagaallada dad uun baa ku dhinta, isaga oo ka hadlaya reer Qasa. [Joe] Biden laftiisa ayaa isla intii ku soo celiyay mar danbe, oo xataa maalin kale su’aal geliyay sida loogu kalsoonaan karo tirakoobyada waxyeellada dagaalka ee ay Wasaaradda Caafimaadka ee Qasi faafiso. Waxa kale oo la soo helayaa tusaalayaal muujinaya sida madaxda Maraykanku ay u dadnima-tireen Falasdiiniyiinta, balse maxay kula tahay in ay keentay xasaanaddan aad mooddo in loo haysto in waxyaabaha caynkaas ah lagu hadlo?

ER: Waa cunsuriyad iyo Islaamnacayb. Bes. Bayaannadaa la soo saarayo iyo su’aalahaa laga keenayo waxyeellada rayidka soo gaadhay ma aragno marka laga hadlayo rayidkii caddaanka ahaa ee la dilay Agtoobar 7, laakiin si mucjiso u dhow bay u soo baxaan marka la soo gaadho Agtoobar 8. Waxay u qabaan in nolosha qof caddaan ahi ay la qiime tahay kun nololood oo reer Falasdiin ah.

FC: Kolka aynu jalleecno taariikhda Koonfur Afrika, maxaa casharro ah oo laga baran karaa oo lagu dabbiqi karaa xoojinta dibuheshiisiinta, xaqsoorka, iyo sinnaanta waayaha ka dhex aloosan Israa’iil iyo Falasdiin, waaba haddii halkaas xal laga gaadhi karo e?

ER: Rejo badan ka ma qabo aayaha dawlad Falasdiin. Way ku daysay baan qabaa, maxaa yeelay kolka laga yimaaddo hadalka afka baarkiisa ah ee Waashiintoon ka imanaya, wax tallaabo ah loo ma qaado sidi loo xaqiijin lahaa fursad uun ay dawladdaasi ku hirgasho. Haddiiba dawladi dhalanayso, waa in ay noqoto mid dimuqraaddi ah oo dammaanadqaadaysa sinnaanta dhammaan muwaaddiniinta kala isirka iyo diinta duwan. Hawshaas baa ah ta maanta taagan.