Skip to main content

Thursday 19 September 2024

Feker

Eelka shaqo la'aanta dhallinyarada Soomaalida 

25 June, 2024
Image
Ciidamada al-Shabaab
Dhallinyaro Soomaaliyeed oo qayb ka ah ururka argagaxisada ah ee al-Shabaab (2009) Sawirka: Maxamed Sheekh Nor/AP
Share

Soomaalidu waxay muddo dheer la daalaadhacaysay, dagaallo sokeeye, busaarad, argagixiso, dawladxumo, saboolnimo baahsan iyo xanuunno nafsadeed. Intaa waxa raacda shaqo la'aanta dhallinyarada haysata, taas oo la aaminsan yahay in ay qaadhaan ku leedahay dhibaatooyinka Soomaalidu la ildaran tahay. Heritage (2022), waxa ay xustay Soomaalidu dadkeedu 80% in ay ka yar yihiin 35 jir. Tirada intaas le'eg 75% ka mid ah waa shaqo la'aan, waxa ayna si joogto ah u la nool yihiin: quus, rejoxumo iyo hubanti la'aan mustaqbaleed.

 Aqoonyahannada Soomaalidu waxa ay qabaan in shaqo la'aantu kaalin xooggan ku leedahay colaadda sokeeye ee Soomaalida. Bariise iyo Afyare cilmibaadhistooda la yidhaahdo; "The Somali Conflict: Root causes, obstacles, and peace-building strategies" waxa ay ku doodeen in xididka dagaalka sokeeye ee Soomaalidu uu yahay, ku tartanka xukunka dawladnimo. Waxa ay intaa ku dareen, "qabiilka la siyaasadeeyey, helitaanka hubka iyo dhallinyarada badan ee shaqo la'aanta ah" in ay colaaddii uga sii dareen. Geesta kale waxa ay tilmaameen xilligii dawladdii kacaanka in ay jireen dhallinyaro badan oo shaqo la'aan ah, dhallinyaradaas waxa looga faa'iideystay qaranjabkii dalka. Peter Bridges oo ahaa danjirihii Maraykanka ee Soomaaliya u fadhiyey sannadihii 1984 -1986, waxa uu buuggiisa, "Safiirka", ku xusay in xilligii uu Soomaaliya joogay shaqo la'aanta dhallinyaradu ay xoogganayd. Peter waxa uu qalinka ku sugay shaqo la'aantii dalka ka jirtay in ay ugu danbayntii keentay in kacaanka xididdada loo saaro. 

Heritage (2022), deraasad ay samaysay waxa ay ku sheegtay in dagaallada Soomaaliya ka dhaca dhallinyaradu xuddun u yihiin, sababtana waxa ay ku fasirtay shaqo la'aanta iyo dhaqaale xumada waddanka ka jirta. Khabiirka dhaqaale ee reer Ingiriis ee Dr. Paul Collier waxa uu ku dooday in xidhiidh xooggani ka dhexeeyo colaadaha, shaqo la'aanta iyo in dhallinyaradu ku biiraan kooxaha hubaysan. Machadka SIDRA cilmibaadhis uu daabacay oo la yidhaahdo, "Preventing and Countering Violent Extremism in Somalia: A Mapping Report", waxa lagu sheegay in shaqo la'aanta dhallinyaradu ka qaybqaadato fadqalallada iyo xasilloonidarrada bulsheed ee Soomaalida. Deraasadda uu sameeyey Ururka Shaqaalaha Adduunku (ILO), ee ciwaankeedu yahay, "Employment programs and conflict in Somalia", ayaa iyaduna tibaaxday in shaqo la’aanta, colaadaha iyo amni darradu xiidhiidh ka dhexeeyo. Waxa ay sawir cad ka bixisay sida dilalka iyo colaadda Soomaaliya ka jirta xidhiidh u la leeyihiin shaqo la'aanta. Docda kale cilmibaadhista Heritage ee la magac baxday, "Security Sector Reform in Somalia: Challenges and Opportunities", waxa ay muujisay in shaqo la'aanta dhallinyaradu ay tahay caqabad hortaagan amniga Soomaaliya. Shaqo la'aanta dhallinyaradu waa halis weyn oo bulsheed, waxa ayna kaalin lixaad leh ku leedahay mashaakilka bulsheed. Afyare sida uu xusay shaqo la'aanta dhallinyaradu waa qurubbada shidaaliya colaadda Soomaalida.     

Shaqo la'aanta dhallinyaradu waxa ay kansho siisay ururrada aragagixisada. Warbixinnadu waxa ay tilmaamayaan in shaqo la'aantu tahay halis jirta oo dhallinyarada ku riixaysa in ay ku biiraan kooxaha hubaysan. Heritage (2022),cilmibaadhis ay ka samaysay shaqo la'aanta dhallinyarada Soomaaliya, waxa ay daaha ka rogtay in shaqo la'aantu sabab u tahay in dhallinyaradu ku biiraan ururrada argagixisada, si ay u helaan dano dhaqaale oo degdeg ah. Tusaale ahaan; dhallinyaradii sahminta ka qayb gashay 58% waxa ay sheegeen in shaqo la'aantu tahay sababta ugu weyn ee keentay in dhallinyaradu ku biiraan kooxaha xagjirka ah. Geesta kale warbixin cilmiyaysan oo ay soosaartay Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID), taas oo daarnayd dhallinyarada iyo shaqo la'aanta ayaa tilmaantay in shaqo la'aantu tahay khatar jirta oo dhallinyarada ku bixisa in ay galaan kooxaha rabashada iyo cunfiga wada. Bangiga Adduunka (2018), qiimayn uu ka sameeyey ISIS ayaa shaaca ka qaadday in ciidamada ay shaqaalaysiiyaan ay yihiin dhallinyaro dhammaysatay dugsiga sare kuwaas  oo badankood waayey fursado shaqo. 

Machadka maxalliga ah ee SIDRA (Somali Institute for Development Research and Analysis), waxa uu sannaddii 2019-kii daabacay deraasad loogu magacdaray, "Youth Radicalization in Somalia: Causes, Consequences and Potential Solutions", deraasadda waxa lagu xusay arrimaha fududeeya xagjiraynta dhallinyarada, qodobbada la xusay waxa door ku leh shaqo la'aanta taas oo ah waxyaabaha dardar geliya xagjiraynta dhallinyarada. Soomaaliya sannad walba waxa suuqa shaqada soo gala dhallinyaro aad u badan, dhallinyaradaas ma helaan fursado nololeed ama shaqo, sababo la xidhiidha fursadaha nololeed ee Soomaaliya oo suququl ah. Tan awgeed waxa dhacda in dhallinyaradaas shaqo la'aanta ah la xagjireeyo, iyada oo lagu qancinayo helidda dhaqaale fudud. Tani waa halis kale oo ay shaqo la'aantu leedahay, waana qodob dhallinyarada u nugleeya xagjirnimada.             

Waayaha caafimaadka dhimirka ee Soomaalidu waxa uu marayaa xaalad dhiillo iyo afkalaqaad ah. Hay'ada Caafimaadka Adduunka ee WHO, waxa ay hore u sheegtay in qiyaastii 40% bulshada Soomaaliyeed ay la ildaran tahay jirrooyin nafsadeed/maskaxeed. Soomaalida xanuunnada dhimirka waxa ku sababa arrimo ay ka mid yihiin: dagaallada, saboolnimada, maandooriyha, abaaraha iyo xasilloonidarrada siyaasadeed. Intaa waxa dheer shaqo la'aanta baahsan ee dalka ka jirta, taas oo qaadhaan sheegan ku leh waxyaabaha sababa xanuunnada nafsadeed/maskaxeed. WHO (2010), cilmibaadhista ay soosaartay waxa ay tibaaxday in shaqo la'aanta iyo saboolnimadu ay yihiin waxa ugu horreeya ee Soomaalida ku sababa xanuunnada dhimirka. Geesta kale deraasad ay soosaartay hay'adda maxalliga ah ee GAVO, taas oo abbaaraysay waxyaabaha bulshada Soomaaliland ku sababa xanuunnada dhimirka ayaa sheegtay in 25.7% xanuunnada nafsadeed/maskaxeed ee Soomaaliland ka jira ay keeneen saboolnimada iyo shaqo la'aanta. Keli ah waxa ka horreeya maandooriyaha oo ah 35%. Saboolnimada iyo shaqo la'aantu waa shayga labaad ee bulshada ku sababa xanuunnada nafsadeed.  

Deraasaddii ugu danbaysay ee ay iska kaashadeen hay'ado ka tirsan Qarammada Midoobay, Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee Xamar, waxa ay sheegtay in qiyaastii in ka badan 76% ummadda Soomaaliyeed ay la nooshahay xaalad nafsadeed/maskaxeed. Deraasadda dadka ugu badan ee ka qaybqaatay (68.1%) waa dhallinyaro 35 jir ka yar. Waxa la xusay in xanuunnada dhimirka ee Soomaalidu uu afkalaqaad taagan yahay. Jirrooyinka maskaxeed ee ay Soomaalidu la daalaadhacayso arrimaha sababay waxa kaalin lixaad leh ku leh; shaqo la'aanta iyo saboolnimada. Dhallinyarada ayaa ah dadka ugu badan ee qaba xanuunnada dhimirka, gaar ahaan ahaan jirrad PTSD (Post-traumatic stress disorder). Sida la xusay dhallinyaradu waxa ay u jeedaan mustaqbal hubanti la'aan ah. Nin ka mid ah dadka deraasadda sameeyey waxa uu xusay, in halis loogu jiro in Soomaaliya ay lumiso lod dhan oo dhallinyaro ah oo bulshada ka ah 70%, sababo la xidhiidha nolol xumo iyo xasilloonidarro bulsheed.          

Dhallinyaradu waa dadka ugu badan bulshada Soomaalida, waxana saamayn xooggan ku yeeshay burburkii dalka ku habsaday iyo ayaandarradii qaranjabka ka dhalatay. Dhallinyaradu waxa ay la ildaran yihiin waayo nololeed oo foolxun, waxa ayna u nugul yihiin wax walba oo taban. Nugaylkaasi waxa uu keenay in looga faa'iideysto colaad iyo xagjirayn. Geesta kale badankood waxa ay la daalaadhacayaan jirrooyin nafsadeed/maskaxeed, sida ay daaha ka rogeen deraasadaha aynu sheegnay. Dhallinyaradu waxa ay u jeedaan mustaqbal hubanti la'aan ah, ma arkaan wax dadaallo dawladeed ama nololeed ah oo soo socda.

 Tan waxa ay tibaaxaysaa sida ay u ayaanxun tahay timaaddada fog ee Soomaalida, maaddaama tiradii ugu badnayd ee bulshadu ay u jeedaan rejoxumo mustaqbaleed. Haddii in uu rejo laga qabo jiritaan ummadeed waa in xaaladdan dhiillada ah wax laga qabto, waa in laga hawlgalo sidii anbadkan bulsho looga samatabixi lahaa. Dr. Maxamed Daahir Afrax sida uu tilmaamay Soomaalidu soddon sanno iyo dheeraad waxa ay ku jirtaa, wax uu u bixiyey; "meehannow iyo mugdi-ku-dirir." Soo jeedintaydu waxa ay ku uruuraysaa in wax laga qabto shaqo la’aanta, oo shaqo abuur la sameeyo. Waa in laga hawlgalo xagjiraynta da’yarta ku socota oo la keeno xalal wax u dhimaya halistaas. Waa in la abuuro deegaan nabdoon oo suurtagelin kara in insaan ku noolaado, tan waxa fududayn kara nidaam dawladnimo iyo hay’ado dawladeed oo macna leh, isla jeerkaasna shaqaynaya. Intaas haddii la helo wax weyn baa laga qaban karaa halisaha aynu dhex jiifno ee ay ugu horreyso da’yarta dareemaysa hubanti la’aanta mustaqbaleed.   

Qoraallada kale ee qoraaga