Skip to main content

Friday 20 September 2024

Buug

Hadraawi iyo Hogatuska Nolosha

29 May, 2024
Image
Jeldiga buugga
Share

Hogatuska Nolosha waa dhigane lagu uruuriyay waraysiyo laga qaaday Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame 'Hadraawi'. Waraysiga waxaa qaaday Cabdishakuir Muxumed Muuse 'Heersare'. Sida guud uruursankaan waraysi ee buugga loo rogay waxa uu ka kooban yahay saddex cutub. Kan hore waxa uu diiradda saarayaa waydiimo iyo warcelino. Kan xigaa waxa uu diiradda saarayaa suugaanta Hadraawi ku hogatusaaleeyay nolosha. Cutubka ugu danbeeyaana waxa uu diiradda saarayaa sooyaal kooban oo abwaanka ku saabsan. Qoraagu isaga oo si kooban duxda buugga u tilmaamaayo ayuu qaybta gogoldhigga ku leeyahay; “Hogatuska nolosha waxa uu isku taxallujiyay in uu iftiimiyo sida Hadraawi ugu talax tegay fahanka nolosha iyo xeeldheerida uu u leeyahay taariikhda, dhaqanka iyo waayaha kala duwan ee bulshadiisa Soomaaliyeed dhan kasta oo nolosha ah ka haysta.”

Bilowga hore waxa uu ku bilaabanayaa uruursanku hadal u dhigan qaab dardaaran ah oo uu Abwaanku u soo jeedinaayo jiilka iyo dhallinta isaga oo leh: “Maanta haddaad dhallinyaro tihiin, waxaad u baahan tihiin in aad waddo cusub jeexataan oo aad ka baydhaan tan ay buuxisay kudaafadda, qashinka iyo mushaakilka ee la ma galaayda ah, ee intii waawaynayd baabi’isay. Waa inaad jeexataan waddo nolol macno leh kuu hoggaaminaysa, oo niyaddaada dhisaysa oo dareenkaaga kuu hoggaaminaysa, oo niyaddaada dhisaysa oo dareenkaaga dhisaysa oo aad raalli ka noqonayso.” Intaan kolka aad akhriyayso waxaad moodaysaa in abwaanku hortaada taagan yahay, dardaaran aan nafle Soomaali ah horay kuugu sheeginna uu isagu dhegtaada si shuxshux hoose ah kuugu sheegaayo. Qaybta hore waxay maanka ku abuuraysaa waydiin ah: waddada cusub ee la jeexayo maxay noqonaysaa? Isla kol kale, ma u baahan nahay inaan waddo cusub jeexanno? Tan danbe waxaad moodaysaa in abwaanku kaga jawaabayo dardaaranka dhexdiisa, oo waxa uu tilmaamayaa kudaafadda buuxdo jidka lagu socdo iyo in intii waawaynayd ay ku ba'een. Dawga cusub waxa uu u baahan yahay ka fiirsi, u fiirsi iyo la fiirsi. Mar e waxa uu baahan yahay ka fiirsi, loo fiirsanaayo wax kasta iyo tallaab walba. Mar kale waxa uu u baahan yahay u fiirsi iyo duljoogsi xeeldheeri badan laga dhadhansan karo. Marka danbe waxa uu u baahan yahay la fiirsi tallaab walba ah iyo halbeeg walba gaadhistiisa. 

Abwaanku mar kale ayuu dareen hadlayaa isaga oo si dhab ah u tilmaamaayo in jidkii hore yahay mid lagu habaabay waxa uuna leeyahay: “Maanta waxaad dhalateen waddadii iyada oo ay bandow tahay oo ay labaatan jirka iyo lixdan jirku isku mid yihiin xagga aragtida, xagga aqoonta iyo xagga ragnimada.” Dhabsheegnimadiisii ay ku maldahanayd dareenabbaaridda ayuu ku dareen hadlayaa oo intaan waxaa laga dhadhansanayaa 'kor waayeel waa wada indho e' micnobeelkii dhacay, hungurigii oo cirkaa tagay, dadnimadii oo laga hayaamay iyo dadkii oo isku mid noqday 'indhowgaradkii iyo indheergaradkiiba'. Waxa uu si kaga jaawabayaa abwaanku waydiinta maanka akhristaha ku soo dhacayso ee ah: Waddada cusub ee la jeexayo maxay noqonaysaa? Isagu waxa uu si kooban oo dux badan ugu jaawabayaa: “Maanta waddada la doonayaa waa mid aad adigu samaysanayso, waa mid aad laami ka dhigayso oo aad daamur ku shubayso, qodaxda iyo dhagaxa ka xaadhayso iskuna dubbaridayso.” Tabtiisii dhabsheegnimada iyo tusmada waayeelnimo laga dhadhansan jiray ayuu duxda jidka cusub ku soo koobay. 

Isla cutubka hore dhexdiisa shubaalku waxa uu u sii gudbayaa in abwaanku ka warramo hagardaamada nolosha iyo halabsiga waqtiga. Nolosha waxa uu ku tilmaamayaa imtixaan iyo kaladayg u baahan dedaal, samir iyo han. Kolka uu intaan ka warramo ayuu haddana uruursanku u gudbayaa qayb kale. Qaybtaan waxa la iska waraysanayaa 'Hufnaanta hanka iyo Halaagga huguriga'. Abwaanku waxa uu shidaalinayaa in hanku yahay waxa lagu karaameeyay naflaha, isla kol kale hunguriga iyo ku talaxtaggiisana waxa uu muujinayaa dhimaalkiisa, isaga oo tilmaamaayo iskuduubnidooda ayuu lee yahay: “Han iyo hunguri, waa lammaane ku abuuran qofka, haddii aad maqashaan aayadda uu Ilaahay ku lee yahay 'waannu karaamaynnay beni'aadnka' wax kale lagu ma karaamayn ee waa eraygaa hanka la yidhaahdo.” Waydiin dux badan abuurayso ayuu "Heersare" ku tuurayaa abwaanka isaga oo wax ka waydiinaayo huguriga iyo ku talaxtaggiisa: “Haddii qofka uu hunguri ku furmo, muxuu dhaxalsiin karaa?" Jidkiisii dareenabbaaridda isaga oo ku sii socdo ayuu haddana kolkaan uga jawaabayaa qaab dhab-abbaarid badan laga dhadhansan karo isaga oo leh: “Haddii uu qofka hungurigu ku furmo, halkaa waxaa ku dhammaatay karaamadiisii, anshaxiisii, dhaqankiisii, xishoodkiisii, edebtiisii iyo is ilaalintiisii, waxaas oo dhan ayuu tirtirayaa.” Sidoo kale halkaan waa halka uu ka lahaa Abwaan Ibaarhin-Gadhle maansadiisii 'Mullaax', tuduca ah:

“Mar waxaad dhadhamisiyo
Mijin qaad ah ha u dhiman.”

Dhabsheegistaani waxay ina tusinaysaa in qofku kolka uu eryado hunguri uu u dhimman doono dhinacyo badan. Geerida horteed habab kale oo loo geeriyoodo ayaa jira oo waa inta uu xusay abwaanku ha noqoto karaamada iyo kuwa kale.

Dhammaadka cutubka hore ayuu abwaanku ku bidhaaminayaa in noloshu ka wayn tahay hunguri iyo in wax la ruugo. Mar waxaa jirta abwaanka wax laga waydiinaayo waxdhigistiisii jaamacadda Burco, ka dib waxa uu kaga dhex hadlayaa arrin mug wayn oo maanfurnaan badan laga dhadhansanaayo. Afka Soomaaliga ayuu qasab ka dhigay in jaamacadda Burco laga dhigo, dedaalkiisii waxaa ka la dhantaalay micnobeelnimada dhallintu u arkayeen in la barto Afka Soomaaliga, iyaga oo ka doorbidayo Carabiga iyo Ingiriisiga. Doonista kaliya ee loo doonayo in afafkaa la bartana waxay ahayd in wax la gucuno oo dabka lagu shito. Isaga oo taas ka hadlaaya ayuu leeyahay: “Ninkii inanka dhalayna waxa uu odhanayaa 'waar ha la ii daayo Ingiriisiga ha ii barto e, af Soomaali waxba lagu cuni maayee.’” Wartabintiisii dhacdooyinkaas isaga oo la yaabban ayuu si dux badan u yidhi: “NOLOSHIIBA WAXA LAGA DHIGAY WAX LA CUNO.” Halkaan waxaad mooddaa in uu la yaabban yahay madhaxnimada iyo micnobeelka ku habsaday dadyowga. Noloshii dadka oo ku soo uruurtay hunguri iyo hankii dadka oo ku uruuray hunguri ayuu si u bidhaaminayaa inay cuneen anshaxii iyo dadnimadii ruuxiga ahayd.

Uruursankaan waraysiga ah waxa uu u gudbayaa cutubkiisa labaad oo uu diiradda ku saarayo suugaantii miidda ahayd ee uu Hadraawi ku hogatusaaleeyay nolosha. Halka cutubka saddexaad uu kaga warramaayo waxa laga baran karo abwaanka iyo noloshiisii ka la jaadadka duwnayd. Cid kastaayi suugaanta cutubkaan ku uruursan way haleeli kartaa bal se waxyaabaha uu goonida la ahaaday uruursankaani waa falkinta iyo fahanka miidda suugaanta oo uu abwaankii tiriyay bixinaayo. Tixaha uu nolosha ku tusaaleeyay abwaanka ee ku uruursan cutubkaan waxaa ka mid ah Sirta Nolosha, Dabahuwan, Kala Guran, Hooyo, Anuun baa Hooyadaa ah iyo Awaal-tiris. Suugaantaan oo ka mid ah suugaantiisa uu nolosha kaga warramaya ayuu markaan duljoogsi iyo xogo dheeraad ah ka bixinayaa waliba isaga oo ku beegaayo nolosha.

Ugu danbayn uruursankaani waxa uu hogatusaalaynayaa nolosha, hilaadinayaa timaaddada oo talo iyo maanfurnaanna siinayaa abwaanku jiilka dhallinyarada ah. Waxa uu abwaanku ku dhex sheegayaa uruursankaan in uu dhallinyarada ku dheggan yahay oo uu markasta la rabo dawga toosan iyo dadnimada ruuxiga ah. Isaga oo marar badan kaga digaayo kudaafadda iyo huguriga ayaad meelo badan ku la kulmaysaa uruuursanka.

Qoraallada kale ee qoraaga

Masrax

Codka dumar iyo masraxa Soomaalida

Fan

Cawaysyadii Soomaalida

Feker

Suugaanta sarbeeban