Skip to main content

Thursday 19 September 2024

Waraysi

Iman Maxamed: “Taariikhdu Dambas Ma Wada Aha”

7 February, 2024
Image
Muqdisho
Kiniisad, masaajid, minaarad, iyo taalladii (aargada) gumaystaha ee Xamar, 1920nadii (Sawirka: St. Skulina/Scheufler Collection/Corbis/VCG via Getty Images)
Share

Aqoonyahanad Iman Maxamed ayaa Geeska uga warrantay cilmibaadhista ay ka waddo Soomaaliyadii Talyaanigu gumaysanayay, halka ay deraasaadka Soomaalidu marayaan, iyo qodobbo la xiise ah.

Waxaan la kulmaa dad i wayddiiya sababta ay muhiim u tahay in la cilmibaadho tagtadii isticmaarka maaddaama geeddigii gumaysi-ka-bixista aadba mooddo in dagaalku soo gebagebeeyay. Dad kale oo xasuusta una hilooba Soomaaliyadii Talyaaniyaysnayd ee dagaalku baabba’shay waxay cadhada ay ka qabaan xaaladda ay maanta Soomaaliya ku sugan tahay u gaar yeelaan shakhsiyaadkii ka danbeeyay dagaalka sokeeye—cidda ay doonaan ha u qabaan e. Kolka dhinacyo badan laga eego, dagaalku wuxuu bilawga iyo dhammaadka sooyaalkaba u noqday malaysigeenna wadareed.” — Iman Maxamed

Iman Maxamed waa aqoonyahanad Soomaaliyeed oo iminka shahaadada PhD ka wadda Jaamacadda Harvard, Qaybteeda Taariikhda, oo cilmibaadhis ku wadda “taariikhdii sahqaalaha ee Dhulkii Soomaaliyeed ee Talyaanigu Gumaysan Jiray iyo siyaabaha qaybaha shaqaalaha loo kala qaybqaybiyay ay u qaabeeyeen fahannada aynu ka haysanno aragtida aynu Soomaalinnimada ka haysanno.”

Dhinacyada cilmibaadhiseed ee ay danaysaa waxa ka mid ah xeerka Soomaalida, gumaysigii Talyaaniga iyo raadkii uu kaga tegay dhulkii Soomaaliyeed ee uu isticmaarsan jiray, iyo taariikhda afka la isaga gudbiyo. Iyada oo ku mashquulsan tiisadii ay ku qalinjebinaysay ayay haddana si deeqsinnimo leh nooga oggolaatay in waraysigan ay Geeska siiso, si aannu wax uga wayddiinno waxqabadkeeda, tagtadii iyo timaaddada cilmibaadhista iyo raadgurka taariikhda Soomaalida, hilmaanta isticmaarku keeno iyo wixii ku lammaan, iyo ummuuro la xidhiidha oo taabanaya sooyaalka iyo waayaha iminka ee Soomaalida. Aniga oo metelaya kooxda Geeska, waxa aan si mug iyo miisaan leh Iman Maxamed uga mahadnaqayaa in ay fursaddan na siisay. (Horana waxaannu Af Soomaali iyo Af Carabiba u turjunnay curiska aadka waxtarka u leh ee ay ka qortay Soomaaliyada Talyaaniyaysan ee cinwaankiisa Ingiriisigu ahaa “Italaphone Somalia, Then and Now.”)

 

Cabdicasiis Guudcadde (CG): Waxa aad iminka shahaadada PhD ku samaynaysaa cilmibaadhista taariikhda, adiga oo ku sii takhasusaya waagii isticmaarka ee Dhulkii Soomaaliyeed ee Talyaanigu Gumaysan Jiray. Waxa xiise leh in cilmibaadhista arrintan ku saabsan ee ku qoran afafka Ingiriisiga iyo Soomaaligu ay aad u xaddidan yihiin. Fasiraad ma nooga sheegi kartaa qodobka aad adigu sida gaarka ah u danaynaysid, iyo wixii bilawgaba kugu dhaliyay in aad halkan diiraddaada cilmibaadhiseed saartid?

Iman Maxamed (IM): Kolkii aan jaamacadda ku jiray, waxa aan tiiso sharafeed ka qoray xisbiyadii siyaasadeed ee Soomaaliya ka jiray 1940nadii, aniga oo isku deyaya in aan ka gudbo teedka xisbiyadii waagaa jiray u kala qaadaya qayb maamulka gumaystaha ka soo horjeedday iyo qayb la shaqaysanaysay, oo ah indhaha lagu eego ee lagu kala sooco Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL iyo xisbiyadii kale ee Talyaaniga taageersanaa ee Soomaalida. Intii aan cilmibaadhistaa wadey, waxa amakaag igu riday sida ay u kooban tahay cilmibaadhista qoran ee lagu sameeyay xisbiyadaa sida weyn u qaabeeyay marxaladdii gumaysi-ka-bixista Soomaaliya. (Waa intii aanay Maxamed Ciise Trunji iyo Cabdi Ismaaciil Samatar midkoodna faafinin buugagga ay mawduucan ka qoreen). Siciid Maxamed iyo Afyare Cilmi ayaa iga gacan siiyay in aan helo warbixintii uu soo saaray Guddigii Afarta Quwadood ee 1947 (The 1947 Four Power Commission report). Warbixintan waxa ku jiray dhegaysiyo iyo bayaanno siyaasadeed oo ay sameeyeen xisbiyadu, oo si weyn wax iiga taray qorista tiisadaydii jaamacadda. Waxa sidoo kale nasiibwanaag ii ahaa in ay wax ii dhigeen barayaal sarsare oo ku takhasusay taariikhda Afrika, Bariga Dhexe, iyo Eeshiyada Koonfureed. Iyaga ayaan ka bartay taariikhihii imbiryaaliyadaha Ingiriiska iyo Faransiiska. Hasayeeshee, intii aan tiisada qorayay, waxa layaab igu noqday sida aanu uba jirin waxqabad aqooneed oo taariikheed oo ku saabsan gumaysigii Talyaaniga ee Soomaaliya. Waxaan rabey in aan wax ka qoro marxaladdii gumaysi-ka-bixista, laakiin sidee baad geeddisocodkaa u fahmi kartaa adiga oo aan haysan macluumaad kugu filan oo ku aaddan waxa uu gumaysigu aha aiyo sida uu la-gumaystaha u raadeeyay? Sidee bay caqligal u tahay in aanay jirin wax farguri (monograph) ah, oo ka danbeeyay 1966, oo ku saabsan weji uun ka mid ah gumaysigii Talyaaniga ee Soomaaliya haystay?

Arrintaasi waxay ka mid ahayd qodobbadii igu riixay in aan shahaadada PhD ku diyaariyo taariikhda. Iminka, tiisadayda qalinjebintu waxay dersaysaa taariikhdii sahqaalaha ee Dhulkii Soomaaliyeed ee Talyaanigu Gumaysan Jiray iyo siyaabaha qaybaha shaqaalaha loo kala qaybqaybiyay ay u qaabeeyeen fahannada aynu ka haysanno aragtida aynu Soomaalinnimada ka haysanno. Cilmibaadhistaydu waxay u dhabbagelaysaa waayihii danbe ee addoonsiga, nidaamyadii shaqaalaha ee xoroobidda ka danbeeyay, iyo cilmigii sinjiyadaha ee gumaysiga.

 

CG: Taariikhyahan ahaan, ma noo dulmari kartaa horumarkii iyo dhalanrogankii ku dhacay cilmibaadhista sooyaalka Soomaalida? Waqti-xaadirkanna halkee bay wax marayaan, gaar ahaan fahankeenna ku aaddan taariikhda?

Madaxbannaanidii ka dib, indheergaratada iyo taariikhyahannada Soomaaliya waxay ku shuqlanaayeen in ay abuuraan taariikh iyo hayb ummadeed oo isku duubta midaysana muwaaddiniinta Soomaaliyeed. Geeddigani wuxuu ka dhashay halgankii isticmaardiidka ahaa ee loogu jiray in imbiryaaliyadda reer Yurub lagaga saaro Geeska Afrika laguna mideeyo dhulalka Soomaaliyeed ee shanta ah ee lagu metaalay xiddigta calanka qaranka. Aqoonyahannadaasi, gaar ahaan kuwii ka tirsanaa Akademiga Fanka, Cilmiga iyo Suugaantu, waxay isu keenkeeneen astaamaha u taagnaanaya qarankan cusub: waxay soo saareen diiwaanno gabayo ah, waxay wax ka qoreen Sayid Maxamed Cabdille Xasan iyo Daraawiishtii, waxay soo ururiyeen taariikhaha iyo gabayada afka la isaga gudbiyo ee ku arooraya dhaqanka Soomaalida, waxayna far qoran u dejiyeen Af Soomaaliga. Raadgurkaa taariikhda iyo astaamayntaas waxa ugu weyn ee lagu xoojinayay wuxuu ahaa in la muujiyo in Soomaalidu mid tahay oo ay isku jaad tahay. Gumaysiguna melba ku ma uu lahayn qisooyinkaa la dhisayay, marka laga yimaaddo in uu hagardaamo ku ahaa Daraawiishta iyo, kolkii danbe, Ururkii SYL.

Tani ma aha arrin ka gaar ah taariikhda Afrika, maxaa yeelay dalal badan oo gumaysiga ka dib ka dhismay Afrika, iyo taariikhyahanno badan oo Afrika dersa oo deggan Dunida Waqooyi [reer Galbeed], ayaa u tafaxaytay sidii ay u buunbuunin lahaayeen taariikhihii dadyawga Afrika ee gumaysiga ka hor jiray iyo caabbigii xoogganaa ee ay kala hor yimaaddeen isticmaarka reer Yurub. Masaladan waxa inoo soo koobi karta aragtida uu soo jeediyay J.F Ade Ajayi, oo ahaa hormuudka maxadka Ibadan ee taariikhda Afrika, ee ahayd in gumaysigu uu ahaa “dhacdo kooban” oo ka mid ah taariikhda Afrika. Dhanka kale ee qaaraddana, maxadka Daarasalaam ee taariikhda Afrika waxa si dhow loola xidhiidhiyaa fekradda ah in qarammada cusub ee Afriki ay u baahan yihiin tagto waxgal ah oo uga maragkacda ahaanshahooda. Sidaa awgeed, tabta ku dhacday taariikhda kale ee Afrikaba, taariikhda Soomaalida waxa lagu saleeyay masalooyin ku aaddan tagtada waxgalka ah ee la heli karo, taas oo ah taariikhdee baa loo adeegsan karaa ujeeddooyin ummadeed. Taariikhda waaya’aragnimadii gumaysigu marna shaqadan ma qaban karin, maxaa yeelay (1) horta taariikhba weli may noqon markaa, oo aqoonyahannadan wax ka qorayayba berigaasi wayba u soo joogeen xukunkii isticmaarka; (2) waxa “meesha ka maqnaa aqoon la wadaago oo isticmaarka ku aaddan” oo ka dhigan in aanay jirin waaya’aragnimo la wadaago oo gumaysigii laga dhaxlay oo Soomaalida midayn karta, sidaa darteedna tagtadii gumaysigu way ku soo bixi kari wayday in loo isticmaalo ujeeddo ummadeed. Kolkaa, gumaysiga iyo uurkutaallooyinkiisuba sida waaqica ah ajande cilmibaadhiseed u may ahayn aqoonyahannada Soomaalida ah iyo kuwa Soomaalida dersaba.

Qodob kale oo ku saabsan raadgurka taariikhda Soomaaliduna waa kaalintii dawladdu ku lahayd go’aaminta iyo qiimaynta taariikhaha qaar. Deraasad kasta oo taariikheed oo aan la jaanqaadayn sida ay dawladdu wax u rabto waxa lagu eegayay indho shaki leh. Tusaale ahaan, waxa aan maqlay in sababta buuggii uu Cali Cabdiraxmaan Xirsi ku qalinjebiyay, The Arab Factor in Somali History, buug ahaan loo daabici waayay ay tahay in uu ku dooday in Soomaalidu aanay hubaashii ahayn Carab, iyadoo xilligaa ay Soomaaliya xidhiidh dhow la samaynaysay dalalka Carbeed oo ay kuba biirtay Jaamacadda Carabta. Ma xaqiijin karo in warkaasi sidaa ahaa, laakiin kolley la ma yaabeen. Sidoo kale, gobollada koonfureed ee Soomaaliya iyo degmooyinka Benaadir ee hodanka ku ah afafka kala duwan, taariikhaha kala geddisan ee ku xidhan dhulweynaha xeebta Afrika Bari, iyo habnololeedkooda ku salaysan beerashada iyo ganacsiga magaalooyinka marna loo ma arag in ay qayb ka noqon karaan taariikhda ummadeed. Wuxuun baa loo arkay gobollo yaryar, astaamaha ummadeedna waxa lagu koobay in la wada yahay geeljirayaal iyo xoolaraacato.

Meelaha ay Soomaaliya kaga duwan tahay raadgurka taariikheed ee Afrikaanka kale waa in kolkii lagu camalfalay dalabaadkii dibuhabaynta dhismeed [ee Sanduuqa Lacagta Adduunku ku soo rogay], ee uu Dagaalkii Qaboobaa dhammaaday, isla markaana ay dhaceen mushkilado kale oo dadka ka niyadjebiyay dawladnimada isticmaarka ka dib dhalatay, ay aqoonyahanno badan oo Afrikaan ah iyo kuwo Afrika dersaa bilaabeen in ay dib u qiimeeyaan xilligii gumaysigu joogay. Soomaaliyana isla waqtigan waxaasi dhacayeen waxay gashay dagaal sokeeye. Sidaa awgeed, suuragal u may ahayn in iskadhiqistan raadkii gumaysigu uu ka dhex hirgalo. Dagaalkan ba’ani waxa uu kharribay noloshii dadka wuxuuna ku qasbay in ay qaxaan ama dalka dhexdiisa ku barakacaan, sidoo kalana wuxuu carqaladeeyay ama suuragalnimada ka fogeeyay in Soomaaliya laga dhex sameeyo wax cilmibaadhis taariikheed ah. Kolkii dawladdu duntay, waxa la burburiyay dhammaan haayadihii ka dhex jiray (sida jaamacadihii, magtabadihii, madxafyadii, iyo kaydkii qaranka). Waan hubaa in ay jireen arday Soomaaliyeed oo xilligaa qoray buugag ay ku qalinjebiyeen iyo maqaallo cilmi ah oo taariikhda ku saabsan, sida aan maqlay, laakiin aanay weligood ifka u soo bixin. Qaar kale oo laga yaabo in ay wadeen qoraalna waxa ka kala daadiyay dagaalka. Xilligaa waxqabadyada soo baxay waxa ka mid ahaa buugga Axmed Ducaale Jaamac ee The Origins and Development of Mogadishu AD 1000 to 1850, oo lagaba yaabo in uu yahay buuggii ugu danbeeyay ee muddo dheer aynu arki doonno ee ku saabsan arkiyoolajiga Muqdisho. Waxa isaguna jira buugga Xasan Cismaan Axmed ee Morire a Mogadiscio, oo ahaa xasuusqorkiisa xilligii dagaallada isaga oo dalka u yimi in uu cilmibaadhistiisa qalinjebinta ka diyaariyo taariikhdii Marka ee qarnigii 19aad. Duqayti badan oo ahayd il weyn oo laga martiyo taariikhda afka la isaga tebiyo ayaa, ayaandarro, geeriyootay intii uu dagaalku socdey ama gabaw uu ka daba yimi, taas oo ka dhigan oo in taariikhihii ay u hayeen ay dabargo’ayaan haddii aanay u gudbin faca ku xiga.

Waqti-xaadirkan waxaynu ku jirnaa marxalad aad loo danaynayo gumaysi-ka-bixista Soomaaliya. Danayntan waxa loo aanayn karaa mushkiladaha la socda sebankan aynu nool nahay; waxaynu dib u jalleecaynaa qaababka Soomaaliyada isticmaarka ka danbaysey innaga oo jawaabo u raadinayna wayddiimaha ku saabsan qarandhiska iyo dibudhiska waddanka. Dadweynuhu sidoo kale way ka niyadjabeen wixii dhacay, waxayna niyaysteen in ay ku laabtaan wixii ay ahayd in ay dhacaan. Tobankii sannadood ee u danbeeyay, waxa la qoray buugag, maqaallo iyo tiisooyin lagu qalinjebiyay oo dersayay muddadii u dhexaysay 1940-1969.

Dagaalku wuxuu sidoo kale horseeday in dib loo qiimeeyo malayaal badan oo laga haystay qoomiyadnimada Soomaalida. Arrintan waxa sida ugu roon u soo bandhigay buugga uu Cali Jimcaale Axmed tifaftiray ee The Invention of Somalia. Maanta dhulalka Soomaaliyeed waxa laga soo helayaa in suuqa buugagga iyo bandhigyadoodu kobcayaan, taas oo caddaynaysa in Soomaalidu ay xiisaynayso qorista iyo akhrista tagtada. Kol kasta oo aan gobolka imaaddo, waxaan isku dayaa in aan magtabadaha buugagga gada tago oo soo eego waxyaabaha ay madbacadaha degaanku soo saareen. Dabcan in xiisahaasi isu rogi doono waxsoosaark aqooneed waxa jaangoyn doona khayraadka iyo taageerada haayadeed ee ay hawshu hesho.

 

CG: Qoraal cilmiyeedkii ugu danbeeyay ee ku faafisay majaladda International Journal of Postcolonial Studies, waxa aad ugu gondadegaysay fahanbixinta “Xasuusguurka Gumaysi (Colonial Amnesia),” iyo hadhaadiga walxeed ee isticmaarkii Talyaanigu kaga tegay Muqdisho. Qoraayadu badan oo Soomaali-Talyaani ah, sida Ijaaba Sheegow iyo kaaha maxamed Aadan, ayaa carrabka ku dhufta shaacsanahan “xasuusguurka” siiba kolka lagu fiiriyo xidhiidhka ka dhexeeya Talyaaniga iyo Soomaaliya. Maxaad u malaynaysaa in uu illawshahaa keenay, sidee buu u saamaynayaa xidhiidhka labada dal iyo labada dad?

IM: Xasuusguurka gumaysiga ee ka jira Talyaaniga iyo Soomaaliyaba waxa uu ka dhashay waayaha dhismeed ee marxaladda gumaysi-ka-bixista. Xaqiiqada ah in Talyaanigu uu dhulalkii uu gumaysan jiray ku waayay jabkii ka soo gaadhay Dagaalweynihii Labaad iyo in uu Soomaaliya dib u helay iyada oo ah dhul wasaayo ah oo QM ay ku wareejisay, ayaa hoggaamiyayaashii dimuqraaddiga ahaa ee Talyaaniga ku kelliftay in iyaga iyo umaddooduba ay u qaataan in Talyaanigu uu weligiiba u roonaa dhulalka uu gumaysan jiray (“Italiani, brava gente” [Talyaaniga, dadkii suubbanaa]), oo uu maantana u sii roonaan doono Soomaaliyadan lagu aaminay. Kolkii Golaha loo Dhan yahay ee QM uu meelmariyay go’aankaa ah in Talyaaniga lagu aaminayo talada Soomaaliya, qoomiyadnimadii Talyaani-diidka iyo isticmaardiidka ahayd ee 1940nadii ayaa dhashay mooqif ishiiqaate (pragmatic) ah oo u tanaasulaya in iskaashi lala sameeyo maamulka Talyaaniga si xoogagga qoomiyiinta ahi uga faa’idaystaan wasaayada Talyaaniga. Shakhsiyaad ay ka mid yihiin Aadan Cabdulle Cismaan iyo Cabdullaahi Ciise ayaa goostay in ay u tanaasulaan maamulka wasaayada ee Talyaaniga, badhtamihii 1950nadii, halka xubnihii mintidiinta ahaa ee qoomiyiinta Talyaani-diidka ah ahaa, sida Maxamed Xaaji Xuseen, laga lugadanbeediyay ama xataa lagaba eryay SYL.

Xataa calansaarkii ka dib, facii kowaad ee Soomaalida—haddii ka yimaaddeen Waqooyi ama Koonfurba—waxa si weyn u qaabeeyay Talyaaniga iyo taageeradii maaliyadeed ee uu siin jiray qarankan curdinka ah. Maalgelintii Talyaanigu uu Soomaaliya siin jiray wax loo dhigaa ma ay jirin sannado badan, gaar ahaan dhanka waxbarashada. Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed waxay xilligii Wasaayada ku bilaabantay maxad jaamacadeed (Istituto Universitario), kulliyadaheeda qaar badan oo ka mid ahna waxa ilaa dagaalkii sokeeye ka hawlgeli jiray barayaal Talyaani ah. Kolkaa, marka dhinacyo badan laga fiirsho, dabaqadda talisa ee Soomaaliya ee ku noolayd caasimaddii hore ee Mustacmaraddii Talyaaniga waxa si weyn u qaabeeyay dhaqanka iyo afka Talyaaniga. Xataa Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre wuxuu waagii gumaystaha ka tirsanaa booliskii Talyaaniga. Kolkii Kacaanku dhashay, si fiican buu ugu caddayn jiray siyaasiyiinta iyo saxafiyiinta Talyaaniga in dhacdadani aanay wax raad ah ku yeelan doonin xidhiidhka Soomaaliya iyo Talyaaniga. Loogu ma talagelin in uu noqdo afgenbi isticmaardiid ah, in kasta oo wershado Talyaani leeyihiin la qarameeyay muddadii xukunkani jiray. Sidaa awgeed, marka waayaha caynkaas ah lagu dhex akhriyo, in gumaysiga la xasuusto ama laga xisaabtamaa maba yeelanayso qiimi siyaasadeed oo dhab ah.

Kolkii dagaalku qarxay, dad badan oo xasuusnaa waagii gumaystaha ama uu qaabeeyay dhaqankii Talyaaniyaysnaa ee Muqdishi ayaa dalka ka cararay ama la dilay. Dhammaan astaamihii muujinayay isticmaarkii Talyaanigu waxay noqdeen wax la burburiyay, sida dhismayaashii, ama wax qunyar-qunyar saaxadda uga baxay, sida Af Talyaanigii. Waxaan la kulmaa dad i wayddiiya sababta ay muhiimba u tahay in la cilmibaadho tagtadii isticmaarka maaddaama geeddigii gumaysi-ka-bixista aadba mooddo in dagaalku soo gebagebeeyay. Dad kale oo xasuusta una hilooba Soomaaliyadii Talyaaniyaysnayd ee dagaalku baabba’shay waxay cadhada ay ka qabaan xaaladda ay maanta Soomaaliya ku sugan tahay u gaar yeelaan shakhsiyaadkii ka danbeeyay dagaalka sokeeye—cidda ay doonaan ha u qabaan e. Kolka dhinacyo badan laga eego, dagaalku wuxuu bilawga iyo dhammaadka sooyaalkaba u noqday malaysigeenna wadareed.

Dhanka kale, Talyaaniga marka la yimaaddo, soddonkii sannadood ee u danbeeyay ee qaxa ahaa wuxuu ka dhaliyay xiise gaar ah oo loo qaado taariikhda gumaysigii Talyaaniga. Baraaruggan ku aaddan cilmibaadhista isticmaarkii Talyaanigu wuxuu soo dhaafi la’ yahay su’aalo ku wareegaya sida uu gumaysigu u saameeyay dadka Talyaaniga ah qudhooda, halkii uu u gudbi lahaa sida uu u raadeeyay dadkii la gumaystay. Duruufihii ayaandarrada ahaa ee dagaalka iyo xasilloonidarrada ahaa ee ku habsaday mustacmaradihii Talyaaniga ee Soomaaliya iyo Liibiya ayaa aqoonyahannada u suuragelin waayay in ay cilmibaadhis ku sameeyaan, markaa in diiraddu Talyaaniga uun ku soo ururto si baa loo fahmi karaa. Kolkii aan degganaa Rooma, waxa ka jiray hindisayaal dhawr ah oo lagu soo faagayo lagulana xisaabtamayo gumaysigii Talyaaniga, sida in maalin loo asteeyay xuska dhibbanayaashii isticmaarka Talyaaniga (Febraayo 19). Hasayeeshee dedaalladani waxay ka dhex dhacayeen waayo ay ka jirto xukuumad garabka midig ahi oo waxa bannaanka u soo baxbaxayay dadkii rumaysnaa in Talyaanigu uu ilbixiyay dadyawgii uu guamysan jiray oo waxa keli ah ee uu u taray ay ahayd in uu dugsiyo iyo jidad u dhisay oo ay tahay in ay uga shugrinaqaan. (Arrintani waa khuraafaad weli si weyn uga dhex jira Talyaaniga). Tusaale ahaan, madxaf ku yaalla Turino ayaa dhawaan qoyskii Cesare Maria De Vecchi, oo ah ahaa guddoomiyihii kowaad ee xukunkii faashistaha Talyaaniga ee Soomaaliya, ka xaalmariyay in ay addoonsi ku tilmaameen siyaasadihiisii shaqaalaha ee uu Jannaale ka hirgeliyay. Dagaallo dhaqameed ayaa ka socda ummuuraha ku saabsan taariikhdeenna gumaysi, iyada oo ay aad u yar tahay qaadhaanka ay dadyawgii la gumaystay ku darsanayaan.

 

CG: Dadka qaar, oo uu ka mid yahay Dr. Maxamed Aadan Sheekh oo ku soo hadalqaaday xasuusqorkiisa Waa Inoo Muqdisho, ayaa ku dooda in dhaxalkii Talyaanigu uu si weyn u raadeeyay siyaasadda Soomaalida, oo bilmetel uu shidaaliyay qaadashada hannaanka siyaasadeed ee qabiilka ku dhisan. Adiguna waxaad dersaysaa wejiga dhaqameed ee dhaxalkii gumaystaha. Arrintan sidee baad u aragtaa?

IM: Dr. Maxamed Aadan Sheekh aad buu ugu saxsanaa qiimayntiisaa ku aaddan xididka ay ku aroorto siyaasadda qabiilaysan ee Soomaaliyi, waanan ku faraxsanahay in aad buuggiisa u turjuntay Af Soomaali maxaa yeelay dad badan ayaa u baahan in ay waxqabadkiisa akhriyaan.

Talyaanigu wuxuu Soomaaliya ka dhaqangeliyay nidaam dadban, taas oo ka dhigan in uu habkii qabaliga ahaa dabbaqay oo uu dhex geliyay qaabdhismeedka maamulka. Odayada iyo hoggaamiyayaasha qabiillada waxa loo shaqaalaysiin jiray in noqdaan madax mushahaari ah (capi stipendiati), taas oo ka dhigan in ay shaqaale rasmi ah ka ahaayeen dawladda gumaystaha ayna u qaban jireen shaqada ah in ay isku xidhaan dadweynaha la gumaysto iyo dawladda gumaysata. Shaqadoodu waxay ahayd in ay xaqiijiyaan in qabiilkoodu maamulka isticmaarka taabacsan yahay, oo ay shaqaale keenaan marka loo baahdo, ayna soo ururiyaan cashuuraha iyo magaha ku soo hoyda qabiilkooda kolka ay reer kale diriraan. Haddii ay diidaan waxa ay dawladda isticmaarku fartay, waa la caydhinayay, waxana booskoodii lagu beddelayay qof kale oo ka daacadsan oo amarrada ka raaci og. Odaygaa qabiilka ayaa ka hortegi jiray iskacaabbin kasta oo timaadda, haddii uu is dhaho halgankaa ummadeed ku biirna waxa si xun uga hor istaagayay ciidanka iyo booliska gumaystaha (oo ay ku jireen askar Soomaali, Carab iyo Eratariyaan ahi). Sidaa darteed, waagii danbe nidaamkaa gumaystaha hoostiisa ayay ku xididaysteen oo ku miciyaysteen waxayna ku tanaadeen awoodda ay ku heleen in rag qabiilkooda ah ay hiilo ka helayaan maamulka isticmaarkana ay taageero ka haystaan.

Dawladdii isticmaarku waxay nidaamkan u dejisatay maaddaama uu tirayartii Talyaaniga ahayd u saamaxayay in ay u taliso aqlabiyadda dadweynaha, iyadoo adeegsanaysa xeeladda kalaqaybinta. Qof kasta oo macaamil la samaynayay maamulka gumaystaha loo ma arkayn shakhsi gaar u taagan ee waxa loola dhaqmayay in uu yahay xubin qabiil ka tirsan. Haddii aad qabiil kasta ula dhaqantid sidii oo ay ka go’an tahay ood-wadaagteeda, si fudud baad isaga hor keeni kartaa kolka ay taas dani kuugu jirto. Waana hab dadka looga xarrimi karo in ay isu yimaaddaan oo u midoobaan dan midaysa. Tusaale ahaan, kolkii dawladda gumaystuhu ay dagaal la gashay saldanadihii Majeerteeniya iyo Hobyo, waxay ciidanka ka qoratay qabiilladii ay taariikh ahaan utuntu dhex tiillay saldanadahan oo ay ku gabraaratay. Taas oo kale ayaa dhacday waagii dagaalka lala galay Daraawiish. Taliskii gumaystaha Talyaaniga ee Soomaaliya wuxuu hubeeyay qabiilladii degganaa gobollada waqooyi-bari si ay uga caabbiyaan Daraawiishta. Odayadaas qabiillada ee uu isticmaarku shaqaalaysiistayna inta badan way ka faa’idaysan jireen awooddaa gacanta loo geliyay, oo badanaa si xun bay ugu tagrifali jireen taladaa aan wax dabraa jirin.

Siyaasadihii qaybi-oo-xukunta ee Talyaanigu uu dejiyay qarni ka hor ilaa hadda ayay qaabeeyaan qaacidada qabiilka ku salaysan ee siyaasadda Soomaaliya (tusaale, nidaamka 4.5).

Waa taas sababta ay SYL aad iyo aadka uga soo horjeedday in maamulka gumaystuhu uu nidaamka qabaliga ah u adeegsado sidii uu ugu kala qaybin lahaa dabadeed inba gaarkeeda ugu xukumi lahaa bulshada Soomaaliyeed. Dhaarta ururka u taallay waxay xubnaha faraysay in ay nidar ku maraan in aanay qabiilkooda isku qeexi doonin iyo in aanay qofna ku faquuqi doonin qabiilkiisa dartii. Dabcan farqi baa u dhexeeya fekradihii waaweynaa ee SYL u dejisnaa iyo sidii ay ku danbaysay, laakiin kolka lagu dhex akhriyo waaqica gumaysi-ka-bixista iyo wasaayada, in si furan loo diido sheegashada qabiilku waxay ahayd tallaabo mayaladaygnimo leh.

Siyaasadihii qaybi-oo-xukunta ee Talyaanigu uu dejiyay qarni ka hor ilaa hadda ayay qaabeeyaan qaacidada qabiilka ku salaysan ee siyaasadda Soomaaliya (tusaale, nidaamka 4.5). Qabyaaladda siyaasadda lagu milay waa uun agab aydiyoolajiyadeed oo xooggan oo ay dabaqadda talisaa ku awrkacsato, isla tabtii ay dawladda gumaystuhuba ugu dan fushan jirtay duruufo kuwan maanta ka geddisan.

 

CG: Kayd badan oo muhiim ah oo umadda iyo qaranka Soomaalida ku saabsan ayaa ku qoran Af Talyaani oo ah luuqad aanay aad isula falgelin akhristayaasha Soomaaliyeed ee dagaalkii sokeeye ka danbeeyay. Kaydkaas baad wax ka soo aragtay oo aad qoraalladaada la kaashatay. Sidee bay kuula muuqataa in aynu u awdi karno fakaaggaa ka dhex jira aqoon-gudbinta? Dhanka kale, muxuu ahaa wixii sida ugu weyn kuu cajabgeliyay intii aad baadhaysay qoraallada Af Talyaaniga ku dhigan ee ku saabsan ama laga qoray Soomaaliya?

IM: Alla wacnaan lahaydaa in aan xal u hayo! Ma aha hawl aan keligay qaban karo, ama aan damacsanahayba in aan keligay ku hagaago. Kolka aan tiisadayda qalinjebinta dhammeeyo, waxaan rabaa in aan akhristayaasha guud wax u qoro, aniga oo aan adabcan ka tegayn waxqabadkayga akadeemiga ah. Waxa sidoo kale aan rejaynayaa in fac maanta ama jiilasha ku xigaa ay ka qaybqaadan doonaan cilmibaadhistan taariikheed. Caqabaddan dhanka afka ah iyo sidoo kale in kaydkani uu yaallo Talyaaniga labaduba waxay carqalad dhab ah ku yihiin cilmibaadhayaasha Soomaaliyeed ee hadda iyo hadhowba. Nasiibwanaag, waxa jira kayd interneedka ah oo diyaarisay Xarunta Cilmibaadhista Soomaalida ee Jaamacadda Roma Tre oo ay ku jiraan dokumentiyo badan oo waagii gumaystaha la qoray. Hasayeeshee dokumentiyadaasi waxay ku qoran yihiin Af Talyaani, wayna yar yihiin Soomaalida aan Talyaaniga ku xidhnayn ee akhrisan kartaa. Laga yaabee in barnaamishka barashada Af Talyaaniga ee dhawaan Muqdisho laga bilaabay uu taas wax ka taro, waa se loo joogi doonaa.

Way igu adag tahay in aan qodob gaar ah ka soo dhufto waxyaabihii iiga soo baxay deraasadda, maxaa yeelay aad buu u ballaadhan yahay kaydka gumaysi ee yaalla aniguna si maalinle ah baan marba wax cusub ula kulmayay, kuwaas oo isku mar ah kuwo indhaha kuu furaya isla markaana kaa argagaxinaya. Laakiin mid ka mid ah waxyaabaha aadka ii cajabgeliyay, gaar ahaan muddadii aan Talyaaniga degganaa, waxa ka mid ah in aan soo arkay agab-dhaqameed badan oo Soomaaliyeed oo ay hayaan xarumaha kaydka iyo madxafyadu, sida hugii hiddaha, qalabkii isqurxinta, agabkii iyo hubkii, iyo wax la halmaala. Waan ogsoonahay in doorsoonka cimilada, siyaasadda iyo dhaqaalaha ku dhacayay qarnigii ugu danbeeyay ay soosaarka waxyaabahaas ka dhigeen kuwo aan jirin ama aan sidii hore looga soo saarin Soomaaliya. Waana arrin murugo leh, maxaa yeelay waa agab ka turjumaya taariikhaheennii iyo habnololeedkeennii. Waxaan rejaynayaa in mar uun agabkaas lagu soo celiyo waddanka.

 

CG: Waxa jira in wax kasta oo ku saabsan xilligii isticmaarku aanu wada tabnayn. Waxa jiray dedaallo lagu waarinayo dhaxalka hiddaha iyo horumar magaalooyinka ka dhacay, tusaale ahaan. Sidee baynu isugu wadi karnaa in aynu wixii waagaa jiray ee wanaagsanaa la ilaashado iyada oo aan isla markaa loo barooranayn oo aan la weynaynayn eelkii gumaystaha?

IM: Ma filayo in ay wax inoo tarayso in gumaystaha loo arko “wanaag”—maxaa yeelay waxaynu ku dhacaynaa dabinka cunsuriga ah ee ku taamaya in “isticmaarku uu dadka dhaladka ah dantooda wadey.” Sida hubaasha ah, horumarka magaalaynta ee laga sameeyay caasimadihii gumaystuhu haystay, sida Muqdisho, ma uu ahayn horumar loogu talagalay dadka la gumaysto, ee gumaystayaasha ayaa isugu talagalay. Qorshayaashii magaalada ee ugu horreeyay ee la dejiyay marka laga soo bilaabo, dawladda isticmaarku waxay ku dedaalaysay in ay barakiciso dadka dhaladka ah ee ku nool xuddunta magaalada. Waxay meelmariyeen xeerar dadweynaha ka hor istaagaya in ay guryahoodii dib ugu laabtaan, kolkii dhismahoodii qadiimka ahaa laga dunshayna dadkii waxay ku qasbanaadeen in ay u guuraan duleedka magaalada. Muqdishadii isticmaarku haystay waxa ka jira qoqob cunsuriyeed oo loo kasay. Waxay abuureen “xaafadaha dhaladka” oo ku teedsan aagagga magaaladii qadiimka ahayd, oo loo qoondeeyay Soomaalida, qorshuhuna wuxuu ahaa in badhtamaha magaalada iyo hareeraha xeebta uu aakhirka u soo hadhoTalyaani keli ahi. Waxay si gaar ah u necbaayeen in ay arkaan aqallada Soomaalidu hiddaha u lahayd, waxayna mamnuuceen in guryaha cariishyada ah laga dhiso xaafadaha Talyaaniga.

Iminka, kolka aynu ka fekerno dhismaha magaalooyinka ee la qaabeeyay wixii ka danbeeyay dagaalka, waxaynu xilliyadaa iyo qaababkaa hore ka soo heli karnaa qodobbo aynu ku dhererinno. Waa arrin walaac leh in qaybaha ganacsiga iyo guryaynta ee xilligani ay burburinayaan dhismayaashii qadiimka ahaa oo ay kuwo cusub ka yagleelaan. Badi hawlaha dhismaha ee magaalada ka socdaana arrintaas bay u danaynayaan, waxaanad mooddaa in dawladdu aanay dan iyo heello toona ka lahayn in ay wax ka qabato dhiillada guryaynta ee haysata dadweynaha ugu saboolsan Xamar. Kolka ay dadkaasi ku urursan yihiin xeryaha barakacayaasha, wax fudud baa loo arkaa in loo raro duleedka magaalada oo halkaa lagu hilmaamo. Tanina waxba kaga ma duwana qorshihii magaalaynta ee uu gumaystuhu ku dhaqmi jiray, waxayna kaga duwan tahay uun in aanay iminka toos uga soo fulayn dawladda oo aanay iyadu dabada ka riixayn. Iminka awooddii waxay ku faaftay shakhsiyaad iyo shirkado gaar ah. Wax islaxisaabtan iyo xeer-nidaamiye ah oo ficilladooda lagu hagaana ma jiro. Dhulalkii hantida guud ahaa ee aynu lahayn aaway? Meeye beerihii nasashada, madxafyadii, iyo magtabadihii? Xataa faceennan wayba iska yar tahay inta xasuusan karta waqti ay goobahaasi jireen.

Kolka lagu noqdo ilaalinta taariikhda, xaalad xun baynu kaga sugannahay. Sidee bay suuragal u tahay in waxa keli ah ee caasimadda dayactirka loogu sameeyay ay noqdaan taallooyinkii la taagay 1970nadii iyo aargadii gumaystuhu u dhisay xuska dhaxalsugihii Talyaaniga [Arco a Umberto di Sovoia]? Markii la yidhi waxa la dayactirayaa dhismayaashii taariikhiga ahaana waxa hawshaa loo galay si argagax leh, sida ku dhacday masjidkii Arbaca Rukun. Degmooyinkii qadiimka ahaa ee Xamarweyne iyo Shangaani gebi ahaanba dawladdu way iska illawday oo baayacmushtarku inta ay dhismayaal ka iibsadaan ayay dumiyaan oo ka dhisaan guryo la dego oo fooqaq ah. Qof baa iiga warramay in iyaga oo faqaya seeska guryahaas Shangaani ku yaalla midkood ay hoostiisa ugu tageen walxo hadhaadi iyo aasaar ah oo ka soo hadhay ilbaxnimo aasantay. Dabcan iyagoo xataa walxahaas arkay haddana waa lagu sii socday burburintii iyo dhismihii cusbaa, mana jiraan haayado dawladeed oo arrimahan dabagala oo hagaa. Dhaqankani mid cusub ma aha: tusaale ahaan, Huteel Curubo waxa laga dhisay seeskii ay ka taagnaan jirtay qalcaddii qadiimka ahayd ee Musafar [Muẓaffar dynasty]. Bal malee waxyaabaha loogu tegi lahaa meeshaas haddii maanta khubaro degelbaadhayaal ahi ay qodi lahaayeen.

Dabcan mushkiladda waxa qayb ka ah in aan dhaqaale fiican loo haynin hawlahan, haddana waxa aan gebi ahaanba jirin doonistii iyo danayntii siyaasadeed ee hagi lahayd. Inanga oo ah ummad aadba mooddo in ay soojireenkeeda iyo awoowayaasheed caabuddo, haddana waynu ka dhego adaygnaa in aynu tagtada u aragno wax aan ka ahayn in cidiba u mariso si ka soocaysa cidaha kale. Waxa ina kala jiita labada dabuubood ee ah Soomaaliya waa dal fashilmay iyo “Soomaaliya way soo kacaysaa,” oo waxaynu ka soo qaadnaa in tagtadu dambas tahay iyo in aynu keligeen nahay curiyayaasha ama soodejistayaasha mustaqbalka (tusaale waxa ah suuqyada xaamiga ah ee isku dhafan ee ay ka buuxaan badeecooyinka la soo dejiyay, iyo masjidyada iyo huteellada loo naqshadeeyay qaab aad mooddo in ay ku yaallaan Dubay ama Istanbuul). Laakiin taariikhdu dambas ma wada aha. Mujtamaceennu cidla’ ka ma uu soo bixin, geedka amuuqdana ma gaadhi karno haddii aynaan ka xisaabtamin tagtadeennii. Haddii aynu dhisme naqshadaynayno iyo haddii aynu goobaha taariikhiga ah ilaalinaynaba, Muqdisho kolka dib loo dhisayo waa in taariikhdeeda niyadda lagu hayo oo laga duulo. Taasi ka ma dhigna in aan wax cusub ama duwan la soo kordhin karin. Laakiin waxa cusubi waa in aanu tirtirin wixii jiray.

Kaalinta indheergaradka waxaan kaga jawaawabayaa intii uu yidhi Idwaard Siciid, isaga oo Antooniyo Garaamshi ku xidhiidhsan, kolkii uu qoray in indheergaradka laga rabo in uu noqdo qof “shaqadiisu tahay in uu si furan afka ugu dhufto su’aalaha wejigabaxa keena, oo uu ka hor yimaaddo (ee aanu u hiilin) arki-jiraydoonnimada iyo garmaqaatannimada, oo uu noqdo qof aanay dawlad ama shirkadi si fudud u duufsan karin, oo sababta ugu weyn ee uu jiraaba ay tahay in uu metelo dadka iyo qaddiyadaha inta badan la iska hilmaamo ama indhaha laga laalo.”

CG: Gebagebadii, maxaad filaysaa in ay yihiin qodobbada saamayn doona jihada ay qaadan doonaan taariikhyahannada Soomaaliyeed kolka ay sahaminayaan cutubkan “la iska illaaway” ee taarikhdeenna ka midka ah? Sidee baad se u aragtaa kaalinta aqoonyahannada iyo indheergaratadu ka ciyaari karaan?

IM:  Su’aalaha ay taariikhyahannadu iska wayddiinayaan tagtada waxa inta badan abuura taaganta lagu jiro. Tusaale ahaan, waxa laga yaabaa in wayddiimaha aynu maanta keenaynaa aanay ahaynba su’aalo laga sugayay in uu is wayddiiyo facii noolaa xilligii gumaystuhu. Waqti-xaadirkan, maaddaama aynu ku jirno seban uu cirka ku shareeran yahay qalqalaasaha ku aaddan suuraysiga siyaasadeed ee mustaqbalka Soomaaliya, aqoonyahanno badani waxay diiradda u leexiyeen muddadii gumaysi-ka-bixista si ay dib ugu qiimeeyaan duruufihii geeddigaa ku hareeraysnaa. Waxaan filayaa in uu bogaadin mudan yahay mashruuca aqooneed ee ay u go’een dad ay ka mid yihiin Cabdi Ismaaciil Samatar, Maxamed Trunji, iyo Safiya Cayddiid, maxaa yeelay waa mashruuc jeexday dhabbe duwan oo loo marayo siyaasadda Soomaalida oo ina tusay waxyaabihii berigii hore suuragalka ahaa, wixii facii hore seegay, waayihii ku xayndaabnaa suuraysigaas siyaasadeed, iyo waxa timaaddada macquulka noqon kara. Aqoonyahanno kale oo ay ka mid yihiin Cali Jimcaale Axmed, Cabdi Kuusow, Maxamed Eenow, iyo Cumar Eenow ayaa iyaguna sees naqdi ah u dhigay suuraysigeenna ku aaddan sida loo tebiyo qarannimada Soomaalida. Waxay fureen  irrido cusub iyo su’aalo hor leh oo aynu berri-ka-maalin u adeegsan karno in aynu wax iskaga wayddiinno tagtadeennii iyo taaganteennaba.

Kaalinta indheergaradka waxaan kaga jawaawabayaa intii uu yidhi Idwaard Siciid, isaga oo Antooniyo Garaamshi ku xidhiidhsan, kolkii uu qoray in indheergaradka laga rabo in uu noqdo qof “shaqadiisu tahay in uu si furan afka ugu dhufto su’aalaha wejigabaxa keena, oo uu ka hor yimaaddo (ee aanu u hiilin) arki-jiraydoonnimada iyo garmaqaatannimada, oo uu noqdo qof aanay dawlad ama shirkadi si fudud u duufsan karin, oo sababta ugu weyn ee uu jiraaba ay tahay in uu metelo dadka iyo qaddiyadaha inta badan la iska hilmaamo ama indhaha laga laalo.” Waynu rejaynaynaa in indheergaratadeennu ay mabda’ayadaa sarsare ku mintidaan oo gawsdanbeedka dhigtaan.

Qoraallada kale ee qoraaga

Aragti

Gacmo (iyo Caqli) Geeljire

Masrax

Fan Kale

Buug

Nolol baa la aasay