Thursday 21 November 2024
Qoraalka waxa Af Ingiriisi ku diyaariyay Faysal Cali, Bahda Geeska ayaana Af Soomaali u turjuntay.
Inta badan ma daneeyo khudbadaha ay jeediyaan madaxda Midawga Yurub (MY), balse wax ii geeyayba sannaddii 2016 ayaan dhegaystay Federica Mogherini oo markaas madax u ahayd siyaasadda arrimaha debadda ee MY, iyada oo hadal u jeedinaysey Madasha Dhaqanka MY. Khudbad iska caadi ah bay ahayd, waxayna isku dayday in ay si taxaddar leh dib ugu qorqorto taariikhda nadiifta ah ee MY, waxayna aad u xayaysiisay waxyaabaha lagu majeeran karo. Hasayeeshee sidii ay hadalka u waddey ayay taabatay qodob i soo jeediyay. Mogherini waxay ku dheeraatay in Yurub ay tahay iskudhaf ay dadyaw kala geddisani saameeyeen: “Giriig iyo Yuhuud, Roomaan iyo Angalo-Sagson, Kiristaan iyo Carab, Laatiin iyo Islafaak, Faransiis iyo Jarmal, Dadyawga Badda Cad ee Dhexe iyo Iskaandaneefiyanka, ehlu’diin iyo cilmaaniyiin intaba.” Waxyaabaha ay ka hadashay waxay u badnaayeen wax aan nuxurkoodu sii ridnayn, laakiin waxa wax-kasoo-qaad lahaa in ay ka garawday raadkii ay Carabtu ku lahayd taariikhda Yurub, maxaa yeelay xilliyadaa siyaasiyiinta badankoodu way deedifayn jireen in Carabtu ay wax qaadhaan ah ku darsatay sooyaalka Yurub, iskaba daa in la soo marsiiyo in qaadhaankaasi ahaa mid togan oo dhismaheeda wax ku darsaday e, waxayna ku murmi jireen in ay khatar uun ku ahaayeen.
Aragtidaas ay Yurub ka haysataa waa naadir la qariibsan karo, marka caasimadaha qaaradda la jeedaaliyo. Georgia Meloni xisbigeeda Fratelli d’Italia [Walaalaha Talyaaniga], oo ah xisbi uu xataa Silvio Berlusconi ku tilmaamay “faashiste,” ayaa ku guulaystay in uu fadhiisto aqalka Talyaaniga looga taliyo ee Qasriga Chigi. Geert Wilders oo lagu sheego “islaamdiid” ayuu xisbigiisu aqlabiyad ka helay barlamaanka Nadarlaan, dalka Hangarina waxa muddo toban sannadood ka badan ra’iisalwasaare ka ahaa [Viktor] Orbán. Kolka waddanka Boolan oo gugan dhexdiisa ka badbaaday in uu dhabbaha midigta fog qaado laga reebana, xisbiyo qaba higsi lid ku ah midka Mogherini ay ka garawday ayaa talada qayb ka noqday ama daaha dabadiisa ka dirawalinaya dhanka loo dhaqaaqayo sidaana xisbiyadii waaweynaa ugu riixaya in ay garabka midig u dhurtaan. Dad badan ayaa, iyagoo sabab la fahmi karo u haya, qaba in talo faro ka haadday!
Hans Kundnani se sidaas ma aha, oo buuggiisa cusub ee Eurowhiteness uu dhinacyo badan uga eg yahay in uu burburinayo fekradda ah in Yurub ay si kedis ah ugu guurtay garabka midig ee “dhaladnimada” gedoodsan. Wuxuu si lagu qanci karo ugu doodayaa in aragtiyahani ay awelba sii jireen, ay se beryihii ugu danbeeyay uun bannaanka u soo baxeen. Casriyadii dhexe, Yurub waxay dhinacyo badan kala sinnayd furimaha Kiristaannimada, balse xilliyadan danbe (waagii gumaystaha iyo ka dibba) waxay ku sifaysnayd “caddaannimo”—waana taa doodda Kundnani oo koobani. Soo’ifbixii caddaannimadu wuxuu ku soo aaday oo ay “isku milmeen” soo’ifbaxa hayb soocan oo Yurubbiyaan ah, waxana lala xidhiidhiyaa qaababka kala sarsarreeya ee fekerka sinjiyadda: “Maxaa yeelay mar alla markii ay Yurubbiyaanku isu arkeen Yurubbiyaan, waxay isu qaateen in ay ka faddilan yihiin dadyawga kale ee dunida ay la saaran yihiin,” ayuu qorayaa.
Kolka dhankaa laga eego, ayuu ku doodayaa, MY dhab ahaan qaaradda Yurub ka ma uu gacansiin in ay iska cuudiso rooxaanta “dhaladnimada” sida ay had iyo goor ku andacooto. Yurub dhawr cashar bay baratay ayuu ka garaabayaa. Waxa ka mid ah: Qoomiyadnimadu waa wax xun, midawga dhul-sheegashada ku dhisanina waa la mid, xasuuqna waa in aan mar kale lagu kicin. Hasayeeshee qisooyinkaa ay isu weriso wax badani ka ma soo galaan isticmaarkii iyo addoonsigii, haddiiba uu MY wax uun noqdayna wuxuu noqday gaadiid qaada “illawshaha isticmaarka” ee Yurub; waa mashruuc ay isku badbaadinayso oo lagu soo xulay dhawr sheekaxariiro oo dhadhan leh oo qaaradda ka saaciday in ay baabbi’ii Dagaalweynaha Labaad ka soo doogto, balse iska indho tiray cunsuriyadda xididdadu u aroorsan yihiin ee gudaheeda ka jira iyo duullaannadii gumaysti ee ay debadaha ku qaadday.
In kasta oo xilliyadu is dooriyeen, ayuu qorayaa, waxyaabaha aan is beddelin waxa ka mid ah caqliyadaha qaar ay reer Yurub ku wajahaan dunida kale, maxaa yeelay waxba la iska ma wayddiinba. Casriyadii dhexe, Yurub waxay xil iska saartay in ay gaalada ka dhigto Kiristan; waagii gumaystahana waxay xil iska saartay wixii loogu yeedhay hawlgalka ilbixinta. “Labada xaaladoodba, hannaanka ilbixinta waxa loo arkayay wax wanaag u ah cidda la ilbixinayo—casriyadii dhexe qiilku wuxuu ahaa in uu badbaadinayo, waagii isticmaarkana marmarsiiyuhu wuxuu noqday in uu casriga ku soo darayo ama horumarinayo,” ayuu qorayaa. Maanta MY wuxuu isu arkaa hannaan maamul oo ay tahay in lagu daydo, wuxuuna ku hammiyayaa in uu aragtiyahiisa dhoofiyo, isaga oo isla markaa xuduuddiisa ka ilaashanaya dadyawga soogelootiga ah ee khatarta leh.
MY waxa 2012 loo aqoonsaday in uu qaaradda Yurub nabad ka dhaliyay, markaas oo lAbaalmarinta Nobeesha ee Nabadda lagu siiyay in uu si fiican uga hortegay dagaallo ka qarxa qaarad hoosteeda qarniyo badan isku soo cuntay ismaandhaafyo ku salaysan qolo-qolo, imbiryaaliyad, ama aydiyoolajiyad. Sheekadu sida ay dhigayso, guushaa waxa lagu gaadhay in meesha laga saaray caqabadihii carqaladayn jiray ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa Yurub dhexdeeda—oo ah waxa uu Jurgen Habermas ugu yeedho “xuduud-tirid” (de-bordering)—iyo in la isla qaatay go’aan midaysan oo ah xoojinta xuquuqda insaanka iyo sarraynta sharciga. Higsigii u muuqday horseedkooda ay ka mid yihiin Jean Monnet, Alcide de Gasper, iyo Konrad Adenauer, wuxuu ahaa in la abuuro Yurub lilbax ah oo agu wada nool yahay oo ku dhisan heshiiskii lagu asaasay ee Rooma ka dhacay 1957 ee dhigayay in uu dhex maro “midaw aan hore loo arag.”
Ulrich Beck, oo ah caalin kale oo macruuf ah oo reer Jarmal ah aadna ugu ololeeya Yurubtaa lagu wada dhaqan yahay, ayaa sawirtay “Yurub kaladduwanaan ku dhisan, kaladduwanaan la isla oggol yahay oo la isu aqoonsan yahay.” Markan Yurub ma ay ahayn ururis ka kooban dawlado warmaha isu tumanaya oo indho shaki leh isku eegaya, badanaana is ximinaya, ee waa qaarad casrigii qoomiyadnimada ka soo gudubtay oo iska dawaysay cudurradii xumaa ee ragaadiyay. In kasta oo sheekadan la sawirayaa ay tahay mid soojiidasho iyo xiise leh—waaba qiso sida ay u macaan tahay aad uurka ka odhanaysid taas oo run ah baa lagu rayn lahaa—Kundnani wuxuu ku doodayaa in marka keli ah ee sheekadani kaa gadmi kartaa ay tahay haddii aad waxa muuqda iska indho tirtid.
Tusaale ahaan, kolkii la abuuray waaxdii kowaad ee MY yeesho, oo ah Beesha Dhaqaale ee Yurub (European Economic Community), waxa lagu soo daray Aljeeriya oo loo arkayay qayb ka mid ah Faransiiska iyo sidoo kale dhulal kale oo ay isticmaarsan jireen Biljamka, Talyaaniga, iyo Nadarlaan. Iyaga oo mustacmaradahaasi ay u halgamayeen gobannimadooda, ayay gumaystayaasha reer Yurubna si daran ula dagaallamayeen jibbada qoomiyadnimo ee kacsan, arrintaas oo ah xaqiiqo dabaysha ku daraysa sheekada “fudud ee niyadsamida abuuraysa” ee Yurub dhexdeeda lagu abuuray kuna saabsan isdhexgalka nabadeed ee MY. Taariikhyahanka Jaamacadda Yale ee Timothy Snyder wuxuu arrintan ku qeexayaa “Senanka daran ee ku saabsan abuuriddii Yurub.” “Wixii 1945 loo soo gaadho, quwadaha Yurub ma ay baran in dagaalku xun yahay,” ayuu Snyder qorayaa. “Waxayba iska sii galeen dagaallo gumayste ilaa dhulalkii laga xoreeyay ama ay faraha ka qaadeen. Soo xasuuso Indhojayna, Indunuusiya, Aljeeriya, Masar; Malaya, Kiiniya, Angoola, Gini, Mosanbiig, iyo Gobolka Saxaaraha ee Isbayn.” Beesha Dhaqaalaha ee Yurub, sida uu Kundnani qorayo, waxay bilawgii ahayd “fakaag dhuleed oo fidsan min Baaltigga ilaa Koongo, oo markii Biljamka iyo Faransiiska laga xoreeyay mustacmaridihii ugu danbeeyay ee ay Afrika ku haysteen ayay ku soo ururtay in ay metesho Yurubtii uu mideeyay boqor Charlemagne.”
Kolkii ay imbaraaddooriyaddeedii weyday ayay Yurub isku soo laabatay, sida uu qorayo Kundnani, oo ay noqotay maangaab aanu fekerkeedu dhaafsiisnayn gudaheeda, in kasta oo tobannaan sannadood oo xigey uu Faransiisku si gaar ah u sii wadey in uu farageliyo dhulalkii uu gumaysan jiray. Cidhibxumada tan ka dhalatay waxay noqotay in dalalka Yurub ay tagtadoodii faashistannimada lahayd u arkaan “wax cid kale leedahay” iyo in MY ay u arkaan mashruuc nabadeed oo waxaas ka badbaadinaya—Isbayn iyo Bortuqiiska ayaa tusaalayaal fiicfiican u ah. Jarmalka qudhiisa oo si qoto dheer oo daran nafta u dul dhigay ka-hadalka mawduuca Xasuuqii Yuhuudda isaga oo isla markaa is illawsiinaya xasuuqyadii uu ka geystay Namiibiya.
Kolka aynu u dhabbagalno taariikhdan isku-soo-laabashada ah, waxaynu fahmaynaa qodobka udubdhexaadka u ah doodda Kundnani. Sida uu qorayo, eraybixinta “caddaan-yurubeed” (Eurowhiteness), oo uu ka soo ergistay caalinka bulsheed ee József Böröcz, waa “fekrad gobolaysi oo kolka dhinacyo badan laga fiiriyo u eg qoomiyadnimada.” In kasta oo Midawga Yurub uu ku guulaystay “xuduud-tiridda” gudaha Yurub, arrintan ku ma ay lammaanayn insaannimo caalami ahi, balse waxay dib u qaabaysay uun soohdimihii qoomiyadeed oo ay ku fadhiisisay furimaha cusub ee MY. Furintaasi waxay nafsad ahaan wax badan la wadaagtaa caddaannimada iyo sida aragtidani ay sannadihii u danbeeyay u soo ifbaxday, sida uu Kundnani ku doodayo.
Masalooyinka ku saabsan sinjiyadda iyo haybtu waxay soo shaacbaxeen qaarkii danbe ee 2010nadii, markaas oo siyaasiyiin taarabbuun-la-ciyaar ahi qaaradda ka soo baxeen, iyagoo la haliilaya aragti ah in la abuuro Yurub xuddunteedu tahay fekradaha isirnimada, sinjiyadaha, iyo dhaqannada ee Yurub u gaarka ah. Shakhsiyado uu ka mid yahay Geert Wilders ayaa arrintan u qaatay qaab ah cunsuriyad dhaqan ku dhisan ee aan midab ku salaysnayn, haddana qabta in dhaqanka reer Yurub uu ka sarreeyo ka dadyawga kale. Qadiyaddani waxay ku soo aadday sida isa soo taraysa ee Muslimiintu saaxadda guud uga soo muuqanayaan iyo waxa madaxda reer Yurub iyo saxaafadduba ku tilmaanto “dhiillada qaxootiga” oo ah cabsida laga qabo qulqulka Muslimiinta ee beddelaya sida Yurub loogu kala badan yahay, qirinqiirkana gelinaya “habnololeedka” qaaradda ee lugaha aan adkayn ku taagan.
[Nicolas] Sarkozy ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta waaweyn ee ugu horraynba u janjeedhsatay fekraddan isla sannaddii 2012 ee MY la guddoonsiiyay biladda Nobeesha. Isaga oo ka hadlaya olole doorasho oo ka dhacayay degmada Villepinte ee waqooyiga Baariis, ayuu Sarkozy sheegay in qaxootiga sharcidarrada ahi uu sababi karo in “Yurub ay qaraxdo,” wuxuuna dadweynihii goobtaa isugu soo baxay ugu baaqay in ay isaga u codeeyaan si ay “u badbaadiyaan habnololeedka Yurub.” Sheekadiisu codbixiyayaasha u may cuntamin, aakhirkiina waxa doorashadii kaga adkaadzy François Hollande oo muddaxileeddiisu mar keli ah noqotay. Emmanuel Macron, oo golaha wasiirrada ee Hollande ka tirsanaa, ayaa dabadeed xisbi asaasay ka dibna intuu la loollamay Marine Le Pen madaxweyne noqday. In kasta oo Sarkozy musuqmaasuq lagu helay, misana Macron oo ku xisaabtamaya mawjadaha is beddelaya ee Yurub, wuxuu qaatay siyaasaddii Sarkozy.
Sida uu Macron u dhigay, Islaamkii wuxuu si fajiciso ah u noqday diin “dunida meel kasta ku dhiiloaysan,” tabtii Sarkozy ayuuna nidar ku maray in uu ilaalin doono oo boodhka ka jafi doono ilbaxnimada reer Yurub. Kundnani wuxuu qabaa in Macron uu “shakhsiyad muhiim ah” ka dhex yahay digarogashadan isburinta wadata, maaddaama uu si aan la fila ayn uu ugu guuray dhanka garabka midig isaga oo malaha ka baqanaya in uu doorashads ku loodin kari waayo xisbiga qoomiga ah ee Marine Le Pen. Arrintani waxay saamaysay yoolashii iyo tilmaantii uu lahaa hannaanka uu Macron ku wajaho MY. Bilawgii hore fekradda uu xanbaarsan yahay halkudhegga L’Europe qui protège (Yurubta wax ilaalinaysa) wuxuu la jaanqaadayay higsigii Jacques Delors ee ku aaddanaa in la helo midaw dimuqraaddi bulsheed ah oo dhaqaalaha Yurub ka ilaaliya dhiigmiiradka raasamaalka dunida. Hasayeeshee, Macron wuxuu qabaa in waxa ay tahay in la ilaaliyaa uu maanta yahay dhaqanka iyo haybta Yurub, sida uu Kundnani ku doodayo. Orban, oo ka mid ah odayada garabka midig, wuxuu muujistaa aydiyoolajiyad soo shabbahda tan Macrun uu u guuray, walow aanu sidiisa sidaa qallafsan ugu leexan jihadaas. Madaxa siyaasadda arrimaha debadda ee MY, Joseph Borrell, walaacan buu muujinayay kolkii uu Yurub ku tilmaamay beer, adduunka intiisa kalana kayn. “Kayntaasi way soo weerari kartaa beerta, kolkaasna beeraleyda ayaa laga rabaa in ay colkaas iska rawaan,” ayuu yidhi isaga oo wejigiisu deggan yahay.
Iskuddayadan Yurub lagaga ilaalinayo cufka islaamiga ah ee midabkiisu dugulka yahay, hareeraha qaaraddana qarka ka soo jafayaa way yar tahay in ay sooba hadalqaadaan khataraha gudadaheeda ka jira ee u baahan in dib loo eego. Tusaale ahaan, Roberto Fico, ra’iisalwasaaraha cusub ee Islofaakiya, ma qarsado in uu Putin la dhacsan yahay, waana dareen uu la wadaago Geert Wilders, oo isagu doonayaba in uu Nadarlaan ka saaro Midawyga Yurub. Sarkaal hore uga tirsanaa sirdoonka Ustariya ayaa si caam ah uga digay xidhiidhka xisbiga garabka midig ee Freedom Party uu la leeyahay Moosko. Xisbigan Freedom, iyadoo ay aad u kordhaysay rejada uu ka qabo in uu ku guulaysan karo doorashada 2023, wuxuu faafiyay muuqaal xus u ah shakhsiyaad faashiste iyo Naasi ah. Sidaas ayaynaan weli u gelin halista ay siyaasiyiintan iyo taageerayaashoodu ay ku hayaan beelaha Muslimiinta ah ee reer Yurub iyo guud ahaan dadka aan caddaanka ahayn. Qadiyadda argagaxisada midigta fogi iminka shaaca ayay u soo baxday heer MY iyo QM labaduba ay ka hadleen.
Sidaas oo ay tahay, si qumman loo ma qaadan halbeegyo lagaga hortegayo qulqulatads midigta fog, sida dhabta ahna siyaasiyiintii dhexdhexaadka ahaa ayaaba marba marka ka danbeeya isku deyaya in ay qaataan aragtiyahaas. Iyadoo waxaas oo dhami jiraanna, khatarta keli ah ee ishu qabataa waa Muslimiinta iyo qaxootiga masaakiinta ah ee ka soo qaxaya goobo uu ka qarxay khilaaf ay inta badan reer Yurub ku lug leeyihiin. Sababta aan midigta fog loogu arkayn khatar taas kale u dhigantaana waa in aan loo malaynayn in ay iyadu hagardaamo ku tahay haybta Yurub. Muslimiintu se, sida Sayeeda Warsi oo xukuumadda xisbiga Muxaafidka ee Ingiriiska ka tirsanayd ay buuggeeda u bixisay, waa Cadawga Gudaha (The Enemy Within).
Siyaasaddan cusub kulkeeda waxa si dhow u dareemay dadweynahz Muslimka ah ee Yurub oo digarogashadan siyaasadeed ay aad u saamaysay, balse wuxuu sidoo kale gaadhay beelaha loo arko in aanay ab iyo isir toona u lahayn Yurub. Kundnani wuxuu soo xiganayaa CLR James oo yidhi dadkani “Yurub way joogaan ee Yurub ma aha.” Qoraalka Kundnani inta badan waa qiimayn naqdineed oo ku aaddan taariikhda siyaasadeed iyo aqooneed ee Yurub—isaga oo daaha ka rogaya khaladka ay Yurub nafteeda ka fahansan tahay—laakiin cutubka ugu danbeeya wuxuu isku deyayaa in uu u jidbixiyo Ingiriiska aayihiisa ka danbeeya kabixistii MY, kaas oo iminka dul fadhiya waxa uu Akala ku tilmaamay “raqdii” imbaraaddooriyadda (ruins of the empire).
Barbara Castle, oo xisbiga Shaqaalaha ee Ingiriiska ka tirsanayd, ayaa iyadoo ka hadlaysa dood ka qabsoontay madasha Oxford Union oo ku saabsanayd aftidii loo qaadayay in Ingiriisku ku biiro Beesha Dhaqaalaha Yurub, aad ugu tiiqtiiqsatay maangaabnimada Yurub, waxayna is wayddiisay “maxay tahay caalamannimada jidaynaysa in dalkani wixii hadda ka danbeeya uu qofka Faransiiska ah ka faddilo ka Hindiga ah, oo ka Jarmalka ah ka xigsado ka Ustareeliyaanka ah, ka Talyaaniga ahna ka soo dhawaysto ka Malaysiya ka soo jeeda?” Kundnani wuxuu ka dhinbiilqaadanayaa fekerka maanta ka dhex jira bidixda Ingiriiska si uu u jeexo dhabbayaal uu Ingiriisku ula falgeli karo mustaqbalkiisa imbaryaaliyadda ka dib sugaya, maaddaama uu hadda iskaga baxay MY.
Aragtiyada Paul Gilroy ee ku saabsan “uurkutaallada isticmaarka ka danbaysa (postcolonial melancholia)” oo aanu Ingiriisku iska baanan—waa khalkhalkii Ingiriiska la soo gudboonaday kolkii uu imbaraaddooriyaddiisii waayay—ayuu dooddiisa ku soo oodayaa. Xasuusta ladagaallankii Naasiga Jarmalku qayb muhiim ah bay taariikhda Ingiriiska ka tahay, in si isa soo taraysa loogu baraarugayo in Ingiriiska iyo boqortooyadiisa ay ahayd ciddii halgankaa horkacaysayna waxay ka dhigan tahay “xilligii ugu samaa” sooyaalka Ingiriisku aanu reebin “hilow loo qaado Ingiriis cad.” Hindi, Jamaykaan, Soomaali, Yamani, iyo dadyaw kale ayay Yurub foodda isku dareen ciidammadii Naasiga. Buugga Eurowhiteness ee Kundnani wuxuu isku deyayaa in uu kala sooco Ingiriiska dhaqannada badan u dhisan iyo Yurubta isu wada eg ee cunsuriga ah, oo wuxuu isku taxallujinayaa in uu suuragalnimooyinka ka dhashay kabixistii Ingiriiska ee MY ka sooco dhaqdhaqaaqa dhaladnimada ee ay qayb ahaan keentay, isaga oo caddaymo u keenaya in Yurub ay u yaallaan arrimo waaweyn oo sinjiyadda iyo cunsuriyadda ku saabsan, iyo in Ingiriisku uu fursad u haysto in uu dhabbe kale qaado. Waddanka waxa uu leeyahay RW Ingiriis-Hindiyaan ah, Iskoodlaanna waxa Wasiirka Kowaad ah nin asal ahaan Bakistaan ku isirran. Ruuxdii ku lammaanayd khudbadduu Mogherini waxay ka turjumaysaa waaqica Ingiriiska in ka badan inta ay ka Yurub ka turjumayso, Yurubna way ka danbayn doontaa Ingiriiska ilaa ay ka baranayso in ay si dhab ah u qiimayso xidhiidhka ka dhexeeya caddaannimada iyo reeryurubnimada.