Thursday 21 November 2024
Qoraalkani waa waraysi uu Faysal Cali oo ka tirsan bahda Geesku uu la yeeshay Stuard Reid, qoraaga buugga The Lumumba Plot, kaas oo qoraagu dib ugu eegayo dilkii shirqoolka ahaa ee Lamuumba, isagoo si gaar ah diiradda ugu saaraya doorkii uu Maraykanku ku lahaa shirqoolka Lamuumba iyo u jilba dhigista xukuumadda mid ka mid ah hoggaamiyayaasha Afrika ugu haldoorsan.
Batriis Lamuumba, oo ahaa raysalwasaarihii hore ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo (oo markaa ahayd Jamhuuriyadda Koongo), waa halyey ku dhawaaday in uu noqdo shaqsiyad khuraafi ah, marka la eego halka uu u joogo ummadaha Afrika iyo adduunka kaleba. Dad badan ayaa isku dayay inay boodhka ka jafaan dhaxalkiisa xooggan ee la halganka gumeysiga iyo u halganka midnimada Afrika, si uu dhaxalkiisani ugu noqdo mid wax ku biiriya fahankooda macnayaasha tirtirka raadadka gumeysiga, imbiriyaaliyadda naxariista daran iyo u dhabar adayga u dagaallanka madaxbannaanida.
Isu doorinta Lamuumba ee uu isu beddelay astaanta siyaasadda midnimada Afrika waxaa si dhaw loola xidhiidhiyaa xaaladihii ku xeernaa shirqoolkii lagu khaarajiyay 1961. Stuard Reid wuxuu ku doodayaa dad yar ayaaba xasuusta dhab ahaan ciddii uu ahaa. Biljin – oo ahayd gumeystihii qadiimka ahaa ee JDK – Ameerika iyo Qarammada Midoobay ayaa isu soo bahaystay inay xukunka ka tuuraan oo qashaan Lamuumba. Biljin waxa yoolkeedu ahaa inay ilaashato hantida Koongo ee ay iska guranaysay, Ameerikaanku shuuciyadda ayay dagaal kula jireen, Qarammada Midoobayna goor danbe ayuun bay ka soo dul dhaceen kufsiga lagu wado dimuqraadiyadda Koongo.
Sheekadanu waa mid kulansatay dhammaan agabkii samayn lahaa sheeko leh xallad siyaasadeed oo daraamo badan: imbaraadooriyado isku darsaday cirweyni iyo ciilqab, macdano, dimuqraaddiyad la majaro habaabiyay, hoggaamiye han weyn oo raba inuu ayaanka dalkiisa wanaag ku soo dabbaalo, iyo dakano. In kastoo CIA-du lug ku lahayd shirqoolka Lamuumba, haddana Mabuutu oo ay xulafo siyaasiya ahaayeen ayaa dilkiisa ka danbeeyay.
Lamuumba maydkiisii waxaa lagu milay asiidh ka soo reebtay gabigiisaba ilkihii oo kaliya. Xukunkiina waxaa la wareegay Mabuutu oo dalka sii xukumay 30 sannadood.
Sannadba sannadkii ka danbeeyay waxa isa soo taraysay oo soo caaridaysay xaqiiqooyinkii ku xeernaa dilkiisa, qoraayadii u horreeyay ee dilkiisa wax ka qoraana waxay qabeen in ay Biljinku ka danbeeyeen shirqoolkiisa, iyadoo rejadoodu ay ahayd in ay ilaashadaan macdanaha ay ka laasanayeen gobolka macdanta qaniga ku ah ee Kataanga, oo dalka dhawaanta madax bannaanida qaatay rabay in ay kala soo wareegaan gacanta damaaciga ah ee gumaystaha.
Doorka Qarammada Midoobay isagu gadaal ayuu ka caddaaday ka dib markii la ogaaday farriin sir ah oo xoghayihii guud ee markaas joogay QM, Dag Hammarskjold, la wadaagay dublamaasiyiin Maraykan ah oo uu ku yidhi, “Lamuumba waa in la edbiyaa.” Sidoo kalena wuxuu laaluushay ciidammada Koongo si aanay ugu soo gurman Raysalwasaarahooda la go’doomiyay. Ludo de Witte wuxuu buugiisa The Assassination of Lumumba ku caddaynayaa intuu gaadhsiisnaa doorka ay ka ciyaareen shirqoolka Biljinku, iyo iskudaygoodii ay ku rabeen in ay Maraykanka ku diraan Lamuumba.
Ilaa laga soo gaadhayay amminta maleegga shirqoolka, Ameerika warkeedu ma caddayn, oo waxay ku jirtay, sida uu u dhigay mid ka mida lataliyayaasha sare ee dhaqaalaha ee Eisenhower, “kala doorashada inay taageerto dawladaha waaweyn, iyo inay saamaynteeda dhigto dhanka kuwa u halgamaya inay helaan madax bannaani dhaqaale iyo mid siyaasadeed”; haddii ay qodobka danbe raacdo waxaa khatar galaya xidhiidhka ay la leedahay xulafadeeda NATO. Ugu danbayn se waxay go’aansatay inay is garab taagto Biljin, oo waxay awooddeedii dublamaasi iyo teedii sirdoonba isugu geysay inay ku ridaan xukuumadda yar ee taagta daran ee Lamuumba.
Haddaba, halkan waxaan idiinku soo gudbinaynaa waraysi uu Geesku la yeeshay qoraaga buuggan The Lumumba Plot: The Secret History of the CIA and a Cold War Assassination, oo ah Stuart Reid, kaas oo uu kaga hadlay doorkii Ameerika ee shirqoolka Lamuumba, iyo raadka taariikheed ee faragalintaasu ku reebtay Koongo.
Faysal Cali: Sidaan la soconno qodobkan wax badan ayaa laga qoray, markaa waxaan is waydiinayaa waxaa adigana kugu riixay iyo waxaad rejaynaysay in aad ku soo biiriso arrintan?
Stuart Reid: Xog waafi ah ayaa laga qoray doorka Biljinku ku lahaayeen shirqoolka Lamuumba, balse doorka Ameerikaanka waxaa laga war helay dhawaanahan uun. Markii 2013 la sii daayay farriimo sir ahaa oo CIA-du dirtay, markaa ka hor cid kastoo arrinta wax ka qoraysay, ma ay heli karayn xogta oo dhammaystiran. Yoolkaygu wuxuu ahaa inaan fursaddan ka faa’ideeyo. Ilaa sannadkii hore waxaan helayay dokumentiyo hore u faafsanaa, balse kala dhinnaa, oo madawga meelo badan laga qaaday.
FC: In kastoo aad ka taxaddartay in aad sheegto in aad heshay caddayn buuxda, haddana waxaad ku doodday in Dwight Eisenhower amray shirqoolkii dilka ahaa ee Lamuumba – tan oo ahayd shirqoolkii u horreeyay ee uu madaxweyne Ameerikaan ahi kula kaco madaxa dal qalaad intii lagu gudo jiray Dagaalkii Qaboobaa. Ma noo yara faahfaahin kartaa waxa kugu qanciyay inuu isagu amarkan bixiyay?
SR: Shaki igagama jirro in uu Eisenhower bixiyay amarka lagu khaarajinayo Lamuumba. Taas waxa aynu ka arkaynaa caddaymaha yar ee aanu hayno. Tan koowaad dhankayga waa, warbixin baadhis ah oo ay guddi Aqalka Senatka ka mid ah ay soo saartay 1975-tii, taas oo ay ku baadhayeen ku takrifalka awoodeed ee sirdoonka Ameerikaanku (CIA-du) ku kaceen; guddidan oo magaceedu ahaa Church committee. Guddidu waxay waraysatay xoghaye fadhiyay shir Eisenhower la lahaa qaar ka mid ah hawlwadeennada sarsare ee xukuumaddiisa. Wuxuu xoghayani ka marag kacay in Eisenhower carrabaabay wax tilmaamaya in ay tahay in la khaarajiyo Lamuumba. Markii uu weydiiyay inuu qaybtaas diiwaanka ku qorana waa laga diiday.
Qodobka kale ee arrinta maragga u ahi waa mid aan si kedis ah kula kulmay, mar aan baadhis u joogay maktabdada madaxweynenimo ee Eisenhower oo ku taal magaalada Kansas, halkaas oo aan ka helay warqad yar oo uu Eisenhower ku qoray magaca Lamuumba, sidoo kalena ku ag qoray X weyn oo madaw. Tani iskeed caddayn uma aha, balse wax bay tilmaamaysaa.
Wixii shirkaa hore xigay laftiisu waa caddayn. CIA-du waxay sun lagu khaarajinayo Lamuumba u dirtay Koongo. Markii la weydiiyay madaxa sirdoonka Ameerika dalkaa u fadhiya, cidda amarkan bixisay, wuxuu sheegay inuu amarku kor ka yimid—madaxweyne Dwight Eisenhower. Haddaba, marka waxaas oo dhan la isu geegeeyo ma aha wax la qaadan karo inaan madaxweyne Eisenhower odhan wax shirqoolkan fasaxaya oo midabka cagaaran siinaya.
FC: Shaqsiyaadka aad buuggaagan aadka ugu soo qaadatay waxaa ka mid ah Larry Devlin, oo ahaa wakiil cusub oo ka tirsan CIA-da oo joogay qayb aad ku tilmaantay inaysan CIA-da gudaheeda sidaa muhiim u sii ahayn. Waxaad ku doodday in Devlin hawlgalay iyadoon cidina kor joogtaynayn, oo hawlgalka iskudayga shirqoolka dilkuna ahaa mid kala daadsanaan badani ka muuqato. Ma nooga warrami kartaa iskudaygaa CIA-du ku rabtay inay ku wiiqdo sidoo kalena ku khaarajiso Lamuumba?
SR: Beryahaas CIA-du waxa ay ahayd hay’ad cusub, oo fawdo ah, nidaamka wada xidhiidhkuna mid caga jiidaya ayuu ahaa. Waxaa loo baahnaa dad ilaa in door ah madaxbannaani ku shaqayn kara. Mana jirin wax korjoogtayn ah oo ka imanaya dhanka madaxtooyada ama koongareeska.
Xaaladaha qaar aad bay u badnayd qorshe la’aanta iyo kacaakufka hawlaha lagu wado. Tusaale ahaan qorshihii lagu sumaynayay Lamuumba ha iska kala daadsanaadee wuxuu ahaa mid guul ku dhammaaday. Ugu horrayn CIA-du waxa ay madaxweyne Kasavubu ku boorriyeen in uu shaqada ka eryo Lamuumba, sidii baanu yeelay; taasi waxay dhiirrigelisay afgembigii qorshaysnaa ee Mabuutu uu ku inqilaabay Lamuumba, iyo ciidankii uu abaabulay si ay Lamuumba u soo xidhaan kuwaas oo soo qabtay. Dadadeed, waxa uu Mabuutu geeyay Lamuumba gobolkii in lagu dilo qorshuhu ahaa.
FC: Waxyaabaha aadka iiga yaabiya ee ku xusan buuggaagu waa sida ay dublamaasiyiinta Maraykanku ugu soo celceliyeen in aanu Lamuumba ahayn ugu danbayntii xagjirkii mayalka adkaa ee ay u filayeen inuu yahay, sidoo kalena ma ahayn bay yidhaahdeen mid aan waxba kala garanayn oo badaw ah. Dadkii la kulmay waxay u arkeen runtii inuu yahay nin macquul ah, markaas waxaan is weydiinayaa sababta arrintani u beddeli weyday aragtida iyo dareenka ay hoggaanka siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka ay ka haysteen xukuumadiisii mudda-xileedda gaabnayd?
SR: Markii uu dhintay ka dib, Lamuumba waxa uu noqday sheeko-baraley caan ah, waxaana lagu lammaaneeyay aragtiyo ciiddaa ka badan oo aanay jirin wax caddaynaya in uu aaminsanaa. Horta hubaashii wuu ahaa halgamaa gumaysi-diid ah, sidoo kalena aad uga soo horjeeday Biljinkii dalkiisa gumaystay. Balse, waxa layaabka igu noqday waa in uu horraantii ahaa mid Ameerikaanka oggol. Aad buu isugu dayay inuu cid walba u caddeeyo in aanuu ahayn mid Soofiyeetka xidhiidh la leh.
Tusaalaha u wanaagsan ee arrintan caddaynta u ahi waa booqashadiisii uu July 1960 ku tagay Waashingtoon, booqashadaas oo uu dawladda Maraykanka kaga codsaday in ay ciidamadooda u diraan Koongo, taas oo aan ahayn tallaabo uu qaadi karo nin Soofiyeetka xidhiidh la lihi. Sidoo kale wuxuu rabay in Maraykanku dalkiisa u kordhiyo tirada deeqaha waxbarashada. Balse, aad baa loo qalad fahmay.
Maraykanka taageero ayuu weydiistay, balse way ku gacan saydheen, markaa ka dib ayuu u jeestay dhanka Moosko. Maraykanku iyagaa ku riixay inuu u gacan galo Soofiyeetka, iyadoo sidaa ah haddana Moosko u ma ay heellanayn in ay gacan qabato, run ahaantii ma ay awoodi karinba.
FC: Ma kula tahay in waddaninnimadiisii mintidka ahayd iyo nacaybkii uu Biljinka u qabay ay u qaladfahmeen in uu yahay mid dhanka Soofiyeetka u janjeedha?
SR: Haa, oo xaqiiqadii dagaalka qaboobaa waxay ahayd mid wax walba la filan karo. Ameerikaanka waxa indha tirtay cabsi khaakhaayiraad ah, taas ayaana fikirkooda qalloocisay.
FA: Miyay kugu noqotay layaab in aanu Koongo ka hirgalin dareen ka dhan ah Maraykanka, oo daba socda dilka ay u geysteen hoggaamiyahoodan hirashada lahaa, sidii ka dhacday Iiraan?
SR: Marka si loo eego waa mid yaabkeeda leh, balse, waa in xisaabta lagu darsado ciddii xukunka Lamuumba ka dhaxashay in uu ahaa Mabuutu oo Maraykan u kiraysnaa, 30-kii sano ee uu xukunka hayay. Mabuutu dantiisa ma ahayn inuu kiciyo caadifadda ka dhanka ah Ameerikaanka ee shacabkiisa.
FA: Buuggaagu wuxuu ku doodayaa in loollanka Koongo ahaa bilawga dhabta ah ee caalamiyaynta Dagaalkii Qaboobaa. Haddaba, maxaad ku qeexaysaa dhacdooyinkii ka horreeyay shirqoolkii lagu riday sidoo kalena lagu dilay Lamuumba; sida dagaalkii Kuuriya iyo afgembigii raysalwasaarihiii Iiraan ee Musadiq?
SR: Waxaan ka waday si ka duwan dhacdooyinkii Guwaatamaala, Kuuriya, iyo Iiraan, dhacdada Koongo waa mid ka fog siyaasaddii juquraafi ee u meel taalay labadii daraf ee Dagaalka Qaboobaa ka dhexeeyayba. Inaan qodobka ku tiigaalo ma rabo, balse, waxay ahayd meelihii u horreeyay ee dunida saddexaad ee dagaalka qabaw ku fiday.
Waxayna u noqotay tusaale meelo kale laga fuliyo hawlgallada sirta ah ee Maraykanka. Koongo dabadeed waxaynu aragnay isla qorshayaal caynkan ah oo meelo kale laga fuliyay; waxaynu aragnay Ameerika oo taageeraysa hoggaamiyayaal aan wax ay u taagan yihiin jirin, in ay Ameerika taabacsan yihiin mooyee.
FC: Aynu haddaba u gudubno dhaxalkii dhacdadan ka danbeeyay, gaar ahaan Mabuutu. Mabuutu wuxuu qarameeyay wax badan, wuxuuna ahaa mid aan la filan karin, oo qaadanaya siyaasado aan Lamuumba qaateen, waa sidaad ku dooddaye. Maxaa isagana loogu qaadan waayay mid dhanka Soofiyeetka u xaglinaya gaar ahaan marka la eego siyaasadihiisa qaramaynta?
SR: Dhinacyada qaar marka laga eego, waa lagu doodi karaa in aan Ameerika ka helin sababihii ay xukunka u keentay Mabuutu. Balse, xukuumaddani waxay ahayd mid Ameerikaanku gacan ku leeyihiin. Ameerikaanku ma ay hubin cidda beddeli karta Mabuutu oo lagaba yaabi lahaa inay noqoto cid colaad u haysay Ameerika. Mabuutu xukuumaddiisu waxay ahayd uun mid kaliya laga rabay inay dalka qalalaase ka hor joogto, oo u taagnaata xasillooni iyo sii joogtayn. Dagaalkii Qaboobaa markuu dhammaadayna yoolkii laga lahaa taliska Mabuutu wuu dhacay.
FC: Sannado badan oo uu ka mid ahaa qooqaaga Afrika kuwooda u xun, ka dib, Mabuutu waxa loo jaray sidii balwad xun. Waxa aan u bogay sida aad si tallan taalli ah labadooda sheeko u tidicday, balse, waxaan isweydiinayaa waxaad ku macnaysay in uu Mabuutu u taagan yahay, marka loo tixgeliyo wixii Lamuumba ku dhacay, iyo wuxuu mid kastaa gadaal ka noqday mid matala ama u taagan?
SR: Mabuutu wuxuu Lamuumba u ahaa dabadhoon. Lamuumbu wuxuu Mabuutu siiyay masuuliyado tiro badan – gaar ahaan wuxuu u xilsaaray Afrikaamaynta ciidanka Koongo, kuwaas oo markan ka hor dhamaan ahaa reer Biljin, dable ilaa sarkaal. Aad bay isugu dhawaayeen, waxaana lagu doodi karaa inuu Lamuumba soo saaray Mabuutu. Xidhiidhkooduna waa ubucda sheekadan, gaar ahaan khiyaanadii uu Mabuutu u geystay Lamuumba, markii uu shirqoolka ku dilay.
Isma-geydada u yaabka badani waa marka Mabuutu uu leexsado dhaxalkii Lamuumba ee uu taallooyin uu geeridiisa ku xusayo u dhiso ninkii uu isagu khaarajiyay. Dhankaa marka laga eego sheekadu wareeg buuxa ayay samaynaysaa.
FC: Sheekada aad hadda sheegtay halkee bay ka gelaysaa taariikhda guud ee dalka Koongo, gaar ahaan marka la eego xasilloonidarrada ragaadisay dalka tan iyo intii ay xukunka CIA-du saareen Mabuutu?
SR: Waxay ila tahay in aan marnaba dalka la siin fursad uu ugu raaxaysto midhaha madaxbannaanida. Dhankaa marka laga eegana, markaa uu Mabuutu xilka yimid waxay ahayd xilli xasaasi ah, oo dalka xabaalaha ayuu run ahaantii ku daray.
Waa dhacdo taariikheedda u muhiimsan taariikhda Koongo ee qeexaysa xaaladda maanta Koongo ku sugan tahay, waayo markaas ayaa hay’adihii dhismayay la wiiqay ama aan la dhisinba, oo markaas ayaa xatooyadii la xalaaleeyay. Wuxuu ahaa kelitaliye cabbudhin badan oo gurracan, markuu taliskiisii dhacayna wuxuu keenay dagaal sokeeye, oo wali dhimbiilihiisa meelaha qaar ka sii oogan yihiin. Isagaa waxaas oo dhan ka masuul ah, balse, sidoo kale Ameerika qayb badan oo masuuliyadda ah ayaa dhakada u saaran.