Skip to main content

Thursday 19 September 2024

Aragti

Jibbada Waddaniyadeed ee Soomaalinnimada: Farmaajo ilaa Xasan Sheekh

26 February, 2024
Image
Soomaaliya
Xilwareejintii Farmaajo iyo Xasan Sheekh, 2022/Villa Soomaaliya.
Share

Farmaajo xilligiisii waa uu kiciyay dareenka waddaniyadeed ee Soomaalida, balse xukuumadda Xasan Sheekh ayaa mar kale ka hor geysay Itoobiya.

Markii Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) loo doortay madaxweynihii sagaalaad ee Soomaaliya, 2017, waxaa natiijada lagu soo dhaweeyay tacshiirad dabbaaldeg ah oo Muqdisho ka dhacday, isbeddel ay dadka caasimaddu aad ugu soo dhaweeyeen ayuuna ahaa, iyadoo oo dhawaqa xabbaduhu sida caadiga ah uu u yahay ishaaro xun. Markaa Farmaajo la doortay 55 jir ayuu ahaa, waxana uu ballan qaaday “waji cusub” oo u bilawday siyaasadda Soomaaliya, waxa uu saxaafadda u sheegay: “waa bilawga la dagaallanka musuqmaasuqa.” La dagaallanka musuqmaasuqu waxa uu noqon doonaa mid ka mid ah labada halkudhig ee xukuumaddiisu ku astaysan tahay.

Astaanta kale waa kor u kaca xoogan ee waddaniyadda Soomaalinimada, taas oo, sida caadada ah, ku koobnayd murannada xuduudeed ee Itoobiya, balse markan isu soo bandhigtay qaab aan militariyaysnayn, oo ku baaqaysa in aan la soo faro galin arrimaha gudeed ee Soomaalida, halkudhiggooduna waxa uu ahaa “soo celinta sharafkii Qaranka Soomaaliyeed.” Waxaad u malayn kartaa in halkudhiggani yahay jawaabta Soomaalida ee odhaahdii Doonal Taraamb, ee ahayd ‘Maraykanka mar kale aynu weynayno.” Waxay ahayd arrin cusub oo bulshada Soomaalida aad ugu dhex faaftay muddo xileeddiisii.

“Halka madaxdii ka horraysay ku tiirsanaan jireen diinta, qabiilka ama xidhiidhadooda khaaska ah, Farmaajo waxa uu ahaa madaxweynihii koowaad ee tan iyo taliskii kelitaliska ahaa ee Siyaad Barre ku ololeeya waddaniyadda Soomaalinimo,” Maxamed Xaaji Ingiriis, oo ah akaademig Soomaali ah ayaa ii sheegay kolkii uu Farmaajo u tartamayay in mar labaad la soo doorto 2019.

Waxa isagu cagsiga ah madaxweynaha haatan talada haya ee Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo yoolkiisa u weyn ee ah jabinta al-Shabaab ay qayb ka noqotay in uu kooxdan xagjirka ah ee hubaysan kula dagaallamo xataa diinta, isagoo horumarinaya nooc waddaniyad Soomaalinimo ah, oo uu ku lammaan yahay islaam qirsan xuduudaha waddanka, kaas oo cagsi ku ah aydhiyoolajiyadda al-Shabaab ee xuduudda ka tallawsan. Cidda ay dhanka ka tahay waddaniyadan uu wato Xasan Sheekh ma ahayn dal kale, balse waa islaamnimada xagjirka ah ee ay al-Shabaab horkacayso, taas oo aan aqoonsanayn sharciyadda dawladda Soomaaliya.

Haseyeeshee, waa sidii uu u dhigay raysal wasaarahii Ingiriiska ee Haaroold Makmilan e, caqabadda u weyn ee uu wajahi karo hoggaamiye dawladeed waa dhacdooyinka aan la sii filan karin ee ku soo beegma muddo xileeddiisa. Xasan Sheekh is’afgaradkii Itoobiya dhawaan la saxeexatay Soomaalilaan waxa ay ku riixday in uu adeegsado nooc kale oo waddaniyadda Soomaalinimada ah oo uu bulshada ku ururinayo si la isaga caabbiyo is’afgaradkaas oo masuuliyiinta Hargeysa sheegeen in uu u horseedi doono aqoonsi. 

Siyaasadda Soomaalidu waa mid qalalaase badan xilliyada ugu deggan, balse muddo xileeddii Farmaajo waxa ay ku soo beegantay markii Taraamb madaxnimada Maraykanka loo doortay, ee UK ay u codaysay in ay ka baxdo Midawga Yurub sannad ka hor, ee uu Turkigu ka samato baxay isku day afgembi, ee Bariga Dhexe bilaabay in uu u kala qaybsamo dhinacyo is haya oo ay kala hoggaaminayaan Iiraan oo xulafo la ah Turki iyo Qadar, iyo dhanka ay hoggaaminayaan Sucuudiga iyo Iimaaraatku.

Geeska Afrika laftiisu xilligaas waxa uu ku jiray isbeddel, waa xilli mudaharaaddo lagu taageersan yahay dimuqraadiyaddu horseedeen afgembi lagu riday hoggaamiyihii cimriga dheeraa ee Suudaan, Cumar Al-Bashiir, sannadkii 2018, ee xisbigii EPRDF ee TPLF hoggaanka u ahaa ay shacabka Itoobiya ku kaceen ee uu ku jiray gebagabadiisa, ee markii danbe uu xukunka dalka kula wareegay Abiy Axmed oo qawmiyadda Oromada ka soo jeedaa.

Marka dhan laga eego Farmaajo waxa uu cagta ku darayay baanaha siyaasadeed ee buunbuuninta madhan ku dhisan ee adduunka ku faafsanaa, isagoo baanahaas uun ku dabbaqay waaqaca Soomaaliya. Balse, sidee bay waddaniyaddu uga shaqaynaysaa dawlad aan gacanta ku wada hayn xuduudaheeda? Xubno ka tirsanaa xukuumaddiisuna waxay noo sheegeen in ay badanaa dareemi jireen in dalalka qalaad ee Soomaaliya taageeraa ay saamayn ballaadhan ku lahaayeen sida maamulka dalka loo waday, sidoo kale sababo la xidhiidha nuglaanta dalka awgeed aan lagula dhaqmi jirin ixtiraamkay mudnaayeen. 

Markii xukuumadda Muqdisho ay dalka ka eriday xoghayihii Qarammada Midoobay ee Soomaaliya Nikolos Haysom, iyadoo ku eedaynaysa in uu u dhaqmay sidii in uu dalka ka taliyo, Axmed Cawad oo markaa ahaa wasiirka arrimaha dibadda waxa ay had iyo jeer murmi jireen madaxweynaha Jubalaan ee Axmed Madoobe, oo uu Farmaajo ku eedeeyay in uu Kiiniya aad ugu dhow yahay.

Farmaajo iyo taageeradiisa Nabad iyo Nolol waxa ay la ahayd in taliskii Itoobiya ka talinayay ee TPLF ay ahaayeen cidda sida ugu xun u faragalisa Qarannimada Soomaaliya. Markii Abiy Axmed bilaabay in uu burburiyo kooxdu saamaynta ay ku lahayd Addiis Ababa, ugu danbayntiina uu dagaal ka dhan ah iclaamiyay Noofembar 2020, Farmaajo si buuxda ayuu u taageersanaa. Waxa uu u arkayay halganka Xisbiga Tigreega ka dhanka ah ee Addiis Ababa ka socda mid uu la wadaago Abiy.

Qudbad uu 2018 jeediyay, Farmaajo waxa uu ku misaalay hagardaamada TPLF ku hayeen Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrikaba sida gacan jabay oo beer ku fatahay. Isagoo faahfaahinaya heshiis saddex geesood ah oo uu la galay Itoobiya iyo Eretariya, waxa uu dadweynaha u sheegay: “si fatahaadan loo hakiyo oo beertana loo badbaadiyo, waxa loo baahan yahay in la iska mooso gacanka jabay.”

Abiy iyo Farmaajo labaduba waxa ay dareemayeen in aanay xukumi karin dalalkooda inta TPLF daaha dabadiisa wax ka maamulayso. Arrinta marka sidan loo eegana, dhibaatada Soomaaliya ka cabanaysaa ma ahayn Itoobiya lafteeda, balse waa isla aafada haysata Itoobiya qudheeda. Farmaajo xataa waxa uu xilka ka xayuubiyay wasiirkiisa arrimaha dibadda Axmed Cawad ka dib markii uu ku baaqay inay wada-hadlaan xukuumadda Itoobiya iyo TPLF-tu, ka dib markii uu Abiye Axmed caddeeyay in ay ka go’an tahay in uu xukunkiisa hoos keenayo. Si ay go’aankiisan taageerada bulshada ugu dhaqaajiyaan, Farmaajo iyo wasiirradiisu waxa ay farriimo u marin jireen dadweynaha baraha bulshada iyo talanfeeshanada, iyagoo adeegsanaya luuqad waddani ah oo adag, ayuu Maxamed X. Ingiriis sheegay. Waxa uu ku daray, “Farmaajo waxa uu sameeyay xukuumad ka dhex jirta maanka dadka, baraha bulshada iyo jidadka ee aan ahayn mid warqadda uun ku kooban.”

Arrintani waa mid u shaqaysay ilaa markuu ku dhaqaaqay falal cagsi ku ah yoolkii uu iclaamiyay; tusaale ahaan go’aankii muranka aadka ah dhaliyay ee uu ku dhiibay Cabdikariim Qalbi-dhagax. Hasa yeeshee, waxa ay tani hoosta ka xariiqaysaa in aan siyaasada waddaniga ah ee Farmaajo ahayn mid ka dhan ah Itoobiya ama aan u arrag cadawga koowaad ee Soomaaliya; si aad uga duwan xisbigii Leegada (Somali Youth League) iyo taliskii Hantiwadaagga ahaa ee Siyaad Barre kuwaas oo in gobolka Soomaalida ee Ogaadeeniya lagu soo daro Soomaaliya u ahaa arrin muqadas ah.

Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu xilka qabtay iyadoo xaqiiqo taa ka duwani jirto, waxa uuna ballan qaaday in uu siyaasad degan wax ku wadi doono. Halkudhigga uu ku ololeeyay waxa uu ahaa “Soomaali heshiis ah, dunidana la heshiis ah.” In kastoo Xasan Sheekh Maxamuud lagu yaqaan hadalkiisa miisaaman ee deggan, oo badanka ka dheer baanaha kicinta dadweynaha, haddana loollanka uu la galay al-Shabaab iyo Itoobiya waxa ay caddeeyeen in uu awood u leeyahay kicinta dadweynaha marka ay dani ku riixdo.

Markuu xilka yimid waxa uu ku baaqay in uu al-Shabaab jabin doono inta lagu jiro muddo xileeddiisa, tan oo ah xeelad ay adeegsadeen siyaasiyiin badani. Sababo la xidhiidha halganka oo laba geesood ahaa, dhan milatari iyo dhan aydhiyoolajiyadeedba, Xasan Sheekh waxa uu bilaabay in uu dib u qaabeeyo waddaniyadda Soomaalinimo “isagoo adeegsanaya siiqad diini ah” si uu u wiiqo caaddifadda diineed ee al-Shabaab ay dadka ku duufsato. 

Isagoo qeexaya aragtidiisa ku aaddan Soomaaliyada uu rabo nooca ay tahay, waxa uu Xasan Sheekh ku sheegay hadal uu ka jeediyay Xarunta Barashada Istaraatijiyadda, Sibtembar 2022: “Soomaaliya waxa leh muslimiinta, gaar ahaan Soomaalida muslinka ah; muslin walbaa ma laha ee kuwo Soomaaliyeed ayay u gaar tahay.” Mar danbena, Xasan Sheekh waxa uu wargeyska Guardian u sheegay in diintu noqon karto “xabag isku kabta ummad kala jabtay.” Go’aankiisii muranka badan dhaliyay ee kuxigeenkii hore ee al-Shabaab, Mukhtaar Roobow, loogu magacaabay wasiirka diinta iyo awqaafta waa tusaale kale oo caddaynaya sida ay uga go’an tahay arrintaasi.

Sida ay doonto ha noqotee, is’afgaradkii ay isla meel dhigteen madaxweynaha Soomaalilaan Muuse Biixi iyo Abiy Axmed dhagax iyo meel adag dhexdood ayuu galiyay Xasan Sheekh. Heshiiskani waxa uu cadho galiyay Soomaalida badankeeda, xataa al-Shabaab si adag ayay uga soo horjeedsatay. In kastoo ay adag tahay in la sawirto Xasan Sheekh oo ku ololaynaya waddaniyaddii Soomaalinimo ee qarnigii labaatanaad, haddana waxa uu go’aansaday in ay tahay mawjad uu qaadisteeda ku qasban yahay, oo haddii uu ka gaabiyo ay liqi doonto isaga. 

Booqashadii uu Talyaaniga ku joogay dabayaaqadii Jannaayo, Xasan Sheekh waxa uu is’afgaradka Itoobiya ay Soomaalilaan la gashay ku misaalay go’aankii madaxweynaha Raashiya uu weerarka ugu qaaday Yukrayn, isagoo dalkiisa ku tilmaamay in uu dhibbane u yahay deris ka awood weyn, waxa uu taa ku daray hadallo uu si badheedh ah ugu gooddinayo Itoobiya. 

Horraantii isla Jannaayo, isagoo salaad Jimce masaajid ka hadlaya, Xasan Sheekh waxa uu soo hadal qaaday arrinta xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya ee dhereran Waqooyi ilaa Koonfur kaas oo uu ku sheegay “xuduud beenaad.” Isagoo soo aakhiro toosinaya murankii dhuleed ee sababay dagaalkii 1977 ee lagu doonaya gobolka Ogaadeeniya, waxa uu yidhi: “arrintaasi ma aha mid haatan taagan, balse waa sida ay taariikhdu dhigayso.” 

Dhawr wasiirradiisa ka mid ah ayaa Itoobiya ku tilmaamay in ay tahay cadaw, isagoo mid lataliyayaashiisa ka mid ahina u sheegay wargeyska Guardian in Muqdisho diyaar u tahay dagaal, haddii ay Itoobiya ku sii adkaysato go’aankeeda. Raysal wasaare kuxigeenka Soomaaliya, Saalax Jaamac, waxa uu ku eedeeyay duullaankii Itoobiya ee 2006 in uu sabab u ahaa kor u kaca al-Shabaab, arrintan oo uu ku sheegay waraysi uu siiyay saxaafadda TRT World, in kastoo Itoobiya gacan ku siisay Soomaaliya dagaalkeeda ka dhanka ah kooxdan hubaysan. Kusimaha wasiirka arrimaha dibedda, Cali Maxamed Cumar ayaa isaguna arrinta ku sii dheeraaday, isagoo Al-Jazeera qaybteeda carabiga u sheegay in heshiiska Itoobiyi uu amniga Soomaaliya kaga daran yahay khatarta al-Shabaab.

Qadiyaddani waxay sidoo kale saamaysay Soomaalilaan, oo wasiirkii difaaca, Cabdiqani Caateeye uu is’afgaradka dartii isu casilay, isagoo Itoobiya ku qeexay “cadawga koowaad” ee bulshada Soomaalida. Waa siduu u dhigay maansayahankii Roomaanka ahaa ee Hoores (Horace) e: “In aad welweshaa way ahaatay, kolka jaarkaaga dab qabsado.”

Hoggaanka Itoobiyaanku caadifaddan waddaniyadeed ee Soomaalida ku kacday way sii shiidaaliyeen ka dib markii ay barahooda bulshada ku sheegeen aragtiyahooda xanafta leh ee ku aaddan taariikhda Soomaalida. Danjire Itoobiyaan ah ayaa si diblumaasiyadda ka baxsan ugu tilmaamay Soomaaliya in ay tahay samayska gumaystayaasha, ka hor intaanu la laaban faalladiisan. Faallooyinka caynkan ah in hoggaanka siyaasaddu si furan u wadaagaan waa mid cusub. Halka falanqeeyayaashu ay ka walaac qabaan suuragalnimada dagaal ka dhex qarxa Itoobiya iyo Soomaaliya, heshiiska Addiis Ababi la gaadhay Hargeysi waxa uu dib u soo nooleeyay waydiimo daaran xidhiidhka Soomaaliya la leedahay jaarkeeda, kaas oo hore u dhex muquurtay qarnigii labaatanaad ee wareerka badnaa.