Skip to main content

Thursday 19 September 2024

Waraysi

Nabad-u-raadinta Soomaaliya: Paul D. Williams iyo Waraysi ku Saabsan AMISOM

7 February, 2024
Image
Amisom
Share

Aqoonyahanka reer Maraykan ee Baawal D. Wilyamis ayaa Geeska uga warramay deraasadda ballaadhan ee uu ku sameeyay hawlgalkii nabad-ilaalinta ee Midawga Afrika (AMISOM) oo Soomaaliya joogay 2007 ilaa 2022 iyo mustaqbalkiisa.

 

Hawlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya (oo magaciisa loo soo gaabsho AMISOM) wuxuu ahaa hawlgal uu Midawga Afriki diro kii ugu qaalisanaa, ugu halista badnaa uguna baaxadda weynaa “dhankii laga dayaba,” ayuu Paul D. Williams ku dhigay buuggiisa uu ciidammadan ka qoray ee Fighting for Peace in SomaliaSida uu Williams ku warramayo, wixii 2017 loo soo gaadho, AMISOM waxay noqotay hawlgal nabad-ilaalineed kii ugu cimriga dheeraa dunida, oo markii uu ugu sarreeyay ay 20,000 oo askari ka joogeen Soomaaliya, xilligaasna toban sannadood ay dalka buuxsameen. Dalalka Ciidammada ku Yaboohaa bilawgii waxay ku koobnaayeen Yugaandha iyo Burundi, balse kolkii danbe waxa ku soo kordhay Jabbuuti, Itoobbiya, iyo Kiiniya, oo lagu kala qoray degaanno kala geddisan oo Soomaaliya ah. Dalka Siraliyoon baa xataa muddo yar ciidammo keenay sannaddii 2013. 

AMISOM, oo la asaasay 2007 kolkii ay xukuumaddii kumeelgaadhka ahayd ee Cabdullaahi Yuusuf dalbatay, waxay bilawgii ka koobnayd ciidammo Yugaandhiis ah oo Muqdisho diyaarado lagu keenay. Asaaskeedu wuxuu u sahlanaa sida hadafka loo dejiyayba laga arki karey: Xasilinta dal qiyaastii labaatan sannadood ku jiray dagaal sokeeye. AMISOM ka hor, Maraykanka iyo Qarammada Midoobayba way ku soo fashilmeen xasilinta Muqdisho, marka dhanka Soomaalida la joogana keli ah Midawgii Maxkamadaha ayaa guul la sheegi karo ka gaadhay.

Iyadoo caqabadaha nabadaynta Soomaaliya ay bilawgii ahaayeen dagaaloogayaashu, haddana faragelintii Itoobbiya ay 2006 u samaysay si ay uga takhallusto Midawgi Maxkamadaha ayaa al-Shabaab ka kaalmeeyay in ay soo ifbaxdo oo noqoto khatar amni oo baaxad weyn dabcigeeduna aad isu gedgeddiyo. Al-Shabaab waxay ka faa’idaysatay nactooyadii loo hayey Maraykanka iyo Itoobbiya si ay taageero u hesho, waxayna AMISOM u aqoonsatay ciidan soo duulay, ciddii Soomaaliyeed ee gacansiisana gaalo.

Ciidammada AMISOM waxay amnigeeda sugeen dawladda Soomaaliyeed oo sannadihii u danbeeyay xoogaysanaysay siina kobcaysay. AMISOM waxay ka qaybqaadatay hawlgallo xasilin iyo maleeshiya-la-dirir ah, iyadoo ciidammada Soomaaliyeed garab ka helaysana waxay isku fidisay degaanno badan oo gacanta kale ku jiray. Williams wuxuu buuggiisa ku qorayaa, “AMISOM si tartiib-tartiib ah ayay uga soo gudubtay in ay marba meelo yaryar oo muhiim ah oo Xamar gudaheeda ah gacanta ku hayso, waxayna u xuubsiibatay in ay daboosho aag hawlgal oo fidsan koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya, oo qiyaastii le’eg bedka dalka Ciraaq.”

Guulahaasi waxay AMISOM u soo hooyeen waxoogaa bogaadin ah. Hasayeeshee sumcaddeeda waxa hadheeyay dad rayid ah oo ay laayeen iyo eedo ku saabsan xadgudubyo jinsi. Buugga Williams wuu u dhabbagelayaa arrintan, isaga oo fiirinaya dabarrada dhanka maalgelinta la xidhiidha ee sababay in aan mudnaanta la siinin qaybaha rayidka iyo booliska ee AMISOM ka saacidi lahaa in ay raacdo hannaanka Ilaalinta Rayidka, iyo sidoo kale masalada ah in AMISOM haysatay ciidan ku filan iyo in kale. Sarkaal hore uga tirsanaa ayaa u sheegay in “ciidan aan naftiisa ilaalin karin ay ku adag tahay in uu ka soo baxo ilaalinta rayidka.”

Muddadii AMISOM iminka way dhammaatay, hawlgalka la magacbaxay ATMIS ayaana halkii ay wax marayeen ka sii ambaqaaday. Paul D. Williams oo Jaamacadda George Washington, ee caasimadda Maraykanka ku taal, ka dhiga Umuuraha Caalamiga ah ayaa waraysigan uu siiyay Geeska ku lafaguraya sooyaalka AMISOM u yaalla Soomaaliya.

 

Faysal Cali (FC): Inta badan dadku kolka ay maagaan in ay ka hadlaan amniga Soomaaliya, waxa sida caadiga ah ishoodu qabataa al-Shabaab oo ay ugu wacan tahay sida ay u tahay qaddiyad culus. Bal iiga sheekee adiga waxa jidkaa kaa duway ee aad u danaysay in aad cilmibaadhid AMISOM oo aad weliba buug dhan u gaar yeeshid?

Paul D Williams (PDW): Maaddaama aan derso hawlgallada nabad-ilaalinta, AMISOM in aan mawduuca buuggayga u doorto sabab iska caadyaal ah baa keentay. AMISOM waxay noqotay hawlgal Midawga Afriki diro kii ugu cimriga dheeraa, ugu ballaadhnaa, ugu qarashka badnaa, uguna khasaaraha badnaa, wuxuuna sidaas ku mutaystay in si dhab ah loo fiiriyo. Dabayaaqadii 2000nadii iyo 2010nadii, hawlgalkani sidoo kale wuxuu hummaag-noqod laga daawado u noqday doodo badan oo caalami ah. Ugu horrayn, doodda ku saabsan sida ay tahay in nabad-ilaaliyayaashu u gutaan hawlgalladooda maleeshiya-la-dirirka iyo argagaxisa-la-dirirka. Iyo mar-labaadka, caqabadaha ka dhasha waxa uu Xoghaha Guud ee QM ku tilmaamay “nabad-ilaalin shurko ah”— Midawga Afrika, Qarammada Midoobay, iyo Midawga Yurubba way iska kaashanayeen socodsiinta hawlaha AMISOM.

 

FC: Waxyaabaha aad buuggaaga ku soo qaadday waxa ka mid ah sababihii dalalka Soomaaliya deriska la ah ku riixay in ay dhaliyaan oo socodsiiyaan hawlgalkan halista iyo nafhurka wata—oo, sida aad qortay, noqday hawlgalka dunida ugu khatarta badan—kaas oo iyaga amnigooda si taban u saameeyay. Miyuu jiraa wax layaab ama shaamareer leh oo kuu soo baxay oo wax inaga tusi kara sababta ay ciidammadooda ugula badheedheen khatarta Soomaaliya taallay?

PDW: Dalalka Soomaaliya deriska la ihi bilawgii ka may mid ahayn AMISOM ee kol danbe ayay ku soo biireen. Afartii sannadood ee u horreeyay, waddamada ciidammada ugu yabooha AMISOM may ahayn dalalka safka hore ee soo xiga Soomaaliya, ee waxay ahaayeen Yugaandha iyo Burundi. Sannaddii 2011 uun bay ahayd goortii ay Kiiniya iyo Jabbuuti ciidammo ku darsadeen AMISOM. Weliba tallaabada Kiiniyi waxay timi iyadoo kolkii hore si iskeed ah, oo ka madax bannaan AMISOM, u soo gashay gobollada koonfurta ugu xiga Soomaaliya. Sidaas oo kale, 2014 ayay ciidammada Itoobbiyi ka mid noqdeen AMISOM iyagoo lagu sheegay “tallaabo laga fursan waayay oo kumeelgaadh ah,” waana ka dib markii ay Soomaaliya dib u soo galeen dabayaaqadii 2011. Taasi waxay muujinaysaa in Itoobbiya iyo Kiiniyiba ay u socdeen in ay amniga qarammadooda sugtaan oo isku dayaan wiiqidda khatarta al-Shabaab. Balse kolkii danbe waxay garwaaqsadeen in ficilkoodaasi uu sharciyad siyaasadeed helayo haddii ay ka mid noqdaan AMISOM, sidoo kalana ay ku helayaan cid ka kaalmaysa sahayda iyo maaliyaddaba.

 

FC: Sidee bay danaha dalalkani u saameeyeen yoolashii ay AMISOM ka lahayd Soomaaliya, gaar ahaan kolkii ay xuddunta siyaasadeed u wareegtay “dalalka safka hore” (tusaale Kiiniya iyo Itoobbiya), sida adigaba kuu muuqatay in ay dhacday badhtamihii 2010nadii?

PDW: Waxay ila tahay in aanay si weyn u saamaynin. Hadafyada istaraatajiga ah ee ugu waaweyn AMISOM waxba iska may beddelin tan iyo markii dalka lagu soo daabbulay 2007. Hawlgalku wuxuu mar kasta ku foogganaa sugidda amniga haayadaha federaalka Soomaaliya, wiiqidda al-Shabaab, iyo dhiirrigelinta dibuheshiisiin siyaasadeed. Intaasiba sidooda ayay ahaayeen, walow ay AMISOM kolkii danbe ku soo kordhisay muhiimadda ay leedahay in la dhiso xoogagga amniga ee Soomaaliya. Waxa lagu doodi karaa in isbeddelkii ugu weynaa ee AMISOM ku dhacay uu ahaa in ay ka korto in ay sii ahaato mid ku kooban magaalo keli ah (Muqdisho) oo ay gacanta ku hayeen ciidammada Yugaandhi, ayna noqoto hawlgal fidsan badi degaannada koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya oo gacan ka helaya waddamado badan oo ciidammo ugu yabooha. Tani waxay AMISOM ku qaadday in ay guurguurto si ay al-Shabaab uga xorayso dhulalka dadweynuhu ku badan yahay, waxana taas ka dhashay in hawlgalku samaysto saldhigto ciidan oo waaweyn oo 80 gaadhaya.

 

FC: Maxaad filaysaa in AMISOM ay raad kaga tagtay saaxadda siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya?

PDW: Waxaan tilmaamayaa toddobo guulood oo waaweyn oo AMISOM u soo hoyday. Ugu horrayn, waxay fududaysay in ciidammada Itoobbiyaanku Muqdisho ka baxaan horraantii 2009. Arrintani aad bay muhiim u ahayd, maxaa yeelay joogista ciidammadaasi waxay ahayd sababta ugu roon ee al-Shabaab ay taageerada ku hesho. Mar-labaadka, AMISOM way ka soo dhalaashay yoolkeedii ahaa in ay dawladdii kumeelgaadhka iyo tii ka danbaysay ee Federaalka Soomaaliyaba ka ilaaliso al-Shabaab. Mar-saddexaadka, dabayaqaadii 2011 ayay AMISOM al-Shabaab xooggeedii ka saartay Muqdisho iyo hareeraheedaba. Mar-afraadka, 2012 ilaa 2013 AMISOM waxay al-Shabaab ka xoraysay degaanno badan. Guusha shanaadna waa in ay cudud amni siisay asaaskii Dawlad-goboleedyada Soomaaliya. Mar-lixaadka, hawlgalku wuxuu amnigooda sugay diblomaasiyiinta beesha caalamka ka jooga Soomaaliya. Ugu danbaystana, AMISOM waxa in badan lagu yaqaannay in ay rugaheeda caafimaadka, raashinka iyo biyahaba wax uga oggolayd dadweynaha degaannada, ayna gacan ka geysan jirtay dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha sida waddooyinka, biriishyada, iyo dhismayaasha u danta ah Soomaali oo idil.

 

FC: Caqabadaha AMISOM ay wajahday waxa ka mid ah cidhibxumada ka dhalatay habdhaqannada gurracan ee ciidankeeda, sida dilka rayidka, taas oo saacidday dacaayad daran oo ka dhan ah. Sidee bay AMISOM caqabadahan uga jawaabcelisay?

PDW: Waad saxan tahay oo nabad-ilaaliyayaasha Midawga Afriki waxyeello way gaadhsiiyeen shacabka. Inta badanna taasi waxay ku dhici jirtay xabbado wiifto ah iyo qof cid kale lagu khalday, kolalka qaarna saxmadda waddooyinka ayay ka dhici jirtay. Sidoo kale, askar hawlgalka Midawga Afrika ka tirsan ayaa lagu eedeeyay xadgudub iyo ka-danaysi jinsi. Waxaas oo dhamina waxay dadweynaha feker taban ka siiyeen hawlgalka.

Si ay taas uga falceliyaan, hawlgalka iyo dalalka ciidammada ugu yaboohaaba waxay meelmariyeen habraacyo “habdhaqanka iyo anshiga” khuseeya, sida in la abuuro guddi baadhiseed, Yugaandhana waxayba maxkamad ciidan saartay qaar askarteeda ka mid ah. AMISOM waxay sidoo kale wax ka beddeshay siyaasaddeedii xabbadaha wiiftada ah, waxayna asaastay Unugga Dabagalka iyo Ka-falcelinta Waxyeellada Rayidka oo ay tahay in uu la socdo waxyeellada la gaadhsiiyo shacabka, in kasta oo ay dhif iyo naadir tahay in la arko AMISOM oo magdhaw siinaysa dadkii dhibtu haleeshay. Guud ahaan, AMISOM aad bay ula dhibtootay in ay dadweynaha Soomaaliyeed ka gaddo sawirkeeda fiican iyo guulaha ay soo hoysay, waxana qayb ahaan taas loo aanayn karaa in khayraadku ku yaraa tas’hiilaadkeeda xog-isgaadhsiinta iyo xog-gudbinta.

 

FC: Doodaha uu buuggaagu soo bandhigayo waxa ka mid ah in yoolkii loo dhigay nabad-ilaaliyaasha ay carqaladeeyeen fadhiidnimadii siyaasadeed ee Muqdisho iyo raadkii darnaa ee ay ku yeelatay laamaha amniga Soomaaliyeed. Sidee bay AMISOM isugu dayday in ay dhibaatada u furdaamiso, gaar ahaan kolka lagu xisaabtamo masalooyinka xasaasiga ah ee ku meersan madaxbannaanida iyo gobannimada rasmiga ah ee dawladda Soomaaliyeed?

PDW: Hawlgallada nabad-ilaalintu waxba ka ma beddeli karaan sida ay u dhaqmayso dawladda ay la joogaan, galaangal la sheegi karana ku ma yeelan karaan siyaasadaha gudaha. Kolkaa, warcelinta oo koobani waxa weeye maba ay jirin wax sidaas ah oo AMISOM ay ka geysan kartey joojinta dirirta hoose ee siyaasiyiinta Soomaalida; hawlgalka waxa u bannaanaa uun in uu isku taxallujiyo sidii uu khasaaraha u yarayn lahaa. Ismaandhaafka dabaqadda talisa ee Soomaalidu wuxuu sannado badan curyaaminayay fursaddii ay xoogag amni oo qaran ku dhismi lahaayeen.

AMISOM awood u may lahayn in ay taas joojiso. Waxayna horseedday in kalsoonidarro ba’ani soo kala dhex gasho AMISOM iyo Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed, oo isaguna AMISOM ku banneeyay furimaha aagaggii laga xoreeyay al-Shabaab kuna keliyeeyay xasilintooda. Al-Shabaab waxay sidoo kale ka faa’idaysatay in garabyada is haya mid ahaan ay laaluushto, waxayna ka faa’idday xaqiiqada ah in hoggaamiyayaasha siyaasadeed ee yooyootamayaa aanay uba jeedin in ay argagaxisada ka adkaadaan.

 

FC: Sidee bay kuula muuqdaan iskuddayada ay dad siyaasadda Soomaaliya ku lug lihi ku damceen in ay hawlgallada iyo yoolasha AMISOM u leexiyaan oo ugu awrkacsadaan danahooda gaarka ah?

PDW: Dhammaan dawladaha martigeliya hawlgallada nabad-ilaalintu waxay jecel yihiin in nabad-ilaaliyayaashu ay u hoggaansamaan wax ay iyagu mudnaanta u arkaan. AMISOM waxba kaga ma duwanayn. Haadayaha federaalka Soomaaliya waxay AMISOM u arkayeen in shaqadeeda ugu weyniba tahay in noqoto agab ciidan oo lagu xakamaynayo laguna wiiqayo al-Shabaab. Ma ay rabin hawlgal dhinacyo badan oo leh qaybo boolis iyo rayidba ah oo baaxad leh.

Maamulladii Soomaalida qaarkood baa sidoo kale isku deyay in ay qaybo AMISOM ka tirsan u adeegsadaan in ay ku aamusiiyaan mucaarad siyaasadeed oo gudaha kaga kacsan, halkii ay ku foogganaan lahaayeen al-Shabaab. Nasiibwanaag, maanta xidhiidhkoodu sidii hore wuu dhaamaa. Waa in si dhow la isula jaanqaadsiiyo yoolka u dejisan nabad-ilaaliyayaasha iyo dawladda martigelinaysa. Kolka xaaladda AMISOM la eegana, maaddaama aanu weligood wax geeddisocod nabadeed ahi dhex marin dawladda Soomaaliyeed iyo al-Shabaab, Midawga Afriki sida muuqata dhinac buu garabka saarayaa. Taasina waxay ka dhigan tahay in xidhiidh aad u dhowi uu ka dhexeeyo yoolka u dejisan hawlgalka iyo waxyaabaha dawladda Soomaaliyeed u leh mudnaanta amni.

 

FC: Hawlgalka cusub ee ATMIS ee beddelay AMISOM wuxuu sheegay in uu aad xoogga u saarayo dhismaha ciidanka Soomaaliyeed, oo uu taageerayo uun ciidammada Soomaaliyeed oo iyaga laga rabo in ay horkacaan ladagaallanka al-Shabaab. Miyay kula tahay in isbeddelkan hadafyadii iyo habkii hawlgalkaba ku dhacay ee ATMIS uu ka turjumayo casharro la bartay, mise waxa jire waxyaabo kale oo ay tahay in diiradda la saaro si Soomaaliya ay diyaar ugu noqon karto lawareejidda sugidda amnigeeda?

PDW: Hawlgalka cusub ee ATMIS wuxuu ku salaysan yahay feker qumman: in uu xoogga saaro taageeridda hawlgallada ay Soomaalidu hoggaaminayso iyo dhisidda xoogagga amniga qaranka Soomaaliyeed oo wax-ku-ool ah. Maaddaama aan wax nabad ah lala qaadan al-Shabaab, taas baa ah jidka keli ah ee Midawga Afriki uu kaga soo bixi karo Soomaaliya.

Hasayeeshee, hawlgalka Midawga Afrika, iyo guud ahaan dagaalkuba wuxuu qiyaastii toddobo sannadood ku jiray ismariwaa ciidan iyaga iyo al-Shabaab ka dhexeeyay. Sidaa awgeed, waxa lagu doodi karaa qodobka ugu muhiimsan ee hor yaalla ATMIS waa sidii ay dib ugu qaabayn lahayd cududdeeda iyo laxaadkeeda si ay taageero weyn uga geysato weerarrada lagu qaadayo fadhiisimaha al-Shabaab ee ugu muhiimsan, halkii ay ka noqon lahayd ciidan iska negi oo ku eg dhawr saldhig militari oo u jira in hawlgallada lagala socdo.