Skip to main content

Friday 22 November 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Siyaasad

38 dal iyo 326 cisho: Qisada Safar Dalbarasho oo Afrika lagu Galaabixiyay

21 June, 2024
Image
مغامرة سياحية بالحافلة حول أفريقيا
Share

Qabanqaabiyayaasha socdaalkani waxay ku qeexeen in uu yahay “mid ka mid ah jar-iska-xoornimada ugu xalladda iyo halista badan ee dunida ku sii hadhay.” Waa safar dalxiis oo dalbarasho ah oo bas lagu gooshayo, kana soo bilaabmay Morooko, xeebta galbeed ee qaaradda inta uu isku dhereriyo gaadhaya Koonfur Afrika, dabadeed halkaa waqooyi uga kicitimaya isaga oo xeebta bari raacaya, ilaa uu gaadho bartii ugu danbaysay oo Masar ah. Waa 38 dal iyo 326 maalmood, oo dalxiisayaasha tijaabada wadaa ay kula soo falgaleen kaladuwanaanta iyo hodannimada dabeecadda ee waddamada qaaradda, dhanka kalana aanay dhib iyo kadeed ka madhnayn. Sida ay qabanqaabiyayaashu u dhigeen, wuxuu ahaa “jar-iska-xoornimo aanu barbaradku soo hawaysan karin,” waxa loo baxshay magaca “Afrika Gadaankeed – Africa Encompassed.”

Safarkani wuxuu muujinayaa fursadaha badan ee qaaraddu ay u hayso waaxda dalxiiska iyo socdaalka, oo uu ku jiro dalxiiska jar-iska-xoornimada wata, kaas oo wata waaya’aragnimo lagu taaban karo ruuxda insaanka, sahaminta iyo falgalka maalinlaha ah ee lala sameeyo degaanka dhabta ah, waxa se jira caqabado hor gudban in laga faa’idaysto khayraadka qaaradda guud ahaan, ama dal kasta gaarkiisa.

Ku-gooshidda Afrika

Shirkadda "Madventure" oo deggan magaalada Ogosfoodh ee Ingiriiska ayaa galaabaxan qabanqaabisa sannad kasta, safarka kan xigaana wuxuu Nofeenbar saddexdeeda ka bilaabmayaa magaalada Fez ee waqooyi-bari Morooko, wuxuuna soconayaa ilaa kal danbe, Sibteembar 25. Tan iyo inta uu ka gaadhayo bar-dhammaadkiisa oo Masar ah, waxa la mari doonaa badi dalalka dalxiiska ku caanka ah ee qaaradda, sida Muritaaniya, Nayjeeriya, Koonfur Afrika, Tansaaniya, Kiiniya, Itoobbiya, Soodaan, Eratariya, iyo Yugaandha. Maaddaama meelo badan oo Afrika ah ay ka oogan yihiin khilaafyo xuduudeed iyo khataro amni, safarku marar badan wuu jardajeexayaa, oo tusaale ahaan Burkiino Faaso ayuu feedh ka marayaa, kolka uu Itoobbiya soo gaadhana Soomaaliya inteeda kale inta uu dhinac ka maro ayuu magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland u leexanayaa. Wuxuu uga sii gudbayaa Jabbuuti, ka dibna inta Itoobbiya uu ku soo laabto ayuu uga tallaabayaa Eratariya. Waxa xusid mudan in khilaafka soohdinta ee Jabbuuti iyo Eratariya u dhexeeya dartii uu basku ka leexanayo in uu maro xadka labada waddan.

Qarashka safarkan ee qofkiiba waa 17.5 kun oo doolarka Maraykanka ah, oo u kala jabsan 12.5 kun oo doolar oo qaddin ah, iyo shank un oo qarashka maalinlaha ah loogu talagalay. Qarashaadkan waxa lagu daboolayaa gaadiidka, degsiimaha, tigidhada tareenka iyo doonyaha, cuntada, lacagaha lagu galo beeraha nasashada iyo dhulka seeraha ah, dayactirka baabuurka safarka, hagaajinta iyo beddelka qalabka lagu dhaxayo ee lagu xeraysanayo sida kuraasta, weelka iyo maacuunta cuntakarinta. Qarashaadkan ku ma jiraan dal-ku-galka, baadhisaha amniga, iyo warqadaha martiqaadka, oo qofkiiba ay kaga baxayso qiyaastii $2,800. Intaa waxa dheer, qofkiiba wuxuu u baahan yahay shan kun oo doolar oo uu ku kafeeyo nususaacihiisa, cuntadiisa, sharaabkiisa, baahiyaha gaarka u ah, safarrada madaddaalada ah iwm, ee intaa uu basku taagan yahay, taas oo ka dhigan in socdaalkani uu qofkiiba ku tegayo, celcelis ahaan, 25.5 kun oo doolar.

Shirkadda qabanqaabadu waxay qofka u haysaa dhawr doorasho, sida in uu safar qayb ka mid ah uun ka qaybqaato, dalkii kastana dhawr cisho ayaa la joogayaa, waxa hawlqabadyada ka mid ah: in la booqdo magaalooyin, gobollo, goobo taariikhi ah ama dabiici ah, dadka degaanka lagala qaybqaato hawlqabadyo iyo caadooyin badan, goobaha dabeecadda u furan lagu dhaxo, degelka shirkadda ayaana laga helayaa macluumaadkaas oo dhan. Waxyaabaha heshiiska lagu gelayo ee ay tahay in cid kasta oo safarka doonaysaa gasho waxa ka mid ah in koox kastaa horjooge yeelato, qof kastaana uu hawlqabadyada safarka ka wada qaybqaato, sida in la diyaariyo goobta lagu dhaxayo, cuntada, nadaafadda iwm. Guud ahaan, socdaalku waa dalbarasho dhiirrani wata ee ma aha dalxiis iyo madaddaalo keli ah.

Safarka bas baa lagu bilaabayaa loogu talagalay waddooyinka qarfaha ah iyo cimilada daran, qaadkiisuna weyn yahay. Rakaabka markiiba raaci karaa waa 15 ilaa 30 qof. Safarku waa kadeed, marmar dhif ah mooyee inta badanna la ma nasanayo. Waa sababta dadka qaar oo hore uga qaybgalay ay uga cawdeen arrinkaa, iyaga oo ku tilmaamay “socdaal aan joogsi lahayn.” 

Safar aan barbaradka loogu talagelin

Culaysyada soo wajaha safarka qaarkood waa lamafilaan, maaddaama maalmaha la soconayaa ay sannad dhowdhow yihiin, 38 waddanna la isu marayo oo bari, koonfur, galbeed, waqooyi iyo badhtamahaba ah, xaaladaha siyaasadeed iyo amnina ku kala duwan oo qaarkood lamagalaay yihiin. Meelaha qaarkood argagaxiso ayaa joogta, goobaha badhkoodna kooxaha geysta faldenbiyeedyada abaabulan. Tusaale ahaan, dagaalka Soodaan ka holcaya ayaa wadaha baska ku qasbaya in uu ka leexdo meelihii caadiga ahaa oo uu isku koobo jid ku yaal bariga fog ee dalka, dabadeed uu sidaas ku galo Masar. Waxa intaa dheer, halista caafimaad ee la soo gudboonaan karta, sida daryeelka caafimaadka oo liita, iyo magaalooyinka qaarkood oo aan adeegyo caafimaad oo naf leh laga helaynba ama ay ku xaddidan yihiin. Cimilada ayaa qodob kale ah, oo safarku wuxuu dhex qaadayaa goobo cimilo-gooreeddoodu kala geddisan tahay, sida heerkul aad u sarreeya iyo mid aad u hooseeya, roob daran, iyo wax la halmaala, oo saamaynaya waddooyinka iyo ku-socodkooda. In dalalka loo kala gudbaana mararka qaar mushkilad bay keensataa. Tusaale ahaan, sannadkii 2021, safarka waxa arrin weyni ka qabsatay maamulka Gaana oo u diiday in ay xadka ka soo tallaabaan, maaddaama waagaas sadhadii Koroonaha darteed loo xidhay isusocodka soohdimaha; taasina waxay dirawalka ku qasabtay in uu doorto in uu Burkiino Faaso, oo amnigeedu aad u liitay, dhex maro.

Kobcinta Dalxiiska Afrika

In kasta oo caqabadaha safarkaas u yaallaa ay badan yihiin, haddana kulligood ma aha lamahuraan, waxayna badhkood qayb ka yihiinba ismaqiiqa iyo dhiirrashada. Hasayeeshee, haddii dalalka qaaraddu isku dubaridaan fahan iyo wacyi guud oo heer qaaradeed ah oo ku aaddan safarrada caynkan ah, sida in lagu talagalo isla markaana loo fududeeyo hawsha, kaabayaasha dhaqaale ee socdaalladaas oo kale daruuriga u ahna la maalgeliyo, qaaraddu waxay meel lagu soo hirto u noqonaysaa qof kasta oo xiiseeya dalxiiska noociisa lagu tago dhulal aan aad loo aqoon ee halistu ku lammaan tahay. Iyada oo aanu jirin fahan noocaas ahi, ayaa haddana shirkado Yurub iyo Maraykanka laga leeyahay ay qaaradda ka dhex fuliyaan safarro xuduudaha ka kala gudbaya, inta badanna waxay xoogga saaraan badhtamaha iyo koonfurta qaaradda, oo dalalka ku yaallaa ay xubno ka yihiin urur-goboleedka Horumarinta Afrikada Koonfureed (SADC).  

Guud ahaan, safarkan la magacbaxay Afrika Gadaankeed iyo kuwa la midka ahi waxay waaya’aragnimo gaar ah u yihiin dadka jecel in ay wax cusub tijaabiyaan oo dadka degaanka ay la falgalaan, magaalo iyo miyina ay tagaan oo soo bartaan caadooyinka iyo dhaqannada u gaarka ah ee ka jira, dabeecadda iyo hiddaha la kala dhaxlo ee yaalla, iyo xeebaha kala duwan ee dhereran badweynta Atlaantika ilaa ta Hindiya, iyo qaababka dhuleed ee kala geddisan sida buuraha, bannaannada, lamadegaanka iyo kaymaha, hodanka ku ah dhirta iyo xawayaanka kala noocnooca ah.

Waaxda dalxiiska iyo socdaalka ee qaaraddu waxay sannadkii 2019 ku darsatay dakhliga guud ee waddamada lacag lagu qiyaasay 186 bilyan oo doolarka Maraykanka ah, waxana qaaradda ku soo qulqulay 84 malyuun oo musaafir, waaxdanina waxay nolol u abuurtay qiyaastii 25 malyuun oo qof oo shaqooyinka guud ee qaaradda ka ah 5.6%. khubaradu waxay qabtaa in waaxdan socdaalka iyo dalxiisku ay sannadka 2030 soo xerayn karto labalaabka intaa. Waa haddii la fududeeyo oo isbeddello la sameeyo sida in dal-ku-galka la sahlo, iskuxidhka hawada ee waddamada qaaradda la balaladhiyo, sidoo kalana la qorsheeyo suuqgeynta goobaha lagu soo hiran karo ee qaaradda.