Friday 22 November 2024
Istaraatajiyadda Kuuriyada Koonfureed ee Afrika waxa hadheeyay soosaarista macdanaha muhiimka ah si loo xasilisto sarrayn wershadeed. Arrintani waxay si fiican uga muuqatay shirweynihii kowaad ee Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika oo caasimadda Kuuriya ee Siyool lagu qabtay Juun 4 ilaa 5, oo ay joogeen madaxda dawladaha iyo xukuumadaha iyo wasiirro ka socda 48 dal oo Afrikaan ah, laguna soo afmeeray saxeexidda 50 heshiis oo hordhac ah, is’afgaradyo, iyo xayndaabyo wadashaqayneed oo labada dhinac dhex mara.
Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Yoon Suk Yeol, ayaa u baallaleeyay in uu ballanqaado koruqaadista qaadhaanka horumarineed ee waddankiisu geliyo qaaradda isaga oo sheegay in sannadka 2030 la gaadhsiinayo 10 bilyan oo doolarka Maraykanka ah, oo lagu daray $14 bilyan oo dhoofin ah oo qaaradda la gaadhsiiyo, iyo in la dhiirrigelinayo maalgashiga Kuuriyada Koonfureed ee qaaradda. Wuxuu qodobkan ku muuneeyay “dareenwadaagga” uu dalkiisu u hayo saxariirka qaaradda ka taagan, isaga oo ku tilmaamay iskaashiga “Koonfur-Koonfur” ee dunida koonfureed.
Shirku wuxuu qabsoomay xilli tartan caalami ah loogu jiro qaaradda, oo waddamada wershadaha leh ee waaweyni ay u arkaan il laga heli karo khayraadka dabiiciga ah, gaar ahaan macdanaha muhiimka ah ee naadirka ah, xilli duniduba ku mashquulsan tahay tartanka caalamiga ah ee sidii gacanta sare loogu yeelan lahaa Kacaanka Afraad ee Wershadaha, iyaga oo qaaradda u arka suuq dihin oo 1.421 bilyan oo qofi ku nool yahay, taas oo dadweynaha dunida ka ah 17.8% sida tiraqiyaasidda 2022 sheegayso.
Haddii la falanqeeyo tayada heshiisyada laba-geesoodka ah ee shir-doceedyadii kulanka lagu kala saxeexday, iyo barta dhinaca Afrikaanku kaga yaallo khariiradda khayraadka dabiiciga ah, waxa soo baxaysa in la fahmo hadafyada Kuuriyada Koonfureed. Bilawgaba waxa ah Dawladda Tansaaniya, oo wefdigeeda heerka sare ay hoggaaminaysay Madaxweyne Saamiya Xasan, oo ka mid ahayd martidii ugu mudnayd ee xilli horaba Siyool shirka u timi, oo safarkeeda rasmiga ahi uu bilaabmay Meey 31 uuna socday ilaa maalintii u danbaysay shirka. Wefdigeedu wuxuu saxeexay dhawr is’afgarad iyo heshiis oo ay ka mid yihiin: bilaabidda wadaxaajood ku saabsan heshiis iskaashi dhaqaale, heshiis kaabayaasha dhaqaalaha lagu maalgelinayo oo qiimihiisu $2.5 bilyan yahay, dhismaha cisbitaal $161.4 milyan ku kacaya lagaga dhisayo Sansibaar, iyo labo is’afgarad oo ku saabsan dhaqaalaha buluugga ah ee badda iyo iskaashiga in la soo saaro qiimana lagu kordhiyo macdanaha istaraatajiga ah sida kabalt iyo nikal, iyada oo Tansaaniya ay sidoo kale hodan ku tahay kayd badan oo biraha ceerin ee garafayt iyo boksiit.
Kuuriyada Koonfureed waxay sidoo kale is’afgarad la saxeexatay Magadaskar, si ay isaga kaashadaan soosaarista iyo qiime ku kordhinta macdanaha muhiimka ah, kal horana waxay labada waddan wada galeen is’afgarad lagu ballaadhinayo xidhiidhka ganacsi ee labada dhinac. Waxa xusid mudan in macdanta nikal ay 95% ka tahay waxyaabaha ay Madagaskar u dhoofiso Kuuriyada Koonfureed, iyada oo lagu qiimaheeda lagu qiyaaso $150 milyan. Intii shir-doceedyada lagu jiray, Siyool waxay sidoo kale heshiis maaliyadeed oo bilyan doolar ku kacaya oo mashaariic horumarineed ah la saxeexatay Mosanbiig, oo ay Siyool u aragto goobta afraad ee ugu weyn ee ay alaabaha u dhoofiso qiimaheedana lagu qiyaaso $466 milyan oo 5.63% ka ah waxyaabaha ay dhoofiso, sida tirakoobkii 2023 lagu sheegay, waxyaabahaas ay u dhoofisaana inta badan waa walxo ceerin sida dhuxul-dhagaxda iyo waxyaabaha laga sameeyo, shidaalka iyo saliidaha macdaneed.
Kuuriya waxay sidoo kale heshiis la gashay Yugaandha ay ku amaahinayso nus-bilyan doolar oo lagu maalgeliyo mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha. Yugaandhi weli waa carro dihin marka ay timaaddo soosaarista khayraadka dabiiciga ah sida saliidda, naxaasta, dahabka, fosfaytka iyo xadiidka, sidoo kalana waxay saaxiib dhow la tahay Kuuriyada Waqooyi oo ay col daahii go’ay yihiin Siyool. Sidaa darteed, heshiiskan waxa loo fahmi karaa, marka dhan laga eego, farriin siyaasadeed oo ay Siyool ku rabto in ay ku xadiddo xidhiidhada debadeed ee walaasheeda ay cadawga yihiin ee waqooyi, iyada oo waddamada xidhiidh la samayn kari lahaa waqooyiga u soo bandhigaysa doorashooyin kale oo dhan militari, ganacsi iyo maaliyadeedba ah si ay uga maarmaan.
Halkaa waxa ka muuqda in Kuuriyada Koonfureed ay beegsanayso dalalka Afrika ee hodanka ku ah walxaha ceerin ee muhiimka ah naadirkana ah, si ay u xasilato daabbulka walxaha daruuriga u ah wershadaynta, iyada oo aanu jirin wax shirka ka soo baxay oo muujinaya in dalkani diyaar u yahay in uu khibraddiisa sanco la wadaago waddamada qaaradda.
War-murtiyeedkii ugu danbeeyay ee shirka waxa lagu nuuxnuuxsaday in la ballaadhiyo iakaashiga iyo aqoon-isweydaarsiga, iyo in kor loogu qaado horumarinta wershadaha la xidhiidha macdanaha wax nool ka yimi. Tani waxay ka muuqataa qaacidada Kuuriya ee ku dhisaalan khayraadka qaaradda oo dhinac ah, iyo horumarka tegnaloojiyadeed oo dhinaca kale ah. Arrinkan waxa lagu muujiyay kulannadii Shirweynaha 7aad ee Heer Wasiir ee Iskaashiga Dhaqaale ee Kuuri iyo Afrika, oo Sibteembartii kal hore qabsoomay, halkaas oo Cho Kyung-ho, oo ah kuxigeenka Raysalwasaaraha ahna Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyaddu uu sheegay, “Haddii tegnaloojiyadda horumarsan ee Kuuriya lagu daro koboca suuragalka ka ah Afrika, waxa halkaa ka dhalan kara isbahaysi xooggan oo horseedi karaa in beesha caalamka lagula soo noqdo.” Kyung Min Kang, oo ah barofeesarka Dhaqaalaha ee Xafiiska Heer Qaran ee Cilmibaadhista Dhaqaalaha ee Maraykanka ayaaisaga oo arrintan ka hadlaya, wuxuu ku natiijada shirka ka yidhi, “Siyool waxay higsanaysaa in ay hoos u dhigto sida weyn ee ay ugu tiirsan tahay Shiinaha, isla markaana ay xakame u noqoto saamaynta Shiinaha ee silsiladda daabbulka sancooyinka ee dunida.”
Ganacsiga ka dhexeeya Kuuriyada Koonfureed iyo Afriki kaalinta labaad buu ka soo galay ajandaha shirka, waxana lagu guddoonsaday ballanqaad $14 bilyan ah, si wax looga qabto saamiga xaddidan ee qaaraddu ka hesho ganacsiga iyo maalgashiga debadeed ee Kuuriya, taas oo aan ka badnayd 1-2%, iyadoo isweydaarsiga ganacsiga lagu qiyaasay $20.45 bilyan sannadkii 2022, sannadkii 2019-na waxa maalgashiga lagu qiyaasay $9.2 bilyan. Intaa waxa dheer, waxa sidoo kale jira dheelli dhanka baahsanaanta ah, oo Masar baa qayb libaax ka qaadata lagu qiyaaso $3.9 bilyan oo dhanka ganacsiga ah iyo $800 milyan oo maalgashiga ah, waxana ku soo xiga Koonfur Afrika oo isweydaarsiga ganacsigu ka yahay $3.16 bilayn iyadoo xooggiisu daarranaa walxaha ceerin.
Intaa shir-doceedku socday, SIyool waxay labo is’afgarad la gashay dalalka Tansaaniya iyo Morooko si uu uga dhex bilaabmo wadaxaajoodka heshiisyo ganacsi laba-geesood ah oo dhex mara. Ngovi Kitau, oo ah Kiiniya hore ugu ahaa danjiraha Siyool, wuxuu qabaa in nasiibka ugu fiicani uu yahay in laga wada shaqeeyo heshiis wadareed oo ganacsi xor ah oo Afriki la yeelato Kuuriyada Koonfureed, si dhoofka beeraha ee qaaraddu uu tartanka fursad ugu helo. Ballanqaadka Siyool eek u aaddan bixinta $14 bilyan oo lagu kordhinayo dhoofka ay u dirto qaaraddu wuxuu ballaadhin karaa dheelliga ganacsiga ee dhankeeda u janjeedha, iyadoo ay halkaa ku jabayaan dalalka qaaradda ee aan lahayn khayraad ay ku taageeraan dhoofkooda, marka lagu daro suuqa Kuuriya oo ku yar waxsoosaarka beeraha iyo isticmaalka ee Afrika, maaddaama dadweynaha ku nooliba ay 51.6 milyan uun yihiin.
Hindisaha Marinka Bariiska Kuuriya waxa ka cad in badi dalalka ka faa’idaysan doonaa ay leeyihiin kaydadkala geddisan oo macdanaha muhiimka ah, waxana ka mid ah: Gaana, Sinigaal, Kiiniya, Gaambiya, Kamaruun, Yugaandha, iyo Gini. Heer qaaradeedna, Kuuriyi waxay siisay maalgelin dhan $600 milyan oo hoos imanaya heshiiskii maalgashi ee ay 2021 la gashay Bangiga Horumarinta Afrika, dhawr bilood shirka ka horna waxay labada dhinac kala saxeexdeen heshiis maaliyadeed cusub oo dhan $28.6 milyan.
Siyool waxa lagula xisaabtami karaa iskaashiga ay qaaradda la leedahay, iyada oo lagu salaynayo ballamadii ay qaadday 2006, intii ay socdeen “Hindisaha Horumarinta Afrika ee Kuuriya,” Shirweynihii Wasiirrada ee Iskaashiga Dhaqaale ee Kuuriya iyo Afrika, iyo Madasha Kuuriya iyo Afrika. Iminka oo laga joogo 18 sannadood, maalgashiga ay samaysya ma uu dhaafin 9 bilyan oo doolarka Maraykanka ah, dardarqabka xidhiidhka labada dhinacna 2021 uun buu soo ifbaxay, taas oo ku soo beegantay xawliga tartanka caalamiga ah ee loogu soo jiro macdanaha muhiimka ah ee naadirka ah, si loola jaanqaado isbeddellada waaweyn ee tegnaloojiyadda.
Guud ahaan, waxa gaabis ku jiraa sida waddamada Afriki uga falceliyeen dheefta tartanka iskaashiga caalamiga ah ee qaaradda, maaddaama ay jiraan ballanqaadyo badan oo aan la fulin, ayna ugu wacan tahay qaadashada xalal aan ku habboonayn waaqica Afrika. Badi waddamada qaaradda ka ma jiraan waayihii asaasiga u ahaa xaqiijinta dheefta ugu badan ee iskaashiga wadareed, sida xasillooni siyaasadeed, taabudnaan dhaqaale, haayado la isku hallayn karo oo waara, iyo qaabdhismeedyo waxgal ah oo banyaal ah, iyo kaabayaashii dhaqaale ee daruuriga u ahaa. In qaaradda oo dhan loo arko unug keli ah oo dhaqaalana waxay is diidayaa waaqica. In kasta oo ay, si ka duwan sida qaaradaha kale, ay ku guulaysatay samaynta iskaashi siyaasadeed oo heer qaaradeed iyo heer goboleedba ah, haddana waxa weli jid dheeri ka xigaa dhisidda unugnimo dhaqaale oo u suuragelisa in ay cod keli ah la tagto saaxadda gorgortanka ee quwadaha caalamiga ah ee khayraadkeeda u soo kala dheeraynaya.