Skip to main content

Thursday 19 September 2024

Siyaasad

Somaliland: Saaxadda Siyaasadeed iyo Doorashooyinka Soo Aaddan

5 July, 2024
Image
Somaliland National Parties
Share

Soomaalilaan intixaan cusub baa hor yaalla, iyadoo u diyaargaroobaysa doorashooyinkii madaxtooyada iyo ururrada siyaasadda oo Nofeembar 13 la cayimay kolkii labo sannadood dib loo dhigay. Muddadaa waxa dalka soo foodsaaray caqabado waaweyn oo gude iyo debadba leh oo gilgilay guulihii lagu soo tabcayey 33-da sannadood ee xasillooni iyo xilwareejinta nabdoonayd ahayd, oo soo taxnaa tan iyo markii ay madaxbannaanida ku dhawaaqday 1991.

Arrintani waxay noqon kartaa fursad dib loogu soo celiyo kalsoonidii ay dadweynuhu ku qabeen haayadaha dawladnimada, laguna hagaajiyo suuradda degaankani ku yeelanayo saaxiibbada caalamka, waa haddii maamulku uu faraha ka qaado geeddisocodka doorashooyinka, saddexda xisbi ee sharciyaysanina ay u diyaar noqdaan in ay natiijada aqbalaan, iyada oo lagu dhegganaanayo ummuuraha distooriga iyo qaanuuniga ah ee ka dhalanaya.

Dhiilladii laga gudub

Distoor ahaan, doorashada madaxweynaha waxa lagu ballansanaa in la qabto Nofeembar 13, 2022; ta ururradana Nofeembar 28, isla sannadkaa. Taasi waxay soo afjaraysay muddaxileedda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo ruqsadda saddexda xisbi qaran. Waxa se ka soo soke maray doorashooyinkii isku sidkanaa ee golaha wakiillada iyo golayaasha degaanka oo la qabtay Meey 2021, xisbi-xaakinkuna uu Wakiillada ka helay 30 kursi, halka 52-da kursi ee kale ay heleen xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo Waddani, kuwaas oo inta ay isu bahaysteen ku guulaystay jagada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada. Intaa ka dib, waxa uu dalku galay wax lagu sheegi karo xisbi-xaakinka oo ka ordaya in uu waayo doorashooyinka madaxweynaha, dabadeed bilaabay iskudday ah in uu abuuro kala-qaybsanaan siyaasadeed halkii xisbiyada sharciyaysan lagu koobi lahaa saddex, dabadeed goostay in doorashada ururrada laga soo horraysiiyo ta madaxweynaha.

Madaxweyne Biixi wuxuu u qayshaday Golaha Guurtida, si uu mucaaradka uga adkaado, waxana uu bishii Oktoobar ka helay muddakordhin labo sannadood ah; maalintaa Guurtiduna waxay isu kordhosay shan sannadood taas oo ka dhigan in doorashada Guurtida dib loogu riixay 7 sannadood oo kale oo ka sii danbeeya xilligii loo ballansanaa. Tani waxay abuurtay ismaandhaaf siyaasadeed oo ka dhex qarxay xisbi-xaakinka iyo mucaaradka. Dabadeed mucaaradku waxay abaabuleen bannaanbaxyo, booliskuna rasaas nool ayuu dibadbaxayaashii ku furay taas oo sababtay dhimashada iyo dhaawaca muddahaaradayaashii qaarkood, madax ka mid ah mucaaradka ayaa sidoo kale la xidhxidhay.

Muddadii dhiilladani oognayd, Guddigada Doorashada waxa lagu dhaliilay in ay u xaglinayaan xisbi-xaakinka, waxayna arrintu gaadhay in ay dalka Khalkhal amni geliso. Gaar ahaan, arrini waxay faraha ka sii baxday kolkii koox hubaysani ay kortay buuraleyda Gacan-Libaax, taas oo ku dhawaaqday in ay tahay jabhad ka gedoodday doorashooyinka dib loo dhigay, dabadeed markii danbe keentay in booliska toban askari laga dilay, 17 kalana lagu dhawaacay. Ururradii siyaasadda ee cusbaana dhankooda way ka dhiidhiyeen, wayna ku saxnaayeen marka distoorka loo eego.

Somaliland waxa u suuragalay in ay arrinteeda dhammaysato maaddaama uu ka jiro dhaqanka dhexdhexaadintu. Waxa soo baxay odayo ka soo jeeda Habar Jeclo oo isu xilsaaray in arrinta waanwaan lagu soo dhammeeyo, iyagoo soo saaray qodobbo dhigaya in la kala diro jabhadda buurta, isla markaana la jeexo jidkii doorashooyin isku sidkan lagu qaban lahaa. Golaha Wakiillada iyo Madaxtooyaduna heshiiskaas waxay u turjumeen sharci doorasho oo dhigaya in doorashooyin isa saaran la qabto Nofeembar 13. Sidoo kale cafis madaxweyne ayaa loo fidiyay jabhaddii buurta, oo arrinkooda lagu soo dhammeeyay si afgarad looga baxo baaxaadegga doorashooyinka.

Distoorka wuxuu dhigayaa in xisbiyada siyaasaddu aanay saddex ka badanin, Xeerka Nidaamka Xisbiyada iyi Ururrada ee Somaliland ayaa jidaynaya sida loo taas loo fulinayo oo ah in tobankii sannadoodba mar la qabto doorashada ururrada. Doorashada golaha degaanka ayay tahay in lagu ladho tan ururrada si saddexda ugu cod bataa u noqdaan xisbiyo qaran oo doorashooyinka danbe oo dhan keligood ka qaybqaata. Xisbiyada hadda jira oo ruqsadda la siiyay 2012, waa: Kulmiye oo u janjeedha garabka midig ee libaraaliga ah, UCID oo u dhow bidixda bulsheed, iyo Waddani oo u janjeedha qoomiyadnimo asalraac ah oo shacbawi ah. Intaa waxa soo raaca, oo doorashadan u diyaar ah, sagaal urur siyaasadeed oo ka qaybgelaya tartanka loogu jiro xisbinnimada, ka dib kolkii ay buuxiyeen shuruudihii loo dejiyay.

Doorashadii u danbaysay ee ururradu ku kala hadhaan waxay qabsoontay Nofeembar 2012, xilligaas oo xisbiyada Kulmiye iyo UCID ay sii xejisteen xisbinnimadoodii tan iyo 2002, halka Waddani uu noqday xisbiga keliya ee ka soo dhex baxay ururradii cusbaa.

Doorashadan waxa la filayaa in ama xisbiyada jiraa uun sii adkaystaan booskooda, ama mid ama ka badan oo ka mid ahi uu dhaco dabadeed urur(ro) cusubi ay beddelaan. Hadday sida danbe u dhacdo, xildhibaannada Wakiillada ee xisbigoodu dhaco waxa la gudboon in ay xisbiyada soo baxa  ku kala biiraan.

Cabdillaahi-Darawal oo madax u ah urur-siyaasadeedka Horseed ayaa ilaa hadda ku dhawaaqay in uu qaaddacayo doorashada ururrada ee soo socota, isaga oo saddexda xisbi qaran ku eedeeyay in ay danahooda ka hormariysen geeddisocodkii dimuqraadiyadda Soomaalilaan.

Cabsi iyo shaki

Doorashada madaxtooyada, musharraxiintu saddex uun bay ku xaddidan yihiin, waana xisbi-xaakinka oo uu Muuse Biixi Cabdi u taagan yahay; Waddani oo uu Cabdiraxmaan Cirro u sharraxan yahay; iyo UCID oo ilaa hadda uu Faysal Cali Waraabe u taagan yahay. Guddiga Doorashooyinku hannaankii codbixinta way soo saareen, iyaga oo ku dhawaaqay in tirada codbixiyayaasha ee is diiwaangekiyay ay tahay qiyaastii 1.27 malyuun oo qof oo lixda gobol ee waaweynba ah, ayna ku jiraan Sanaag iyo Sool oo dagaal qadhaadhi ku dhex maray maleeshiyo degaanka ah iyo ciidammada Soomaalilaan, iyadoo aakhirkii ay ku danbaysay in Soomaalilaan ay iskaga soo baxdo kolkii ay jab weyn kala kulantay. Dadweynaha labadaa gobol u diiwaangashan ee codbixiyayaasha ahi waa 219 kun oo codbixiye, waxayna u eg tahay in aanay doorasho ka qabsoomi doonin.

Intaa waxa dheer, walaaca ka soo baxaya xiisadda ka dhex oogan xukuumadda iyo mucaaradka, isaga oo guddoomiyaha xisbiga Kulmiye uu mucaaradka ku eedeeyay in ay qablaayad wadaan si ay kursiga ugu gaadhaan. Afhayeenka Waddanina uu kaga jawaabay in uu xisbi-xaakinka ku eedeeyo musuqmaasuqa iyo abuurista xasilloonidarro, isaga oo guddoomiyaha Waddani, Xirsi Xaaji Xasan, uu sheegay in hadalkii madaxweyne Biixi ee ku saabsanaa in maxkamad lala tiigsan doono jabhaddii Gacan Libaax uu yahay “khilaaf-abuur iyo jid doorashada lagaga meeraysanayo.” 

Waxa xusid mudan in Kulmiye uu xilka hayeye 14 sannadood, markaa uu ku xididaystay haayadaha dawladda. Taas waxa laga arki karaa caqliyaddii boolisaynta ahayd ee ay labo sannadood ka hor ku wajaheen mucaaradka iyo dadkii muddaharaadayayba. Taa aawadeedna, Muuse Biixi dhib ka mudan doonaa in uu mar kale soo baxo, mana aqbali doono in muddaxileeddiisu ku soo dhammaato jabkii ciidan ee Laascaanood.

Arrimo badan ayaa loo aanayn karaa in masaxweynuhu doonayo in uu xilka sii joogo oo ku sii hayn kara. Waxa ka mid ah Is’afgaradkii uu ka soo saxeexday Itoobbiya, xisbi-mucaaradka ugu weyn ee Waddani uu ka hor yimi. Marka lagu xisaabtamayo khilaafyadii dalka ka dhacay waayadii hore, waxa loo baahan yahay in kalsoonida dib looga dhex dhiso qaybaha siyaasadda, loogana baaqdo in cid laga reebo geeddisocodka go’aanka dalka lagu maamulayo. Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Muuse Xasan Yuusuf, waxa Uu jeediyay eedo ka dhan ah xisbi-xaakinka iyo wasiirrada qaarkood oo ku saabsan in ay xagaldaaxinayaan madaxbannaanidii guddiga, hadalkaas oo abuuray fasiraado kala duwan; dadka qaar baa u arkay eray dhawraya karaamada iyo hufnaanta guddiga, halka dadka qaarkiosna ay u qaateen in uu yahay iskudday lagu abuurayo sawir beenbeen ah oo madaxbannaani u yeelaya guddiga si loo hanto kalsoonida. 

Gebagebadii, waxa jira qodobbo samo laga filan karo oo ku aaddan doorashooyinka soo socda, ayna ka mid yihiin kaalinta togan ee oday-dhaqameedyadu ay ka qaateen xallinta khilaafyada gudaha, in aanay jirin gacmo shisheeye oo saamayn ku leh nadaamka doorashada tabta ka dhacda Soomaaliya, iyo sida ay Soomaalilaan awoodda ugu leedahay in ay ismaandhaafyadeeda iska aragto. Ugu danbayn, guddiga doorashooyinku khibrad dheer ayay u soo yeesheen abaabulidda iyo maaraynta doorashooyin waaweyn oo xaq ku dhaca, iyo kaqayb dhab ah oo shacabku uu kaga qaybgalo geeddiga doorashooyinka.

Qoraallada kale ee qoraaga