Friday 22 November 2024
Dhaqaaluhu waa seeska dowladnimada. Waana halbeeg lagu cabbiro bedqabka bulshada. Waxaa jira xidhiidh ka dhexeeya xasilloonida dhaqaale, sugitaanka nabadda iyo helitaanka awood dowladnimo oo buuxda.
Weli ma is wayddiisay sababta ay dowladnimada Soomaalidu u taabbageli la’dahay ee u kala dhantaalan tahay? Sugnaanta dhaqaale waa mawduuc muhiim ah oo dunidu ku baraarugtey beryo dhawayd. Hasayeeshee, Soomaalidu ay iska indhatirto, wax kastana ka hormariso. Soomaalidu, ilaa 1960–kii, ayay wax kasta ka horumarinayeen. Kolkii la hantay xornimada ee labadii gobol ee Waqooyi iyo Koonfur midoobeen waxaa xukuumaddii ugu horraysay u yaallay shan qorshe oo waaweyn: horumarinta dhaqaalaha, hirgelinta haayadaha dowladda, dhisitaanka ciidan qaran, soo celinta Gobolladii maqnaa iyo midaynta nidaamyadii maamul ee ka kala jiray Waqooyi iyo Koonfur.
Xukuumadihii rayidka iyo tii kacaankuba way ku fashilmeen qorshayaashaa oo marnaba looma abbaarin sidii ay ahayd, loomana kala horraysiin sidii ay u kala mudnaayeen. Fashilkaa waxaa loo aanayn karaa talaxumada iyo aqoondarrada dadkii loo dhiibay xilka. Waxay ahaayeen dad dayaysan oo aan u jidbixin karin ummad u hammuun qabta horumar iyo dowladnimo hanaqaadda oo daboosha baahiyahii tirabbeelka ahaa ee taagnaa. Haddii gobannimo la helo maxaa ku xigayaba la isma wayddiin—nasiibdarrana, waxaa khaladkaa lagu jiraa ilaa hadda. Waxaana lagu wadey siyaasad qardajeex ah oo ilaa iminka shaqaysa, dhammaadkeedunu yahay burbur iyo bayhoof. Tiirarka qaran ku taagan yahay waxaa weeye: dhaqaale, haayado dowladeed, siyaasad hufan, xeerar bulsho iyo akhlaaqeed, sarraynta sharciga, siyaasad xasilloon iyo hoggaamin hagaagsan. Qodobbadaa oo la xoojiyey ayaa lagu dhidbi karaa dowladnimo hanaqaadda oo kafaysa bulshadeeda, isla markaana la majeerto. Tiirarkaas oo aan taagnayn ayay Soomaalidu, hadh iyo habeenba, ku taamayeen in la galo oo la qaado dagaallo waaweyn. Asalkana, dagaalladu waxay curyaamiyaan dhaqaalaha, haddii dhaqaale la waayana waxaad u nugushahay qalalaase galaafta dowladnimada oo dhan.
Gefkaas oo kale waxaa qarnigii Labaatanaad galay dalalkii ku jiray Dagaalkii koowaad oo qaatay siyaasado la iska indhatiray awoodda dhaqaalaha iyo xidhiidhka ka dhexeeya nabadda. Gefkaas oo keenay gelitaankii heshiiskii “Treaty of Versailles” oo qayb weyn ka ahaa dhicitaankii Dagaalkii Labaad, kaas oo gundhig looga dhigay in dhaqaale ahaan loo go’doomiyo Jarmalka. Waxay iska diideen waanadii uu dhaqaalayahankii weynee ee John Maynard Keynes u soo jeediyey dalalkaa, taas oo daarnayd in badhaadhaha dhaqaale la iska kaashado, si loo xidho nabad waarta—taas oo qarniyo badan ahayd riyo ay ku taami jireen filasoofarro ay ka mid ahaayeen Saint-Pierre, Rousseau, Bentham, iyo Kant. Tallaabooyinkaa khaldan ee ay qaateen waxaa ka dhashay Busaaraddii Weynayd “Great Depression” oo horseedday dagaallo geystay waxyeellooyin laxaad leh.
Casharkii laga bartay ilduufkaa la sameeyey wakhtigaa wuxuu keenay Dunida Horumartay ee aynu maanta maqalno ee awooddooda dhaqaale iyo tooda ciidanba laga haybadaysto. Waxaana lagu asaasay Qarammada Midoobay oo ajandaheeda koowaad laga dhigay sidii ay jiilasha soo socda uga badbaadin lahayd basanbaaska dagaallada—ma hubo in ay ilaa haatan u taagan tahay arrinkaa—isla markaana, kor u qaaddo badhaadha bulshada iyo hab–nololeedkooda. Qaaradda ay dagaalladu halakeeyeen berigaa ee Yurub waxa hoggaamiyayaashoodu ay isku raaceen iskaashi siyaasadeed iyo mid dhaqaale in ay yeeshaan, si ay uga baaqsadaan dagaallo kale oo dhexmara. Nabadda ka hanaqaadday Yurub waxaa sidoo kale dhidibbada u taagay gargaarkii uu Maraykanku ku taageeray dibudhiska Qaaradda, kaas oo loogu magacdaray Marshall Plan. Jeneraal Marshall oo ahaa Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Maraykanku wuxuu dhammaadkii Dagaalkii Labaad ee adduunka yidhi: “Waxaynu hadda ka walaacsannahay nabadda caalamka oo dhan, nabaddana waxaa ilaalin kara oo keliya kuwa awoodda leh”. Hoosna wuxuu u yidhi in awooddu tahay heerkaaga dhaqaale, doqonna loo sheegi maayo, nin rag ahina wuu garanayaa.
Amarkutaaglaynta maaliyadeed iyo meliteri ee Maraykanka waxaa sees u ah awooddda warshadaha. Haayadaha Bretton Woods–ka la isku yidhaahdo ee Bangiga Adduunka iyo Haayadda Lacagta Adduunkaba wuxuu asaaskoodii ka lahaa sidii uu dunida, dhaqaale ahaan, u sii haysan lahaa. Dhinaca kalena, awooddii uu qarnigii sagaal iyo tobnaad Ingiriisku ku haystey caalamka intiisa badan waxay ahayd awood ganacsi. Shirkadaha aynu ka xusi karno ee uu adduunka ku qabsaday waxaa ka mid ah: British East India Company (1600), Hudson’s Bay Company (1670), the Peninsular and Oriental Steam Navigation Company (1837), and Cecil Rhodes’s British South Africa Company (1889). Sababihii ay reer Yurub u qabsadeen una gumaysteen Qaaradda Afrikana waxaa lagu sheegaa saddex sababood oo waaweyn: in ay gurtaan khayraadka dihin ee Afirka; addoomo warshadahooda uga shaqeeya; iyo suuq ay u soo iibgeeyaan alaabaha ay warshadahoodu soo saaraan. Kuwaas oo dabcan la wada xidhiidha dhaqaale.
Dagaalkii uu dalka Maraykanku ku qaaday Fiyeetnaam, 1960–meeyadii ilaa 1975–kii waxaa ka dhashay khasaare lixaad leh oo halis geliyey reer Fiyeetnaam. Waxaa buburay dhammaan kaabayaashii dhaqaalaha, waxaana noloshoodii ama xubnahoodii ku waayey malaayin qof—tacabka dadka. Dagaalkaasi wuxuu 1960–kii waddankaas ka dhigay ka ugu saboolsan adduunka. Hasayeeshee dadka Fiyeetnaam waxay si karti iyo geesinnimo ku jirto ku bilaabeen dhaqdhaqaaq dibudhis oo gaadhsiisan in ay si degdeg ah u soo jiitaan maalgashiyo macaash badan oo u horseeday koboc dhaqaale oo degdeg ah. Kuwaas oo maanta ka mid dhigay dalalka ugu hodansan qaaradda Aasiya. Dadaalkaas waxaa horseeday dibuhabayn siyaasadeed iyo dhaqaale oo isdabajoog ahaa oo dowladdu samaysay—waxaa dalkaa looga yaqaan Đổi Mới.
Sidaas oo kale, dabayaaqadii Dagaalkii Labaad ee Adduunka, kolkii uu Maraykanku ku dhuftay nukliyeerka Horishima iyo Nagasaki waxay reer Jabbaan muujiyeen adkaysi ashqaraar ku riday caalamka oo dhan. Waxayna durbadiiba bilaabeen dibudhis xoog leh, kuwaas oo maanta magaalooyinkaa ka dhigay magaalooyin casri ah oo horumar badani ka muuqdo. Afrikana waxaa tuseele wanaagsan noqonaya Ruwanda oo mid ka mid ah xasuuqyadii ugu xumaa adduunku ka dhacay, maantana meel fiican maraysa. Botuswaana ayaa iyana ka mid ah dalka keliya ee markii uu xoroobay dejistay qorshe horumarineed oo taabbagalay—qorshahaas oo gaadhsiisan in beeralayda caymis u sameeyaan, si looga samatabbixiyo abaaraha iyo musiibooyinka dabeeciga ah. Dalkaas oo aan gargaar shisheeye aan ku tiirsanayn, maanta waa dalalka la majeerto ee horumarka baaxadda leh sameeyey.
Guud ahaan, dalalka Afrika waxay dawladnimadooda ku dhiseen kaalmo shisheeyo oo aan sinaba u anfacayn! Hoog iyo halaag farabbadanna u horseeday. Dhaqaalaha liita ee dalalkaasina waa sababaha keena colaadaha ka aloosan dalal badan oo Afrika ah.
Soomaaliyana dalalkaas ayay safka hore kaga jirtaa. Siyaasad–dejiyayaashii Soomaalidu waxay ahaayeen dad aan maarayn karin xaaladdii lagu jiray, dadka iyo madaxduna waxay ahaayeen isku garaad oo waxay la wada salbabakheen gobannimada la hantay. Wax kastana waxaa lagaga kaaftoomay “aan maalno hasheenna Naandeeq”—dowladnimada la maalayo waa khalad fahan ka dhashay guud ahaan, adduun’aragga xooladhaqatada, gaar ahaanna kan geeljiraha. Hadal xaq ahaa oo haddii laga dhabayn lahaa dalka anfici lahaa waxaa yidhi Raysal-wasaare Maxamed X. Cigaal. Waa hadalkii uu yidhi markii Ingiriiska laga xoroobay ee u dhignaa: shaqadii yarayd way soo dhammaatay—gobannimadoonkii—shaqadii badnaydna waa hadhay—dowlad-dhiskii. Nasiibdarro se afka baarkiisa ayay ka ahayd. Ilaa lixdankii waxaa Soomaaliya ka jiray hannaan maamul oo fadhiid ah “Petrified bureaucracy”. Kaas oo aan bulshada wax badan kaga aaddanayn, kolalka qaarkoodna iyaga halis ku ah, sida marar badan dhacday.
Xilligii xornimada la ma dejin wax qorshe dhaqaale ah. Marka laga tago qorshayaal horumarineed oo ay dalal shisheeye maalgeliyeen, badankoodiina ay fashilmeen. Hasayeeshee, intii hirgashay waa inta ilaa maanta la manaafacaadsado ee loo aayay. Markii laga yaabay sida xilkasnimadarrada ah ee lacagihii loogu deeqay ay u dayacday waxaa Soomaaliya lagu naanaysay “Qabrigii Gargaarka”. Fashil ka weyn ma jiro ummad waxqabsan weyday wixii loo qabtayna dayacday! Dowladihii burburka ka horreeyey waxay dakhliga kooban ee dowladda u isticmaali jireen kharashaad, badhna waxay ku lumin jireen musuqmaasuq. Marnaba ma dhicin in qofka Soomaaliga ahi ka durduurto khayraadka dihin ee dalkiisa. Xilliyadii ay Dowladdii Kacaanku ka sheekayn jirtay siyaasaddii dhalanteedka ahayd ee “iskufilnaashaha” waxay ahayd xilliyadii ay tacabbireen Soomaalidii ugu badnayn, kuwaas oo Khaliijka nolol ka raadsaday. Dhinaca kalena, xilligaasi wuxuu ahaa wakhtiyadii Soomaaliya loo bixinayey “Qabrigii Gargaarka”. Asalkana ma jirin qorshe dhammaystiran oo taa lagu gaadhayo. Mana muuqan ifafaale muujinaya gaadhitaanka “iskufilnaasho”, marka laga tago qorshe horumarineed oo dalal shisheeye maalgeliyeen. Gargaar shisheeyana, horumar lagu ma gaadho.
Dhinaca kale, waxaa xoogga la saaray helitaanka Gobolladii maqnaa, iyada oo aan la dejin istaraatiijiyad wax-ku-ool ah. Waxaa la maalgeliyey jabhado ka dagaallama saddexdii Gobol ee gacmaha gumaysiga ku jirey—Jabbuuti, Soomaali Galbeed iyo NFD. Tacabkaasi wuxuu noqday hal bacaad lagu lisay oo waxba laga ma dheefin, marka laga tago Jabbuuti oo xornimo heshay—sidii ay doonto ha ku heshee. Waxaas oo dhan waxaaa ka horreeyey in xoogga la saaro sidii dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo dowladnimo ahaanba cago adag loogu istaagi lahaa. Marka intaa la sugo, suuragal ayay noqon lahaayeen qorshayaal badan oo masuurtowdo noqday, maal iyo maskax badanna lagu lumiyey. Surmaseegtada siyaasadeed ayaa ku badnayn siyaasiintii talada qabatay. Waxayna ku guuldaraysteen in ay ummadda mideeyaan, dhaqaale dhis, dowlad–dhis iyo dhanka horumarkana u jiheeyaan. Kana shaqeeyaan siyaasado waxyaalahaa suuragelinaya.
Haddii sidaa la yeeli lahaa waxaa soo bixi lahaa dal awood leh oo laga haybadaysto. Waxaana hubaal ah in dalba, dalka uu ka dhaqaale badan yahay awooddiisa arrimaha dibadduna ay adag tahay. Sidaa darteed, waxaan anigu qabaa haddii Lixdankii laga shaqayn lahaa horumarka dhaqaale ee dalka in si fudud oo aan dagaal ahayn lagu heli lahaa Gobollada maqan. Sidaa si la mid ahna, laga baaqsan lahaa burburkii dhacay 1991-kii, kaas oo ilaa maanta loo maara la’yahay.
Waxaa la isku waafiqi karaa in hannaanka loo marayo dib-u-soocelinta dowladnimada Soomaaliya ay khaldan tahay —labaatan sanno hortood oo ay soo bilaabmeen dadaallada lagu baadigoobayo dowlad Soomaaliya ka hanaqaadda, weli lagu ma guulaysan, la mana hayo dowladnimadii la rabey. In kasta oo ay jiraan wax u eeg dowlad oo aan qaban shaqooyinkii dowladnimo. Burburkii ka dib, dowladnimada faderaalka ah ee shisheeyuhu dabada ka riixayeen ee maanta jirta lagu ma dhisin, ku mana shaqayso, siyaasado dhalad ah. Waxaana la galay khalad ka weyn kii Lixdankii. Waxaa xal la moodayaa haysashada dowladnimada maqaarsaarka ah ee Carta lagu soo dhisay, si la mid ah sidii loo wada hadhsaday dhaqaalihii iyo dowladnimadii dhalanteedka ahaa ee gumaystaha laga dhaxlay. Marnaba la is ma wayddiin, maxaa inaga khaldamay, waa noocma dowladnimada aynu u baahannahay iyo tubta loo marayo dowladnimo hagaagsan. Waxay ahayd in xoogga la saaro taabbagelinta tiirarkii aynu soo sheegnay oo sida hubaasha ah aan kala maarmin.
Dhaqaale la helyaaba, nabad la hel. Dhaqaaluhu, sidoo kale, wuxuu lagamamaarmaa u yahay sugitaanka amniga. Mar kasta oo shaqo la helo waa mar kasta oo ammaanku hagaago, dadkuna nolol qaayo leh ku naaloodaan. Haddii aan ganacsi jirin, shaqo ma jirto, haddii aanay shaqo jirinna cashuur ma jirto, haddii aanay cashuuri jirinna, dowladi ma jirto! Dowlad dhiska Soomaaliya waa in laga bilaabaa xagga hoose. Waa in la helaa siyaasado dhaqaale iyo kuwo la xidhiidha haayadaha dowladda. Dhaqaale dhiska iyo dowlad dhisku ma kala maarmaan waana in is barbar wadaa. Dalba dalka uu ka dhaqaale xooggan yahay ka dowladnimo xooggan. Waa sababta dalalka saboolka ahi ay badiyaa u burburaan ama ugu nugul yihiin in ay buburaan. Amniga Soomaaliya iyo dowladnimada Soomaalidaba, oo noqday xujo, furisteedu adag tahay, waa in laga bilaabaa horumarinta dhaqaalaha. Waa in shaqo abuur badan loo sameeyaa dhallinyarada, si ay uga baaqsadaan ka qaybqaadashada dagaallada kala duduwan ee Soomaalida u dhexeeya. Si horumar dhaqaale loo halabsadana waa in la helaa siyaasado hufan iyo haayado dowladeed oo hanaqaad ah.