Skip to main content

Geeska Website

Friday 20 September 2024

SIYAASAD

Siyaasad
Maxay Erertariya u joojisay duulimaadyada Diyaaradaha Itoobbiya?

Hay’adda Duulimaadyada ee Eretariya ayaa go’aan ay soo saartay ku amartay shirkadda duulimaadyada ee Itoobbiya in ay joojiyaan duulimaadyadooda Asmara laga bilaabo 30-ka Sebtembar, balse, shirkadda Duulimaadyada ee Itoobbiya ayaaba ka hormartay oo joojisay duulimaadyadeedii Asmara saddexdii bisha, sida ay ku sheegeen warbixin ay dhawaan soo saareen.

Siyaasad
Go’aannada Muqdisho ee ka dhanka ah Hargeysa iyo cawaaqibtooda

Waxaa laba kaclaysay xiisadda ka dhex taagan xukuumada federaalka Soomaaliya iyo Soomaalilaan, ka dib markii Muqdisho ay soo saartay go’aanno ay ku amrayso shirkadaha duulimaadyadu in ay ka saaraan magaca Soomaalilaan liiskooda oo ay ku beddelaan Soomaaliya (Hargeysa, Soomaaliya). Waxa ay sidaas oo kale ku amartay shirkadaha lacagaadka iyo xawaaladaha, iyadoo arrintan u aanaysay in ay tahay mid meel ka dhac ku ah qarannimada dalka, Muqdisho waxa ay qorshaynaysaa in ay tallaabo caynkaas oo kale ka qaaddo arrimaha la xidhiidha dekadaha.

Siyaasad
Tartanka Doorashooyinka Maraykanka

Muddooyinkii u danbeeyey, saaxadda siyaasadda ee Maraykanka waxa ku soo kordhay is beddelo  dib u qaabeeyey loollanka doorashooyinka madaxtinimo ee qabsoomi doona bisha Nofembar 2024, tusaale ahaan, 13 Julaay 2024-kii, Murashaxa xisbiga Jamhuurka Trump, isaga oo ku sugan  gobolka Bansalfeeniya, waxa uu ka bedbaaday isku day dil.

Siyaasad
Mamo Mihretu: Hindisaha Siyaasadda Cusub ee Bangiga Dhexe ee Itoobbiya

Raysal wasaare Abiy Axmed waxa uu u xilsaaray furfurida dhaqaalaha Itoobbiya, Mamo Mihretu oo shaqaale ka ahaan jiray Bangiga Adduunka. Balse, falsafadiisa dhaqaale waa mid camali ah oo ma rabo in mar kaliya wax kasta minjaha loo rogo. Sannado badan dhaqaalayahanku waxa ay ku dooddayeen sicirka sarifka ee xaddidan ee qaaligana ahi in uu cagaha hayo koboca dhaqaalaha Itoobbiya. Waxa uu dalka ka idleeyay kaydkii lacagta qalaad, waxa uu hoos u dhigay dhoofinta alaabaha, oo waxa uu horjoogsaday in shacabku dalal qalaad maalgashi ku samayn karaan.

Siyaasad
Halkee buu ku danbeeyaa dagaalkii ka dhanka ahaa al-Shabaab?

Muddo ka badan hal sanno waxa isa soo tarayey, baaqyada xukuumada ee dib u bilaabista wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah xarakada argagaxisada ah ee al-Shabaab, mana jiraan wax tilmaamo ah oo muujinaya xilliga xukuumadu qaadayso hawlgallada militari ee ay sheegtay.

Aragti

Mashaqada Adeegga Caafimaad ee Soomaalida

Bukaan Faarax waxa uu muddo dheer ahaa bukaan-socod, sida ay Soomaalidu u taqaan qofka aanay xaaladdiisa caafimaad degganayn, haddana aan u jiifin kuna foognayn in uu si firfircoon u raadsado baanasho. Waxa uu si joogto ah u qaadanayay daawada yareysa aysiidha caloosha ee, inta badan, loo cuno cudurka ay Soomaalidu ugu yeedho ‘Gaasterida’. Dhab ahaan Mudane Faarax iska ma uu bilaaban daawadan, sida ay dad badani yeelaan e, isaga waxa u qoray dhakhtarro dhawr ah oo uu mar hore talo biday. 

Dhammaadka Gaarnimadii Soomaalilaan

Hogaamiyayaasha Soomaalilaan waxa ay u dhigaan in ay tahay Jamhuuriyad nabad ah oo xasilloon, oo ku taal gobol rabshado badan oo aan xasilnayn. Haddana, baanahaa marka laga tago, waxaa dhidibada Soomaalilaan rifaya musuqmaasuq, sinnaan la’aan dhaqaale iyo fadhiidnimado siyaasadeed. Kolkii ay shacabka reer Biritan ay gaadheen quustii ugu darnayd, ayuu raysal wasaarihii xisbiga Shaqaaluhu Jim Callaghan shir saxaafadeed qabtay Janaayo 1979.

Gacmo (iyo Caqli) Geeljire

Dhaqannada adadag ee duunka qofka iyo bulshada Soomaaliyeed ku xididaystay waxa ka mid ah in ay jiraan waxyaabo “aan afka la soo marin karin” oo ay tahay in laga sarriigto. Waxyaabahaas jiritaankooda, badiyaa, la isku ma diiddana. Hasayeeshee waxa jab ka joogaa sheegsheegistooda. In lagu sayaxo, oo wixii hadoodilnaa la feydaa waa dhegxumo iyo ceeb loo badheedhay. Marka la faqayo waa la isugu garaabaa oo la isla jiibiyaa, balse fagaare in lala soo istaagaa waa wax reebban. 

Soomaalilaan iyo taladii Ibraahim Maygaag

1960 waxa midoobay laba qaybood oo ka mid ah Shantii Soomaaliyeed ee uu gumaysiga reer Yurub qaybiyey. Si guud, intii dedaalka xornimodoonku socday, Soomaalidu waxa ay u hanweynaayeen dawlad ay Shanta Soomaaliyeed ku midoobaan, sidaas darteed, labada qaybood ee sida dhakhsaha ah isugu biiray waxa ay isku dayeen ka dhabaynta hankaas Soomaalinnimo. Dhaliilo badan oo jiilkii dambe u soo jeediyaan dadkii midnimada sida degdegga ah u galay, dadkaas umay muuqan, kala qaybsanaantana raad gumaysi ayay ka urinayeen.

Maxaa Hortaagan Muwaadannimada loo Dhanyahay in ay Soomaaliya ka Hirgasho?

Borofeysar Afyare Cabdi Cilmi, oo ah aqoonyahan daneeya arrimaha dowlad-dhiska, nabadda, iyo dowlad wanaaga ayaa qoray maqaalkan oo bidhaaminaya muwaadinnimada Soomaaliya, caqabadaha iyo fursadaha jira. Intii uu barofaysarku ku guda jiray daraasaddaan, waxa uu adeegsaday habka isku dhafka ah ee habraaca daraasadda (Convergent design).

Dhaqan

Feker
Sida Kelitalisnimadu Qalalaase u Abuurto

Isbeddelka ugu weyn ee ku yimid fahanka kalitasnimada, laga soo bilaabo dunidii hore ilaa maanta, waa doorka dadka ku hoos jira kelitalisnimada. Casriyadii hore, kalitalisnimadu waxa ay ahayd mid leh shacbiyad taas oo ay sabab u ahayd jiritaanka dad u arkayey in ay danahooda ku hawlantahay.

Feker
Buruud: Saamaynta Jacaylka iyo Cabsida

Dhaaxaan maqalnay kelmedda buruud, burji ama haybad. Waagaan yaryarayn marka laga sheekaynayo  libaax badanaa waxaa lagu lifaaqi jiray dareen cabsiyeed. Waxaa lagu fasiri jiray in libaaxu buruud leeyahay oo istaahilo in laga baqo, Raage ugaas na waa kii lahaa:Codkii laga baq arraggiis la carar wadar na caydheeyeIl-casuusle raadkiis carjab ah laga cabsoonaadeCiddiyo dhuuryo coofaar-bulloow ci iyo reen baasle

Buug
Soogalooti

“Qofna gurigiisa kama tago, jeer oo gurigaasi noqdo af libaax-badeed.”—Warsan Shire, tixda Home

Masrax
Fan Kale

Filinka kooban ee Loollan ayaan daawaday. Run ahaan dulucda uu xanbaarsan yahay way ka mug weyn tahay waqtiga aadka u yar ee uu soconayo. Waa wiil ifka ka raba in uu fanka la falgalo oo wanaagsanaado, noloshana wanaajiyo. Laakiin waxa hadhaynaya, iskuulka ilaa aqalka, aragtiyo lid ku ah oo cabbudhinaya rabitaankiisa. Waa fekerro warxumatashiil ah oo fanka u arka qarribaad iyo falxumo.

Masrax
The Hunt, qarracanka danbi-la’aawaha

Filinkan waxa soo saaray Thomas Vinterberg, waxana jilaya Mads Mikkelsen, isaga oo soo baxay sannadkii 2012. Filinkan sheekadiisu waa mid aad u kakan, adagtahay daawashadeedu isla markaas na xiiso leh, mudanna in la daawado, waxa uu tixraac ku samaynayaa Luukas (Mads) oo ku nool tuulo aad u yar, bare ka ah goob lagu barbaariyo ubad yaryar, noloshiisu socoto, haba xiiso yaraato e.

Buug
Sooyaalka Dr. Xaawo Cabdi iyo Guudmarka Buuggeeda “Keeping Hope Alive”

Taariikhda Dr. Xaawa oo KoobanXaawa Cabdi waxa ay ku dhalatay magaalada Muqdisho, 17kii May, 1947, waxa ay ka mid ahayd ardaydii fursadda waxbarasho u helay dalka dibaddiisa, waxa ayna kulliyadda Caafimaadka ka diyaarisay jaamacad ku taalla caasimadda Yukray, ee Kiyeef (Hore USSR) waxa ayna si gaar ah ugu takhasustay arrimaha Taranka Dumarka (Gynecologist). In ay barato caafimaadka waxa uu salka ku hayay geerida hooyadeed oo u dhimatay daryeel caafimaad la’aaneed. Xaawo, waxa ay ku barbaartay oo ku kortay magaalada Muqdisho.

Buug
Gorfeynta Buugga Sacda Mirre ee “Dihnaan Rabbaani ah” (Devine Fertility)

Maanta, gobolka Geeska Afriki waa mid kala qaybsan siyaasad ahaan iyo bulsho ahaanba, kala qaybsanaantani waxa ay keentay colaado baahsan iyo aaminaada bulshooyinka ka dhex abuurantay; xataa kuwooda isku qawmiyada ah, ee ah in kala tagsanaanta bulshooyinka gobolku tahay mid aan wax laga qaban karin. Waxaa taa ka dhashay, in dadku xaaladaha hadda taagan dib ugu celiyaan tagtada, oo ay hindisaan sheekooyin soo tebinaya colaadda qarniyada soo taxnayd ee kala dhaxaysay kooxda ay hadda is hayaan.

Feker
Doorashada Addoonnimada: Waa Maxay Macnaha in aynnu Dhallanay Innaga oo Xor ah

“Aynnu u dhug yeelanno farriinta wiilkan lix iyo toban jirka ah”

Maltimiidhiya

🎬 Kaalintii Reer Galbeedka ee Shirqoolkii Lamuumba

Muuqaalkani waxa uu soo gudbinayaa qoraal waraysi ah oo uu Faysal Cali oo ka tirsan bahda Geesku uu la yeeshay Stuard Reid, qoraaga buugga The Lumumba Plot, kaas oo qoraagu dib ugu eegayo dilkii shirqoolka ahaa ee Lamuumba, isagoo si gaar ah diiradda ugu saaraya doorkii uu Maraykanku ku lahaa shirqoolka Lamuumba iyo u jilba dhigista xukuumadda mid ka mid ah hoggaamiyayaasha Afrika ugu haldoorsan.

🎬 Yaa Dekad ka Maarma?

Hoggaamiyayaasha Geeska Afriki waxa ay aad u hadal hayaan faa’idooyinka badan ee ay leedahay in ay bulshooyinkooda u dhisaan dekado, taas oo saldhig u ah mashaariicaha ay ku hormarinayaan degaannadooda.

🎬 Dunta Koonfur Afrika ku Xidha Falasdiin

Ibraahin Rasool oo danjire u noqday Koonfur Afrika, taliskii midabtakoorkana la dagaallamay, wuxuu Geeska uga warramayaa sababta uu dalkiisu u dacweeyay Israa'iil, waxa ay taasi uga dhigan tahay, iyo sida qadiyadda Falasdiin ay ugu dhowdahay qalbiyada reer Koonfur Afrika.

🎬 Geeska - Hir Cusub

Geeska - Hir cusub: Mareeg ku hawlan qaabaynta warbaahinta dhaqameed ee Geeska Afrika. 

Waraysi

Waraysi
Guugi wa Tiyaango: La-sheekaysiga Tiirriga Suugaanta Afrika

GOGOLDHIGAktoobar horraanteedii waxa aan u safray Ifiriin si aan u la kulmo sheekafalkiyaha weyn Guugi wa Tiyaango[1]. Hore waxa aan dhawr toddobaad ku soo qaatay maamulgoboleedka Aywa, oo ay galaabixinaysay dabayl qabow. Se halkan waxaa is helay fallaadhaha qorraxda iyo diirrimaadkii Kaalifoorniya, waxaana unkantay neecaw carfoon. Si deggan ayaa aan u saldhigtay kursiga dambe ee tagsiga. Waxaa bannaanka meel kasta maraya taraagyada Ameerikaanka. Waxaa i gu geedaaman carafta neecowda ka soo kakamaysa badweynta. 

Waraysi
Isbaarooyinku Maxay inaga Barayaan Xidhiidhka ka Dhexeeya Qabiillada Soomaalida iyo Dhulka?

Warqad ay dhawaan daabaceen, koox cilmibaadhayaal ah ayaa waxa ay ku dooddeen in isbaarooyinka Soomaaliya ay ina siinayaan fursad aan ugu kuurgalno ugana fekerno sida iyo sababta ay beelaha Soomaalidu dhul u sheegtaan, waa lafagur cusub oo muhiim ah, taas oo dib u eegaysa sida aan uga fekerno dawlad dhiska Soomaaliya.Horaantii Ogos ayaa Norman iyo laba cilmibaadhe oo ay wadashaqeeyaan, Cabdiraxmaan Iidle iyo Peer Schouten (Mr Roadblock), waxa ay baahiyeen warqad cilmibaadhis ay wadaan ka warbixinaysa, taas oo ay ku baadheen

Waraysi
Xaaji Jaabir: Foolaadka sheekofaneeda Carbeed ee Geeska Afrika

Xaaji Jaabir waxa lagu tiriyaa foolaadka sheekoyahanka marka la joogo sheekafaneedda Carbeed ee ka soo mudhbaxaysa Geeska Afrika.

Waraysi
Waraysi: Kiristafor Ansaloone.. Maxay ka dhigantay inuu Cabdiqaadir Muumin noqdo Khaliifka Daacish?

Ka dib markii ay soo baxeen warbixinno ku magacaabay Cabdiqaadir Muumin in uu yahay hogaamiyaha caalamiga ah ee Daacish (ISIS), Geesku waxa uu Christopher Anzalone oo ah khabiir ku xeeldheer ururrada argagaxisadda, ka warraystay saamaynta sii kordhaysa ee Daacishta Soomaaliya ku leedahay shabakada caalamiga ah ee Daacish (IS) iyo in uu lafaguro in ay looga qaateen yihiin wararka warbixinnadaasu sheegayaan,.

Waraysi
Xilmi Bin Meryam: Qiimaha Nuuradiin Faarax waxa garan kara ruuxii ka bogta qoraalladiisa

Xilmi Bin Meryam waxa uu Geeska uga warramay cilmibaadhistiisa ku saabsan sheekooyinka iyo qoraallada kale ee Nuuradiin Faarax, iyo guud ahaan suugaanta Soomaalida.Xilmi Bin Meryam waa buuni ku xeeldheer cilmibaadhisaha Soomaalida oo reer Tuniisiya ah, kaas oo cilmibaadhisihiisu daarran yihiin suugaanta Soomaalida ee af Ingiriisiga ku qoran.