SIYAASAD
Doorashada Somaliland ka qabsoontay 13-kii Noofambar, 2024 waxa ay ahayd doorashadii sagaalaad ee ka dhacda Somaliland laga soo bilaabo markii ay Somaliland madaxbannaanideeda ku dhawaaqday sannadkii 1991-kii. Somaliland waxa ay qabatay afti dadweyne oo loogu codaynayay distuurka dalka, muddadii intaas ka dambaysayna waxa ay qabatay doorashooyinka golayaasha deegaanka, wakiillada, ururrada iyo madaxtooyada.
Sugitaan dheer iyo u kuurgal weyn ka dib, oo laga warsugayay natiijooyinka ka soo bixi doona doorashada Maraykanka oo ay ku tartamayeen Donald Tramb iyo Kamala Haaris, waxa ay kusoo dhamaatay in Tramb ku baadiyo codad badan oo ah kuwa Guddiga Doorashada iyo codadkii bulshadu dhiibatay.
Axmed Madoobe waa nin isbeddelo badan soo maray, 2006 waxa uu ka mid ahaa xubnihii aasaasay xarakada al-Shabaab, waxa uu noqday xubnaha ugu khatarta badan ee xarakada oo ay Maraykanku muddo raacdaynayeen, tan iyo aasaaskii Jubbalaan (2013) waxa uu ahaa madaxweynaha maamul goboleedkan, booqashadii taariikhiga ahayd ee Joon Keeri ku yimid Muqdisho 2015 ayaa cafis loogu fidiyay.
Sidii caadada u ahayd, Soomaalilaan berri waxa albaabada loo furi doonaa goobaha codeynta ee doorashooyinka Soomaalilaan ee isku sidkan. Soomaalilaan iyada oo aan weli dunida ka helin ictiraaf isla markaasna ah dal aan lahayn dhaqaale buuran kuna taalla gobol xasarad u joog ah ayey ku guulaysatay in ay qabato doorashooyin kala duduwan oo ay majiirteen kormeerro caalami ah oo goob joog u ahaa. Doorashadan isku sidkan ee ay berri inaga xigto waa labo doorasho oo isa saaran se nuxur ahaan kala madaxbannaan.
Natiijada doorashadii Maraykanka aad ayaa looga soo dhaweeyey [Jamhuuriyadda] Soomaalilaan, iyada oo la rejaynayo in madaxweynaha la doortay il gaar ah ku eego qaddiyadda Somaliland. Hase ahaatee, dad badan oo siyaasadda u dhuundaloola ayaa ka digaya in rejadaas lagu hungoobo. Markii la shaaciyey guusha Donald Trump ka gaadhay doorashada Maraykanka, Soomaalilaan waxa ay noqotay dalkii koowaad ee Afrika ee Trump ugu hambalyeeya guushaas.
Aragti
Dhimashadii Yaxye Sinwaar ka dib, waxa faafay isbarbardhigga la xidhiidha sida sooyaalka halgamaagu uga dhex samaysmo sawirka laga arko gebagebada nolosha halgamaagaas. Qoraayada kasoo jeeda garabka bidix, waxa markaba maskaxdooda kusoo dhacaya isbarbardhigga laba sawir: waa sawirka iska caabbintii u dambaysay ee Sinwaar iyo sawirka Che Guevara ka dib markii dilka lagu fuliyey, oo isaga oo naxash saaran, ciidan iyo sirdoonna ku xeeranyihiin warbaahinta loo soo bandhigay.
Soomaalilaan ayaa ku wargelisay dublamaasiyiinta Hargeysa jooga in ay isafgaradkii Itoobbiya ay horraantii sannadkan la galeen heshiiskiisii rasmiga ahaa diyaariyeen, oo uu saxeexii uun u dhiman yahay, sida ay dhawaan xustay Addis Standard.
Warbixin lagu qoray wargeyska Biritan ee Financial Times ayaa aad loogu faahfaahiyey qaababka sirdoonka Israa’iil u jabsadeen xogta ururka Xisbullaah, oo ururkan ku sababay khasaare weyn oo aanu si fudud uga soo kaban karin. Haddii qof sii saadaalin lahaa waxyeellada sirdoonka Israa’iil u gaystay ururka iyo sida uu u dhexgalay, runtii qofkaas aad ayaa looga maadsan lahaa, sababtoo ah waxa la innagu qanciyey in aan ururkan la jabin karin, oo uu awood ahaanna noqday jabhadda dunida ugu awoodda badan.
Ilaa hadda waxa Geeska Afrika ka taagan saamaynta khilaafkii ka dhashay is afgaradkii qabsoomay bishii koowaad ee sannadkankaas oo u dhexeeyey Itoobbiya iyo Soomaalilaan . Heshiiskan, Soomaalilaan waxa ay Itoobbiya u ballanqaadday in ay siinayso dhul ay saldhig ciidan ka dhisato, oo dhinac walba u ah 20 kiiloomitir, kuna yaalla xeebta Soomaalilaan.
Maalinta qaranku waxa ay Somaliland uga dhigantahay farxad iyo xasuuso dagaal oo is huwan. 18-ka May, madaxweynaha iyo masuuliyiin kale ayaa daawada dhoollatus waddadada dheer lagu soo bandhigo. Guutooyin ciidamo ah, dad ciyaaro kala duwan soo bandhigaya iyo libaax dhabarka loogu duubay calanka Somaliland ayaa waddada maraya. Ciidamada kala duwan ayaa is daba socda; millatari, ciidanka xeebaha, booliska iyo dabdemiska. Waxa ka daba yimi hubka noocyadiisa kala duwan; gawaadhi gaashaaman, tigniko iyo hub badan oo soo jiidasho ugu filan qofka daawanaya.
Dhaqan
Wole Soyinka waa nin dunida suugaanta, fanka iyo aqoonta caan ka ah, baarka sarena ah, sidaas daraaddeed la yaab ma leh in nolosha qoraagan abaalmarinta Noobalka haysta laga sameeyo filim dheer oo dhokumanteri ah oo magaciisu yahay “Jidkii Ibraahin”, oo uu soo saaray Kola Tubosun, werinta sheekadana uu leeyahay Femi Elufowoju JR.
Wax badan ayaa laga qoray wayddiinta ah in aynnu madaxbannaani u haysanno doonisteenna iyo in kale, waxaana muuqata in ka hadalka arrinkani muhiim u yahay nolosheenna.
Waxaan dareemi jiray anigoo ah gashaanti ku dhalatay magaalo xeebeeda Daraabulis, kelinnimo taam ah, taas oo i dhaxalsiisay cabsida iga ga sheelan wax walba. Marka aannu badda aadno waxa aan istaagi jiray khooriga biyaha oo waxa i ga bajin jiray maayadda badda. Waa aan ka baqan jiray dukaanlayaasha wareegaya, dadka dabakaayooyinka leh iyo cid kasta oo eray i la soo aadda.
Qaxoontigu waa xaalad barakac oo ka dhalata nabadgalyadarro ay wajahaan koox dad ahi si ay badbaado u helaana u qaxa meel ay nabad ku dareemayaan, meeshaas ay u qaxayaani waa in aysan noqon meel dalkooda ka mid ah ee ay tahay meel ay xuduudo sharci ah oo jira ay uga tallaabeen. Qiyaas ahaan, 120 milyan oo qof baa dunida qaxoonti ku ah oo ka barakacay dalkoodii iyo deegaankoodiiba, dibna aan ugu laaban karin dalkoodii oo magan u ah dawladdo kale iyo haayado caalami ah.
Inta ay naan dhallada uga bixin soo koobidda buugga uu qoray buuniga reer maraykan ee culluunta siyaasadda ku takhasusay Ian Bremer aan in yar idinka daba geeyo, sooyaalka buunigga.
Dhaqankii abkasoogaadhka ahaa ee is haybsiga, waxa uu heeryihiisi u la soo wareegay dunida dhijitaalka ah. Muddadiiba, deegaannada Soomaaliyeed, waxa ka dhaca dagaallo sokeeye. Dagaalladaas sokeeye waxa ay naafeeyaan wax kasta oo kaabe nololeed ahaa, noqonna karayay. Waxaana la galaa xilligooreed cuqdadeed, oo intii isu gu dhawayd ay u ka la irdhoowaan dhedada ka soo askunta naxligaas huursan ee colaadda.
Buugga “War”, oo ay dhawaan daabacday
Sanadihii u danbeeyey waxa la arkay isbeddel muuqda oo ku yimid ka hadalka cudurrada ku dhaca dhimirka. Waayadii hore, caafimaadka dhimirka waxa ku hareeraysnaa, haaraan, aamusnaan iyo cabsi hadda se in la rog rogo laga na hadlo caqabadaha ku gedaaman waxa ay noqdeen qaar si weyn u muuqda siiba degellada kala duwan. Laakiin taas qudheeda waxa weheliya caqabado iyo rumaysnaanta gaarka ah.
Maltimiidhiya
Muuqaalkani waxa uu soo gudbinayaa qoraal waraysi ah oo uu Faysal Cali oo ka tirsan bahda Geesku uu la yeeshay Stuard Reid, qoraaga buugga The Lumumba Plot, kaas oo qoraagu dib ugu eegayo dilkii shirqoolka ahaa ee Lamuumba, isagoo si gaar ah diiradda ugu saaraya doorkii uu Maraykanku ku lahaa shirqoolka Lamuumba iyo u jilba dhigista xukuumadda mid ka mid ah hoggaamiyayaasha Afrika ugu haldoorsan.
Hoggaamiyayaasha Geeska Afriki waxa ay aad u hadal hayaan faa’idooyinka badan ee ay leedahay in ay bulshooyinkooda u dhisaan dekado, taas oo saldhig u ah mashaariicaha ay ku hormarinayaan degaannadooda.
Ibraahin Rasool oo danjire u noqday Koonfur Afrika, taliskii midabtakoorkana la dagaallamay, wuxuu Geeska uga warramayaa sababta uu dalkiisu u dacweeyay Israa'iil, waxa ay taasi uga dhigan tahay, iyo sida qadiyadda Falasdiin ay ugu dhowdahay qalbiyada reer Koonfur Afrika.
Geeska - Hir cusub: Mareeg ku hawlan qaabaynta warbaahinta dhaqameed ee Geeska Afrika.
Waraysi
Markii ay burburtay dawladnimada Soomaaliya, shacabkii ku noolaa caasimadda Muqdisho waxa ay u kala firdhadeen deegaannadii ay qabiilladoodu ka soo jeedeen, sidoo kale waxaa jiray dadyow u baxsaday dalka dibadiisa, balse, badidood waxa ay sii mareen nolol qaxootinimo.
Soofiya Samatar waxa dhalay Barafasoorkii weynaa ee Siciid Sheekh Samatar, hooyadeedna waxay ahayd macallimiintii wax ka dhigi jiray Kiniisadaha Menonaytka ee Muqdisho, Soofiya oo hooyadeed ka soo jeeddo gobolka Dakota, waxay ku dhalatay gobolka Indiyaana ee Maraykanka. Labadeeda waalid waxay ahaayeen macallimiin, akhriska iyo luuqadaha qalaad aad u jecel. Soofiya aabbaheed waxa uu ahaa baresare oo dhiga taariikhda Afrika, waxaana uu wax ku qori jiray, tifaftirena ka ahaa joornaallo cilmiyeed oo dhawr ah, hooyadeedna waxay ahayd macallimad luuqadda Ingiriisida barta dadka aan u dhalan.
GOGOLDHIGAktoobar horraanteedii waxa aan u safray Ifiriin si aan u la kulmo sheekafalkiyaha weyn Guugi wa Tiyaango[1]. Hore waxa aan dhawr toddobaad ku soo qaatay maamulgoboleedka Aywa, oo ay galaabixinaysay dabayl qabow. Se halkan waxaa is helay fallaadhaha qorraxda iyo diirrimaadkii Kaalifoorniya, waxaana unkantay neecaw carfoon. Si deggan ayaa aan u saldhigtay kursiga dambe ee tagsiga. Waxaa bannaanka meel kasta maraya taraagyada Ameerikaanka. Waxaa i gu geedaaman carafta neecowda ka soo kakamaysa badweynta.
Warqad ay dhawaan daabaceen, koox cilmibaadhayaal ah ayaa waxa ay ku dooddeen in isbaarooyinka Soomaaliya ay ina siinayaan fursad aan ugu kuurgalno ugana fekerno sida iyo sababta ay beelaha Soomaalidu dhul u sheegtaan, waa lafagur cusub oo muhiim ah, taas oo dib u eegaysa sida aan uga fekerno dawlad dhiska Soomaaliya.Horaantii Ogos ayaa Norman iyo laba cilmibaadhe oo ay wadashaqeeyaan, Cabdiraxmaan Iidle iyo Peer Schouten (Mr Roadblock), waxa ay baahiyeen warqad cilmibaadhis ay wadaan ka warbixinaysa, taas oo ay ku baadheen
Xaaji Jaabir waxa lagu tiriyaa foolaadka sheekoyahanka marka la joogo sheekafaneedda Carbeed ee ka soo mudhbaxaysa Geeska Afrika.